Home Blog Page 1111

Lacag magdhow ah oo lagu wareejiyay Hay’adda SoDMA.

0

Sabti, 22 March 2025 {HMC} Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo hay’adda Africa Risk Capacity (ARC) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo gabagabeeyay shir socday muddo shan maalin ah oo loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya.

Madax ka socotay Hay’addaha Caalamka, Safiirka Soomaaliya ee Nairobi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo ka socday seddex Guddi oo kamid ah Guddiyada Barlamaanka Soomaaliya ayaa goob joog ahaa munaasabadaan oo xooga lagu saaray arrimaha isbadalka cimilada iyo sidii loogu sii diyaar garoobi lahaa abaaraha kusoo wajahan Soomaaliya.

Hay’adda ARC ayaa Hay’adda SoDMA ku wareejisay lacag magdhow ah oo loogu tala-galay in lagu garab istaago dadka isbeddelka cimiladu saameyay, lacagtaan oo horey ay Dowladda u dalbatay si loogu gaaro dadka ugu liita Soomaaliya si looga bixiyo abaarta iyo gaajada lasii saadaalinayo.

Barnaamijkaan ceeymiska oo Soomaaliya muhiim u ah waxa ku jira wadamo badan oo African ah oo ay aduunyadu kaga dalbadeen in lacago magdhow laga siiyo waxyaabaha ay sida gaar ah u sameeyeen isbadalada Cimilada.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo sharraxayey saamaynta uu isbeddelka cimilada ku yeeshay Soomaaliya, ayaa xusay in abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha ka dhasha khayraad-yarida ay sababeen in 85% uu burburay tacabkii iyo wax soo saarkii beeraha, isla-markaana lacagtaan magdhow loo sii doono dadka ay saameynta ugu badan ku dhacday, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha isbeddelka cimilada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {22.03.2025}

Sabti 22, March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Muse Ali Herow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 22-3-2025.

0

Sabti 22,March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Ninka lixaadkiisa aan dhameyn haddana dagaalka kula jira A.S

0

Sabti 22,March 2025 {HMC}  Ninka lixaadkiisa aan dhameyn haddana dagaalka kula jira A.S

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Puntland oo war kasoo saaray isku dhacyo ka dhacay Garowe.

0

Sabti 22,March 2025 {HMC} Booliska Puntland oo war kasoo saaray isku dhacyo ka dhacay Garowe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweeyne Xasan oo Kulamo ka Wado Degmada Cadale.

Sabti 22, March 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa degmada Cadale kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha, waxgaradka, hoggaanka Macawisleyda iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada gobolka.

Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha iyo madaxda uu la kulmay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dardargelinta dagaalka lagula jiro argagixisada.

Itoobiya Oo War Ka Soo Saartay Weeraro Ay jabhada Fano Ku Qaadeen Saldhigyada Militariga

Sabti 22, March 2025 {HMC} Ciidamada Itoobiya ayaa ku eedeeyay Jeneraalka ugu sarreeya Tigreega inuu la shaqeeyo kooxaha hubaysan ee ku sugan gobolka ay dariska yihiin ee Axmaarada ka dib markii ay kooxuhu bilaabeen weeraro abaabulan oo ka dhan ah militariga.

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada qalabka sida ayaa lagu sheegay in Sarreeye Guuto Migbe Xayle oo kamid ah taliyayaasha ugu caansan ciidamada Tigreega uu gacan ka gaystay abaabulka gulufyada maleeshiyaadka Fano ee gobolka Axmaarada.

Waa markii ugu horeysay ee ciidamada amaanku ay magacaabaan masuul sare oo ka tirsan qowmiyadda Tigreega taas oo la xiriirta ku lug lahaanshaha colaadda Axmaarada.

Arrintan ayaa waxay muujin kartaa inay sii xoogaysanayso xiisada ka taagan Tigrayga.

Xayeysiin

Janaraalka oo wareysi siiyay mid ka mid ah warbaahinta qurba-joogta ah, ayaa ku gacan seyray eedeymaha loo soo jeediyay isaga iyo ciidanka uu ka amar qaataba in aysan wax xiriir ah la lahayn Eritrea.

Dhawaan Itoobiya waxay ku eedaysay koox ka tirsan xisbiga siyaasadeed ee Tigray inay gacan-saar la leeyihiin Eritrea. Si kastaba ha ahaatee, horraantii todobaadkan Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa meesha ka saaray dagaal uu la galo dowladdiisa oo mar xulafo la ahayd Eritrea.

Maleeshiyada Fano ayaa sheegtay in guulo la taaban karo ay ka gaareen ciidanka duulaanka ay ku qaadeen. Iyadoo ciidamada difaaca ay sheegeen, iska horimaadyo ka dhacay ugu yaraan lix aag gobolka Amxaarada, lagu dilay in ka badan 300 oo maleeshiyaad ah .

Ma jiro warar madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada xukuumadda Itoobiya.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {22-03-2025}

Sabti 22, March 2025 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiyare & Sahro Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

Booliska Puntland Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Dagaal Ka Dhacay Magaalada Garowe

Sabti 22, March 2025 {HMC} War-saxaafadeed kasoo baxay ciidanka Booliska Puntland ,ayaa lagu sheegay in maanta hawlgal qorsheysan ku qabteen gaari bas ah oo horay looga dhacay xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Puntland, kaas oo ay si sharci-darro ah u dhaceen maleeshiyaad ay sheegeen in ay isku ekeeysiiyeen ciidanka PSF.

Booliiska ayaa sheegay in gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac, sida booliiska sheegeen.

Warka booliiska ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska Puntland, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga, in ay si degdeg ah u jawaabeen, iyagoo gacanta ku dhigay labada gaari iyo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa falkan gurracan.

”Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga. Booliska Puntland waxay bulshada u caddeynayaan in aysan jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeyso amniga shacabka ama ay ku takri-fasho awoodda dowladda, si kastaba ha isku qarisatee, lala xisaabtami doono” ayaa lagu yiri warka booliiska Puntland.

Booliiska Puntland, ayaa sheegay marka baaritaanku dhammaado, Boolisku ay dadweynaha u soo bandhigi doonaan faahfaahinta dhabta ah ee kiiskan, si ay caddaaladdu u noqoto mid muuqata. Dowladda Puntland waxay mar kale ku adkeynaysaa go’aankeeda ah in aan la aqbali doonin kooxo hubeysan oo isku daya in ay dhibaato ku hayaan nidaamka iyo kala dambeynta.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 22/3/2025

0

Sabti 22,March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA