Home Blog Page 1113

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne kasto oo Maamul Goboleed Waa in Tuurahiisa Xirtaa oo dagaalka Hogaamiya.”M/Cali Cosoble.

0

Sabti 22,March 2025 {HMC} Madaxweyne kasto oo Maamul Goboleed Waa in Tuurahiisa Xirtaa oo dagaalka Hogaamiya.”M/Cali Cosoble.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Faah-faahinno laga helaayo nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo toogasho lagu dilay.

Sabti 22, March 2025 {HMC} Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xalay ka dhacday gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii toogasho lagu dilay nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo soo galay gudaha degmadaasi.

Ninka oo ku hubeysnaa bistoolad ayaa doonayay inuu dil ka gaysto goob ay ku afurayeen dad shacab ah, waxaana ka war helay ciidamada amniga oo ka horetgay.

Taliyaha amniga degmada Baardheere, Axmed Cabdullahi oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ninka oo la doonayay in la qabto uu lasoo baxay bistoolad, kadibna uu rasaas furay, taas oo ay ku dhaawacmeen laba qof oo shacab ah, kadibna isagii ay toogasho ku dileen ciidamada ammanka.

Axmed Cabdullahi ayaa tilmaamay in markii hore qorshaha uu ahaa in la nolosha lagu qabto eedeysanaha, balse uu dagaalamay, taasina ay keentay in goobta lagu toogto.

“Dhagar qabahaan oo aan xogtiiisa sii heynay oo doonayay inuu dil geysto goob dad shacab ah ku afurayeen ayaa markii gacanta lagu dhigi rabay bastoolad uu watay lasoo baxay isagoo isku dayay inuu dagaalamo, halkaas ayayna ciidanku ku toogteen raasaastii uu ridayna waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo dadkii afuraayay ka mid ahaa” ayuu yiri taliyaha amniga degmada Baardheere Axmed Cabdullaahi.

Dhanka kale, waxa uu ka hadlay ammaanka degmada oo uu tilmaamay inuu haatan wanaagsan yahay, isla-markaana ay howlgallo ka sameeyaan ciidamada dowladda, isaga oo sidoo kale bulshada deegaanka uga mahadceliyay wada-shaqeynta ay la leeyihiin laamaha amniga.

“Magaalada Baardheere 100% aad ayay u fiican tahay ciidamada joogana amniga shaqo wanaagsan ayay ka hayaan, way isla shaqeeyana bulshada deegaanka” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dhalinyarada weli ka barbar dagaalameysa Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay inay ka faa’iideystaan cafiska, ayna isku soo dhiibaan dowladda.

“Waxana baaq u direynaa ilmaha yaryar ee la qaldaayo ee qaraxyada lagu soo xiraayo inay ka faa’iideystaan fursadda cafiska ee madaxweynaha, ayna isa soo dhiibaan” ayuu mar kale yiri Taliyaha amniga degmada Baardheere.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ay weli joogaan xubnaha Al-Shabaab, waxaya weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaadaan degmooyinka iyo xarumaha ciidamada ee ku yaalla gobolkaasi, taas oo mararka qaar keenta in dagaallo ay dhexmaraan labada dhinac.

Si kastaba, Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay laamaha ammaanka Baardheere fashiliyaan weeraro uga yimaada Al-Shabaab, waxaana siyaabo kala duwan degmadaasi loogu dilay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo weeraro iyo dilal ka gaysan rabay halkaasi.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {22.03.2025}

Sabti 22, March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka jiro in Nus Milyan qof oo reer Qaza ah Masar dib u dajin usameeyneyso.?

0

Sabti 22,March 2025 {HMC} Maxaa ka jiro in Nus Milyan qof oo reer Qaza ah Masar dib u dajin usameeyneyso.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kamid ah Faa’idoooyinka Caafimaad ay leeyahay Bisha Barakeeysan ee Ramadaan.?

0

Sabti 22,March 2025 {HMC} Maxaa kamid ah Faa’idoooyinka Caafimaad ay leeyahay Bisha Barakeeysan ee Ramadaan.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xuutiyiinta Yemen oo xirtay mid kamid ah garoomada diyaaradaha ugu weyn Israa’iil.

Sabti 22, March 2025 {HMC} Kooxda Xuutiyiinta ee maamusha qeybo badan oo kamid ah dalka Yemen, ayaa sabab u noqday in uu xirmo garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion , kaddib weeraro joogto oo gantaalo ah oo kooxda ku qaaday garoonkaasi iyo goobaha ku dhaw dhaw.

Afhayeenka dhinaca milatariga ee Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa ku dhawaaqay inuu xiranyahay garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion oo ku yaalla Telaabiib , waxa uuna caddeeyay in garoonkaasi si joogto ah u weerari doonaan.

Yaxye Sariic, ayaana u sheegay shirkadaha diyaaradaha in aysan adeegsan karin garoonka Ben Gurion, waxa uuna xusay in garoonkaasi uu xiran yahay ayna ka go’an tahay in ay si joogto ah weeraro gantaalo ah ugu qaadaan garoonkaasi, ilaa Israa’iil joojineyso weerarada iyo xayiraada ay ku heyso Gasa.

”Waxaan idin ku wargelinayna laga billaabo waqtigan garoonka Ben Gurion, ma aha mid ammaan ah isku socodkiisa hawada… waan weerarreyna, waliba si joogta ah , ma adeegsan kartaan haddii kale waqti kasta waxaa halkaa jooga gantaaladeenna , wuuna ku sii jiri doonaa xaaladan illaa inta uu istaagayo duullaanka Qasa oo xayiraada laga qaadayo.”ayuu yiri Yaxye Sariic .

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaana sheegtay in 48 saac ee lasoo dhaafay garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ku qaadeen saddex weerar oo gantaalo ah, waxa ayna tallaabadan noqoneysaa mid saameyn weyn ku yeelata howlaha garoonkan oo si maalinle ah uga degaan diyaarado badan oo caalamka ka kala taga.

Eritrea oo ka hadashay Damaca Itoobiya ku dooneyso inay ku hesho saldhig badeed.

Sabti 22, March 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea, Cismaan Saalax, ayaa sheegay in dalkiisu uu “la yaaban yahay” waxa uu ku tilmaamay “hammiyo qaldan oo duugoobay” oo Itoobiya ku dooneyso inay ku hesho marin badeed iyo saldhig ciidan, iyadoo adeegsaneysa “diblomaasiyad ama xoog militari.”

Waxa uu ugu baaqay beesha caalamka inay cadaadis saarto Itoobiya si ay u ixtiraamto “madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka deriska ah.”

Cismaan ayaa hadalkan ka jeediyay kulan warbixin ah oo uu ku qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Asmara, isagoo la hadlayay safiirrada joogtada ah, xubnaha korps-ka diblomaasiyadda, iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay.

Warbixintaasi, oo uu bartiisa X ku baahiyay Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yamane Gebremeskel, ayaa diiradda saartay waxa Eritrea ku sheegtay “eedeymo been ah” oo la xiriira diyaar garowga dagaal ee lagu tuhunsan yahay, mowqifkeeda ku aaddan Heshiiskii Pretoria, iyo dadaalka Itoobiya ee ku wajahan marin badeed.

Cismaan ayaa sheegay in Ciidammada Difaaca Eritrea (EDF) ay “dib ugu laabteen xuduudaha caalamiga ah ee Eritrea” kadib dhammaadkii dagaalkii laba sano socday ee Tigray bishii November 2022. Wuxuu intaas ku daray in “cid kasta oo sheegta ama soo jeedisa wax ka duwan arrintaas ay si ula kac ah Eritrea ugu eedeynayso dhibaatooyinka gudaha ee Itoobiya.”

Wuxuu eedeymahaasi u jeediyay “xubno hore oo ka tirsanaa TPLF” kuwaasoo uu ku eedeeyay inay “diideen xukunkii Guddoomiyihii Xuduudda Eritrea iyo Itoobiya (EEBC)” isla markaana ay ku guuldareysteen isku dayo ay ku doonayeen inay xukunka ka tuuraan dowladda Eritrea.

Isagoo ka hadlayay Heshiiskii Pretoria, Cismaan wuxuu sheegay in Eritrea ay u aragto heshiiskaas inuu yahay “arrin gudaha Itoobiya u gaar ah” isla markaana aysan “wax dan ah ku qabin inay ku lug yeelato.”

Wuxuu si cad u sheegay in la tuhunsanaanta in Eritrea ay ku lug leedahay khilaafka u dhexeeya Maamulka Ku-meelgaarka Tigray iyo TPLF ay tahay “mid gabi ahaanba la diidayo.”

Hadallada Cismaan ayaa imaanaya xilli xiisad cusub ay ka dhex taagan tahay labada dal, kaddib markii Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Teshome, uu ku eedeeyay Eritrea inay isku dayeyso “inay ka faa’iideysato kala qaybsanaanta TPLF” si loo wiiqo Heshiiskii Pretoria, isagoo uga digay in arrintaasi ay keeni karto “dagaal kale oo ka qarxa waqooyiga Itoobiya” isla markaana ay “baabi’iso gebi ahaan heshiiska nabadeed.”

Eritrea ayaa si adag u beenisay eedeyntaas, iyadoo Wasiirka Warfaafinta Yamane Gebremeskel uu ku tilmaamay “hadal geesinimo leh oo loogu dan leeyahay in lagu sharciyeeyo ajande dagaal hurin ah.”

Toddobaadkii hore, Madaxweynaha Maamulka Ku-meelgaarka Tigray, Getachew Reda, ayaa ku eedeeyay Eritrea inay kamid tahay dhinacyada “rumeysan inay ka faa’iideysan karaan qalalaase laga abuuro Tigray,” isagoo yiri: “Waan hubaa in dowladda Eritrea ay kamid tahay.”

Taliye ku-xigeenka Maamulka Tigray, Lt. Gen. Tsadkan Gebretensae, ayaa isna sheegay in dagaal u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea uu “u muuqdo mid aan laga fursan karin,” isagoo ka digay in Tigray ay noqon karto goobta ugu weyn ee dagaalka.

Senator James Risch, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa isna muujiyay walaac, isagoo sheegay in dagaal cusub oo ka dhaca waqooyiga Itoobiya uu yeelan karo “cawaaqib xumo aad u weyn.” Waxa uu ugu baaqay labada dal — Itoobiya iyo Eritrea — inay “si degdeg ah u dejiyaan xiisadda.”

Marka laga hadlayo dadaallada Itoobiya ee ku wajahan marin badeed, Cismaan wuxuu sheegay in Eritrea ay si weyn uga yaabban tahay waxa ay u aragto “hammiyo qaldan oo duugoobay” oo lagu doonayo helitaanka marin badeed “iyadoo loo marayo diblomaasiyad ama xoog ciidan.”

Waxa uu ugu baaqay beesha caalamka inay arrintan si dhab ah uga falceliso, isagoo sheegay in qorshayaashaas ay si cad u khilafsan yihiin “madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee waddamada deriska ah.

Sidee milatariga Suudaan ku gaaray Guusha deg-deg ah?

Sabti 22, March 2025 {HMC} Milatariga Suudaan, ayaa xaqiijiyay guushoodii ugu sarreysay dagaalka muddada labada sanno ah socda oo ay ka gaarayaan gudaha caasimadda khartuum, kaddib markii ay la wareegeen xarumaha ay u adeegsanayeen saldhigyada difaac , ciidanka kooxda RSF.

Duullaan ballaaran oo labadii maalin ee u dambeysay si joogta ah uga socday xarunta madaxtooyadda Suudaan ee ku taal caasimadda Khartuum ayaa si rasmi ah milatariga waxay ku gaareen inay la wareegaan xaruntaa oo sidoo kale u shaqeynaysay saldhig difaac oo muhiim u ah RSF. Warbixinnada ay baahiyeen warbaahinta waxaa lagu sheegay in ciidanku markii hore la wareegeen albaabka bari ee madaxtooyada, isla markaana ay gudaha madaxtooyada ku dileen tobaneeyo ka tirsan ciidanka RSF, halka qaar kalena ay u suurtogashay inay u baxsadaan dhinaca suuqa Carabta iyo jidka Al-Ghaba ee bartamaha magaalada Khartuum.

Waxa xigay inay milatariga Suudaan soo saareen, warsaxaafadeed ay ku sheegeen in ay burburiyeen ciidanka RSF oo ku sugnaa bartamaha magaalada Khartuum, suuqa Carabta, dhismayaashii madaxtooyadda iyo wasaaradaha.

Afhayeenka ciidamada milatariga Suudaan Sarreeye Guuto Nabil Cabdallah ayaa intaa ku daray in ciidamada milatariga ay burburiyeen askartii iyo agabkii RSF, isla markaana ay gacanta ku dhigeen tiro badan oo ka mid ah qalabkii iyo hubkii ay wateen, isagoo ku nuux-nuux saday, “Dagaalka wuu soconaya illaa guusha laga gaarayo iyadoo la nadiifinayo taako kasta oo dalka ah.”

Dhankiisa, Taliyaha howlgallada Khartuum ee ciidanka milatariga Suudaan, Major General Muhammad Abdel Rahman Al-Bilawi, ayaa u sheegay Aljazeera in “ciidamada milatariga ay dhawaan u dhaqaaqi doonaan dhanka Garoonka Khartuum si ay dib ula wareegaan, ugana nadiifiyaan bariga caasimadda kooxda RSF.”

Warsaxaafadeed ka soo baxay RSF, waxay dhankooda ku sheegeen inuusan dagaalka dhammaan oo ay ku suganyihiin goobo aan ka fogeyn madaxtooyadda Suudaan, balse muuqaallada la arkay waa in loo diidday hal dagaallame oo ka tirsan RSF inuu ku socdo meel ku dhow xarunta madaxtooyadda iyo goobaha ay maanta la wareegeen milatariga Suudaan.

Sidee milatariga Suudaan ku gaaray guushan muhiimka ah?

Labo sanno kaddib milatariga Suudaan, waxay soo bandhigeen inay hoggaaminayaan dagaalka oo ay ku dhowyihiin inay gaaraan guul dhammeystiran, tani waxay ku timid dib u habeynta milatariga oo ay ku jirto inay dhiseen awood dheelitirka meesha ka saarta, kaddib markii ay heleen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hubka culus oo ay ku jiraan gantaallada wax burburiya ee goobta.

Is ballaarinta milatariga ee caasimadda Suudaan, waa guul muhiim ah oo awood siinaysa Janaraalka hoggaamiya milatariga ,Cabdi Fattax Al-Burhan, iyadoo si dhaqso ah dalal dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya usoo dhaweeyeen guusha uu milatariga ka gaaray dagaallada ka socda caasimadda Khartuum.

Milatariga waxay guushan muhiimka ah uga mahadcelinayaan hoggaamiyahooda Al-Burhan, laakin waxaa jirta istaraatijiyad dagaalkan wax ka beddeshay;

Waxaa cad in ciidanku si buuxda ugu guulaysteen hirgelinta istaraatiijiyad ciidan oo horumarsan oo ku salaysan in ciidamada cadowga loo qaybiyo; qaybo ama saldhig kasta oo ay ku suganyihiin laga go’doomiyo goobta xigta ee ay ku suganyihiin ,iyadoo milatari ahaan habkan loogu yeero ‘habka kala qaybsanaanta’. Nidaamkan dagaal wuxuu ka kooban yahay in koox kasta oo cadowga ah si gaar ah loola macaamilo,iyagoo aan wax gurmad ah heli karin, sababtoo ah waa la go’doomiyay oo ciidan kale la dul dhigay goob kasta oo kale oo gurmad uga imaan karo.

Faa’iidada istaraatiijiyadani, waa in cadowga kaa soo horjeeda waqti isku mid ah dabka la wada gaarsiiyo, waxayna kaga baahantahay inad marka hore si sax ah u qiimeyso , sida aad awood ugu leedahay inaad koox kasta oo cadowga ka tirsan u rogto kuwa dagaal aad kala hortagto iyo koox aad goobahooda ku cadaadiso, sida inaad u diiddo wax dhaqdhaqaaq ah adigoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo weerarro cadaaadis leh.

Istaraatiijiyadan milatari ee horumarsan waxaa lagu gaaraa sarraynta taatikada cad ee ciidanka, maadaama ciidamada cadawgu si tartiib tartiib ah oo habaysan looga takhaluso, aakhirkana loo gaaro guul dhammeystiran. Xata kala duwanaasha goobaha ee juquraafiga dhulka saameyn kuma yeelato istaraatijiyadan.

Waxa laga baran karo guusha hordhaca ah ee milatariga Suudaan ayaa ah in istaraatijiyadan ay ku gaareen inuusan jirin dookh kale oo aan ahayn inay wada dhintaan cadowga ama lagu khasbo inay dib u gurtaan ,iyagoo aan heleyn hab ay dib isugu abaabulan, maaddama saldhig kasta oo ay u baxsan kareen ay ciidanku dul joogaan,goobaha ay tagayaanna horey loo qiyaasay, si deg deg ahna looga dabatagayo ,natiijadana waxay noqonaysa in cadowgo firxado oo mid kasta naftiisa la baxsado.

Waa guul muhiim u ah ciidanka milatariga inay maamullayaan xarumaha dawladda ee caasimadda Khartuum, dagaalkana lagu koobayo goobo gaar ah oo ka tirsan Khartuum, laakin taa dhinaceeda kale milatariga ayaa ka gudbay bilowga caqabado ay dagaallo culus ka buuxaan, ma aha inay kula noqoto wax walba inay sidan u dhammaadeen..

Masar oo war kasoo saartay dib u dejinta loo sameynaayo shacabka Falastiin ee Gaza.

Sabti 22, March 2025 {HMC} Waaxda Warfaafinta Dawladda Masar (SIS) ayaa beenisay wararka sheegaya in Masar ay diyaar u tahay “in ay dib u dejin u sameyso nus milyan reer Qazaan ah” dhulkeeda.

Hadalka Masar ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhowr wargeys oo ay ku jiraan kuwa Israa’iil ay daabaceen wararkan.

Madaxweyne Sisi ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu diyaar u yahay in nus malyanFalastiiniyiin ah uu ka soo wareejiyo Qaza una wareejiyo dhulka Masar.

War qoraal ah oo ay daabacday wakaaladda wararka ee Bariga Dhexe ee Masar, Qaahira “si buuxda ayay u beenisay eedaymaha ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo la xiriiray inay diyaar u yihiin inay si ku meel gaar ah u rarto nus milyan qof oo degan Qaza islamarkana la gaynayo magaalo loo cayimay oo ku taal waqooyiga Sinai, taasoo qayb ka ah dib u dhiska marinka Qaza.

Waaxda Warfaafinta Dawladda (SIS) ayaa ku tilmaamay wararkan been-abuur aan sal iyo raad lahayn, “kuwaaso asal ahaan iyo gebi ahaanba ka soo horjeeda mawqifka adag ee Masar, kaas oo ay ku dhawaaqday tan iyo maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka lagu baabi’inayo Gaza ee Oktoobar 2023,.

Masar ayaa xustay in ay si cad gebi ahaanba u diidaya isku day kasta oo lagu doonayo in lagu barakiciyo Falastiiniyiinta Gaza, xoog ama si ikhtiyaarkooda ah “.

UN in Somalia marks International Day for the Elimination of Racial Discrimination.

0

Friday, 21 March 2025 {HMC} Marking the International Day for the Elimination of Racial Discrimination, the United Nations in Somalia today reaffirmed its support and commitment in promoting equality, dignity and respect for all.

“Racial discrimination has no place in any society. It undermines peace, security, justice and social progress. It is a violation of human rights that tears at individuals and cuts the social fabric of society, and we must all unite and work together to eradicate it,” said the UN Acting Special Representative of the Secretary-General for Somalia, James Swan.

“On this important day, we call on everyone to reflect on the values of respect and solidarity, to take action against racism in all its forms, and to focus on what can be achieved through our collective effort to create societies where everyone enjoys equality and justice,” he added.

In Somalia, the United Nations works with the Federal Government, civil society organizations and international partners to promote an inclusive and respectful society, in which everyone can thrive, feel safe and express themselves freely, thus contributing meaningfully to the success of the country.

This year’s observance also marks the 60th anniversary of the adoption of the International Convention on the Elimination of All Forms of Racial Discrimination (ICERD), which remains a cornerstone in the global fight against racial discrimination and promoting equality – and which Somalia ratified in 1975.

As the first of the UN’s core international human rights treaties, ICERD set the stage for future human rights advancements. Its commitment to eliminating racial discrimination and promoting equality fosters the promotion of global understanding and unity free from racial segregation.

The International Day for the Elimination of Racial Discrimination is observed annually on the day the police in Sharpeville, South Africa, opened fire and killed 69 people at a peaceful demonstration against apartheid ‘pass laws’ in 1960.