Home Blog Page 1144

Xildhibaannada Mucaaradka oo Madaxweyne Xasan Shekh ugu baaqay inuu is-casilo

Arbaco 12 ,March 2025 {HMC}  – Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo soo saaray bayaan ka dhan ah dowladda.

Xildhibaannadan oo ah kuwa mucaaradka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu is-casilo, maadaama uu dalka ku jiro marxalad halis ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in dowladnimada la badbaadiyo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh isagaa Ra’iisul Wasaare, Wasiir ilaa Agaasime isu ah. Dalka wuu ku fashilmay, wuxuu horseeday musuq-maasuq iyo qaraabo-kiil. Waa inuu is-casilo,” ayey xildhibaannada mucaaradka ku yiraahdeen bayaanka ay maanta soo saareen.

Xildhibaan Cabdirisaaq, oo ka mid ah xildhibaannada mucaaradka, ayaa warbaahinta u akhriyay bayaanka, isagoo sheegay in ay qaadi doonaan tallaabooyin culus oo ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Cabdirisaaq ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay laashay dastuurka, isla markaana ay ku fashilantay waajibaadkii loo igmaday.

“Madaxweyne is-casil oo qiro fashilkaaga. Waxaad noqon doontaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee qirta fashilkiisa,” ayaa lagu yiri bayaanka xildhibaannada mucaaradka.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay Guddoonka Golaha Shacabka ugu baaqeen inuu joojiyo naas-nuujin ay sheegeen inuu u sameynayo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Bayaanka xildhibaannada mucaaradka ayaa ugu dambeyntii lagu bogaadiyay howlgallada ay wadaan ciidamada qaranka iyo dadka deegaanka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Argagixisadu waxay isu soo bahaysatay dalkeenna, iyagoo doonaya inay isku fidiyaan deegaanno waaweyn. Waa khatar kusoo fool leh dalkeenna, oo taabanaysa masiirkeenna,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxa kale oo lagu yiri: “Waxaa lagama maarmaan ah in aan si wadajir ah uga hortagno argagixisada, innagoo Soomaali ah, meel kasta oo aan joogno.”

Xildhibaannada mucaaradka ayaa muddooyinkii dambe hadallo adag warbaahinta u marinayay dowladda Xasan Sheekh, iyagoo si cad u muujiyay sida ay uga soo horjeedaan habka hoggaamineed ee madaxweynaha haatan talada haya.

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka 12-03 2025.

Arbaco 12 March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 12-3-2025.

Arbaco 12 March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 12/3/2025

0

Arbaco 12 March 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN

{DAAWO MUQAALKA} “Dowladda Federaalka ah ayaa lacago ku bixinaysaa sidii ay ku Xagal daacin lahayd Dagaalka ka

0

Arbaco 12 March 2025 {HMC} “Dowladda Federaalka ah ayaa lacago ku bixinaysaa sidii ay ku Xagal daacin lahayd Dagaalka ka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {12-03-2025}

Arbaco 12, Mar 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali  & Shugri Baryare

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

{DAAWO MUQAALKA} Biyo la’aan ka jirto Deegaano badan oo ka tirsan Dowlad Deegaanka.

0

Arbaco 12 March 2025 {HMC} Biyo la’aan ka jirto Deegaano badan oo ka tirsan Dowlad Deegaanka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} “Dadka Soomaaliyeed qof walba meeshii uu cunto ka heli karo haka ag dhawaado”.Wasiir Maareeye.

0

Arbaco 12 March 2025 {HMC} “Dadka Soomaaliyeed qof walba meeshii uu cunto ka heli karo haka ag dhawaado”.Wasiir Maareeye.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Amaanka Baladweyne oo soo afjaray weerarkii lagu qaaday hotel qaahira.

0

Arbaco 12 March 2025 {HMC} Ciidamada Amaanka Baladweyne oo soo afjaray weerarkii lagu qaaday hotel qaahira.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muuqaaladii ugu horeeyey oo laga helay hoteelkii Shalay AS ay weerareen.

0

Arbaco 12 March 2025 {HMC} Muuqaaladii ugu horeeyey oo laga helay hoteelkii Shalay AS ay weerareen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA