Arbaco 12 March 2025 {HMC} Duqeeymo lala Beegsaday Xubno ka tirsan AS
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {12.03.2025}
Arbaco 12 ,March 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Ciidamada Amniga oo soo afjaray weerarkii Kooxda AS kusoo qaaden Baladwayne.
Arbaco 12 ,March 2025 {HMC} Ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan laba nabadoon oo caan ka ah Galbeedka Beledweyne, ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen weerar qarax ku billaawday oo rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay Shalay aroortii ku qaadeen hotelka Qaahira ee magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan.
Weerarkaan oo soo gaaray xalay xilli dambe ayeey ciidamada dowllada ku guulaysteen ineey soo afjaraan kuwaasi oo toogtay kooxihii weerarka soo qaaday.
Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in lasoo afjaray weerarkii ay soo qaaden kooxda AS.
”Hay’addaha amniga oo markii falka uu dhacay si Degdeg ah kaga jawaabay ayaa soo afjaray Kooxaha naflacaariga ah ee ka dagaalamayay gudaha Hotel qaahira sidoo Kalane waxeey soo Badbaadiyeen inta badan muwaadiniinta ku sugnaa gudaha hotelka midaas oo ah nafhurnimada aay sameeyeen ciidamada qalabka sida oo ka dabatagay dhagarta khawaarijta waxaana aad u koobnaa qasaaraha ka dhashay Weerarka fulaynimada khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiiska maaamulka Gobolka Hiiraan.
ku dhawaad 24 saac magaalada baladwayne waxaa ka maqnaa isgaarsiinta taasi oo sababtay in uu hakad galo isku socodka gaadiidka iyo Goobaha ganacsiga.
Dhankale kooxo hubaysan oo ka tirsan kooxda AS ayaa xalay markale weerar kusoo qaaday qaybo kamid ah xaafada howlwadaag ee magaalada baladwayne.
Dagaal toos ah oo dhax-martay kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowllada ee ku sugan magaalada ayaa sababtay in dib ulaabtaan dablayda hubaysan.
Baladwayne oo bilo kahor amnigeeda lagu wareejiyay ciidamada xooga dalka iyo kuwa NISA ayaa si wayn u adkeeyay aminga magaalada iyadoona uu weerarkii shalay noqonaayo kii ugu horeeeyay ay soo qaadaan kooxda AS tan iyo markii Dowllada soomaaliya si toos ah ula wareegtay amaanka magaalada.
Horjoogayaal ka tirsan kooxda AS oo lagu dilay Duqayn ka dhacday……..
Arbaco 12 ,March 2025 {HMC} War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa faahfaahin looga bixiyay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay sargaal sare iyo xubno kale oo katirsanaa kooxda Al Shabaab.
Duqeynta oo iska kaashadeen milatariga Soomaaliya iyo saaxibada caalamka ayaa lala beegsaday saraakiil iyo xubno katirsan kooxda Al Shabaab, waxa ayna duqeyntan ka dhacday deegaanno ka tirsan Shabeelaha Dhexe, gaar ahan deegaanka Damasha iyo Shabeeloow.
War-saxaafadeed uu soo saaray taliska ciidanka xoogga, ayaa lagu sheegay in la khaarajiyay Mansoor Tima-Weeyne, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay isku diyaarinta iyo adeegsiga gawaarida dagaalka ee Al Shabaab. Waxa uuna ninkan ka yimid dhinaca Koonfur Galbeed.
Duqeymo culus oo maalmihii lasoo dhaafay lala beegsanayay Shabaabka soo galay deegaanno katirsan Shabeelaha Dhaxe , ayaa lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahanno badan, waxaa sidoo kale lagu gubay gaadiid badan oo nuuca dagaalka ah.

Dowladda Soomaaliya oo waddo qorshe ay saldhig milatari ku siinayso dalka Masar
Arbaco 12 ,March 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waddo qorshe culus oo ay saldhig milatari ku siinayso dowladda Masar, si tababar loogu siiyo ciidamada Xoogga Dalka ee ka qayb-qaadanaya howlgalka socda iyo qorshaha sugidda amniga dalka, kaasoo haatan maraya meel wanaagsan.
Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cali Cumar (Cali Balcad), oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Masar ay horay u gaareen heshiis ku aaddan xoojinta taageerada milatariga, arrintanina ay qayb ka tahay fulinta heshiiskaas.
Sidoo kale, wuxuu xusay in Masar la siinayo xeryo ciidan oo laga dhisayo gudaha Soomaaliya, halkaas oo ay ka howlgeli doonaan macallimiin Masaari ah oo tababaro siinaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Ujeedka ugu weyn ee qorshahan ayuu ku sheegay in lagu xoojinayo amniga guud ee dalka, kaasoo ay haatan dardar-gelineyso dowladda federaalka Soomaaliya.
“Masaarida waxay si gaar ah u taageeraan ciidamada Xoogga Soomaaliyeed. Waxaan rajeyneynaa in la sameeyo xeryo ciidan oo ay ku tababaraan macallimiin u dhashay Masar. Dabcan, qofka ku siiya qoriga ama kuu tababara sarkaal waxa uu si toos ah uga qaybqaatay dagaalka aad ku jirto,” ayuu yiri Wasiir Cali Cumar (Balcad) mar uu warbaahinta la hadlayay.
Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in Masar ay mar walba garab taagneyd Soomaaliya, isla markaana ay horey u tababartay saraakiil Soomaaliyeed oo leh khibrad iyo waayo-aragnimo sare.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa xilli dhowaan labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga amniga, kaasoo u dhexeeyay Qaahira iyo Muqdisho.
Sidoo kale, Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa loo ogolaaday inay qayb ka noqoto howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasoo sanadkan ka bilowday gudaha Soomaaliya. Waxaa la filayaa in ciidamada Masar oo imaanaya dhanka cirka iyo badda ay soo gaaraan dalka.
Dowladda Masar ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdulfitaax Al-Siisi ayaa horey Soomaaliya ugu wareejisay hub iyo saanad lagu xoojinayo ciidamada Xoogga Dalka, kaasoo dhowaan la wareegtay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
TIGRAY oo qabsatay dhowr magaalo iyo Itoobiya oo Dagaal culus dib ugu qarxay.
Arbaco 12 ,March 2025 {HMC} Hal maalin kadib markii Getachew Reda uu shaqada ka joojiyay saddex sarkaal oo sare oo taageersan garabka TPLF ee uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael, waxaa soo baxaya warar sheegaya in iska horimaadyo ciidan ay ka dhaceen goobo kala duwan oo ka tirsan gobolka Tigray.
Wararka ayaa tilmaamaya in khasaaro badan oo rayid ah laga soo wariyay Dega Hamus iyo qaybo ka mid ah caasimadda Mekelle, kadib markii garabka Debretsion uu qaaday weerar culus.
Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Tigray, Getachew Reda, ayaa saacado yar ka hor sheegay in “koox yar oo saraakiil ciidan ah” ay “sharciga gacantooda ku qaateen, ayna burburinayaan hay’adaha dowladeed ee gobolka Tigray,” taasoo, sida uu sheegay, gelisay gobolka xaalad khatar ah oo aan hore loo arag.
Wararka laga helayo ilo maxalli ah ayaa sheegaya in garabka Debretsion, oo uu hoggaaminayo General Masho Beyene, ay la wareegeen maamulka magaalada Adigrat.
Xafiisyada dowliga ah ee magaalada ayaa hadda gacanta ugu jira ciidamada Debretsion, hase yeeshee wali lama caddeyn karo in xubnaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee magaalada la xiray ama la dilay.
Khasaaraha Mekelle iyo Adigudom
Getachew Reda ayaa Talaadadii sheegay in khasaaro badan laga soo sheegay Mekelle iyo Adigudom.
Isaga oo arrintan ka hadlayay, wuxuu yiri, “Waxaa jira khasaaro badan oo ka dhacay Adigudom iyo qaybo ka mid ah Mekelle. Weerarkan waa qeyb ka mid ah qorshe lagu doonayo in si sharci-darro ah xukunka loogu dhiibo garab ka mid ah TPLF, taasoo si toos ah uga hor imaanaysa rabitaanka shacabka Tigray iyo heshiiskii Pretoria.”
Wuxuu ugu baaqay dhinacyada saxiixay heshiiska Pretoria inay si degdeg ah uga falceliyaan xaaladda.
Sidoo kale, Getachew Reda ayaa ku andacooday in “xoogag shisheeye” – oo sida la fahamsan yahay uu ula jeedo ciidanka Eritrea – ay ku lug leeyihiin dhaq-dhaqaaqa garabka Debretsion ee Adigrat iyo qaybo kale oo ka mid ah Tigray.
Isagoo qoraal soo dhigay bartiisa warbaahinta bulshada, wuxuu yiri, “Waxaa jira sababo badan oo muujinaya in xoogag shisheeye ay isku dayayaan in ay ka faa’iidaystaan qalalaasahan si ay u sii xoojiyaan rabshadaha gobolka iyo guud ahaan deegaanka.”
Getachew Reda oo go’doon ku jira?
Warar aan la xaqiijin oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in Getachew Reda iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ay go’doon ku yihiin magaalada Mekelle.
Dhawaan, Khamiistii, General Tsadkan Gebretensae, oo horey u soo noqday taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya isla markaana taageersan maamulka ku-meel-gaarka ah ee Getachew Reda, ayaa maqaal uu ku qoray “Africa Report” ku sheegay in “dagaal ka dhex qarxa Itoobiya iyo Eritrea uu suurtagal yahay waqti kasta.”
Inkasta oo ay jiraan eedeymo sheegaya in saraakiisha milatariga ee taageersan garabka Debretsion – kuwaasoo sidoo kale lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen ganacsiga dahabka ee sharci-darrada ah iyaga oo u maraya Eritrea – ay si qarsoodi ah ula kulmeen dowladda Eritrea, haddana saraakiishan ayaa beeniyay eedeymahaasi.
Dowladda Federaalka oo weli aamusan
Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed wali kama hadlin xaaladda cakiran ee gobolka Tigray.
Dhanka kale, warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in gobollo ka mid ah Tigray, gaar ahaan bariga, oo taageersan maamulka ku-meel-gaarka ah, ay bartilmaameed u yihiin weerarka ugu dambeeyay ee garabka TPLF ee Debretsion, iyadoo wararka qaar ay xusayaan suurtagalnimada in Eritrea ay ku lug leedahay.
Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegaya in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ay sahminayaan Mekelle iyo deegaanada ku hareeraysan, hase yeeshee Getachew Reda ayaa la sheegay in uusan wax xog ah ka haynin arrintan.
Taageerada shacabka Mareykanka ee Falastiiniyiinta oo si wayn ukorortay.
Arbaco 12 ,March 2025 {HMC} Taageerada Mareykanka ee Falastiiniyiinta ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid, sida lagu ogaaday sahan cusub oo ay sameysay shirkadda Gallup.
Sida lagu caddeeyay sahanka, boqolkiiba 33 ee shacabka Mareykanka ah ayaa sheegay inay la safan yihiin Falastiiniyiinta, taasoo lix dhibcood ka sarreysa heerkii sannadkii hore, islamarkaana ah tii ugu sarreysay abid.
Dhanka kale, taageerada Israa’iil ee gudaha Mareykanka ayaa gaartay heerkii ugu hooseeyay ee 24-kii sano ee la soo dhaafay.
Kaliya 46 boqolkiiba dadka la waraystay ayaa sheegay inay la safan yihiin Israa’iil, xilli uu socdo weerarka Israa’iil ay ku hayso Gaza.
Taageeradan ayaa ah tii labaad ee ugu hooseysay abid, marka laga reebo tii la diiwaangeliyay 2001, xilli uu socday kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta (Intifada).
Mareykanka ayaa taariikh ahaan taageero dheeraad ah u muujin jiray Israa’iil – oo loo arko xulafo dhow – marka loo eego Falastiiniyiinta, tan iyo markii Gallup ay bilowday ururinta xogtan 1989.
Celcelis ahaan, 65 boqolkiiba shacabka Mareykanka ayaa Israa’iil u arka si togan. Heerkii ugu hooseeyay ee taageerada Israa’iil wuxuu ahaa 45 boqolkiiba 1989, xilligii uu socday kacdoonkii koowaad (Intifada).
Sahanka Gallup wuxuu sidoo kale muujiyay in 40 boqolkiiba dadka Mareykanka ah ay taageersan yihiin sida Trump uu u maareeyay xaaladda Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, taasoo laga yaabo inay la xiriirto kaalintiisa ku aaddan xabad-joojintii la gaaray.
Taageeradan ayaa hoos uga dhacday heerka guud ee taageerada madaxweynenimadiisa, oo ahayd 45 boqolkiiba.
Dimuqraadiyiinta vs Jamhuuriyiinta
Natiijooyinka sahanka waxay muujinayaan kala duwanaansho weyn oo u dhexeeya xisbiyada Dimoqraadiyiinta iyo Jamhuuriyiinta.
Jamhuuriyiinta ayaa si aad ah uga taageero badan Dimoqraadiyiinta marka loo eego Israa’iil (83 boqolkiiba vs 33 boqolkiiba). Halka Dimoqraadiyiinta ay si ka badan Jamhuuriga u taageeraan Falastiiniyiinta (45 boqolkiiba vs 18 boqolkiiba).
Tan iyo 2001, Jamhuuriyiinta iyo dadka madaxa bannaan (Independents) waxay si joogto ah u taageerayeen Israa’iil.
Si kastaba ha ahaatee, taageerada dadka madaxa bannaan ee Israa’iil ayaa haatan gaartay heerkii ugu hooseeyay ee laga diiwaangeliyo sahanka World Affairs.
Dimoqraadiyiinta waxay taageersanaayeen Israa’iil illaa 2022, markaasoo tiro isku mid ah ay la safatay labada dhinac. Balse wixii intaas ka dambeeyay, taageerada Dimoqraadiyiintu waxay u janjeertay dhinaca Falastiiniyiinta.
Hoos u dhaca taageerada Dimoqraadiyiinta ee Israa’iil waxaa markii hore loo aaneynayay siyaasadda midig-u-janjeerta ee hoggaanka Israa’iil, gaar ahaan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu. Hase yeeshee, sannadihii ugu dambeeyay, taageeradoodu waxay sii hoos u dhacday.
Bishii Febraayo 2023, taageerada Dimoqraadiyiinta ee Israa’iil waxay hoos ugu dhacday 38 boqolkiiba, halka taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta ay kor u kacday 11 dhibcood, iyagoo gaaray 49 boqolkiiba – taasoo ahayd markii ugu horreysay ee ay Falastiiniyiintu ka heleen taageero ka badan Israa’iil dhinaca Dimoqraadiyiinta.
Siddeed bilood kadib, 7-dii Oktoobar 2023, weerarro ay hoggaaminayeen Xamaas oo ka dhacay koonfurta Israa’iil ayaa sababay dhimashada in ka badan 1,100 qof, halka 250 kale la afduubtay.
Taageerada Dimoqraadiyiinta ee Falastiiniyiinta waxay hoos u dhacday lix dhibcood bishii Febraayo ee xigay.
Si kastaba ha ahaatee, hal sano kadib, iyadoo ay sii socoto xaaladda bini’aadannimo ee Gaza, taageeradooda Falastiiniyiinta ayaa mar kale kor u kacday 16 dhibcood, taasoo markii ugu horreysay gaartay heerka aqlabiyadda.
Xalka laba dowladood
Sanado badan, xalka laba dowladood ayaa ahaa bartilmaameed ku jira wada-hadallada nabadeed, iyadoo la doonayo in la dhiso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan. Gallup waxay cabbiraysay aragtida Mareykanka ee arrintan tan iyo 1999.
Tan iyo xilligaas, dad badan oo Mareykan ah ayaa taageeray in la dhiso dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah oo ka dhalata Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, marka loo eego kuwa kasoo horjeeda.
Sahanka ugu dambeeyay wuxuu muujinayaa in 55 boqolkiiba shacabka Mareykanka ay taageersan yihiin dhismaha dowlad Falastiini ah, halka 31 boqolkiiba ay kasoo horjeedaan, iyadoo 14 boqolkiiba aysan wax fikrad ah ka haysan.
Heerkan 55 boqolkiiba ee hadda taageera dhismaha dowlad Falastiini ah wuxuu la mid yahay xogta laga diiwaangeliyay tan iyo 2020, taasoo u dhaxaysay 52 boqolkiiba ilaa 55 boqolkiiba.
Ka hor 2020, inkasta oo taageerada Mareykanka ee xalka laba dowladood ay ka badnayd diidmada, haddana inta badan ma aysan gaarin heerka aqlabiyadda. Taageerada iyo diidmada waxay ugu ekaayeen marka loo eego 2015 iyo 2017.
Guud ahaan, dhismaha dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah wali waxay haysataa aqlabiyadda shacabka Mareykanka, hase yeeshee, Dimoqraadiyiinta ayaa si aad ah uga taageero badan Jamhuuriga.
Wadahadallada xalka laba dowladood ayaa hadda hakad galay, tan iyo weeraradii 7-dii Oktoobar 2023.
Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa weli la tacaalaya su’aalaha ku saabsan sida Israa’iil looga ilaalin doono weerarro mustaqbalka, doorka Xamaas ee Gaza, iyo sida loo maamuli doono Daanta Galbeed ee la haysto.
Sahanka ugu dambeeyay waxaa la sameeyay bishii Febraayo, xilligii uu socday xabbad-joojinta ku-meel-gaarka ah iyo is-weydaarsiga maxaabiista ee Israa’iil iyo Xamaas.
Sahanka wuxuu billowday hal maalin ka hor booqashadii Netanyahu ee Aqalka Cad, taasoo ay ku jirtay shir jaraa’id oo wadajir ah oo uu la yeeshay Trump.
Intii lagu guda jiray shirkaas jaraa’id 4-tii Febraayo, Trump wuxuu caddeeyay rabitaankiisa in Mareykanka uu “la wareego” oo dib u dhiso Marinka Gaza.
Gunfire continues at Cairo Hotel in Beledweyne.
Wednesday, March 12, 2025 {HMC} Gunfire can still be heard throughout the Cairo Hotel in Beledweyne tonight, which was attacked by Al-Shabaab militants early in the morning, commencing with an explosion and followed by a gun battle.
This attack lasted for more than 13 hours and has thus far failed to oust from the hotel the Al-Shabaab fighters stationed inside.
Government forces, with support from the African Union, have continued to fight in an effort to quash the attack that has been underway in the Cairo Hotel in Beledweyne, and has thereby killed a number of individuals including security personnel, military officials, and civilians.
The heavy casualties occasioned by the attack have greatly impacted on life in Beledweyne because of the cutting off of telecommunications and electronic moneys transfers known as EVCs made earlier on this morning, because of the fact that Beledweyne does not recognize the Somali shilling.
The greatest fear that the people have that they will not be able to find somewhere to buy food, and if the communication still fails, many would risk their lives just to get something to eat.
“I can do anything on my phone, but I can’t buy anything because the communications were down. When we were buying things from this city, the Somali shillings didn’t come from here. If the communications are like this, then people will die of hunger,” said one of the residents of Beledweyne interviewed by Hiiraanweyn.
The situation in Beledweyne tonight is in very tense and there is enough fear the people can feel and the streets of the city are filled with heavily armed soldiers who have brought public transport and business to an end in Beledweyne.
{DAAWO SAWIRADA} Wararkii ugu dambeeyay xaalada Baledweyne iyo rasaas wali laga maqlayo hotel Qaahira.
Arbaco 12 ,March 2025 {HMC} Waxaa Caawa wali rasaas goos goos ah laga maqlaya gudaha hotelka Qaahira ee magaalada Baledweyne, kaasoo waabarigii hore ee saakay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ku galeen weerar qaraxyo ku bilaawday oo uu xigay dagaal toos ah.
Weerarkaan oo qaatay mudo ka badan 13 saacadood ayaa ilaa hada aanan lagu guuleysan in lasoo afjaro xubnaha Shabaab ee ka dhex dagaalamaya gudaha hoteelka.
Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Baledweyne ayaa wali isku dayaya iney soo gabagabeeyaan weerarka hotel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lagu dilay dad badan oo isugu jira Nabadoono, saraakil ciidan iyo shacab.
Weerarkaan khasaaraha xoogan sababay ayaa si weyn u saameyay nolosha dadka ku nool Baledweyne, kadib markii la jaray barqanimadii maanta isgaarsiinta iyo adeega lacagaha la isugu diro ee loo yaqaano EVC, maadama Baledweyne aysan ka shaqeyn lacagta shilin Soomaaliga ah.
Walaaca ugu xoogan ee dadka haysta ayaa ah ineysan heli karin meel ay wax ka iibsadaan, waxaana isgaarsiintana hadii ay hawada kasii maqnaato ay sababi doonta in dad badan noloshooda halis ku timaado iney helaan wax ay cunaan.
“Talefankeyga ayadoo lacag igu jirto ayaa hadana waayay meel aan wax uga iibsado, sababto Isgaarsiinta ayaa maqneyd xiliyada wax gadan jirnay shilin Soomaali kama socdo magaalkaan, hadii Isgaarsiinta hawada sidaan uga sii maqnaato waxaa imaan doonto in dad gaajo u dhintaan” ayuu yiri mid ka mid ah dadka reer Baledweyne oo Hiiraanweyn la hadlay.
Xaalada Baledweyne Caawa waa mid aad kacsan oo waxaa jirta cabsi xoogan oo ay dareemayaan dadka shacabka ah waxaana wadooyinka magaalada buux dhaafiyay askar aad u hubeysan oo joojiyay isku socodka guud iyo ganacsiga Baledweyne.

Dowladda Masar oo Soomaaliya ka Furaneyso Xeryo ay Ku Tababarto Ciidanka Soomaaliya.
Arbaco 12 ,March 2025 {HMC} Cali Balcad Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo wareysi siinaayay Tv ga Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Masar ay kaalin weyn ku leedahay tababarka ciidanka Qaranka Soomaaliya ayna hadda kamid noqoneyso Howlgalka cusub ee AUSSOM.
Mr Balcad ayaa xusay in Dowladda Masar iyadu ay soo codsatay in howlgalkaan cusub ee sanadkaan ka bilowday Soomaaliya ay kamid noqoto, waxaana uu xusay in Masar uu xiriir Taariikhi oo aad u weyn kala dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya oo saraakiil sar sare Soomaali ah ay halkaasi kusoo tababarteen.
Cali Balcad ayaa xusay in Masar ay si gaar ah ay u taageeraan ciidanka Dowladda Soomaaliya oo ay qorsheenayaan inay dhisaan xerooyin ciidan si saraakiisha Masaarida ay uga bixiyaan tababarida ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
Wasiir Cali Balcad ayaa tilmaamay in ciidamada Masaarida ee dalka imaanaya ay qeyb ka noqon dagaalka lagula jiro Kooxda Al-shabaab sidoo kalana la geeyn doono saldhigyadii ay ka baxeen ciidamadii Howlgalkii ATMIS ee sanadkii lasoo dhaafay lasoo gaba gabeeyay.
Dowladdaha Masar iyo Soomaaliya ayaa horey u kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo ammaanka quseeya iyo iskaashi oo dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha, Dowladda Masar waxa ay ciidamo ay usoo diri doontaa dhowaan Soomaaliya si ay howlgalkoodi u bilaabaan.



