Axad 29-Dec-2024. {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
{DAAWO MUQAALKA} 80% Meesha aragtida Dastuurka laga qaadayo waxaa Xamar””G_Yabooh””
Axad 29, Dec 2024 {HMC} 80% Meesha aragtida Dastuurka laga qaadayo waxaa Xamar””G_Yabooh””
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti.
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti dhiggiisa dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne oo ay wehelinayaan Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Labada dowladood ayaa ka wada hadlay xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Jabuuti, xaaladda Gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada Labada shacab.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya maanta ay soo gaartay dhammaadka howlgalkii Nabad Ilaalinta Soomaaliya (ATMIS), haatanna uu bilaaban doono howgal kumeel gaar ah oo muddo kooban socon doona (AUSOM), qorshuhuna uu yahay in dhawaan ay si buuxda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

DHAMMAAD
{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka Deegaanka Jalalasi iyo soo dhaweynta Ciidanka Ka so baxay Furumaha.
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Ciidanka Deegaanka Jalalasi iyo soo dhaweynta Ciidanka Ka so baxay Furumaha.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Fowsiyo Cali Xaaji Shirwac oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Fowsiyo Cali Xaaji Shirwac oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Sababta Haweenka Puntland looga joojiyay Finalka Nugaal iyo Bari?
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Maxay tahay Sababta Haweenka Puntland looga joojiyay Finalka Nugaal iyo Bari?
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Waa sidee maanta xaalada degaanka Jicboor kadib dagaalkii beelaha.
Axad 29, Dec 2024 {HMC}Waa sidee maanta xaalada degaanka Jicboor kadib dagaalkii beelaha.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Fartaag “Kismaayo iyo Af-madow ayaa ugu horeeyo goobaha doorashada qof iyo codka ah”.
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Wasiir Fartaag “Kismaayo iyo Af-madow ayaa ugu horeeyo goobaha doorashada qof iyo codka ah”.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Madaxweeyna-yaasha Masar iyo Faransiiska oo ka wadahadlay heshiiskii Somalia & Itoobiya
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Madaxweyne Masar Al Sisi, oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa xusay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii ay Soomaaliya uga taageeri laheyd in la gaaro amni iyo xasillooni
Al Sisi ayaa sheegay in arrintaas loo maraayo “iskaashi laba geesood ah” oo ay horay u galeen Muqdisho iyo Qaahira ama ka qaybgalka hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika marka ay Soomaaliya codsato.
Madaxweyne Sisi waxa uu intaa ku daray inuu si dhaw ula socdo heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya ee Turkiga fududeeyay, isagoo rajo ka muujiyay in heshiiskani uu qayb ka qaadan doono xaqiijinta Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, isla markaana uu noqdo mid waafaqsan mabaadi’da sharciga caalamiga ah.
Madaxweynaha Faransiiska oo lumiyay kaalintiisii Milatari iyo siyaasadeed ee Africa ayaa dhawaan la kulmay Abiy, waxa uuna Masar kala hadlay xiisada sii kordhaysa iyo waxa Masar ugu yeertay in aan “gorgortan laga galayn amniga Qarankeeda iyo xasiloonida Badacas”.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay gaareen heshiis lagu xalinayo khilaafkooda, kaasoo socday tan iyo bilowgii sanadkan, iyadoo heshiiska ay dhexdhexaadineysay Ankara.
Xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii xumaanaysay tan iyo bishii January, taas oo ka dhalatay heshiis dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland oo la isku dhaafsanayey marin badeed iyo aqoonsi.
RW Yuhuuda Netanyahu oo maanta mari doona qalliin isbitaal ku yaalla magaalada Tel aviv
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Qaliinkan ayaa looga saarayaa qanjirka ‘prostate’ kaddib markii 75-jirkan oo baaritaan maalintii Arbacada ku maray isbitaalka Hadassah ee magaalada Tel aviv laga helay caabuqa kaadi mareenka oo ka dhashay qanjirka ‘prostate’ oo ah mid weyn, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay xafiiska Netanyahu.
Dhinaca kale, Xafiiska Warfaafinta ee Gaza waxay sheegeen in 110,000 oo teendhooyin ah oo ka mid ah 135,000 oo ay isticmaalaan dadka barakacay ee ku sugan Marinka Gaza ee dagaalku burburiyay ay hadda ka baxeen adeegsiga oo ay si buuxda u burbureen.”
Xafiisku wuxuu ku eedeeyay ciidamada Israa’iil inay sabab u yihiin “musiibo bani’aadanimo oo halis gelinaysa nolosha kumannaan rayid ah,” xilli qaboobaha barafka wata uu soo dhow yahay.
“Xaaladdan musiibada ah ee bani’aadanimo waa natiijo toos ah oo ka dhalatay xasuuqa ay fuliyeen ciidamada gumeysiga ee ‘Isra’iil,’ kuwaasoo burburiyay boqollaal kun oo guryo ah oo ay leeyihiin muwaadiniintan, taasoo ku khasabtay inay ku noolaadaan teendhooyin aan lahayn shuruudihii ugu yaraa ee nolol macquul ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dadka barakacay ee ku nool teendhooyinka ku-meelgaarka ah ee ku yaalla Marinka Gaza ayaa wajahaya xaalado musiibo ah, waxaana khasbay ciidamada Israa’iil inay ka qaxaan guryahooda, iyadoo roobab culus iyo dabaylo xooggan ay burburiyeen teendhooyinkooda, xilli sidoo kale ay jirto yaraanta sahaydii muhiimka ahayd.



