Axad 29, Dec 2024 {HMC} Gudoomiyaha golaha Badbaado Bulsho oo si adag uga hadlay dagaal beeleedyada.
{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG AH Ku dhawaad boqol ruux oo ku geeriyooday Shil diyaaradeed.
Axad 29, Dec 2024 {HMC} WAR DEG DEG AH Ku dhawaad boqol ruux oo ku geeriyooday Shil diyaaradeed.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Culimada ugu waaweyn Soomaalida oo war kasoo saaray dagaal beeledyada dalka ka socda.
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Culimada ugu waaweyn Soomaalida oo war kasoo saaray dagaal beeledyada dalka ka socda.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Amniga DF oo baaq nabadeed u direy beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya gobollada dalka.
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Wasiirka Amniga DF oo baaq nabadeed u direy beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya gobollada dalka.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Saraakiil Ciidan Oo Gaaray Masagawaa iyo Ceeldheer.
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Saraakiil Ciidan Oo Gaaray Masagawaa iyo Ceeldheer.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Xuutiyiinta Yemen oo war cusub kasoo saaray dagaalka bariga dhexe.
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Xuutiyiinta Yemen oo war cusub kasoo saaray dagaalka bariga dhexe.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Canug yar oo aan Sanadgaarin ayey dhabta ku heysay marka la dilayay walaashey Fawsiyo AUN.
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Canug yar oo aan Sanadgaarin ayey dhabta ku heysay marka la dilayay walaashey Fawsiyo AUN.
HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Wararkii u dambeeyey khasaaraha dagaalka Galbeedka Mudug
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Xiisad colaadeed ayaa weli ka taagan degaanka Jiicboor oo ka tirsan gobolka Mudug halkaasoo ay maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalka Jiicboor ee galbeedka gobolka Mudug iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo maleeshiyooyinka ay isku adeegsanayaan hub kala duwan oo u badan qoryaha fudud
Inta la xaqiijiyey dagaalka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimashada 11 qof iyo dhaawaca 20 kale shalay oo kaliya, waxaana jira warar khasaaraha intaas ka badinaya
Waxaa socda dedaalo lagu doonayo in lagu joojiyo colaada oo ay wadaan waxgarad ka tirsan labada beelood iyo masuuliyiinta labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland inkastoo aan weli lagu guuleysan in xabada la joojiyo.
Dagaalka ayaa salka ku haya muran la xiriira cida maamuleysa Jiicboor oo ah dhul abaar ah oo aan laheyn wax nafci ah kuna wanaagsaneyn daaqsiinka arrintaasoo ah arrin nasiib daro ah.
Labada beelood ayaa horey loogu heshiisiiyey gogol ay dhigeen maamulada Puntland iyo Galmudug hase ahaatee heshiiskaas ayaan muddo kooban ka dib burburay ka dib maleeshiyo ka tirsan labada beelood ay dilal isku geysteen.
Saraakiil ka tirsan kooxda AS oo lagu dilay Sh/Hoose + Magacyada.
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lala beegsaday saraakiil sar sare iyo xubno ka tirsan kooxda AS.
Duqeynta oo si gaar ah uga dhacday meel u dhow Sabalaale, gaar ahaan aagga deegaanka Haawaay ayaa lagu garaacay goob ay ku shirsanaayeen saraakiil sar sare iyo maleeshiyaad kooxda ka tirsan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Xubnaha la dilay oo gaaraya ku dhowaad 10 ayaa isugu jiro Soomaali iyo Ajaaaniib, waxaana kamid ah:-
1-Maxamad Maxamuud Saalax Abuu Najiib,
2-Huseen Maxamad Qaasim Abuu Faadil,
3-Maxamad Badhiir Abuu Yaxya,
4- Abuu Rashiid oo ka soo jeeda dalka Maroco,
5- Abuu Basiira oo isna ka soo jeeda dalka Yemen,
6-Kamaal Maxamad Cilmi oo ah ninka xukumayay saraakiisha oo dhan.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xunahan ay diyaarinayeen weeraro ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho, kadibna la helay xogtooda oo sidaasi lagu duqeeyay.
Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay hurinayeen dagaal beeleedyada dalka ka socda, iyaga tashkiilinaya maleeshiyaadka hubka isku haysta ee ku dagaalamaya meelo kala duwan oo kamid ah dalka.
Duqeyntan waxaa ka horreysay mid kale oo ka dhacday aagga degmada Kuunyo Barrow oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa AS, kaas oo u qaabilsanaa gobollada.
{DAAWO MUQAALKA} Maxaad ka taqaanaa Warshada Hilibka xoolaha soo saarta ee ku taala Muqdisho.
Axad 29, Dec 2024 {HMC} Maxaad ka taqaanaa Warshada Hilibka xoolaha soo saarta ee ku taala Muqdisho.



