Home Blog Page 1461

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29.12.2024}

Axad 29, Dec 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa saakay ka socda Degmada Ceel-baraf iyo deegaanada Hoostaga?

0

Axad 29, Dec 2024 {HMC}  Maxaa saakay ka socda Degmada Ceel-baraf iyo deegaanada Hoostaga?

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Itoobiya oo bilowday isku day lagu fashilinayo howlgalka AUSSOM

0

Axad 29, Dec 2024 {HMC} Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo amni oo si dhow ula socday howlgalka cusub Midowga Africa ee Soomaaliya, Itoobiya ayaa isku dayaysa in ay ku qanciso wadamada ciidanka ugu deeqay howlgalka cusub ee AUSSOM in ay qaadacaan howlgalka si culays amni loo saaro dowladda Faderaalka, caalamkana looga gado in Soomaaliya ku socoto wadadii Afganistan. Inkastoo aysan guulaysan wali isku daygaan dowladda ayaa baaraan degtay xilli hore.

Dowladda Faderaalka ayaa Eritrea iyo Masar ku wargalisay in ay heegan galiyaan ciidamo hadii loo baahdo buuxin kara saldhigyada ay baneeyeen.

Somalia ayaa kulamadii u dambeeyay ee beesha caalamka iyo AU ka sheegtay in ay hayso ciidamo ku filan amniga. Dowladda ayaa ku dooday in mudadii ATMIS ay jirtay aysan qaadin howlgalo amni sidoo kale dowladu qaaday howlgal lagu xoreeyay dhul iyada oo aysan la socon ciidanka Midowga Africa. Sidaas darteed aysan ka qabin wax wal wal ah dhaq dhaqaaqa Al shabaab.

Dowladda Itoobiya ayaa golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay in wadamada Soomaaliya ciidanka ugu deeqay loo ogolaado inay ka doodaan qaabku uu noqonayo howlgalka cusub ee Soomaaliya meeshana laga saaro wadamada kale sida Masar.

Itoobiya ayaa aad u buunbuunisay khatar Al shabaab waxayna sheegeen in ay xiriir la sameysteen ururo caalami ah aana looga maarmin howlgalka cusub ciidanka Itoobiya.

December 23, 2024, Soomaaliya waxay si kulul u cambaareysay ciidamada Itoobiya “Weerar bareer ah oo aan loo meel dayin” oo ay ku qaadeen fariisimo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku lahaayeen Doolow, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah.

Soomaaliya ayaa kulanka golaha amaanka ee QM ka sheegtay inaysan jirin Qatar ka imaan karta Al shabaab ayna wadamada Saaxiibadeed ah ka heleen ciidan gaaraya 11,000 oo la gayn doono meelaha ay ka baxaan ATMIS ka hor howlgalka cusub.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ka heshay 7,000 oo askari oo ka socda Uganda, iyadoo 5,000 oo kale loo kala qeybiyay Jabuuti iyo Rwanda, halka Masar loo arko inay tahay mid kayd u ​​ah howlgalka AUSSOM.

Wafdigii DFS ee tagay Addis Ababa ayaa Itoobiya u balanqaaday 2,000 oo askari inay ku darsadaan howlgalka cusub iyadoo shuruudo adag lagu xiray — “waa in aan la dejin karin gobollada Gedo iyo Koonfur-galbeed, meelaha ay Itoobiya saamaynta ku leheed tan iyo 1990-aadkii” ayaa ka mid ah shuruudaha.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ku adkeysaneysa in ay go’aan ka gaari doonto keenista ciidamadan, isla markaana Itoobiya ama cid kale ay bixin doonto qarashka ku baxaya ciidanka Itoobiya ee howlgalka ka qayb noqonaya.

Labo wafti oo ka kal socdo Somalia & Itoobiya oo ku wada sugan dalka jabuuti.

0

Axad 29, Dec 2024 {HMC} Jabuuti Waxaa shalay gaaray Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ka dib casuumad uu ka helay dhigiisa Jabuuti.

Socdaalkiisu Waa Hal Maalin, Waxaana Qoraal laga soo saaray Villa Somalia lagu sheegay inay labada Madaxweyne ka wada hadli doonaan Danaha labada Wadan.

Waxaa isna tagay Isla Jabouti Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia Dr. Gedion Timothewos, isagoo la kulmay Dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibada ee Djabouti.

Lama oga inuu xiriir ka dhexeeyo Safarka Madaxweynaha Somalia iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ethiopia ku tageen Jabuuti, mana jiraan calaamado muujinaya arrintaas

Dhinaca kale Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee haya talada Somaliland ayaa isna maalmahanba ku sugnaa Jabouti, iyagoo kormeeray Xafiiska Somaliland ee Jabuuti oo intii u dambeysay muddo xilleedka Madaxweynihii hore xirnaa Maadaama ay Somaliland iyo Jabouti Cilaaqaadka isu jareen bilihii u dambeeyey ee uu xilka hayey Muuse Biixi.

Si kastaba lama garanayo waxaa isku soo beegay wufuudan ku wadan sugan Jabuuti, waxayna ku soo aadeysaa xili xiisado iyo isbedelo siyaasadeed ay ka socdaan geeska Afrika.

Maxay tahay sababta Burundi ay ugu hartay howl-galka cusub ee Somalia.

0

Axad 29, Dec 2024 {HMC} Dowladda Burundi ayaa markii ugu horaysay xaqiijisay in ay ka hartay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya kadib “markii ay ku qanciwaysay tirada ciidanka loo qoondeeyay”.

Dowladda Burundi ayaa go’aankeeda ku wargalisay Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabada ee Midowga Afrika oo hadda ay ku fadhiso dowladda Jabuuti.

Sidoo kale Burundi ayaa dalbatay in howlgalka cusub loogu daro 2,000 oo askari, halka Soomaaliya ay sheegtay in ay u qoondaysay 1,000 askari.

Dowladda Burundi ayaa horay u shaacisay in tiradaas kooban ay khatar gelin karto ciidankeeda, maadaama aysan iska difaaci karin cadow badan.

Dhinaca kale, ilo wareedyo diblomaasiyadeed ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Itoobiya ay isku dayayso in ay ku qanciso wadamada ciidanka u soo diraya Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM in ay qaadacaan howlgalka.

Itoobiya ayaa dooneysa inay ‘culays amni’ saarto dowladda Soomaaliya, si caalamka looga gado in Soomaaliya ku socoto wadadii Afganistaan, isla markaana aan laga maarmin in ciidamada Itoobiya ay wadankanka ka difaacaan AS.

Qorshaha cusub ee Itoobiya weli ma guuleysan, balse Dowladda Soomaaliya ayaa horay baaraan degtay shirqoolkaas, waxaana u diyaarsan ciidamo kale, hadii ay wadamada la qorsheeyey in ciidankaas ay ka yimaadaan ay isku dayaan inay la saftaan Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Eritrea iyo Masar ku wargalisay in ay heegan galiyaan ciidamo ka howlgala Soomaaliya, hadii loo baahdo ciidan buuxin kara saldhigyada ay baneyaan ciidamada Midowga Afrika.

{DAAWO MUQAALKA} nabadoon dacar 1Dadkeena Wax talaabo ah yeysan qaadin haka War sugaan Df iyo Ugaaska Xawaadle.

0

Axad 29, Dec 2024 {HMC}  nabadoon dacar 1Dadkeena Wax talaabo ah yeysan qaadin haka War sugaan Df iyo Ugaaska Xawaadle.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Isticmaalka Geedka Qumbaha ee Caasimada Muqdisho oo isbadal weyn uu ku yimid.

0

Axad 29, Dec 2024 {HMC} Isticmaalka Geedka Qumbaha ee Caasimada Muqdisho oo isbadal weyn uu ku yimid.

HOOS KADAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Cirro oo Isbitaalka Hargeysa ku booqday Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii Dacawalay

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa galabta Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ku booqdey dadkii shacabka ahaa ee dhawaan ku dhawaacmey dagaalkii ku dhacay deeganka Dacawalay dowlad degaanka Soomaalida

Madaxweyne Ciro oo mid mid u dul istaagay dadka dhaawaca ah ayaa Alle uga baryey inuu caafimaad Sareecana siiyo una Boogo dhacayo.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu ka hadlay dhibaatadii ka dhacday deegaanka Dacawaley ee lagu laayey dadka shacabka ah

Waxaaa uu hoosta ka xariiqay inay dedaallada dhibtaas lagu deminayaa meel fiican marayaan, isaga oo tacsi u diray dadkii dhacdadaas ku geeriyooday oo gaaraya ku dhowaad 150 qof, kuwa ku dhaawacmayna u duceeyey, waxana uu yidhi, “Meel fiican ayey marayaan dadaallada aynu dhibaatadaas xalkeeda ugu jirnaa, in sha Allaahna guul ayaa ay ku dhammaan doonaan. Waan ka xunnahay dhibaatadaas dhacday, waajibka ugu weyn ee yaallaana waa in khasaaraha halka ugu yar ee suurtagal ah aynnu ku joojinno, kana hortago in dhibtu soo noqoto. “

Maxaa keenay In la baraayo Dadka Shaqaalaha ka aha magaalada Jigjiga.?

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Masuuliyiinta Caasimada Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Jigjiga ayaa soo saaray go’aanno kala duwan oo saamaynaya hablaha xaafadaha ka shaqeeya, kuwaas oo markii hore hab aan sharciyo dawli ahi jirin u shaqayn jiray.

Maayarka Jigjiga Eng Shaafi Axmed  ayaa sheegay in qodobbadan ay soo saareen sababta keentay ay tahay wax la xidhiidha faydhawrka caafimaad ee bulshada.

Eng Shaafi  ayaa sheegay in ay doonay in maadaama magaaladii sii baahayso dad aad u bandanna soo degayaan ay lagama maarmaan noqotay in ay dabagal iyo horumarin ku sameeyaan caafimaadka magaalada.

“Shantii sano oo la soo dhaafay waxaa hormarin ballaadhan ka jiraa habka magaalada Jigjiga, taas annagoo ka duulayna waxaa la soo saaray shuruucda shaaqaalaha gudaha” ayuu BBC-da u sheegay Maayarka magaalada Jigjiga.

Shuruucda Shaqaalaha Gudaha ee maamulku soo saaray ayaa saamaynaya guud ahaan dadka shaqeeya, hadday dhinacyada kala duwan ee bulshada sida shaqaalaha dhismaha iyo kuwo guryaha ka shaqeeya, sida uu sheegay maayarka magaalada Jigjiga.

Magaalada Jigjiga muddooyinkii u danbeeyey waxaa la arkayey dad badan oo aan Soomaali ahayn kuwaas oo ka yimaadda killallada kale ee Itoobbiya, oo ka shaqaynaya goobaha guud ee hadday ganacsiyada gaarka ah iyo sida oo kale guryahaba.

“Maadaama dadku ku soo badanayaan magaalada waxaan u baahannahay in aan hubinno xaaladda caafimaadkooda, maadaama aannu la kulanno kiisas hawlahaa khuseeya iyo cabsida ay dadku ka qabi karaan. Markaa arrintani waxa ay keenaysaa in qofku ku kalsoonaado caafimaadka qofka shaqaalaha ah” ayuu Eng Shaafi u sheegay BBC-da.

Go’aankan ay dawladdu soo saartay ayaa ay ku sheegeen in ay yihiin kuwo saamaynaya laga bilaabo maanta dhammaan dadka shaqeeya iyo qof kasta oo shaqo doon ah.

Amarkan ayaana saamaynaya dadka ganacsatada ah ama qofka qoranaya qofka shaqaalaha ah.

Qodobbada dawladdu soo saartay ayaa ay ka mid yihiin in qofku marka la shaqaalaysiinayo waa in uu haysato warqad caafimaad ah ioo caddaynayasa in ayna qabin xanuunnada faafa sida HIV / AIDS & Cagaarshowga (Hepatitis)

Sida oo kale in ay haystaan dammaanad rasmi ah.

Magaalada Jigjiga ayaa ah caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida taas oo uu u muuqatay sannadihii danbeeyey magaalo uu ku socdo korriin xawli ah.

BBC-da ayaa go’aankan cusub ee shaqaalaha saamaynaya in dadka qaar u arki karaan takoor weydiisay maayarka magaalada Jigjiga.

Maayarka ayaana sheegay in aanay taasi suuragal ahayn maadaama go’aankani saamaynayo shaqaalaha kala duwan, hadday tahay Soomaalida iyo qoomiyadaha kale ee ka shaqeeya magaalada Jigjiga.

“Guud ahaan horta qoomiyad gaar ah lama Baaro, qof diin gaara haystana lama baaraayo , sida oo kalena qofka soo galootiga ah oo keliya lama Baaraayo. Taas waxa ay na tusaysaa in qof gaar ah iyo qoomiyad gaar ah aan la baareeyn .

Dadkana annagu ma soo qabqabanayno ee qofka shaqaalaha ayaa looga baahan yahay si u shaqo u helo in uu warqaddaas haysto” ayuu yidhi eng Shaafi oo ah maayarka Magaalada Jigjiga.

Dadka ganacsatada ah ee ama loo shaqeeyaha ah ayaa lagu amray in ay u hoggaansamaan go’aammadan ciddii ku dhaqmi weyda ama lagu helo in ay jebiyeenna ay la kulmi doonaan ciqaabo iyo ganaax kala duwan.

Xigasho BBC

Dhax dhaxaadin Toos ah oo laga dhax bilaabay SSC Khaatumo iyo Soomaaliland,

0

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Magaaladda Laascaanood Waxaa Maanta kulan ku yeeshay Garaadada SSC Khaatumo iyo ergo ka timid Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo sheegay in ay ka shaqaynayaan xal u helista colaadda u dhexaysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Dadka u kala dabqaadayo ayaa ka kooban salaadiin iyo madax-dhaqameed, ayaa sheegay in ay soo mareen magaalada Hargeysa isla markaana ay madaxda Somaliland diyaar u yihiin nabadda.

“Waxaanu nahay ergo nabadeed. Waxaanu ka nimid Hargeysa, waxaanuna idiinka wadnaa inay nabad u diyaar yihiin. Idinkuna waxaad noo sheegteen inaad nabadda diyaar u tihiin” ayuu yidhi Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool.

Garaad Kulmiye waxa uu intaas ku daray in ay Hargeysa ku celin doonaan wixii war ah ee ay Laascaanood kala soo noqdaan, intaas kadibna loo diyaar garoobi doono sidii farsamo ahaan wadahadallada loo bilaabi lahaa. Waxa uu tilmaamay in labada dhinac ay si madaxbannaan uga arrinsan doonaan waxyaabaha ay wadahadalladu ku qotomi doonaan.

Dhinaca Garaadada SSC-Khaatumo, waxay ay sheegeen in ay diyaar u yihiin nabadda iyo wadahadalka, hase yeeshee ay yihiin maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya.

Kadib dagaallo muddo soo dhex marayay Somaliland iyo SSC-Khaatumo, Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu doonayo in uu xiisadda labada dhinac ku xalliyo wadahadal.

Soomaaliland ayaa aaminsan in gobolada SSC ay yihiin qayb kamid ah dhulkeeda halka SSC Khaatuma-na ay aaminsan tahay ineey tahay maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya, taasi oo ah halka uu salka ku hayo ismaan dhaafka labada dhinac.