Home Blog Page 1485

{DHAGEEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {12-24-2024}

Talaado 24, DEC 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiyare & Sahro Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

Talaado 24, DEC 2024 {HMC}  Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka.

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN

{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliya iyo Itoobiya oo wada hadala yeeshay khilaafkii kadib.

0

Talaado 24, DEC 2024 {HMC}  Soomaaliya iyo Itoobiya oo wada hadala yeeshay khilaafkii kadib.+

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Booliska Soomaaliya oo Tababar Usoo Xiray Ciidamo Cusub

0

Talaado 24, DEC 2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa Xarunta Akadeemiyada ee Generaal Kaahiye Tababar ugu soo xiray Ciidamo katirsan Booliiska oo isugu jira Saraakiil iyo Ciidamo ka kala tirsan Daraawiishta iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Saraakiisha tababarka loo xiray ayaa la baray hogaaminta wanaagsan ee ciidanka oo isbadal weyn lagu sameeyey ,halka Ciidamada Haramcad iyo Daraawiishta iyagana lagu tababaray ku dhaqanka anshaxa iyo xeerarka u degsan ciidanka iyagoo Ilaalinaya badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed kana hortagaya falalka guracan ee kooxaha khawaariijtu geystaan.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaai Taliyaha Ciidanka Booliiska oo hadal u jeediyey Ciidamada iyo saraakiisha fursadda u helay Tababarka ayaa sheegay in aqoonta casriyeysan ee lagu Tababaray laga doonayo in shaqadooda laga arko lagulana xisaabtamayo , waxaana uu kula dardaarmay in shacabka xiliyada ay shaqada ku jiraan ula dhaqmaan si wanaagsan oo anshaxa Ciidanka waafaqsan .

Munaasabad kooban oo ka qabsoontay gudaha Xarunta Akadeemiyada Booliiska Soomaaliyeed ee Generaal Kaahiye ayuu Taliyuhu shahaado sharaf cadeynaysa aqoonta la baray Ciidamadan uu Tababarka u xiray gudoonsiiyey .

Doowladda oo Joojisay Diyaaradihii aadi jiray Kismaayo & Doolow

0

Talaado 24, DEC 2024 {HMC} Sida ay sheegayaan wararka la helayo, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaan maanta joojisay duullimaadkii diyaaradaha tagi jiray Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose iyo Degmada Doolow oo katirsan Gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka si dhab ah uma shaacin sababta maanta loo hakiyay Duullimaadka labadaan Magaalo balse wararka soo baxaya ee laga helayo ilo madaxbannaan ayaa sheegaya in khilaafka kala dhaxeeya Dowlad-Goboleedka Jubbaland in uu saameeyay.

Shalay Diyaarad kamid ah kuwa ka aada Magaalada Kismaayo ayaa lagu qaaday mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo ciidan kuwaas oo laga dejiyay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo oo isla xiligaas ka dhacay dagaal xooggan.

Xiisadda ka dhex jirta Dowladda Federaalka & Axmed Madoobe ayaa ka dhalatay Doorashadii uu ku qabsaday Magaalada Kismaayo, waxa ay Dowladdu ku doodday in uu Madaxweynaha DG Jubbaland uu saxiixay Doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.

Soomalia iyo Congo oo Diiradda saarayo Xoojinta Xiriirka laba Geesoodka Ah ee u Dhexeeya

0

Talaado 24, DEC 2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa wada hadal wax ku ool ah khadka telefoonka kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Thérèse Kayikwamba Wagner.

Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo DRC, kor u qaadista iskaashiga dhinacyo kala duwan, iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan DRC.

Wadahadalka Wasiiradda waxaa si gaar ah xoogga lagu saaray sidii loo taageeri lahaa ganacsatada Soomaaliyeed, loo fududeyn lahaa danahooda, loona xaqiijin lahaa in baahidooda si hufan loo daboolo, isku xirkan ayaana muujinayaa sida ay Soomaaliya uga go’antahay in la xoojiyo xiriirada iyo horumarinta dano wadaagga ah ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka shaqeeneysa xoojinta xiriirka kala dhaxeeya qaar kamid dowladaha caalamka, waxa ayna dowladda Congo kamid tahay dowladaha aan xiriirilka tooska ah la laheyn Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Itoobiya, As iyo Jubbaland oo Isku dhinac ah ayaa Dowlada DF la dagaalamayo.”Gudoomiye Cabdiqaadir.”

0

Talaado 24, DEC 2024 {HMC} Itoobiya, As iyo Jubbaland oo Isku dhinac ah ayaa Dowlada DF la dagaalamayo.”Gudoomiye Cabdiqaadir.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxaa Ka Tiri Israa’iil Dilkii Ismaaciil Haniya?

0

Talaado 24, DEC 2024 {HMC} Wasiirka difaaca ee Israa’iil ayaa markii ugu horreysay qirtay in Israa’iil ay bishii July ku dishay Tehran hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyah.

Israel Katz ayaa hadalkan ku sheegay khudbad uu wacad ku maray inay beegsan doonto madaxda dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, kuwaasoo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku garaacaya Israa’iil.

“Sida aan ku samaynay Haniyeh, [Yahya] Sinwar, iyo [Xasan] Nasrallah ee Tehraan, Gaza, iyo Lubnaan, waxaanu sidaas ku samayn doonaa Xudeyda iyo Sanca,” ayuu yiri, isaga oo ula jeeday hogaamiyayaasha Xisbullah iyo Xamaas oo dhamaantood la dilay sanadkan.

Haniyeh, oo 62 jir ah, ayaa si weyn loogu tixgalin jiray hogaamiyaha guud ee Xamaas, waxaana uu door muhiim ah ka qaatay wada xaajoodyadii lagu doonayay in xabad joojin laga gaaro marinka Qaza.

Ka dib dilkiisa, Xamaas waxay hogaamiyaha guud ee kooxda u magacawday Yahya Sinwar, isla markaana ahaa mid ka mid ah naqshadeeyayaashii weeraradii 7-dii October.
Sinwar ayaa waxaa dilay militariga Israa’iil ka dib dagaal ka dhacay Gaza bishii Oktoobar, kooxda ayaa wali ku guda jirta doorashada hogaamiyaha cusub.

Haniyeh ayaa lagu dilay dhismo uu ku sugnaa oo ku yaalla caasimadda Iran, waxaana lagu dilay weerar ay Israa’iil si weyn u sheegatay.

Dhanka kale Hassan Nasrallah wuxuu ahaa hogaamiyaha kooxda ay Iran taageerto ee Hezbollah – waxaa lagu dilay Beirut bishii Sebtembar iyadoo Israa’iil ay si weyn u kordhisay ololaheeda militari ee ka dhanka ah Xisbullah.

Xuutiyiinta oo ah jabhad ay Iran taageerto oo maamula waqooyi-galbeed ee Yemen, ayaa billaabay inay weeraraan maraakiibta Israa’iil iyo kuwa caalamiga ah ee ku sugan badda cas wax yar ka dib markii Israa’iil ay billowday beegsiga Xamaas ee Gaza bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Kooxda ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto ilaa inta uu ka dhamaanayo dagaalka Gaza.

Sabtidii, militariga Israa’iil ayaa sheegay in isku daygii ay ku doonayeen inay ku soo ridaan gantaal laga soo tuuray Yemen uu ahaa mid lagu guul-darreystay, wuxuuna gantaalku ku dhacay beer ku taal magaalada Tel Aviv.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in kooxdu ay ku garaacday bartilmaameed millatari oo ay adeegsatay gantaal ballistic ah.

Toddobaadkii hore Israa’iil waxay qaadday duqeymo ka dhan ah waxa ay ku sheegtay bartilmaameedyada militariga Xuutiyiinta, iyagoo garaacay dekado iyo sidoo kale kaabayaasha tamarta ee caasimadda Yemen ee Sanca.

Mareykanka iyo UK ayaa sidoo kale weeraray bartilmaameedyada Xuutiyiinta, taasoo qeyb ka ah howlgalka lagu ilaalinayo maraakiibta caalamiga ah.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in xoogaa horumar ah laga gaaray heshiis xabbad-joojin ah oo Gaza laga gaarayo Xamaas, balse ma uusan bixin waqti go’an oo ah goorta heshiiska la gaarayo.

Arrintan ayaa timid kadib markii sarkaal sare oo Falastiini ah uu BBC-da u sheegay in 90% uu dhammaaday wada-hadallada Xamaas iyo Israa’iil, balse ay weli jiraan arrimo muhiim ah.

Xamaas ayaa bishii October ee sannadkii hore weerartay Israa’iil, halkaas oo ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof, iyagoo afduub ahaan u haystay 251 qof.

Iyaga oo ka jawaabaysa, Israa’iil waxay billowday olole millatari oo ay ku burburinayso Xamaas kaas oo socday in ka badan hal sano waxaana lagu dilay 45,317 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Marinka.

Hay’adaha samafalka iyo kuwa xuquuqul insaanka ayaa ka digay xaalad masiibo ah oo ku soo wajahda dadka rayidka ah ee Gaza.

{DAAWO MUQAALKA} Darajo Gaar ah oo la siinayo Aqoonyahnada ku biiraya Booliska Puntland

0

Talaado 24, DEC 2024 {HMC}  Darajo Gaar ah oo la siinayo Aqoonyahnada ku biiraya Booliska Puntland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Weerar culus oo lagu qaaday Telaabiib

0

Talaado 24, DEC 2024 {HMC}  Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, ayaa saakay weerar culus oo ay u adeegsadeen gantaalada nuuca balaastic-ga waxa ay ku qaadeen gudaha Israa’iil, gaar ahaan magaalada Telaabiib.

Gantaalada ay Xuutiyiinta ku weerareen caasimadda maamulka Israa’iil , ayaa wararku sheegayaan in khasaarooyin ka dhasheen, waxaa sidoo kale dadka magaaladaasi ku dhaqan lasoo dersay xaalad argagax iyo kala carar.

Xaalad bandow u eg ayaa saakay la galiyay magaalada Telaabiib ee caasimadda Israa’iil, waxaana dadka lagu wargaliyay in ay galaan goobo ay uga gabaad galaan gantaalada ay Xuutiyiinta kusoo weerartay caasimadda Israa’iil.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli maamulka Israa’iil uu ku hanjabtay inay hoggaamiyayaasha Xuutiyiinta u beegsan doonta sida hoggaanka Xisbullah, halka kooxda Xuutiyiinta iyana ku hanjabtay in ay sii xoojinayaan weerarada ka dhanka ah Israa’iil.