Jimco 18-Oct-2024 {HMC} Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Oo ka tacsiyadeeyay geerida AUN Abwaan Sugaal Cabdulle”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco 18-Oct-2024 {HMC} Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Oo ka tacsiyadeeyay geerida AUN Abwaan Sugaal Cabdulle”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco 18-Oct-2024 {HMC} Shaki soo kala dhaxgalay ururka ONLF iyo dowladda Itoobiya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco 18-Oct-2024 {HMC} Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa madaxweyne ku xiigeenka dalka u magacaabay Prof Kithure Kindiki, kaas oo bedeli doona madaxweyne ku xiigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua, kaas oo ay xilka ka qaadeen xildhibaanada iyo senetarda dalka.
Kithure Kindiki, oo haatan ah wasiirka arrimaha gudaha, ayaa waxaa uu u baahan doonaa in baarlamaanku ansixiyo, ka hor inta uusan la wareegin xilka madaxweyne ku xiigeenka dalka.
Baarlamaanka dalka ayaa ku qasban inay u codeeyaan magacaabsitiisa muddo 60 maalmood ah gudahood kadib markii la soo gudbiyo magaciisa.
Rigathi Gachagua ayaa xilka laga qaaday kadib markii lagu eedeeyay in uu hanti ku helay qaab musuqmaasuq ah.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale ku eedeeyay Rigathi Gachagua inuu ku dhaqmayo siyaasad isir ku saleysan oo uu ku wiiqayo dowladda.
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yasiin Daacad
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
Jimco 18-Oct-2024 {HMC} Waxa uu sheegay Baasim Naciim oo ah hoggaamiye ka tirsan Xamaas in Israa’iil rumeysan tahay wax u muuqda in dilka hoggaamiyayaasheena ay ka dhigan tahay “dhammaadka xarakadeena iyo halganka Falastiin”.
Waxa uu intaa ku daray “ha rumeystaan waxa ay doonayaan, maaha markii ugu horraysay oo ay sidaa oranayaan”.
Naciim ayaa soo qaatay hadalladii hore ee Israa’iiliyiinta “hadalladaas oo kale way soo celceliyeen markii la dilay Sheekh Axmed Yaasiin, Dr Cabdicasiis Rantiisi iyo hoggaamiye Salaax Shaxaadah”, waxa uu intaa ku daray “Xamaas mar kasta way ka sii xoog iyo shacbiyad badnaanaysay sidii hore, waxayna u noqdeen hoggaamiyayaashaas la dilay jiilasha xiga haldoor ay tiigsadaan si ay u sii socoto safarka halganka xoriyadda Falastiin”.
Waxa uu ku tilmaamay Xamaas dhaqdhaqaaq xornimo doon “oo ay hoggaaminayaan shacab doonaya xoriyad iyo karaamo, taasina suuragal maaha in laga adkaado”.
Naciim waxa uu yiri “Waxan rumeysan nahay in masiirkeenu labo mid uun yahay shahaado ama guul”.
Waxa uu intaa ku daray: “Waxaa wax laga xumaado oo laga murugooda ah in aan wayno shakhsiyaad qiimo badnaa iyo hoggaamiyayaal naadir ah. Waxa aan hubnaa in aan guuleysan doono aakhirka, waa natiijada kuwa u halgamay xoriyaddooda darteed”.
Jimco 18-Oct-2024 {HMC} Ciyaar xiiso leh ayaa la filayaa in goordhow ay ka bilaabato garoonka kubadda cagta ee Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho taas oo ah kama dambeysta koobka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Kooxaha kubadda cagta ee kala matalaya degmooyinka Kaaraan iyo Gubadleey ayaa soo gaaray ciyaarta ugu dambeysa ee final ka koobka kaddib markii ay ka soo adkaadeen kooxihii ay la soo ciyaareen kulamadii afar dhammaadka.
Taranka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir oo ay weheliso degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa soo bilowday sideedii bishii hore ee September, waxana maalmaha la ciyaarayo u daawasho taga kumannaan dadweyne ah oo ciyaarraha xiiseeya.
Kooxda kubadda cagta ee degmada Kaaraan ayaa afar dhammaadka tartanka ka soo adkaatay kooxda degmada Dharkenley, halka Gubadley ay ka soo badisay kooxda degmada Daarusalaam.
Jimco 18-Oct-2024 {HMC} Masar iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis cusub oo…
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco 18-Oct-2024 {HMC} “Doorashada Cidda ku soo baxda ayaa dal maamusha”Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ee Xisbiga KULMIYE.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco 18-Oct-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo::Muataf Cali Cadow
Farsamadii ::Muuse Cali Xerow
Frinday 18, Oct 2024 {HMC} Sahra Mohamed Khaliif, a Somali-born woman residing in the Netherlands, has made history by securing a seat in the municipal council of Leuven. Sahra’s victory marks a significant milestone, as she becomes the first Muslim, Somali, and immigrant woman to win such a position in her region.
Her achievement is seen as a breakthrough for the Somali community and for immigrant representation in Dutch politics. Sahra’s election is particularly noteworthy in a time where diversity and inclusion are increasingly critical in political discourse.
In an interview with VOA journalist Sahra Cabdi Axmed, Sahra Mohamed Khaliif shared her thoughts on the win, expressing her gratitude and optimism for the future. When asked about her reaction to the victory, she described it as a reflection of the growing acceptance and integration of immigrant communities in Dutch society.
Her win is expected to inspire many others from marginalized backgrounds to pursue leadership roles and actively participate in shaping the political landscape of the Netherlands.