Home Blog Page 2470

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kawada hadlay arrimaha dalxiiska.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Talyaaniga ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagey qorshaha dowladda ee horumarinta dalxiiska, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in la furo machad lagu barto culuumta dalxiiska, taas oo qeyb ka ah mashruuca heer qaran ee dib u soo nooleynta dalxiiska iyo in la abuuro fursado shaqo oo ay ka dhalinyarada ka faa’iideystaan.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis ayaa sidoo kale Safiirka Talyaaniga uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarka adeegyada kala duwan ee ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso.

Danjiraha Talyaaniga Mudane Pier Coppi ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya sameyneyso, dowladdiisuna ay si buuxda u garab taagan tahay hawlaha muhiimka ah ee ay hayso Dowladda Soomaaliya, isagoo dhanka kalena xusay in Talyaaniga uu taageersan yahay madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xogo kasoo kordhay Masjidkii ay isku haysteen Soomaalida Amsterdam.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Dacwadii u dhexeysay guddiga maamulka masjid QUBA, ee ku yaal magaalada Amsterdam ee dalka Holland ayaa mar kale guux ka dhex abuurtay mushtamaca Soomaalida ee ku dhaqan waddankaasi, kaddib markii labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyay qolo waliba ay dhinaceeda sheegatay guul-hordhac ah.

Khilaafka u dhexeeyay guddiga maamulka masjidka QUBA ayaa si rasmi ah u soo shaac-baxay bishii Febraayo 2021, markii saddexdii xubnood ee hayay maamulka masjidka QUBA oo dhulkiisa iyo dhismihiisa ba lagu bixiyay lacago laga soo uruuriyay dad muxsiniin ah oo ku nool dacaladda dunidda, dadka ugu badan ee ka qeybqaatay na ay ahaayeen Soomaali.

Khilaafka gaaray in hormuudka Soomaalida NL ku dhaqan dhexdeeda wax xal ah ka gaari waayaan, wuxuu u dhexeeyay iimaam-kii iyo guddoomiyihii guddiga Shiikh Suldaan Gasle oo dhinac ah iyo Guuleed Wayrax iyo Shiikh Abuu-Khadiija oo ka tirsanaa maamulka oo isku dhinac ah, iyada oo 14-kii bishii September (2021) ciidamo boolis ah ay gudaha u soo galeen masjidka, laguna wargeliyay Shiikh Suldaan inuu masjidka dibed-joog ka noqdo, waxeyna tillaabadaasi ka careysiisay inta badan dadka Soomaalid ah, oo ku tillmaamay Shiikha Suldaan inuu bud-dhig u ahaa aasaasida iyo dhismaha masjidka Quba.

Khilaafka masjidka ayaa maraaxilo kala duwan soo maray, iyada oo markii ugu horreeysay khilaafkaasi ay ku soo baxeen dad isugu jiray samadoonno, culimo, waxgarad iyo aqoonyahanno muddo 4 billood ah dhexdhexaadin ka dhex waday 2da dhinac, iyada oo natiijadii ka soo baxday dhex-dhexaadintooda ay noqotay in Shiikh Suldaan laga saxan yahay, masjidka maamulkiisana lagaga dambeeyo ragga hadda masjidka maamulkiisa haya, inkastoo Shiikhu ka horyimid go’aankaasi kuna tilmaamay raggaas kuwa dhinac u raran.

“Odayaasha Tilburg waxaan kula kulanay Hoofddrop waxaan la fadhinay 8 ilaa 10 saacadood, waxaan kala hadalnay in Shiikh Suldaan waxyaabaha iyaga uu ku diidan yahay ee qaladaadka ah ka mid tahay; qoddobo aan heshiiskii hore ku jirin oo ragga masjidka ku haray ay gacantooda ku soo qorteen in la saxo, Shiikhuna warqadaas markuu arkay ayuu dib u noqday, guddiga qaar ka mid ah oo Shiikhu xiriir la sameeyey waxeey u sheegeen warqadaasi in ay iyaga ka imaanin oo dhinaca kale ay soo qoorteen sax na aysan aheyn, siddaas awgeed wuxuu arkay meesha in ay jirto is hoosaasin, wuxuu kala noqday kalsoonidii iyo u qoor dhiibashadii guddiga” Ayuu yiri mid ka mid ah guddiga Amsterdam oo magaciisa diiday in la shaaciyo, isaga oo intaasi ku daray in ay soo jeediyeen guddigooda Amsterdam in 6-dii qoddob dib loogu laabto, hasse ahaatee guddigii Tilburg ay ku adkeysteen in go’aanka ay soo gaareen in ay Soomaalida la wadaagi doonaan.

Markii wax xal ah oo heshiis lagu yahay laga gaari waayay dacwadii u dhexeysay guddiga masjidka ayaa waxaa mar keliya laga war-helay in dacwadii u gudubtay Maxkamad ku taal Amsterdam, oo qaadigeeda iyo ashqaasta kale ee go’aanka gaareysa ba aysan aheyn dad muslim ah, ayna u kala dab-qaadayaan dad muslimiin ah, iskuna haysta maamulka iyo maareynta masjid.

Durba, waxaa la is weydiiyay cidda dacwadii masjidka geysay maxkamadda Amasterdam; Darafkii ku haray masjidka ayaa iska fogeeyay eedaasi, halka Shiikh Suldaan uu sheegay in sababta uu bannaanka u jooga ay tahay isaga oo xaq u leh inuu masjidka tago inuu diidan yahay khilaaf sababi kara in masjidka la xiro.

“Anigoo ka tanaasulay xaqii aan u lahaa inaan masjidka tago ayaa ka baaqsaday, siddeey ku dhici kareysaa inaan maxkamad dacwad geeyo.?” Ayuu yiri Shiikh Suldaan Gasle.

Mid ka mid ah ragga ku xiran masjidka oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ka dhursugayaan natiijada dacwada, wuxuuna tilmaamay in taageerayaasha Shiikh Suldaan ay ku doodayaan in waddaadka la masabitay, ayna rag ka tirsan kuwa maamulka haya ay sameeyeen marqaati fur been ah, balse wuxuu ku nuuxnuuxsaday in xaaladu aysan aheyn sida ay ku doodayaan taageerayaasha Shiikha.

“Marqaati looma baahna, arrintaasi way dhamaatay, Shiikh Suldaan codkiisii ayaa duuban, qofkii arrinkaasi uu shaki kaga jiro ha dhageysto hadalkii uu ka jeediyay markii uu joogay jaaliyada, afkiisa wuxuu ka qirtay shirkaasi inuu joogay” Ayuu ku gaabsaday mid ka mid ah dadka taageersan darafka masjidka ku haray, isaga oo ku bogaadiyay raggaasi sida ay ugu cadaalad faleen habsami u socodka howlaha masjidka.

Dhinaca kale, C/fitaax Cabdullaahi oo ka mid ah taageerayaasha Shiikh Suldaan, ayaa isaga oo ka hadlayay halka ay dacwadu mareyso waxa uu sheegay in maxkamaddu ka dalbatay kooxda masjidka maamusha in ay keenaan caddeymo muujinaya in Sheekhu aanu goob joog aheyn shirkii 10-kii maarso, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in masjid dhulkiisa iyo dhisidiisa-ba aysan Soomaali meel kasta oo ay joogto u kala harin in masiirkiisa ay sheegtaan dhowr qofood.

“Waxeey ka mid tahay mucjisooyinka taariikhda galay ee jiilkeygu ay goob jooga u yihiin, in masjidkii Soomaali aysan u kala harin dhismihiisa, in taladiisa 2 qofood ay ka go’do, oo ciddii ka aragti duwanaatana ay yiraahdaan; masjidka ayaad dumineysaan” Ayuu yiri Cabdifitaax, isaga oo dhinaca kale na nasiib darro ku tilmaamay in rag ka mid ah odayaasha magaalada Amsterdam lagu yiraa masaajidka ma soo geli kartaan.

“Waxaan “social media” ka aragnay rag ka mid ah odayaasha magaalada oo hortaagan albaabka masaajidka, iyaga oo leh waxaa sidaa nagu yiri mid ka mid ah howl-wadeenada masaajidka” Ayuu yiri C/fitaax, wuxuuna ugu dambeyntii u soo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee dhibsaday khilaafka masjidka in ay soo jeedinayaan in talada masjidka lagu celiyo bulshada si looga gaaro go’aan kama dambeys ah.

{DAAWO MUQAALKA} R/ Hamza Abdi Barre ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay maalgashtan dalka

Arbaco 8 May, 2024 {HMC} R/ Hamza Abdi Barre ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay maalgashtan dalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Taliyaha ciidanka dhulka CXDS oo Howlgalo culus oo AS lagula dagaalamayo kaga dhawaaqay Laba ka mid ah Goboladda Dalka.

Arbaco 8 May, 2024 {HMC} Taliyaha ciidanka dhulka CXDS oo Howlgalo culus oo AS lagula dagaalamayo kaga dhawaaqay Laba ka mid ah Goboladda Dalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Militariga Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay duqeymo ku dileen dad badan oo shacab ah.

Arbaco 8 May, 2024 {HMC} Militariga Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay duqeymo ku dileen dad badan oo shacab ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Wa kuma Gudoomiyaha cusub ee Xiriirka kubadda cagta Baladweyne?

Arbaco 8 May, 2024 {HMC}  Wa kuma Gudoomiyaha cusub ee Xiriirka kubadda cagta Baladweyne?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Jowhar waxaan kala soo laabtay natiijo la’aan iyo waji gabax ”Cabdi Casiis Jaburi”

Arbaco 8 May, 2024 {HMC}  Jowhar waxaan kala soo laabtay natiijo la’aan iyo waji gabax ”Cabdi Casiis Jaburi”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {07-05-2024}

Talaado 7 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Soomaaliland oo shimbir xaalad caafimaad ugu qaaday Wadanka Jabuuti.

Talaado, 7, May,  2024 {HMC} Shimbir haad ah ayaa ku dhintay magaalada Lawyo-caddo kadib markii ay xukuumada Somaliland u qaaday dalka Jabuuti si looga daweeyo dhaawac soo gaadhay.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Boondare, oo waraysi siisay BBC Somali ayaa sheegtay in shimbirkan oo ahaa nooc haadka kamid ah oo sii dabar go’aya uu dhaawacmay kadib markii uu ku dhacay xadhig koronto, kadibna uu garabka ka jabay.

Boondare waxay sheegtay in kadib markii uu shimbirku dhaawacmay ay caruur ka agdhawayd soo qaadeen oo ay keeneen goob lagu xanaaneeyo xayawaanada duur joogta ah oo ku taala magaalada Hargaysa, dadaal dheer kadibna ay waxba ka qaban kari waayeen xaaladiisa ayna go’aan sadeen in ay u qaadan dalka Jabuuti.

“Markii ay caruurtu keeneen waxa joogay dhakhaatiir waanu sawirnay waxaanu ogaanay in uu garabka ka jabay, markii aanu aragnay in uu daryeelkale usii baahanyahay ayaa dhakhtar takhasus ah Jabuuti jooga uu yidhi aniga ii keena” ayay tidhi Boondare.

Waxa ay xustay in markii shimbirku uu gaadhay magaalada Lawya-caddo ee xadka Somaliland iyo Jabuuti laga codsaday in ay keenaan waraaqo dheeraad ah oo sharci si shimbirka looga gudbiyo xadka, isla markaana intii ay ku mashquulsanaayeen samaynta waraaqaha uu shimbirku dhintay.

Boondare waxay sheegtay in ay aad uga xumaadeen dhimashada haadka, isla markaana ay shaqaalaha wasaaradeedu iskaga tacsiyeeyeen, iyada oo sheegtay in uu ahaa nooc kasii dabargo’aya dhulka Soomaalida.

Dalalkii Ugu Badnaa oo Africaan ah ayaa taageeray musharaxa Soomaaliya u wado Guddoomiyaha Midowga Afrika

Talaado, 7, May,  2024 {HMC} Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay ku jiraan dhowaad 30 dal oo Afrikaan ah ay taageerayaan musharraxa Soomaaliya u taagan xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee 2025-2028.

Wasiirka arrimaha dibbada Mr Fiqi ayaa sheegay in guul weyn ay u tahay Soomaaliya, maadaama ururka OIC ay xubno ka yihiin ku dhawaad 30 dal oo Afrikaan ah.

“Soomaaliya waxay aad uga mahad celineysaa taageerada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo ay ku jiraan ku dhawaad 30 xubnood oo ka socda Afrika, sida ay u garteen oo ay u taageereen magacaabista Soomaaliya ee Fowsiya Yusuf Adam oo ah musharaxa Soomaaliya ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee 2025-2028.” Fiqi ayaa sidaas yiri.

Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday olole ay ku dooneyso in wasiirkeedii hore ee arrimaha dibadda, Fowsiya Yusuf Adam, ay u noqoto guddoomiyaha soo socda ee AUC, taasoo ka dhigtay inay la tartanto hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga.

Fursadaha hoggaamiyaha mucaaradka iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Raila Odinga ee tartanka uu ugu jiro jagada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (AUC), ayaa laga yaabaa in ay soo wajahdo dib u dhac ka dib markii ay korortay taageerada musharaxa Soomaaliya, Fowsiya Yusuf Adam.

Haddii ay Fowsiya ku guuleysato aqlabiyadda dalalka iskaashiga Islaamka waxay ku dhowdahay guul u soo hoyata Soomaaliya, marka loo eego in xubinnimada Midowga Afrika ay tahay 55 dal.

OIC waa isbahaysi ka kooban 57 waddan oo Islaamku kaalin mug leh ka qaato. Waddamadaas waxaa ka mid ah kuwa Islaamku yahay diinta dawladda, kuwa ay muslimiintu u badan yihiin, iyo qaar Muslimiintu ay yihiin dad laga tiro badan yahay, laakiin kaalin muuqata ku leh.