Home Blog Page 2469

Muxuu Yahay Ninka Soomaaliga ah oo Isniin walba guba kaam qaxooti oo ku yaalla dalka Jarmalka?

Arbaco-08-may -2024 {HMC}  Dalka Jarmalka waxa uu kamid yahay dalalka Yurub ee ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan isla markaana magan gelyo doonka ah.

Soomaali badan ayaa dalkaasi iska dhiibtay sanadihii ugu dambeeyay, kuwaas oo qaarkood helay qaabilaad lagu siiyay sharciga dalkaas.

Sidaas si lamid ah waxaa jira Soomaali kale oo ku jira xeryaha qaxootiga ee loo yaqaanno kaamamka kuwaas oo aan weli helin qaabilaadda sharciga dalka iyo degenaasho toos ah.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa warbaahinta dalkaasi waxa ay hadal heysaa nin Soomaali ah ku kacay fal uu dhowr mar xabsi ku muteystay ilaa kiiskiisa loo qorsheeyo in guud ahaanba dalka laga tarxiilo isla markaana dib loogu celiyo Soomaaliya.

Ninka ayaa ku eedeysan in uu isniin walba dab qabadsiiyo kaam qaxooti oo isaguba ku jiro, kuna yaallo Magaalada Bad Dürrheim ee Gobolka Baden-Württemberg.

Axmed Kadiye oo kamid ah Soomaalida Jarmalka gaar ahaan dhallinyarada u dhaq-dhaqaaqda jaaliyadda ayaa sheegay in kiiska dabka ee lagu heysto ninkan uu yahay mid soo noq-noqday.

“Ninkan dhallinyarada ah waxaa la sheegay in isniin walba uu soo uruursado Xaabo isla markaana uu dab ku shido kaamka ama gurigan ay deggenyihiin qaxootiga oo la yiraahdo Albert-Schweitzer-Haus, dhowr mar ayey boolisku xireen haddana waa lasoo daayaa oo xabsiga laguma sii hayo” ayuu yiri Axmed Kadiye.

Kooxaha dab damiska iyo booliskuba waxa ay isniin walba gaaraan kaamka xilliga ninka uu dabka shido.

Boolisku ma aysan baahin xogta ninkan oo dhameystiran iyada oo lagusoo koobay Soomaali qaxooti ah, waxaana ay falka ninkan ku sheegeen mid aan buurneyn maadama uusan dabku geysan khasaare.

“Ninkan xilligii loogu tagayay goobta uu dabka ka shiday, waxa uu aha amid Alle baryayay sida ay sheegayaan warbaahinta, sidoo kale waxa uu ku cel-celinayay waan u qalmaa in aan noqdo qaxooti rasmi ah, waxaana wajigiisa ka muuqday qosol, iyadoo aan la sheegin in uu yahay qof maskaxiyan xanuunsanaya iyo in kale”, ayuu sii raaciyay Axmed Kadiye.

Dowladda Jarmalku waxa ay sheegtay in ninkan hadda aan lagu heyn kiis Soomaaliya loogu tarxiili karo, balse waxa ay la xiriirtay safaaradda Soomaaliya ee magaalada Berlin si loo falanqeeyo habkii loo tarxiili lahaa.

Nin kamid ah maamulka magaalada oo lagu magacaabo Markus Stein ayaa ka hadlay dhacdada isaga oo taagan afaafka hore ee dhismaha ay arrintu ka dhacday, waxaana uu sheegay in aan la sugin in mararkale ay soo noq-noqto.

“Anaga ka magaalo ahaan, waxa ay u ekaaneysaa in aan la sugeyno in dhacdadan aan la sugno ilaa heer ay gaarto in ay wax weyn dhacaan waxaana ay noqon doonto wax aynu fahmi weyno”, ayuu yiri Markus Stein.

Dhacdo tan lamid ah

Dadka deggan Tuulada Hardheim ee degmada Neckar-Odenwald-Kreis ayaa dhammaadka sanadkii hore waxa ay qaarkood muujiyeen cabasho ka dhanka ah nin Soomaali ah oo tahriib ku galay dalka Jarmalka.

Dadka tuulada oo lagu qiyaaso in ay agaarayaan ilaa 7,500 ayaa sheegay in ay ka baqayaan ninkan oo la shaaciyay in uu maskaxda ka xanuunsanayo, waxa la sheegay in ay dhowr mar ka gudbiyeen dacwo balse aan wax laga qabanin.

Xeer ilaalinta gobolka ayaa si joogta ah u diidday eedeymaha la xiriira ninkan Soomaaliga ah, marka loo eego xaaladaha caafimaad ee uu ninkan ku suganyahay iyo ra’yiga caafimaadkiisa la xirira, ninka 25-jirka ah ayaa qabay xanuun maskaxiyan ah taasoo la micno ah in aan wax dambi ah loo qori Karin.

Dacwad oogaha guud ee magaalada Mosbach ayaa wargeyska Bild u sheegay in tan iyo bishii May ee sanadkii hore dadka deegaanka ay soo gudbiyeen dacwado badan oo ka dhan ah ninka dhalinyarada ah ee la sheegay in uu ku dhashay magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jira xatooyo iyo cabsi gelin.

Soomaalida ayaa ku jirta kaalinta afaraad ee magangalyo doonka ka yimid Afrika ee iska dhiibay Jarmalka. Waxaa ka horeeya wadamada kala ah Morocco, Nigeria iyo Eritrea.

Tirada Soomaalida ee magangalyo doonka ah ayaa sanadkii hore ku dhawaatay laba jibbaar. 55,470 ruux ayaa lagu sheegay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Jarmalka ee doonaya in la qaabilo, sida ay baahisay dowladda Jarmalka.

31,075 oo kamid ah dadkaas ayaa xilligaas sharciyo ka helay Jarmalka, balse intooda badan wali ma aysan helin sharciga joogtada ah ee dalkaas, halka 4,780 kamid ahna ay heleen diidmo, micnaheeduna yahay in dawladda jarmalku qaabili doonin, magangalyana siin doonin. Tan ayaa micnaheedu yahay in 10 kii qof ee Soomaali ah, 8 kamid ah ay sharci ka haystaan dawladda.

Temporary Learning Centre in Dhusamareeb provides a haven for displaced children


Wednesday May 8, 2024

In Somalia, one of the most common traumatic events for children is displacement. Being torn from their homes, friends, and lives can leave deep emotional scars that are difficult to heal. The traumatic events they have been exposed to leave invisible scars that can prevent children from attending school, if there is one that is accessible to begin with. Entering a classroom for the first time marks an important milestone in every child’s life, as is the case for Hassan (13).

He hails from a family of four, where he is the oldest. Hassan had never been to school until a prolonged drought in 2021 forced his family to leave their home in the Bay region, southwest Somalia, to settle in Arladi camp for the internally displaced in Dhusamareeb. His father was a livestock herder from which the family earned their subsistence. They were happy and lived comfortably until the drought decimated their entire herd.

In the camp, Hassan would wake up to the sounds of the camp stirring to life. The makeshift tents, the crowded pathways, and the constant hum of activity served as a reminder of the harsh reality he was living in. Displaced and a stranger, he missed his home, his friends, and the daily routine. He was having trouble adjusting to the new reality.

A glimmer of hope arrived when a temporary learning center was set up in the camp and Hassan was enrolled, with the chance to make new friends and set up a new routine.

“I like the new school here. It is not like the other big modern schools in town, but I don’t mind because I wanted to come to school to learn. In this center, I found happiness.”

Hassan says his favorite subjects are Somali and mathematics. He says the center is a haven, a place where he could escape the harsh realities of life in the camp and immerse himself in books, learning, and creativity. For Hassan, the learning center is more than just a place to study, it is a sanctuary where he could dream of a brighter future.

“Hassan is a dedicated student who wants to continue his schooling despite the challenges in his life. I have met his parents and encouraged them to continuously be engaged in his learning and progress and support him while at home,” says his teacher, Shamsa.

With support from the Government of Japan, UNICEF is supporting 4,842 students in Galmudug State to access learning through temporary learning centers. In South Galkayo, there are 13 centers UNICEF is supporting, with 10 of them located in IDP sites. The Programme employs the Accelerated Basic Education approach, which features a compressed curriculum to allow children left behind by formal education system to accelerate their progress and be enrolled in the formal system. The Programme is also an entry point for other services such as WASH, child protection, and nutrition.

The Arladi IDP temporary learning center has an enrolment of 149 students with five teachers.

Sudanese refugees flee UN camp in Ethiopia following attacks


Wednesday May 8, 2024

At least 1,000 Sudanese refugees have fled a camp run by the United Nations in northern Ethiopia following a series of shootings and robberies, three of the refugees and the United Nations said.

The refugees said about 7,000 of the 8,000 residents of the Kumer camp left on foot early on Wednesday morning after they were attacked and robbed by local militiamen.

They said they were detained by the police shortly after leaving the camp, which is 70 km (43 miles) from the Sudanese border in Ethiopia’s Amhara region. They asked not to be named for fear of reprisals.

The United Nations refugee agency UNHCR said it was aware that 1,000 people had left Kumer on Wednesday because they felt unsafe after a series of security incidents.
Spokespeople for the Ethiopian government, the Amhara regional administration, the federal police and the national refugee agency did not respond to requests for comment.

More than 1.6 million Sudanese people have fled their country since civil war broke out in April 2023 between the army and a rival paramilitary unit. About 33,000 have crossed into Ethiopia, according to UNHCR.

Sudanese refugees in Kumer told UNHCR in a recent letter that they have been facing rampant insecurity for months, including kidnappings for ransom, killings and armed robberies.

Amhara militiamen have been battling federal forces for nearly a year across the region in a conflict that left more than 200 people dead last year, according to the United Nations.

“We can no longer stay here,” one of the refugees told Reuters by phone. “We have been abducted, killed, and attacked repeatedly since we arrived here in June. We have decided to go back to Sudan, despite the war.”

UNHCR described the situation in the camp as “very difficult.”

“The reasons they gave for leaving were primarily because they did not feel safe in the settlement,” the agency said in a statement to Reuters.

“This follows several reports of security incidents, including crime, theft, armed robbery, shooting and alleged abductions.”

Reporting by Giulia Paravicini; Editing by Hereward Holland, Editing by William Maclean

Maxaa Ka Taqaanaa Ukuntii ugu qaalisaneyd abid oo lagu kala iibsaday lacag aad layaabi doonto?

Talaado-07-may -2024 {HMC} Deeqsinimadu ma ahan arrin la xiriirta maalqabeennimada. Mana jirto tusaale kaga habboon sheekadan soo aadan. Hooyo Muslimad ah oo aad u qabowday ayaa u timid Guddi gacanta ku hayay dhismaha Masjid la rabay in laga dhiso deegaankeeda. Waxayna u dhiibtay xabbad ukun ah oo, sida ay tiri, ugu tala-gashay inay ku darsato dhismaha Masjidka.

Qiimaha halkii xabbo oo ukun ah waa Rs 8. Laakiin Ilaahay ayaa doonay inuu adduunyada ku barbaariyo qiimaheeda heer lagu iibsaday adduun dhan Rs 226,350, oo u dhiganta $2700.

Guddiga ayaa xabbadaas ukunta dhex dhigay ganacsatada maalqabeennada ah si ay qiimigeeda kor ugu dhigaan, waxaana hadba qof ku iibsanayay lacag ka badan qiimaha qofka kale ilaa ay ka gaartay qiimaheeda Rs 226,350.

Hooyadan cadka ah ayaa guri cariish ah waxay kula nooshahay inankeeda. Balse warka ku saabsan deeqsinimadeeda markii uu qabsaday xaafadda, waxaa loo kala tartamay sidii looga iibsan lahaa. Gacmo badan ayay isku martay ilaa markii dambe uu iibsaday ninkii ugu lacagta badnaa.

Danish Bhat waa ninkii fikradda iibinta ukunta suuqa soo geliyay. Waana ilaa hadda qiimihii ugu sarreeyey abid ee lagu kala iibsado xabbad ukun ah!

Suubanaha NNKH wuxuu yiri qof walba oo guri adduunyada uga dhiso Rabbigiisa, Ilaahayna Jannada ayuu guri uga dhisaa.

{DAAWO MUQAALKA} Saraakiishii ugu badneyd oo AS looga dilay hal goob iyo dalalka ay kasoo jeedaan kuwa Ajaaniibta.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Saraakiishii ugu badneyd oo AS looga dilay hal goob iyo dalalka ay kasoo jeedaan kuwa Ajaaniibta.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wasaaradda Difaaca oo loo magacaabay Afhayeen cusub.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilka ka qaaday afhayeenkii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxa uuna magacaabay afhayeen cusub.

Qoraal kasoo baxay wasiirka ayaa lagu sheegay in si loo dardargaliyo hawlgallada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga ciribtirayo Al Shabaab in uu X/le Abuukar Maxamed Xasan u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka Gasahaandhigga Soomaaliya ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood kaga Mahad-celiyay shaqadii uu soo qabtay, waxa uuna ku ammaanay sidii waajibkiisa u gutay muddadii uu xilka hayay.

Sargaalkan loo magacaabay afhayeenka cusub ee wasaaradda Gasahaandhigga Soomaaliya ayaa horey ciidanka ugu qaabilsanaa dhinaca wacyi-gelinta, waxa uuan ahaa nin dhallinyaro oo diinta si fiican u yaqaan aadna u baraarujin jiray ciidanka xoogga.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {08.05.2024}

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo :Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Ra’isul Wasaare Xamse oo laga qaaday sawir hadal hayn badan dhaliyay ma siyaasada ayaa badashay?

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada si weyn loogu hadal hayay sawir magaalada Nairobi looga qaaday, Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo safar shaqo u jooga dalka Kenya.

Sawirkan ayaa la qaaday xilli Ra’isul Wasaare Xamse Barre lagu soo dhaweenayay magaalada Nairobi , waxa uuna salaamay uu gacanta galiyay haweeney katirsan dowladda Kenya, taas oo dad badan aad ula yaabeen ayna abuurtay hadal heyn.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa horey loogu yaqaanay in uu ka gaabsado in haweenka gacanta galiyo, waxaana horey u baahay sawirro laga qaaday isaga oo diidaya in uu gacanta galiyo haweeney ajnabi ah xilli ay gacanta usoo taagtay.

Dad badan oo ka falceliyay sawirkan cusub ee laga soo qaaday Ra’isul Wasaare Xamse Barre lana dhinac dhigay sawir hore ayaa sheegay in uu isbadal ku yimid hab-dhaqanka Ra’isul Wasaaraha , uuna hadda bilaabay in haweenka gacanta galiyo.

Qaar kamid ah dadka sawirkan ka falceliyay ayaa sheegay in markii hore uu Xamse diidayay in haweenka salaamo uu ku cusbaa siyaasadda, balse hadda markii uu muddo ku jiray uu isbadalay uuna is fur furay.

Madaxda Soomaalida ayaa inta badan looga bartay in ay gacanta iyo laabta galiyaan dadka ay la kulmayaan ama soo dhaweenayaan ayna ku jiraan haweenka, waxaana madax horey culumo u aheyd marar badan la arkay iyaga oo gacanta galinaya haween ajnabi ka ah.

Militariga Soomaaliya oo duqeymo ku dilay dad shacab ah.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay in duqeymo mataano ah oo ay fuliyeen militariga Soomaaliya, oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, lagu dilay 23 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 14 carruur ah, bishii Maarso, iyadoo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo “dambiyo dagaal.”

Sida ay sheegtay Amnesty, duqeymahan oo dhacay 18-kii bishii Maarso ayaa lagu weeraray beer ku taal agagaarka tuulada Baqdaad ee koonfurta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ku dhintay ku dhawaad labaatameeyo qof, ayada oo ku dhaawacmeen 17 kale oo caruur u badan.

Hay’adda Amensty International ayaa sheegtay in dadka deegaanka ay u sheegeen in “weerarada ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay daba socdeen dagaal culus oo dhanka dhulka ah” oo u dhexeeyay al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Amnesty ayaa wareystay 12 qof oo ay ku jiraan dhibanayaal, qaraabadooda iyo goobjoogayaal, waxayna hay’addu eegtay oo falanqeysay sawirada dayax gacmeedka iyo sawirada jajabyada hubka si loo ogaado isticmaalka bambooyinka ay soo saarto Turkey iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal lagu beegsaday Al-Shabaab ay ka fuliyeen isla deegaanka tuullada Baqdaad ee gobolka Shabeellaha Hoose, balse ma aysan sheegin dad rayid ah oo ku dhintay.

“In ka badan 30 (maleeshiyaad ah) ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta 19-kii Maarso.

Dowaldda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24 ka mid ah al-Shabaab lagu dilay howlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska, halka 15 kale lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday Baqdaad.

Amnesty ayaa sheegtay in ay ka codsatay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga in faah faahin dheeri ah laga bixiyo balse aysan wax jawaab ah ka helin.

Soomaaliya iyo Turkey ayaa bishii February ee sanadkan kala saxiixday heshiiska difaaca badda.

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kawada hadlay arrimaha dalxiiska.

Arbaco, 8, May, 2024 {HMC} Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Talyaaniga ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagey qorshaha dowladda ee horumarinta dalxiiska, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in la furo machad lagu barto culuumta dalxiiska, taas oo qeyb ka ah mashruuca heer qaran ee dib u soo nooleynta dalxiiska iyo in la abuuro fursado shaqo oo ay ka dhalinyarada ka faa’iideystaan.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis ayaa sidoo kale Safiirka Talyaaniga uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarka adeegyada kala duwan ee ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso.

Danjiraha Talyaaniga Mudane Pier Coppi ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya sameyneyso, dowladdiisuna ay si buuxda u garab taagan tahay hawlaha muhiimka ah ee ay hayso Dowladda Soomaaliya, isagoo dhanka kalena xusay in Talyaaniga uu taageersan yahay madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.