Home Blog Page 2476

Raila Odinga’s AU Bid in turmoil as OIC members back Somalia’s Fawzia Yusuf.

Monday 6 may, 2024 {HMC}  Nairobi – Azimio la Umoja One Kenya Coalition Party leader Raila Odinga has received a major setback in his bid for the African Union Commission (AUC) chairmanship position.

How many countries are in Organisation of Islamic Cooperation?

The former prime minister is facing a stiff competition from Somalia’s candidate Fawzia Yusuf Adam.

In the latest development, Somalia’s Foreign Minister, Ahmed Moalim Fiqi, has disclosed that the Organisation of Islamic Cooperation (OIC), has expressed support for Somalia’s nomination of Fawzia for the position of Chairperson of AUC for the 2025–2028 term.

Fiqi said it was a big win for Somalia, given OIC has nearly 30 African member states.

“Somalia appreciates and is grateful for the support of the Organization of Islamic Cooperation (OIC), which has nearly 30 members from Africa, for taking note and endorsing Somalia’s nomination of Fawzia Yusuf Adam for the position of AU Chairperson for 2025-2028,” Fiqi said.

If Fawzia gets the support of the 30 African Union member states, she will be ahead of other candidates, given that the AU is made up of 55 member states.

Djibouti’s Foreign Minister, Mahmoud Ali Youssouf, is also eying the same position, given it is reserved for Eastern African countries.

Why Kenya Kwanza leaders are unhappy with Raila Meanwhile, Raila’s unexpected criticism of President William Ruto’s administration attracted responses from Kenya Kwanza Alliance leaders and supporters.

Some asked the president to reconsider supporting the former prime minister in the African Union Commission chairmanship position.

What you need to know about Raila Odinga’s AU bid

Former Nigerian president Olusegun Obasanjo endorsed ODM leader Raila Odinga as chairperson of the African Union Commission.

Lawyer Miguna Miguna raised concerns about Raila’s eligibility for the African Union Commission position.

Azimio La Umoja One Kenya Coalition Party leader Raila Odinga intensified lobbying and campaigns for his bid for the African Union Commission (AUC) chairman seat.

Soomaaliya iyo Kenya oo maanta kala saxiixanaya heshiisyo labada dal muhiim u ah

Isniin 6 may, 2024 {HMC}  Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi wasiirro ah oo la socda ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee aasimadda dalka Kenya, waxa ayna wafdigan heshiisyo kala duwan la saxiixan doonaan dowladda Kenya.

Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Nairobi waxaa shir uga socday guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya, kuwaa oo ka baaraandagayay nuuca heshiisyo cusub ay labada dal ku kala saxiixanayaan Nairobi.

Sida aan xogta ku helnay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaana kala saxiixanaya ilaa afar heshiis oo muhiim u ah labada dal, waxaana heshiisyadaasi kamid ah mid la xariira amniga, socdaalka, waxbarashada iyo sidoo kale gaashaandhigga.

Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa in ay ogolaato in baasaboorka Soomaaliga loo sahlo dal kugalka ama viisaha, ayna ogolaato baasaboorkaasi in loogu safro kuwa dalalka kale ee Kenya dariska la ah.

Waxaa sidoo kale la filayaa in labada dal ku heshiiyaan in Jaamacadaha dalka Kenya ay aqoonsadaan shahaadooyinka dugsiga sare ee Soomaaliya, si ay jaamacadaha Kenya uga dhigtaan ardayda Soomaaliyeed ee kasoo baxay dugsiyada sare ee Soomaaliya kuyaalla.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa sidoo kale kala saxiixan doona in xiriirka ganacsi ee labada dal la hormariyo lana hirgaliyo dhammaan heshiisyadii horey loo galay ee dhinaca ganacsiga, taa oo faa’iido badan ugu jirta dadka iyo dalka Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabbi Barre iyo wasiirro katirsan xukuumadda Federaalka ayaa la filayaa in ay la kulmaan madax iyo wasiirro katirsan dowladda Kenya ayna la saxiixdaan heshiisyada labada dal isku afgarteen.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06.05.2024}

Isniin-06-may -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare & Mustaf Cali Cadoow

Farsamadii :Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

{DAAWO MUQAALKA} Somaliland oo war ka soo saartay imaanshaha ciidanka Turkiga ee xeebaheeda

Isniin 6, May 2024 {HMC}  Somaliland oo war ka soo saartay imaanshaha ciidanka Turkiga ee xeebaheeda

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Amaro Cusub oo la dul dhigay Shacabka ku nool Degmada Berdaale

Isniin 6, May 2024 {HMC} Amaro Cusub oo la dul dhigay Shacabka ku nool Degmada Berdaale

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay shaqada ay ka qabteen Soomaaliya ee Lagu ammaanay gabdho u dhashay Dalka Yugaandho?

Isniin 6, May 2024 {HMC} Maxay tahay shaqada ay ka qabteen Soomaaliya ee Lagu ammaanay gabdho u dhashay Dalka Yugaandho?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Nairobi.

Isniin 6 may, 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaya wafdi ballaaran, ayaa saakay u ambabaxay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Xamse Barre iyo wafdiga la socda ayaa magaalada Nairobi u tagaya booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya oo xiriir qoto dheer leh.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta uu joogo magaalada Nairobi la kulmi doona madax katirsan dowladda Kenya, kuwaa uu kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ka dhaxeeya.

Xamse Barre ayaa sidoo kale la filayaa in magaalada Nairobi kula kulmo ganacsatada Soomaalieed iyo jaaliyadda Nairobi ku dhaqan , kuwaa uu iyana uga warbixin doono xaaladda dalka ku sugan yahay .

Xaaladda Kenya oo sii adkaatay iyo madaxwaynaha dalkaasi oo ku dhawaqay arrin cabsi leh.

Isniin 6 may, 2024 {HMC} Xaaladda ka taagan dalka Kenya ayaa kasii dareysa kadib roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ay halkaasi.

Saraakiisha ayaa ku qiyaasay in ka badan 200 oo qof in ay ku dhinteen Kenya tan iyo bishii March, iyada oo 90 kalena la la’yahay.

Kenya oo la daala dhacaysa fatahaado ay dad badan ku dhinteen ayaa geesta kale waxaa laga cabsi qabaa inay wajahdo duufaantii ugu horreysay abid, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi William Ruto.

“Kenya waxaa laga yaabaa inay wajahdo duufaantii ugu horreysay abid,” ayuu madaxweyne Ruto u sheegay muwaadiniinta isagoo khudbad heer qaran ah u jeediyay dalkaasi, iyada oo xaaladda taagan ay saameysay boqollaal kun oo qof.

Ruto oo Jimcihii hadlay ayaa sheegay in aysan jirin meel kamid ah dalka oo ka badbaadiyay “bur-burka”, wuxuuna ka digay in xaaladda la filayo inay kasii darto maalmaha soo socda, iyadoo la filay cimillo aad u daran.

“Duufaantan oo lagu magacaabo Hidaaya, waxay dhici kartaa wakhti kasta, waxaana la saadaalinayaa inay sababi karto roobab mahiigaan ah, dabaylo iyo mowjado xooggan oo khatar ah kuwaasi oo laga yaabo inay carqaladeeyaan dhaq-dhaqaaqyada badda ee Badweynta Hindiya iyo deegaannada ku teedsan xeebaha Kenya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Dalkeennu waa in uu si adag oo deg-deg ah uga jawaaaabaa saameeynta dhibaatada ka dhalan karta, lana ilaaliyaa nafta iyo hantida.”

Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan dugsiyada la xiro muddo aan la cayimin kadib roobabkii lixaadka lahaa ee dalkaasi ka da’ay.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06.05.2024}

Isniin 6 may, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo :Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Beesha Gaaljecel oo Deeq Geel Ah Geysay Gogosha Martiqaadka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Isniin 6, May 2024 {HMC} Beesha Gaaljecel oo Deeq Geel Ah Geysay Gogosha Martiqaadka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA