Isniin 6 may, 2024 {HMC} Beesha Gaaljecel oo Deeq Geel Ah Geysay Gogosha Martiqaadka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kordhiyay Tirada dilalka dhallinyarada Soomaalida Minnesota ?
Isniin 6, May 2024 {HMC} Maxaa kordhiyay Tirada dilalka dhallinyarada Soomaalida Minnesota ?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay duufaanta ku wajahan Dalka Kenya?
Axad 5, May 2024 {HMC} Maxay tahay duufaanta ku wajahan Dalka Kenya?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Somaliland oo sheegtay in ciidanka TURKIGA aysan imaan karin xeebaheeda.
Isniin 6 may, 2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud oo warraysi gaar ah siiyay BBC Somali ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen Turkiga in ayna iman karin xeebaha Somaliland.
“Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso – Soomaaliyana ayna u talin. Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro,” ayuu yidhi wasiirka isaga oo aan waxka weydiinnay sida uu u arko heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah marayo hirgelinta is-af-garadkii Badda Cas ee u dhexeeyay iyaga iyo Dowladda Itoobiya.
Is-af-garadkaan muranka badan dhaliyay ee ay bishii koowaad ee sanadkaan maalintiisii koobaad ay la gashay dowladda Itoobiya, kaas oo dhigaayay in Somaliland aqoonsi buuxa ka hesho Itoobiya halka dowladda dhexe ee Itoobiyana laga kireynayo saldhig ciidamo badeed oo ay ku yeelanayso gudaha Somaliland.
Heshiiskan ayaa aad uga cadhaysiiyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sababayna in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada wadan uu gabi ahaanba meesha ka baxo.
Sidoo kale Midowga Afrika ayaa kasoo horjeedsaday is-af-garadkaan dhacay, wadamo badan sida Maraykanka, Turkiga, Ururku Jaamacadda Carabta iyo kan Midowga Yurub ayaana soo saaray baaqyo ay ku sheegayaan ahmiyadda ay leedahay xurmeynta madax bannaanida iyo gobonimada dhuleed leedahay.
Saamaynta heshiiska ka dhalatay keliya kuma ekayn wadamada ka baxsan Somaliland ee qudha balse waxuu saamayn kale oo gudaha ku yeeshay xukuumada Hargeysa.
Waxaana is casilay Wasiirkii Gaashaandhiga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, isaga oo sheegay in is-afgaradkaan ay Somaliland la gashay Itoobiya ay ahayd in golaha wasiirrada lagala tashado heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya oo ah dal daris ah oo aan bad lahayn.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiiskaan mid aan gabi ahaanba jirin lana aqbali karin, waxayna sheegtay in is-af-garadkani yahay mid xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah madaxbannaanida iyo gobanimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Fagaarayaal kala duwan ayayna madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uga hadleen. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana si adag uga hadlay, waxaa sidoo kale ka hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Labada gole ee barlamaanka Soomaaliya oo ka fadhiistay arrintan guud ahaanba waxay qaadaceen heshiiska iyagoo qeexay in ay tahay xad gudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya.
Gudaha Soomaaliyana waxaa ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeedo is-afgaradkaas waxaa ugu waaweynaa kuwo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, isu soo baxayaasha ayaana muujinaayay halhaysyo ay kamid yahiin ”Badeennu beec ma’aha!
Go’aankii ugu danbeeyay ee looga soo horjeedsaday heshiiskaas waxuu ahaa mid ka dhacay caasimadda Dooxa ee dalka Qatar.
Kalfadhiga Saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta oo ay la leeyihiin Waddamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan oo lagu qabtay 30-kii Abriil, 2024 dalka Qatar, ayaa lagu caddeeyay taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Waxay sidoo kale ku taageereen dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax banaanida Soomaaliya ee dhulka, badda iyo hawada, sida lagu sheegay Bayaanka Doha oo ka kooban 16 bog.
“Waxay cadeeyeen in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay si sharci ah u difaacdo dhulkeeda sida ku cad qodobka (51) ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo qodobbada khuseeya Axdiga Jaamacadda Carabta, ayna taageeraan. dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka Shirka Golaha Wasiirada kasoo baxay ayaa boggiisa sagaalaad lagu sheegay in ay si buuxda u taageerayaan mawqifka Dowladda Soomaaliya waxaana bayaanka lagu qeexay in uu yahay tallaabo khatar ku ah amniga qaranka Carabta.
“Wasiirradu waxay muujiyeen diidmada ay ku diideen is-af-garadkaan iyo wixii sharci, siyaasad, ganacsi ama millatari oo ka dhasha, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan qoraalkan. Waxa kale oo ay diideen isku dayo ay ku doonayeen in ay uga faa’iidaystaan “Heshiiskii Is-afgaradka” ee aan soo sheegnay oo ahaa in xaqiiqo cusub oo juqraafiyeed laga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, waxayna u arkeen tallaabo khatar ku ah amniga qaranka Carabta iyo socdaalka Badda Cas. Badda iyo Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu yidhi bayaanka oo ay barta X soo gelisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.
Balse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Iskeed Madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud waxuu sheegay in uusan khusayn warsaxaafadeedkaas meel walbana ay u galayaan raadinta aqoonsiga Somaliland.
“Nama khuseeyaan waxii [Shirkii] Dooxa kasoo baxay, qadiyadayaduna halkii bay taagantahay. Dalalkan carabta ee meesha isugu yimid ma’ay darsin qadiyadda Somaliland – ma’ay arkayaan xaqiiqadda Somaliland – waxa noo dan ahna waa in nala aqoonsado meel walba oo ay nala tagtana waan galaynaa.”
Ruushka oo duqeeyay gobollo ku yaalla Ukraine
Isniin 6 may, 2024 {HMC} Ciidamada Ruushaka ayaa duqeymo cirka ah u geystay ciidamada Ukraine ee ku suggan gobollada Donetsk iyo Kharkiv Axaddii shalay, weeraradaas oo ay ku dhinteen saddex qof, ugu yaraan 17 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay saraakiisha Ukriane sheegeen.
Duqeynta Ruushka oo u adeegsaday gantaalada hawada laga hago oo laga soo tuuray dayuurad, ayaa ku soo aaday xilli labada wadan laga xusayay ciidda Easterka ee masiixiyiinta Ortodokska.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay Axadii in ciidamadeedu ay la wareegeen tuulada Ocherete-nne oo ay ku nool yihiin 3,000 oo qof.
Ciidamada Ruushka ayaa ku sii siqaya bariga Ukraine, gaar ahaan agagaarka magaalada istiraatiijiga ah ee Chasiv Yar, halkaas oo ciidamada Kyiv ay sugayeen gargaarka militariga Mareykanka oo ka caawinaya inay dib u riixaan ciidamada Ruushka.
Netanyahu oo diiday in la joojiyo dagaalka iyo dhax-dhaxaadintii oo u muuqata mid fashilantay.
Isniin 6 may, 2024 {HMC} sraa’iil iyo Xamaas ayaa weli isku maandhaafsan sidii ay u joojin lahaayeen dagaalka Gaza ka socda in ka badan 7 bilood, kaas oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, kuna qasbay in ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah inay guryahooda ka cararaan.
Isagoo ku sugan Qaahira, hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in kooxda falastiiniyiinta ah ay doonayaan xabad joojin dhamaystiran oo soo afjaraysa wuxuu ugu yeeray “gardarrada” Israel, isla markaana dammaanad qaadaysa ka bixitaanka ciidanka Israel ee Gaza, halka Xamaas ay sii daynayso ku dhawaad 100 la haystayaal Israa’iiliyiin ah, oo ay ku bedelato sii deynta boqolaal Falastiiniytiin ah oo xabsiyada Isreal ku jira.
Bayaan uu shalay soo saaray, Haniyeh wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu masuul ka yahay “sii socoshada gardarrada iyo ballaarinta dagaalka, iyo burburinta dadaallada loo marayo dhexdhexaadinta nabadeed.
Netanyahu wuxuu diiday in la joojiyo dagaalka, tasoo uu sheegay inay ka dhigantahay in Xamaas oo khatar joogto ah ku ah maamulka Yahuudda gacanta loo geliyo Qaza.
Saddex sanno ka dib Dadka reer Chad ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta.
Isniin 6 may, 2024 {HMC} Dadka reer Chad ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta Saddex sanno ka dib markii hogaamiyihii milatariga uu la wareegay talada dalkaas.
Waana markii ugu horeysay ee ay doorashadan madaxtinimo ka dhacda gobolka Saaxil ee Afrika tan iyo markii ay halkaasi ka dhaceen mowjado afgambi oo is xigxigay.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Mahamat Idriss Deby, oo xukunka la wareegay bishii April 2021-kii markii ay fallaagada dileen aabihii Idriss Deby, ay u badan tahay inuu doorashada ku guuleysto, inkastoo hoggaamiyaha mucaaradka uu soo jiitay taageerayaal ka badan intii la filayay, intii uu ku jiray Ololaha doorashada.
Deby ayaa ballan qaaday inuu xoojin doono amniga, sharciga iyo kordhinta wax soo saarka korontada. Codbixintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ciidamada Maraykanka ay si ku meel gaar ah uga baxayaan dalka Chad, oo ah xulafada muhiimka u ah reer galbeedka ee gobolka Galbeedka iyo Bartamaha Afrika.
Gobolkan ayaa waxaa xodxodasho siyaasadeed ku haya Ruushka, waxaana uu dhibaato amni ku qabaa kooxaha jihaadiyiinta ah.
Goobaha cod bixinta ayaa furmaya goor dhow oo 7-da aroornimo ah waxayna xirmayaan 5-ta galabnimo Ilaa 8 milyan iyo bar qof ayaa isu diwaangaliyay inay codeeyaan.
Natiijooyinka ku meel gaarka ah ayaa la filayaa inay soo baxaan 21ka bishan May, halks natiijada kama dambaysta ah la filayo in lagu dhawaaqo 5ta bisha June 5.
Haddii aanu jirin murashax ku guulaysto in ka badan 50% codadka, wareeg labaad ayaa la qaban doonaa June 22keeda.
Russian forces sharing base with US troops in Niger
Sunday 5 April, 2024 {HMC} Russian troops have been deployed to an airbase in Niger where American soldiers are located, US officials say.
The move comes after Niger’s military rulers ordered the US to withdraw troops who had been countering Islamic insurgents in the region.
Russian forces were present at the base in Niger’s capital Niamey, but were not mingling with American troops, US officials told the Reuters news agency.
Defence Secretary Lloyd Austin said the Russians posed no “risk” to US forces.
“The Russians are in a separate compound and don’t have access to US forces or access to our equipment,” Mr Austin told journalists in Honolulu, Hawaii.
“I’m always focused on the safety and protection of our troops… But right now, I don’t see a significant issue here in terms of our force protection,” the defence secretary added.
Niger is in Africa’s Sahel region, which is considered the new global epicentre of the Islamic State group.
The US has relied on the country as its primary base for monitoring regional jihadist activity, but its relations with the country’s ruling military regime have deteriorated since it condemned last year’s coup.
In turn, Niger has turned to Russia for assistance fighting Islamist insurgents in the south of the country.
The Russians deployed to Airbase 101 at Niger’s international airport in Niamey are said to be military trainers.
They are said to be occupying a wing close to a contingent of US troops.
According to Reuters, earlier this year officials in Niger told the US that about 60 Russian troops would be deployed to the country. It is unclear how accurate that figure is today.
It is also unclear how many American troops remain at Airbase 101.
Most of the US troops in Niger are said to be at a drone base in the central city of Agadez, some 750km (460 miles) north-east of Niamey.
Relations between the US and Russia have been deteriorating sharply since President Vladimir Putin launched a full-scale invasion of Ukraine in February 2022, with the US leading Western efforts to supply weapons to the Ukrainians.
But Paul Melly, West Africa analyst at the Chatham House think tank, says he sees no prospect of confrontation between the US and Russian troops.
Mr Melly told the BBC the Americans had tried hard to remain in Niger, but that the country’s military leadership had rebuffed their attempts to link their security assistance to a timetable to return to civilian rule.
“For the junta, the attraction of the Russians is that they make no demands about governance and democratic rules,” Mr Melly said.
The doctor forced to go to the jihadist front line
‘France takes us for idiots’ – Inside coup-hit Niger
How Russia has rebranded Wagner in Africa
In March, Niger ordered all US troops to leave the country. Military spokesperson Col Amadou Abdramane accused the US of raising objections about the allies that Niger had chosen.
Mr Melly said that there was no evidence the Russians had been urging Niger – or Mali and Burkina Faso – to expel Western forces, but they were clearly taken advantage of the situation. And it remains unclear, he said, what contribution the Russians would make to Niger’s security.
The head of the US Africa Command has told the BBC the US is keen to remain engaged with Niger – as well as Chad.
A map showing the Sahel region
Gen Michael Langley said that violent extremist organisations were the biggest threat to Africa’s stability.
On Wednesday, dozens of of troops pulled out of Chad, after the country’s military leaders raised concerns over their presence ahead of the 6 May elections.
Several other military-led countries in the Sahel region have also recently strengthened ties with Russia and cut them with France, the former colonial power, as they try to fight an Islamist insurgency in the region.
Gen Langley said that the “ultimate goal” of the US was to continue a dialogue with those countries that have been taken over by military regimes to get them “on a roadmap back to democracy”.
Last year, Niger and Burkina Faso – which also experienced recent military coups – announced they were following Mali in withdrawing from the G5 international force set up to fight Islamists in the region.
The three military-run countries have instead set up their own grouping – the Alliance of Sahel States.
SOURCE BBC
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05-05-2024}
Axad 5 April, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble
Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO MUQAALKA} Waa tuma gabadha Muslimadda ah ee noqotay taliyaha ciidank cirka Dalka Kenya?
Axad 5, May 2024 {HMC} Maj Gen Fatuma Gaiti Ahmed ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee taariikhda dalka Kenya loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Cirka Kenya. Taas oo uu xilkaan u magacaabay madaxweynaha dalka Kenya William Rurto.
Waxuu sidoo kale madaxweynahu magacaabay hoggaamiyaal kale oo uu ku jiro taliyaha ciidamada qalabka sida kadib geeridii ku timid taliyahii hore ee ciidamada dalka Kenya Gen. Francis Ogolla oo shil diyaaradeed ku dhintay bishii lasoo dhaafay.



