Home Blog Page 2480

Wax Ka Ogaaw Madaxdii Ka Qeeyb Gashay Shirka Ururka OIC iyo madax badan oo baaqatay

Axad-05-may -2024 {HMC}  Magaalada Banjul ee caasimadda dalka Gambia waxaa ka socda shir madaxdeeda Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, kaa oo saddexdii sanaba mar la qabto ayna isugu yimaadaan madaxda waddamada Islaamka.

Shirkan ka socda dalka Gambia ayaa la filayay in ay ka qeyb galaan in badan oo kamid ah madaxda dalalka Islaamka, hasa ahaatee madaxweynayaal badan ayaa shirkan ka baaqday, iyagoona badalkooda diray wakiillo shirkaasi ku matalayay.

Inta la ogyahay ilaa 51 hoggaamiye ayaa ka baaqsaday tagista shirka madaxda dalalka Islaamka oo saddexdii sanaba hal mar la qabto, iyadoo ay 57 Waddan ku bahoobeen Ururkaasi oo la asaasay bishii September 25-dii ee sanadkii 1969-kii.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah madaxda dalalka ku bahoobay ururka OIC ee baaqsaday shirka, waxaana Madaxweynaha shirkaasi ku mataelaya Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.

Shirka OIC madaxweynayaasha kaliya ee xaadiray ayaa kala ah

1- Madaxweynaha dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle,
2- Madaxweynaha dalka Sudan, C/Fataax Al-Burhan C/Raxmaan Al-Burhan,
3- Madaxweynaha dalka Senegal, Bassirou Diomaye Faye,
4- Madaxweynaha dalka Sierra Leone, Julius Maada Bio,
5- Madaxweynaha dalka Mauritania, Maxamed Walad Sheekh Xhezouani,
6- Madaxweynaha dalka Gini Bisaaw, Umaro Sisoko Embalo.ax

{DAAWO MUUQAALKA} Ninkii gubay xaaskiisa oo Maxkamadda ka sheegay hadal ka yaabiyay dadka

Axad 5, May 2024 {HMC}  Siid cali Macalin Daauud oo ku edeysan in uu xaaskiisa Gubay ayaa maanta  Maxkamadda ka sheegay hadal ka yaabiyay dadkii joogay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 05-5-2024

Axad-05-may -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare & Mustaf Cali Cadoow

Farsamadii :Abdiqani osoble

Maxeey Kawada Hadleen RW Xamsa iyo Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta?

Axad-05-may -2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi.

Kulanka ay yeesheen Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Safriirka Imaraadaka Carabta ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Waxa ay sidoo kale kulanka uga wada hadleen sidii dowladda Imaraadka Carabta u kordhin laheyd taageerada dhaqaale ay siiso Soomaaliya, iyo sidii ay u taageeri laheyd ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya , saameyn weyna ku leh siyaasadda iyo maamulka dalka, waxa ayna Imaaraadka dowladda ku taageertaa dhaqaale kala duwan.

Azerbaijan oo ku dhawaaqday in deeq Waxbarasho siineyso ardayda Soomaaliyeed

Axad 5, May 2024 {HMC} Magaalada Banjul ee caasimadda dalka Gambia, waxaa kulan duceed ku yeeshay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan, Jehun Bayramov.

Kulanka labada masuul yeesheen ayaa looga wada hadlay inta badan xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale in ay yeeshaan Soomaaliya iyo Azerbaijan iskaashi cusub oo dhinacyo badan leh.

Sidoo kale kulanka ayaa lafa-guray in labada dal iskaashi iyo mowqif mideysan ka yeeshaan arrimaha shirarka caalamka, xoojinta iyo horumarinta danaha wadajirka ee labada dal ee khuseeya ganacsiga, dhaqaalaha, tamarta iyo iskaashiga aadminimo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan ayaa ballanqaad la xariira in deeqo waxbarasho siinayaan ardayda Soomaaliya la wadaagay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo dhankiisa uga mahadceliyay deeqdaasi.

Dowladda Azerbaijan ayaan xiriir muuqan la leh Soomaaliya, waxa ayna deeqdan waxbarasho ay ugu deeqday ardayda Soomaaliyeed noqoneysaa markii ugu horreysay ay ku deeqdo, waxaana haddii laga dhabeeyo ballantan wax badan ka faa’idi doono arday Soomaaliyeed.

{DAAWO MUUQAALKA} Sayid Cali oo sharxaad cusub ka bixiyay Falkii uu ku gubay Xaaskiisii Geriyootay ee Luul Cabdi Casis

Axad 5, May 2024 {HMC}  Sayid Cali oo sharxaad cusub ka bixiyay Falkii uu ku gubay Xaaskiisii Geriyootay ee Luul Cabdi Casis

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Su’aalo waydiiyay Dr Ciise oo ah agaasimaha

Axad 5, May 2024 {HMC}  Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Su’aalo waydiiyay Dr Ciise oo ah agaasimaha

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Abuukaate Xalane oo Su’aalo waydiiyay Dr Ciise oo Marqaati loogu keenay Maxkamadda Rafcaanka gobolka

Axad 5, May 2024 {HMC} Abuukaate Xalane oo Su’aalo waydiiyay Dr Ciise oo Marqaati loogu keenay Maxkamadda Rafcaanka gobolka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dhakhtarkii ugu horeeyay ee loo geeyay luul Cabdi Casiis oo faah-faahiyay xaaladeeda sidda ay aheyd.

Axad 5, May 2024 {HMC} Dhakhtarkii ugu horeeyay ee loo geeyay luul Cabdi Casiis oo faah-faahiyay xaaladeeda sidda ay aheyd.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Caddeymo kalle oo dheeri ah oo laga soo bandhigay gurigii sayid cali uu ku gubay Luul Cabdi Casiis.

Axad 5, May 2024 {HMC} Caddeymo kalle oo dheeri ah oo laga soo bandhigay gurigii sayid cali uu ku gubay Luul Cabdi Casiis.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA