Home Blog Page 2481

{DAAWO MUUQAALKA} Dhakhtarkii ugu horeeyay ee loo geeyay luul Cabdi Casiis oo faah-faahiyay xaaladeeda sidda ay aheyd.

Axad 5, May 2024 {HMC} Dhakhtarkii ugu horeeyay ee loo geeyay luul Cabdi Casiis oo faah-faahiyay xaaladeeda sidda ay aheyd.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Caddeymo kalle oo dheeri ah oo laga soo bandhigay gurigii sayid cali uu ku gubay Luul Cabdi Casiis.

Axad 5, May 2024 {HMC} Caddeymo kalle oo dheeri ah oo laga soo bandhigay gurigii sayid cali uu ku gubay Luul Cabdi Casiis.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Nabad Sugidda Jubbaland oo soo bandhigtay 20 Taksiile oo lagu qabtay documentiyo been abuur ah.

Axad 5, May 2024 {HMC} Nabad Sugidda Jubbaland oo soo bandhigtay 20 Taksiile oo lagu qabtay documentiyo been abuur ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxkamadeynta SAYID-CALI iyo Cadaymo hor leh oo lagu soo bandhigay maxkamadda horteda.

Axad 5, May 2024 {HMC} Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta fadhi labaad ka yeelatay kiiska xasaasiga ah ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo u geeriyootay dabkaasi.

Fadhigan oo ka duwan kii hore ayaa waxaa ka qayb-galaya dhinacyada u dhexeyso doodda oo ah xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha iyadoo dadweyne kale ay tegeen hoolka, kuwaas oo ay ku jiraan ehellada labada dhinac.

Maxkamadda ayaa toos u guda gashay doodda, waxaana maanta lagu soo bandhigay fadhigan caddeymo cusub oo ay la timid xeer ilaalinta qaranka oo iyadoo soo oogtay dacwaddan.

Waxyaabaha ka cusub kiiskan waxaa kamid ah in lasoo bandhigay muuqaalka guriga lagu gubay Luul, in la keenay marqaatiyeyaal cusub oo ay ku jiraan dadkii ugu horreeyay ee marxuumadda ugu galay guriga iyo dhaqaatiirta isbitaallada la geeyay kahor inta aysan geeriyooon.

Faadumo oo kamid ah dariska marxuumadda ayaa ka hor hadashay maxkamadda, waxayna sheegtay inay aragtay Luul oo gubaneyso, isla markaana Ashahaadaneyso.

“Albaabka waxaa taagnayd marxuumad Luul oo Ashahaadeynao, isla markaana gubaneyso, waxayna dalbaneysay caawinaad” ayay tiri Marqaati Faadumo.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Aniga waxay igu tiri eedo i caawi, kadibna sidaas ayaan ku qaadnay aniga iyo dad kale, waxayna igu tiri intii aan sii wadnay “lmaheyga waa Agoon, haddana ma rajoobi doonaan?”

Doodda ayaa haatan sii socota, waxaana si toos ah loogala socdaa warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama uu kiiskan yahay mid aad isha loogu wada hayo.

Sayid-Cali, isaga ayaa dalbaday maxkamadda racfaanka, kadib markii uu ku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday.

Horay waxaa ninkan xukun dil toogasho ugu soo xukuntay maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Banaadir, kadib markii ay sheegtay in lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay.

Si kastaba, hadii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.

{DAAWO MUQAALKA} Waa tuma gabadha Muslimadda ah ee noqotay taliyaha ciidank cirka Kenya?

Axad 5, May 2024 {HMC} Waa tuma gabadha Muslimadda ah ee noqotay taliyaha ciidank cirka Kenya?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ciidamada NISA oo soo bandhigay Shabakado falal amni darro ka waday Jubaland.

Axad 5, May 2024 {HMC} Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Jubbaland ee JISA ayaa mid kamid ah xarumaha hay’adda waxa ay ku soo bandhigtay 20 nin oo dukumintiyo sharci darro ah u adeegsanayay gaadiidkooda maadaama ay ka mid ahaayeen gaadiidlayda ka shaqeeya magaalada Kismaayo, ee tagaasida ah.

Sidoo kale hay’adda waxa ay sheegtay inay gacanta ku hayso shabakad documentiyada sharci darrada ah ee gaadiidka ka shaqaysa oo raggan la soo bandhigay ay xiriir macaamil la lahaayeen, kuwaasi oo imika uu baaritaan ku socdo, marka baarista la dhammeeyana la soo bandhigi doono.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka Jubbaland, Maxamed Cabdi Salaad oo madasha raggan lagu soo bandhigayay kula hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in raggani ay wajihi doonaan caddaaladda, maadaama lagu qabtay falal ka baxsan ammaanka iyo shuruucda gaadiidka, isagoo sidoo kale uga digay gaadiidlayda kale inay ku dhacaan arrintan oo kale.

Hay’adda JISA ayaa dedaal ku bixinaysa sidii bulshada Jubbaland ay ugu naalloon lahaayeen nabad iyo baraare, waxaana taas baddalkeeda ay hay’addu gacan bir ah kala hor tagaysaa cid kasta oo samaysa khalkhal galin amni, ama wax u eg.

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamadeynta Ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali oo go’aan laga gaarayo

Axad 5, May 2024 {HMC} Maxkamadeynta Ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali oo go’aan laga gaarayo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Israa’iil ayaa oggalaatay sii deynta mid ah siyaasiyiinta Falastiin oo u xirnaa tan iyo 2002,

Axad 5, May 2024 {HMC} Israa’iil ayaa lagu warramaya inay oggalaatay sii deynta Marwan Barghouti, oo ka mid ah siyaasiyiinta Falastiiniyiinta ee u xirnaa tan iyo 2002, kaaso hadda lagu soo dari karo maxaabiista lagu sii deynayo heshiiska wada-xaajoodkiisa ka socdo Qaahira.

Laakiin, waxaa la sheegay inay Israa’iil doonayso Barghouti, inuu tago Qasa , halkaa uu ka tagi lahaa Daanta Galbeed oo ah halkii laga xiray, waxaana hogaamiyahan ku jira xabsiga uu ku xukuman yahay xabsi daa’in.

Muddo dheer waxaa soo baxaysay , suragalnimada inay Xamaas u sharrixi doonto Marwan Barghouti, inuu hoggaamiyo qorshaha lagu dhisayo dawladda Falastiin oo madax bannaan, sababo la xiriira Barghouti oo ka tirsan Fatax inuu yahay nin ay ku kalsoonyihiin dhammaan dhinacyada Falastiiniyiinta.

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa lagu warramaya inay ka shaqeynayso qorshe ay ku doonayso maamulka Qasa in loo qaybiyo qaybo ay ka talinayaan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar, taasoo ka dhigan ciidamo dalalkaas ka socda oo Mareykanka uu weheliyo in la geeyo gudaha Qasa, ujeeddada ay arrintan Israa’iil ka leedahay ayaa lagu sheegay sidii ay ku gaari lahaayeen Sacuudiga inay la yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed.

Tallaabadan lama oga sida ay usoo dhaweynayso Xamaas, dalalka Carab iyo xata kooxda midigta fog ee Israa’iil, xilli ay Israa’iil ku andacoonayso in qorshahan oo si hoose uga shaqeynayo xafiiska Netanyahu inuu yahay mid u gogol-xaaraya dhismaha dawladda Falastiin.

Qasa, si buuxda waxay u ahayd mid maamulkeeda uu hoostago Xamaas, oo dhowaan ballanqaaday inay kala diri doonaan guutooyinkooda hubaysan haddii la guda-galo dhismaha dawladda Falastiin,markaa oo ay u dhaqmayaan xisbi siyaasadeed.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05.05.2024}

Axad 5, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} iiraan oo ka Faaideeysato Shidaalka iyadoo ay saaran tahay Cunaqabateeynta Mareeykanka.

Axad 5, May 2024 {HMC} iiraan oo ka Faaideeysato Shidaalka iyadoo ay saaran tahay Cunaqabateeynta Mareeykanka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA