Home Blog Page 2482

Ciidamada NISA oo soo bandhigay Shabakado falal amni darro ka waday Jubaland.

Axad 5, May 2024 {HMC} Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Jubbaland ee JISA ayaa mid kamid ah xarumaha hay’adda waxa ay ku soo bandhigtay 20 nin oo dukumintiyo sharci darro ah u adeegsanayay gaadiidkooda maadaama ay ka mid ahaayeen gaadiidlayda ka shaqeeya magaalada Kismaayo, ee tagaasida ah.

Sidoo kale hay’adda waxa ay sheegtay inay gacanta ku hayso shabakad documentiyada sharci darrada ah ee gaadiidka ka shaqaysa oo raggan la soo bandhigay ay xiriir macaamil la lahaayeen, kuwaasi oo imika uu baaritaan ku socdo, marka baarista la dhammeeyana la soo bandhigi doono.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka Jubbaland, Maxamed Cabdi Salaad oo madasha raggan lagu soo bandhigayay kula hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in raggani ay wajihi doonaan caddaaladda, maadaama lagu qabtay falal ka baxsan ammaanka iyo shuruucda gaadiidka, isagoo sidoo kale uga digay gaadiidlayda kale inay ku dhacaan arrintan oo kale.

Hay’adda JISA ayaa dedaal ku bixinaysa sidii bulshada Jubbaland ay ugu naalloon lahaayeen nabad iyo baraare, waxaana taas baddalkeeda ay hay’addu gacan bir ah kala hor tagaysaa cid kasta oo samaysa khalkhal galin amni, ama wax u eg.

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamadeynta Ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali oo go’aan laga gaarayo

Axad 5, May 2024 {HMC} Maxkamadeynta Ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali oo go’aan laga gaarayo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Israa’iil ayaa oggalaatay sii deynta mid ah siyaasiyiinta Falastiin oo u xirnaa tan iyo 2002,

Axad 5, May 2024 {HMC} Israa’iil ayaa lagu warramaya inay oggalaatay sii deynta Marwan Barghouti, oo ka mid ah siyaasiyiinta Falastiiniyiinta ee u xirnaa tan iyo 2002, kaaso hadda lagu soo dari karo maxaabiista lagu sii deynayo heshiiska wada-xaajoodkiisa ka socdo Qaahira.

Laakiin, waxaa la sheegay inay Israa’iil doonayso Barghouti, inuu tago Qasa , halkaa uu ka tagi lahaa Daanta Galbeed oo ah halkii laga xiray, waxaana hogaamiyahan ku jira xabsiga uu ku xukuman yahay xabsi daa’in.

Muddo dheer waxaa soo baxaysay , suragalnimada inay Xamaas u sharrixi doonto Marwan Barghouti, inuu hoggaamiyo qorshaha lagu dhisayo dawladda Falastiin oo madax bannaan, sababo la xiriira Barghouti oo ka tirsan Fatax inuu yahay nin ay ku kalsoonyihiin dhammaan dhinacyada Falastiiniyiinta.

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa lagu warramaya inay ka shaqeynayso qorshe ay ku doonayso maamulka Qasa in loo qaybiyo qaybo ay ka talinayaan Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar, taasoo ka dhigan ciidamo dalalkaas ka socda oo Mareykanka uu weheliyo in la geeyo gudaha Qasa, ujeeddada ay arrintan Israa’iil ka leedahay ayaa lagu sheegay sidii ay ku gaari lahaayeen Sacuudiga inay la yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed.

Tallaabadan lama oga sida ay usoo dhaweynayso Xamaas, dalalka Carab iyo xata kooxda midigta fog ee Israa’iil, xilli ay Israa’iil ku andacoonayso in qorshahan oo si hoose uga shaqeynayo xafiiska Netanyahu inuu yahay mid u gogol-xaaraya dhismaha dawladda Falastiin.

Qasa, si buuxda waxay u ahayd mid maamulkeeda uu hoostago Xamaas, oo dhowaan ballanqaaday inay kala diri doonaan guutooyinkooda hubaysan haddii la guda-galo dhismaha dawladda Falastiin,markaa oo ay u dhaqmayaan xisbi siyaasadeed.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05.05.2024}

Axad 5, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} iiraan oo ka Faaideeysato Shidaalka iyadoo ay saaran tahay Cunaqabateeynta Mareeykanka.

Axad 5, May 2024 {HMC} iiraan oo ka Faaideeysato Shidaalka iyadoo ay saaran tahay Cunaqabateeynta Mareeykanka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxda Dowlada oo Muqdisho ka sagootiyey Wakiilkii Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ka Ceeyriyeen.

Axad 5, May 2024 {HMC} Madaxda Dowlada oo Muqdisho ka sagootiyey Wakiilkii Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ka Ceeyriyeen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Soomaaliland oo ku jiro Diyaar garoow Xoogan.

Axad 5, May 2024 {HMC} Ciidamada Soomaaliland oo ku jiro Diyaar garoow Xoogan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muwaadin Soomaaliyeed oo si arxan Daro ah loogu dilay Koofur Africa iyo Somalida oo aad Uga Carootay

Axad 5, May 2024 {HMC} Muwaadin Soomaaliyeed oo si arxan Daro ah loogu dilay Koofur Africa iyo Somalida oo aad Uga Carootay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Go’aan qaldan iyo hab qaldan ayaa loo dhisay kiliga dhagaxjibis”Duqa Baladweyne Cabdullahi Salaad”

Axad 5, May 2024 {HMC} Go’aan qaldan iyo hab qaldan ayaa loo dhisay kiliga dhagaxjibis”Duqa Baladweyne Cabdullahi Salaad”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Sayid-cali oo maanta mar kale la hor geynayo maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir.

Axad 5, May 2024 {HMC} Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa maanta mar kale la hor geynayaa maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir,

Maxkamadaan ayaa horay u dhageysatay dacwadda kiiska Sayid-cali, balse mar kale ayaa maanta la horgeynayaa si dhageysiga dacwadiisa horay loogu sii amba qaado.

Sayidcali, isaga ayaa dalbaday maxkamadda racfaanka, kadib markii u uku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday.

Ninkaan ayaa gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis, waxayna u geeriyootay dhaawac culus oo ka soo gaaray dab uu qabadsiiyey, balse waxay dood ka taagan tahay qaabka uu ninkaan dabka u qabadsiiyey xaaskiisa.

Sayid-Cali ayaa ku dooday in gurigiisa uu gubay, isla markaana xaaskiisii Luul ay gashay guriga oo gubanaya, markii uu dabku qabsaday ayuu sheegay inuu ku dadaalay badbaadinteeda, ilaa isagu uu gubtay.

Gacan iyo wajiga ayuu ka gubtay Sayid-Cali, waxaana la waayey marqaati ku cadeeya in gabadha xaaskiisa aheyd u uku tala-gal u gubay, balse baaritaanada xeer ilaalinta iyo qoyska Luul ayaa maxkamadda gobolka ku qanciyey in ninkaas lagu xukumo dil toogasho ah.

Hadda kiiskiisu wuxuu u gudbay maxkamadda racfaanka, waxay horay kiiskaan u dhageysatay hal mar, waxaana maanta suurtagal ah inay ka soo saarto xukun.

Hadii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.

Qoyska Luul Cabdicasiis oo diidanaa inay aastaan meydka ayaa ku qancay xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay ku riday Sayid-Cali, taasi oo sababtay in markii dambe meydka la aaso, in kastoo markaas uu reerku ogaa go’aanka uu racfaanka ku qaatay Sayid-Cali.