isniin-29-April-2024 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha
{DAAWO MUQAALKA} UK oo maanta bilaabeysa raafka muhaajiriin loo tarxiilayo dal kuyaalla Qaarada Afrika
isniin-29-April-2024 {HMC} UK oo maanta bilaabeysa raafka muhaajiriin loo tarxiilayo dal kuyaalla Qaarada Afrika
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Gudomiyaha Gobolka Mudug ee Pudlaand” Colaad sii jirta waxba ma reebte aan ka wada-shaqayno nabada”
isniin-29-April-2024 {HMC} Gudomiyaha Gobolka Mudug ee Pudlaand” Colaad sii jirta waxba ma reebte aan ka wada-shaqayno nabada”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Xaafad ka tirsan Baladweyne oo aanan laheyn wado ay u maraan dadka degan.
isniin-29-April-2024 {HMC} Xaafad ka tirsan Baladweyne oo aanan laheyn wado ay u maraan dadka degan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dhamme C/casiis Cabdullahi “Mar waliba waxaan diyaar u ahay inaan soo saaro geesiyaal dalka ka difaaca AS”
isniin-29-April-2024 {HMC} Dhamme C/casiis Cabdullahi “Mar waliba waxaan diyaar u ahay inaan soo saaro geesiyaal dalka ka difaaca AS”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Sanator C/qeybdiid” Waa in laga fogaadaa wax waliba oo dhibaato ku noqon kara Nabada gobolka Mudug”
isniin-29-April-2024 {HMC} Sanator C/qeybdiid” Waa in laga fogaadaa wax waliba oo dhibaato ku noqon kara Nabada gobolka Mudug”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Kulan leyskula xisaabtamayay Amniga sii xumaanaya ee Muqdisho oo qabsoomay.
isniin-29-April-2024 {HMC} Kulan leyskula xisaabtamayay Amniga sii xumaanaya ee Muqdisho oo qabsoomay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} War aan u waanagsanayn magan galyo doonayaal ay Soomaali ka mid yihiin oo soo baxay.
isniin-29-April-2024 {HMC} War aan u waanagsanayn magan galyo doonayaal ay Soomaali ka mid yihiin oo soo baxay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
maxeey yihiin saddexda faa’iido oo Turkiga ka helayo heshiiska difaac ee Soomaaliya.
isniin-29-April-2024 {HMC} Warbixin dheer oo uu qoray Machadka daraasaadka siyaasadda Emirates Policy Center ayaa waxaa looga hadlay heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo uu hadda bilowday dhaqan-galkiisa.
Maqaalkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ciwaan looga dhigay ‘Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya: Go’aan qaadasho laga baaraan dagay, mise tallaabo loo qaaday meel aan la aqoon’.
Sidoo kale waxaa lagu soo koobay saddex faa’iido waa weyn oo Turkigu ka helayo heshiiska difaac ee uu haatan la galay dowladda federaalka, kaas oo kusoo aaday, kadib heshiiskii muranka badan dhaliyay ee Addis Ababa ku dhexmaray Somaliland iyo dowladda Itoobiya.
1-Joogtitaan buuxa oo milatari; Warbixinta Emirates Policy Center ayaa lagu sheegay in Turkiga heshiiskan difaac uu ka helayo awood maamul oo aan horay loo arag, isla markaana uu ku yeelanayo dhulka, badda iyo cirka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxa maqaalka lagu shaaciyay in heshiiskan uu ka duwan yahay kuwii horay u dhex-maray labada dowladood oo ah saaxibo dhow oo uu ka dhexeeyo xiriir aad u sarrreeyo.
2-Gorgorton heer Caalami ah; Waxaa kale oo Emirates Policy Center ku warramay in heshiiskan difaaca uu Ankara siinayo fursad kale oo ay kula gorgortanto dowladaha waa weyn, sida Mareykanka oo isna taageero milatari siiyo dowladda federaalka Soomaaliya.
“Tani waxa ay saameyn ku yeelan kartaa baaxadda iskaashiga ama khilaafka Ankara iyo Washington ee bariga dhexe” ayaa lagu yiri maqaalka lagu daabacay Emirates Policy Center.
3-Isku fidinka Geeska Afrika; Nuqul kamid ah maqaalkan oo si weyn loo akhristay ayaa lagu sheegay in Turkigu sii ballaarinayo awoodiisa Geeska Afrika, balse heshiiskan cusub ee difaaca ayuu Emirates Policy Center sheegay inuu caqabad ku noqon karo dowladda Itoobiya, gaar ahaan qorshaha ay ku dooneyso inay marin biyood ka hesho Badda Cas.
“Tani ayaa waxa ay ku qabsi kartaa Itoobiya in ay u hoggaansanaanto damaca iyo rabitaanka Turkiga, si uusan usoo socon heshiiskan ama ugu yaraan ay uga badbaado saameyn xun oo xun oo ka dhan danaheeda” ayaa lasii raaciyay warbixinta.
Turkiga ayaa dhankiisa aaminsan in Itoobiya ay mudnaan wayn siin doonto sii wadida xiriirka kala dhexeeya Ankara, ayada oo la eegayo xiisadda haatan kala dhexeyso Masar..
Si kastaba, Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga oo ah mid difaac oo muhiim ah ayaa kusoo aaday, waxyar kadib markii ay Itoobiya heshiis badeed la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ay si wayn uga hortimid dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-04-2024}
isniin-29-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed
farsamadii :Mohamed Baryare Haamud



