isniin-29-April-2024 {HMC} Maxaa looga hadlay kulanka Madaxweyne Xasan sheekh uu kaga qeyb galay Magalada Nairobi.
{DAAWO MUQAALKA} Howlgalo lagu raadinayo AS oo laga sameeyay jiinka wabiga Shabelle.
isniin-29-April-2024 {HMC} Howlgalo lagu raadinayo AS oo laga sameeyay jiinka wabiga Shabelle.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Soomaali badan oo ku geeriyootay doonni la qallibantay.
isniin-29-April-2024 {HMC} Soomaali badan oo ku geeriyootay doonni la qallibantay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
maxeey tahay sunta halista ah ee laga helay xawaashyada Hindiya laga keeno.
isniin-29-April-2024 {HMC} Maamulka Cunnada iyo Dawooyinka ee dalka Mareykanka ayaa bilaabay baaritaan ka dhan ah wax soo saarka labada shirkadood ee hormuudka ka ah badeecooyinka Hindiya. Shirkadahan ayaa lagu eedeeyay in ay beec geeyaan xawaashyo ay ku jiraan sunta ‘ethylene oxide’ ee sababta kansarka.
Horaantii bishan, Hong Kong waxay mamnuucday saddex xawaash oo ay leedahay shirkadda MDH iyo mid ka mid ah alaabada Everest ka dib markii ay soo baxeen eedeymo ku saabsan heerarka xad dhaafka ah ee ethylene oxide.
Waaxda Badbaadada Cunnada ee Hong Kong ayaa sheegtay in qaar ka mid ah xawaashyada baakadaysan ee shirkadaha Hindida ee MDH iyo Everest laga helay in ay ku jiraan sunta cayayaanka ee ethylene oxide waxaana dadka lagu taliiyey in aanay cunno u isticmaalin.
Waxaa xusid mudan in alaabta labada shirkadood ee MDH iyo Everest ay ka mid yihiin xawaashka ugu caansan Hindiya iyo adduunka oo dhan.
“FDA way ka warqabtaa warbixinnadan waxayna ururinaysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdan,” afhayeen u hadlay FDA ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Singapore ayaa sidoo joojisay xawaashka kalluunka loo isticmaalo ee Everest, iyada oo sheegtay in lagu eedeeyay in ay ku jirto sunta ethylene oxide oo xad dhaaf ah.
Hindiya waxay leedahay guddi dawladeed oo qaabilsan xawaashyada, guddigaas oo kormeera alaabta dibadda loo dhoofiyo.
Waxay sheegtay horaantii todobaadkan in ay qaadayso xogta labada shirkadood ee Hindiya, ay bilaabeen in ay kormeer ku sameeyaan warshadahooda ayna isku dayayaan in ay ogaadaan “sababta” dhibaatada Tayada keentay.
Mareegaha labada shirkadood ayaa hawada ka baxay Sabtidii.
Waa maxay Ethylene Oxide?

Ethylene oxide waxaa loo isticmaalaa ujeedooyin kala duwan oo dhanka warshadaynta ah. Waxaa kale oo loo isticmaalaa udug isla markaana jeermiska dila.
Hay’adda ilaalinta deegaanka ee Maraykanka (EPA) ayaa sheegtay in kiimikadani ay daka kansar ku sababto.
2018, EPA waxay qortay in ‘ay jiraan cadaymo ku jira bini’aadamka in soo-gaadhista ethylene oxide ay kordhiso halista kansarka loo yaqaan lymphoid iyo kansarka naasaha ee haweenka.

Xawaashka Hindida ayaa sidoo kale cunaqabatayn caalamai ah hore ula kulmay. Sannadkii 2023, Hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka ee Maraykanka ayaa amartay in xawaashka shirkadda Everest ee sambar masala iyo garam masala laga saaro suuqa.
Xawaashyadan dadku jecelyihiin ayaa laga helay in bakteeriyada Salmonella. Bakteeriyadani waxay keeni kartaa shuban, calool xanuun, qandho, dawakhaad ama matag.
Ethylene oxide waa gaas aan midab lahayn isla markaana ololi kara. Waxaa aalaa loo isticmaalaa beeraha, daryeelka caafimaadka iyo warshadaha cuntada si ay u sameeyaan keemikaadka fumigants, cayayaan dilaha iyo suntan jeermiska lagu disha.
Ethylene oxide waxaa loo isticmaalaa xawaashyada iyo cuntooyinka kale ee engegan si ay u nadiifiaan oo ay u xakameeyaan cayayaanka.
Ethylene oxide waxa loo isticmaalaa in cuntada lagaga ilaaliyo bakteeriyada, fangaska iyo xasharaadka.
Si kastaba ha ahaatee, ururo badan oo caafimaad ayaa ka baqa in uu keeno kansar. Waxa kale oo la soo jeediyay in ay sidoo kale khatar u keeni karto habka taranka.
Iyadoo la tixgalinayo khatarta ethylene oxide, maamulayaasha cuntada ee dalal badan ayaa sameeyay sharciyo adag oo ku saabsan isticmaalka cuntada.
Wadamadani waxay leeyihiin shuruuc adag si loo go’aamiyo qadarka ethylene oxide ee loo isticmaali karo cuntooyinka si bedqab ah.
Madaale oo kulan deg deg ah iskugu yeeray saraakiisha amniga iyo qorshe wayn oo socda.
isniin-29-April-2024 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan amni oo xasaasi ah.
Kulankaan oo looga hadlaayay dar-dargelinta amniga caasimadda Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).
Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitari.
Taliyeyaasha ayaa masuuliyiinta maamulka la wadaagay warbixinta xaalada guud ee amniga caasimadda, oo bilihii dambe laga dareemayay xasilooni amni, inkasta oo mararka qaar ay kooxda arbushaad ka sameyso.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay saraakiisha laamaha amniga in xooga la saaro dar-dargelinta amniga caasimadda.
Sidoo kale waxa uu ku booriyay saraakiisha amniga ee kulankaan qeybta ka ahaa in laga hortago fal kasta oo wax u dhimi kara amniga ay ku naaloonayaan shacabka gobolka Banaadir.
Dhawaan ayey aheyd markii ay dowladda sheegtay inuu bilaabanayo isla xisaabtanka amniga caasimadda, si kor loogu qaado xasiloonida amni ee ay bilihii dambe haysteen reer Muqdisho, si dhameystirana meesha looga saaro falalka amni darro ee kooxda AS.
Israel oo markale duqeyn xoogan ka geysatay marinka Gaza.
isniin-29-April-2024 {HMC} Saraakiisha caafimaadka ayaa Isniinta maanta ah sheegay in ugu yaraan 13 Falastiiniyiin ah lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Israil ku bartilmaameedsadeen saddex guri oo ku yaalla degmada Rafax ee Marinka Gaza.
Weerar kale oo ka dhacay dhanka waqooyi ee Marinka Gaza ayay ilaha caafimaadku sheegeen in dhowr qof lagu dilay kuwo kalana lagu dhaawacay, kaddib marki ay madaafiicda Israil ku dhaceen laba guri oo ay dad rayid ah daganaayeen.
Weeraradan cirka ah ee ay ciidanka Israil u geysteen magaalada ay isugu tageen qaxootiga iyo barakacayaasha Falastiiniyiinta Gaza ee Rafax ayaa yimid, saacado yar ka hor inta aysan Qahira gaarin qaar ka mid ah madaxda ururka Xamaas.
Saraakiisha Dowladda Masar ayaa Axaddii shalay aheyd sheegay in Isniinta maanta ah ay hogaamiyaasha Xamas imaa doonaan Qahira, si halkaasi looga sii amba qaado wadahadallo rajo laga qabo in uu ka dhasho heshiis xabad joojin ah oo dhexmara Israil iyo Xamas.
Wada-hadallada ayaa waxaa dhex-dhexaadinaya Qatar, Masar iyo Mareykanka.
UK oo maanta bilaabeysa tarxiilka Muhaajiriinta sharci-darrada ku soo galay dalka Britain.
isniin-29-April-2024 {HMC} Muhaajiriinta sharci-darrada ku soo galay dalka Britain ayaa la filayaa in la soo qabqabto muddo toddobaadyo, iyadoo loo diyaar garoobayo Duullimaadyadiii u horeeyey Muhaajiriinta la dejinayo dalka Rwanda.
Wargeyska The Guardian ayaa qoray in maanta oo Isniin ah la bilaabi doono hawlgalka dadka Muhaajiriinta sharci-darrada loogu gudbin lahaa Xarumaha dadka lagu hayo.
Xafiiska Arrimaha Gudaha ee dalka UK ayaa sheegay in la galayo Wejigii u dambeeyey ee hawlgalkaasi.
Qareen Aamer Anwar oo ka tirsan Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Fadhigeeda Dhexe yahay Glasgow (The Glasgow-based human rights) ayaa sheegay in lagu wargeliyey in maanta oo isniin ah la bilaabayo hawlgalka qabqabashada Muhaajiriinta loo tarxiili doono dalka Rwanda.
Qareen Aamer Anwar waxa uu xusay inuu rajaynayo in maalmaha soo socda la arko Kacdoon dhabaha Kenmure Street ee guud ahaan dalka UK.
Dibadbaxyadda Waddooyinka ee looga soo horjeedo raafka Muhaajiriinta sharci-darrada ayaa waxay magaalladda Glasgow ka dhaceen sanadkii 2021-kii, iyadoo xilligaasi ay Boqolaal qof jidka ka xireen Gaadiidka Waaxda Socdaalka, si looga hortago in khasab lagu kaxeeyo Magangelyo-doonayaasha.
Ra’isul-wasaaraha dalka Britain, Rishi sunak waxa uu sheegay in Duullimaadka u horeeya ee dadka Muhaajiriinta sharci-darrada ee loo tarxiilayo dalka Rwanda la bilaabi doono muddo 10 ilaa 12 Isbuuc.
Docda kale, bilowgii Toddobaadkan, Ku-Xigeenka RW Ireland, Micheál Martin ayaa sheegay inay kordheen tirada dadka ka imaanayo Northern Ireland, iyadoo dadkaasi aad uga cabsi qabaan haddii ay sii joogaan UK in laga yaabo in loo sii tarxiilo dalka Rwanda.
RW dalka UK, Rishi Sunak ayaa habeen hore Wareysi Khaas ah siiyey Barnaamijka Sunday Morning eevTelefishinka Sky News waxa uu sheegay inuu diirada saarayo UK iyo sugida Ammaanka Xuduudaha.
Xasan sheikh oo shirar xasaasi ah ugu qayb galaya magaalada Nairobi.
isniin-29-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu uga qayb-galo Shirka IDA21 ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Aduunka oo la qaban doono 29-ka Abriil, 2024.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka, ayaa diiradda saari doona horumarinta iyo maalgashiga qaaradda Afrika sidii loo xoojin lahaa iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo waaweyn.
Madaxweye Xasan Sheekh ayaa Inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta ka socda Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya laga cafiyay dayntii muddada dheer lagu lahaa, taasoo fursad u siinaysa dalka inuu soo jiito maalgashiyo caalami ah iyo mashaariic horumarineed.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo gaba-gabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Tansaniya, isagoo soo booqday Jasiirrada Sinsibaar oo ka mid ah deegaannada xiriirka taariikhiga ah uu kala dhexeeyo dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha dowlada Sinsibaar Mudane Hussein Mwinyi ayaa uga tacsiyeeyay geerida Aabahii Madaxweynihii hore dalka Tasaaniya Ali Hassan Mwinyi.
Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin taariikhda iyo xiriirka ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha ku dhaqan Sinsibaar, iyo iskaashiga arrimaha dalxiiska oo Jasiirrada Sinsibaar ku tilmaamantahay.
Wasiirka gaashaandhigga oo ka jawaabay eedeyn iyo hadal-heyn ka dhalatay muuqaal ku faafay baraha bulshada.
isniin-29-April-2024 {HMC} Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka jawaabay eedeyn iyo hadal-heyn ka dhalatay muuqaal uu ka duubay askar tababar loogu diray dalka Turkiga, wasiirka ayaa muuqaalkaas ku baahiyey bartiisa TikTok.
Muuqaalkaas waxaa laga dhex arkay askarta oo wadata baco loo maleynayey inay dharkooda ku wataan, waxaana ka dhalatay hadal-heyn culus iyo caro dadweyne, maadaama ciidanka ay ku habooneed in dharkooda ay ku qaataan boorsooyin.
Wasiirka Gaashaandhigga oo wareysi siiyey warbaahinta ayaa ka jawaabay eedeynta dadweynaha, wuxuu sheegay in ciidanka uu muuqaalka ka duubay ee diyaaradda sii raacaayey ay bacaha ku wateen raashin bisil oo loogu talo galay inay diyaaradda ku dhex cunaan.
Ciidankaas oo ka tirsan Gorgor, waxay tababar dhowr bilood ah ku qaateen saldhigga TurkSom ee Muqdisho, waxayna safar u ahaayeen saldhigga labaad ee tababarrada ciidamada Gorgor ee magaalada Sparta dalka Turkiga.
Wasiir Jaamac oo ay ka muuqatay inuu ka careysnaa falcelintii dadweynaha ka weeraray bartiisa TikTok ayaa su’aashaaa uga jawaabay si caro leh, wuxuuna sheegay in ciidanku aysan marna raaxo ku jirin, mar xalad kastana aysan wax dhib ah laheyn in muuqaal looga duubo.
Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dadka isticmaala baraha bulshada ka dalbaday inay joojiyaan sumcad xumeynta ciidanka, wuxuu ku dheeraaday sharaxaada sida askariga Soomaaliyeed ee naftiisa soo huray.
“War adigoo raadinaya in lagu daawado miyaad wax ka sheegeysaa qof ay suurtagal tahay in daqiiqado kadib uu dhinto, ka daaya ciidanka wararka sumac dilka ah ee aad ka faafisaan, uma qalmaan waxay noo soo hureen naftooda,” ayuu yiri wasiir Jaamac.
Wasiirka ayaa wareysigaan uu bixiyey uga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, kuwaas oo khuseeya dagaalka kooxda AS, dhismaha ciidanka iyo xatooyo lagu sameeyey raashinka ciidanka Danab.
{DAAWO MUQAALKA} Beesha Biimaal oo hubkooda qaatay si ay isaga difaacaan Xooha AS.
Axad 28, April 2024 {HMC} Beesha Biimaal oo kamid ah beelaha dago Gobolka shabellaha hoose ayaa Caawa la so baxay hubkooda si ay iskaga dhiciyaan Kooxada al shabaab sida ay warbaahinta u sheegeen.



