Axad-21-April-2024 {HMC} Maxkmada Racafaanka Gobolka Banaadir oo Goordhow u Fariisaneeyso kiiska eedeysane Sayid Cali
{DAAWO MUUQAALKA} Soomaliland oo laga Cabsi qabo ineey ku dhuftaan Daadad Xoogan.
Axad-21-April-2024 {HMC} Soomaliland oo laga Cabsi qabo ineey ku dhuftaan Daadad Xoogan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 21-04-2024
Axad-21-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Mustaf Ali Addow
farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
{DAAWO MUUQAALKA} Waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliland oo la shaaciyay
Axad-21-April-2024 {HMC} Waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliland oo la shaaciyay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Duqa Muqdisho “Si loogu guuleysto Sugida Amniga shacabka waa in ay la shaqeeyaan Laamaha Amaanka”
Axad-21-April-2024 {HMC} Duqa Muqdisho “Si loogu guuleysto Sugida Amniga shacabka waa in ay la shaqeeyaan Laamaha Amaanka”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Sayid Cali Macalin oo mar kalle looga yeeray Maxkamad.
Axad-21-April-2024 {HMC} Sayid Cali Macalin oo mar kalle looga yeeray Maxkamad.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Mowqifka midnimada Soomaaliya iyo Cabdiraxmaan Tuur Muqdisho 1994-kii.
Axad-21-April-2024 {HMC} Soddon sano ayaa laga joogaa markuu marxuum Cabdiramaan Axmed Cali (Tuur) yimid Muqdisho kuna baaqay in hab federaal uu yahay kan Soomaaliya dib loogu soo dhisi karo burburkii dowladdii dhexe kaddib. Tuur wuxuu la dhashay marxuum Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabbaha waxbarashada Soomaalida gaar ahaan gobollada Waqooyi. Xilligaas suurtaggal ma ahayn in hab federaal uu Soomaaliya uga hirgalo hab Waqooyi iyo Koofur waayo Muqdisho laba qeyb ayay u kala qeybsanayd; Cabdiraxmaan Tuur wuxuu la jiray Jeneraal Caydiid. Hadalkisii waxaa lagu tilmaamaay inuu colaad ka aloosay waqooyiga gaar ahaan beelihii taageeri jiray ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (Somali National Movement).
Mowqifka midnimada Soomaaliya ee Cabdiraxmaan Tuur wuxuu ku qotomay aqoonta uu u lahaa xiriirka caalamiga ah. Isagu muu la dhacsanayn go’aankii degdegga ahaa lagaga dhawaaqay Burco Maajo 18, 1991, kaasoo lagu shaaciyay in Waqooyiga Soomaaliya uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale. Wuu ogaa in go’aankaas kala goynta Soomaaliya aan la isku raacsanayn, uu xitaa ka hor imanayayay dastuurkii ururka SNM oo si cad u taageerayay midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib isaguna si la mid sidaas ayuu midnimada u aamminsanaa. Wuxuu aqoon u lahaa siyaasadda Geeska Afrika. Wuxuu qoray buug ku saabsan Soomaali Galbeed, oo uu ku soo bandhigay xogo aan hore loogu adeegsanin qoraallo taariikheed, ku saabsan sida had iyo jeer Xabashidu uga dadaadili jirtay in la tirtiro jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.
Qaalib iyo Tuur waxay u soo taagnaayeen xilli Xayle Salaase doonayay in Waqooyiga Soomaaliya lagu biiriyo Itoobiya. Tuur danjire ayuu ahaa; Qaalib madax sirdoon dowladdii rayidka ayuu noqday; xilligii dowladdii kacaanka taliyaha ciidanka booliska iyo wasiirkii horumarinta miyiga ayuu soo noqday. Wargeysyadii ka soo bixi jiray Hargeysa kontomaadkii qarnigii 20aad ayaa gaashaanka u duruuray himiladii gurracnayd ee Xayle Salaase. Indheergaradka siyaasadeed ee Hargeysa xilligaas waxay lahaayeen garasho siyaasadeed oo aad u sarreysa kaddib markii Ingriisku ku ballan-furay beelihii Soomaaliyeed uu heshiiska ilaalinta la saxiixday. Ingiriisku wuxuu dhul Soomaalidu ku nooshahay 1954kii si sharcidarro ah ugu wareejiyay Xabashida (Imbradooriyaddii Itoobiya), oo waxaa laga qoray buugag sida The Betrayal of Somalis iyo The Somali Dispute.
Waxyaabaha Tuur iyo Qaalib ogaayeen waxaa ka mid ah in qarannimadu tahay tiir adag oo ilaaliya xuquuqda shucuubta. Tan labaad taageerada ay u muujiyeen qarannimada iyo midnimada Soomaaliyed waxay ku salaysanayd taageerista xaqa qofka Soomaaliyeed u leeyahay dhowrista naftiisa iyo hantidiisa iyo inuu dalkiisa hooyo meeshuu doono kaga noolaan karo. Intaas haddii la waayo ma jirayso qarannimo Soomaaliyeed oo laga hadlayo: haddii qof sheegto inuu magaalo qof kale oo Soomaaliyeed kaga awood-badan yahay, wuxuu doono samayn karo oo aan lala xisaabtami karin, fursadaha dhaqaalaha ka hor istaagi karo qof kale, maleeshiyo beeleed ugu awood-sheegan karo qof kale oo Soomaali ah xaaladdu kama duwana gumeysigii oo kabo loo tolay (Soomaalida ayaa ku maahmaahda waa kudkii oo kabo loo tolay markay arkaan wax ka sii daran wax kale).
Soddon sano kaddib Soomaalidu waxay isa su’aalaysaa sababaha weli isu awood-sheegasho maleeshiyo beeled iyo ciidamo dhinac-ka-raran ay weli halis ugu yihiin xuquuqda qofka Soomaaliyeed. Ma siyaasiyiita Soomaaliyeed ayaa sidan ku heshiiyay mise aamusnaantooda ayaa mas’uul ka ah in sooyaalkii qabqablayaasha aan weli xiddida loo siibin? 2024 sidii 1994 Waqooyiga Soomaaliya waxaa ka taagan colaado u loogi kara dhulka Soomaaliyeed cadaw muddo u hanqal-taagayay. Marxuum Tuur iyo Marxuum Qaalib way ogaayeen in haybta siyaasadeed ee Soomaalida (the Somali political identity) aan la hoosgeyn karin hayb beeleed. Qaranka Soomaaliyeed ilaalintiisa naf iyo maal baa loo huray. Wax hunguri la siisan karo ma aha.
ITOOBIYA oo mar kale ku celisay in ay ka go,antahay dhaqangelinta Heshiiskii ay lagashay SOOMALILAND.
Axad-21-April-2024 {HMC} Itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay fulinta is-afagaradkii ay la gashay Somaliland, islamarkaana carada dowladda federaalka ee arrintan ku aadan ay tahay wax aan dhaafsiisneyn dib u dhaca ku-meel gaar ah.
Hadalkan ayaa waxaa sheegay Abdulaziz Ahmed Adem, oo ah la-taliyaha sare ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISS), sidoo kalena la-taliye u ah Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
Waxa uu hadalkan ka jeediyey shir ku saabsanaa amniga gobolka Geeska Afrika oo uu soo abaabulay Machadka Arrimaha Dibedda, kaasi oo ka dhacay Skylight Hotel Addis-Ababa, 19-kii April.
Abdulaziz ayaa ku dooday in helitaanka Itoobiya ee marin badeed ay sahli karto kobaca wadajirka ah ee Itoobiya, iyo Soomaaliya oo leh xeeb dhererkeedu dhan yahay 3,000 oo kilomitir.
Abdulaziz waxa uu ku tilmaamay diidmada Muqdisho ee heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland inay tahay “dib u dhac,” isagoo ku macneeyey isku day ay dowladda federaalka ku weecineyso caqabadaha siyaasadeed ee ka haysta gudaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto heshiiska, oo qeyb ka ah sida ay uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka.
“Itoobiya waxay soo dhawaynaysaa dadka ka socda dhammaan dalalka deriska ah, gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri. “Waa u muhiim labada waddanba inay u midoobaan kooxaha argagixisada loo aqoonsaday sida Al-Shabaab, Daacish iyo kuwa dadka tahriibiya. Haddii aan si wadajir ah u shaqeyno, waan horumari karnaa oo aan ka gudbi karnaa caqabadaha, intii aan ka hortagi lahayn heshiis aan la joojin karin,” ayuu yiri Abdulaziz.
Waxa uu ugu baaqay dalalka gobolka inay ahmiyadda siiyaan iskaashiga iyo barwaaqada, wuxuuna dib u xaqiijiyey in Itoobiya ay ka go’an tahay nabadda iyo wada-shaqeynta dalalka deriska la ah.
Abdulaziiz waxa uu xusay kaalmaynta milatari ee Itoobiya ay ka geysatay dadaallada nabad ilaalinta ee Suudaan iyo Soomaaliya.
Wuxuu ka digay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay inay halis ku keeni karto Itoobiya iyo sidoo kale gobolka oo dhan.
“Ciidankeenu wuxuu Soomaaliya u sameeyey naf-hurnimo la taaban karo, haddii ay ahaan lahayd xudduudaheeda iyo nabadda. Waxaa naga go’an inaan horumarino xiriir nabadeed oo aan la yeelanno deriska, waxaana diyaar u nahay inaan sameyno dadaallo dheeraad ah oo ku aaddan yoolkan. Waa lama huraan in iyaga iyo kuwa kaleba ay ogaadaan sida aan ugu heellan nahay arrimahan,” ayuu yiri.
Heshiiska is-afgaradka, oo ay Janaayo 1, 2024 kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa dhaliyay dood weyn oo heer gobol iyo mid caalami ah.
Abiy Axmed ayaa horay u carrabka ugu adkeeyay in Itoobiya ay muhiim u tahay inay hesho marin badeed, arrintaas oo sii xoojisay xiisadda ka taagan Geeska Afrika.
{DAAWO MUQAALKA} Wabiga shabelle oo ku Fatahay Magaalada Jowhar
Axad-21-April-2024 {HMC} Masuuliyiin Ka Tirsan D/G/Hirshabelle oo kaa shanaaya Shacabka Magaalada Jowhar ayaa Kormeeray goobaha uu ka jilicsan yahay Wabiga Shabelle xilli laga cabsi qabo inuu fatahaad sameeyo.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
58 dead after ferry sinks in Central African Republic, witnesses say
Sunday -21-April-2024 {HMC} At least 58 people have died in the Central African Republic after the overcrowded ferry carrying them capsized, say officials.
Most of the 300 people on board were on their way to a funeral on Friday when the vessel sank.
It happened on the Mpoko river near the capital, Bangui.
Footage of the accident on social media shows people falling or jumping into the water trying to reach the banks of the river.
Boat disasters are not uncommon in the Central African Republic.
“What just happened was terrifying,” a witness told French-language broadcaster RFI.
“I know a family who’ve lost seven relatives in this tragedy.”
Speaking to local station Radio Guira on Saturday, civil protection head Thomas Djimasse said rescuers retrieved “58 lifeless bodies” from the water, but added “we don’t know the total number of people who are underwater”.
Dozens of survivors are reported to be receiving treatment in hospitals in Bangui.
SOURCE BBC



