Sabti-20-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdimajiid Abdirahmaan Aadan
Farsamadii :: Mohamed Baryare Haamud
Sabti-20-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdimajiid Abdirahmaan Aadan
Farsamadii :: Mohamed Baryare Haamud
Sabti-20-April-2024 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 20-04-2024
Sabti-20-April-2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Mahad Salaad oo looga digay in uu tago Galmudug.
Sabti-20-April-2024 {HMC} Dil aad looga naxay oo galabta ka dhacay Magaaladda Baladweyne.
Sabti-20-April-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiyau qaabilsan Geeska Afrika Mudane Vladimir Orlié oo maanta soo gaaray Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Seerbiya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo Ergeyga ka guddoomay dhambaal uu ka waday Madaxweynaha Seerbiya Mudane Aleksandar Vučić, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Seerbiya garab istaagga iyo taageerada ay u muujisay Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska ciidanka Qaranka oo xilligaan muhiim u ah dalka.
Dhankiisana, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya ee Geeska Afrika ayaa ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, waxa uuna xusay miro-dhalka dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey.
Sabti-20-April-2024 {HMC} Go’aan laga gaaray doorashada Somaliland iyo goorta ay dhaceyso
Sabti-20-April-2024 {HMC} Shirwaynaha Shaqo Abuurka Dhalinyarada Puntland oo la daahfuray’
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Sabti-20-April-2024 {HMC} Mayadka laba qof oo kala ahaa nin iyo xaasikiisii hore ayaa maanta laga helay xero ku taalla agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho.
Labada marxuum ayaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Yuusuf Ibraahim iyo Xamdi Cabdulqaadir Cabdulle, sida ay xaqiijiyeen ehelladooda oo la hadlay warbaahinta.
Maydadka labadan qof oo la la’aa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa laga dhex helay gaari nooca aan xabadda karin oo yaallay xero gaadiid lagu xareeyo oo ku taallo halkaas.
Abuukar Yuusuf ayaa sidoo kale ahaa darawalka Maxamed Zubeer oo ahaa xoghayihii joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, mana cadda sababta keentay geerida labada qof.
Aabe Cabdulqaadir Cabdulle oo dhalay marxuumadda ayaa sheegay inuu saddex cisho kahor waayay gabadhiisa, haddana loo soo sheegay maydkeeda, wuxuuna tilmaamay in ninka ay isla geeriyoodeen uu ahaa saygeedii hore oo ay kala tageen laba sano kahor.
“Halkan waxaa ka dhacday gabarteeda oo dhimatay oo muddo saddex maalmood ah raadinayay ayaa la’ii soo sheegay, gabadha iyo wiilka mar hore ayay kala tageen laba sano kahor ayay kala maqan yihiin” ayuu yiri aabaha dhalay gabadha geeriyootay.
Sidoo kale wiil la dhashay marxuum Abuukar Yuusuf oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu hadda socdo baaritaan, ayna cadaalad ka dalbanayaan dowladda dhexe.
“Dhacdada ayaa naloo soo sheegay, waana imaanay hadda booliska iyo C.I.D ayaa imaaday baarista ayaana socota” ayuu isna yiri wiil la dhashay marxuumka.
Dhacddan ayaa qayb ka noqoneyso falal argagax leh oo muddooyinkan dambe ka dhacayay gudaha caasimada, waxaana u dmabeysay dilka laba carruur ah oo ay maanta hooyadood oo dhimirka ka xanuunsan ay ku gowracday gudaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Sabti-20-April-2024 {HMC} ka tirsan Golaha Shacabka oo uu hoggaaminayo Habdhowre Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabaas Cali Ibraahim, ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan ku soo dhoweeyey xildhibaano ka socday Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa {EAC}.
Wafdiga oo casuumaad rasmi ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho labo maalin ah ku joogi doona magalada Muqdisho, iyagoo la kulmi doona guddoonka labada aqal iyo madaxda kale ee dowladda.
Xildhibaannadan ayaa Baarlamaanka Soomaaliya warbixin ka siin doona qaabka loo dhisaayo xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Bulshada Bariga Afrika.
