Home Blog Page 2549

{DAAWO MUQAALKA} Qurbo-jooog Soomaaliyeed oo ku baaqay in loo istaago raadinta nabadda iyo horumarka Dalka

Sabti -20-April-2024 {HMC} Qaar kamid ah Qurbo-joogtaan oo ka kala socday mareykanka iyo Kanada ayaa Magaalada Boston ku qabtay shir socday muddo afar cisho ah oo looga hadlaayey dagaal sokeeye oo ka dhacay Galbeedka Mudug iyo sida gacan looga geysan karo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah bulshada.

Shirkaasi oo mudadii uu socday ay ka qeybgaleen xubno ka kala socday maamulada Puntland iyo Galmudug ,aqoonyahanno,ganacsato iyo waxgarad kale,waxaa la istusay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo sida qurbo-joogta Soomaakida ay uga qeybgali karaan xal u helidda colaadaha sokeye iyo guud ahaan horumarka Dalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhaweysay Warka kasoo baxay wadamada G7

0

Sabti -20-April-2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay Warka kasoo baxay wadamada ugu dhaqaalaha Badfan Aduun ee la isku yiraahdo G7

HOOS KA AQRISO

Dalalka ugu dhaqaalaha sarreeya caalamka ee G7 oo ka walaacsan afgaradkii dhaxmaray Somaliland iyo Itoobiya

0

Sabti -20-April-2024 {HMC}  Wasiirrada Arrimaha dibadda ee dalalka ugu dhaqaalaha sarreeya caalamka ee G7 , ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxeexdeen January 2024.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa ku booriyay Itoobiya iyo Soomaaliya in ay furnaadaan dhammaan dariiqyada wada hadalka si looga hortago in dhibaato kale dhacdo.

 

Dawladda Turkiga oo ku dhawaaqday Waqtiga ay Soomaaliya ka bilaaweyso Shidaal qodista

0

JImco -19-April-2024 {HMC}  Dawladda Turkiga ayaa markii u horreysay muddeysay xilliga ay billaabayso qodiska shidaalka Soomaaliya , kaddib heshiis ay labada dal gaareen bilowgii bishii saddexaad ee sannadkan.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga,Alparslan Bayraktar ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Turkiga uu ka billaabayo howlo shidaal baaris ah badda Soomaaliya, isagoo caddeeyay qorshaha qodista shidaalka badda inay billaabanayso sannadka 2025.

 

Heshiiska labada dal ayaa waxaa qayb ka ah baarista, ka faa’iidaysiga, horumarinta iyo soo saarista shidaalka Bariga iyo xeebaha Soomaaliya.

 

Wasiir Bayraktar ayaa soo bandhigay waqti cad, isagoo yiri; “Waxaa jirta meel ku taal badda Soomaaliya oo aan u aragno inuu ku jiro kayd shidaal, waxaan billaabi doonnaa shaqada, waxaan rabnaa inaan sameyno qodista badda qoto dheer sannadka 2025.”

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 19-04-2024

Jimco -19-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdirahmaan Moalim Muse

Farsamadii :: Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaal u dhaxeeyo abo malleeshiyo Beeleed oo ka socda Gobolka Galgaduud.

0

Jimco 19 April ,2024 {HMC} Dagaal u dhaxeeyo abo malleeshiyo Beeleed oo ka socda Gobolka Galgaduud.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 18-04-2024

0

Jimco 19 April ,2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 18-04-2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn -19-4-2024

Jinca 19 April ,2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Abdi majid abdirahmaan

farsamadii :Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Muxuu salka ku hayaa khilaafka ka taagan dhulka xaruntii dab damiska ee Muqdisho?

Jimco -19-April-2024 {HMC} –  Dood weyn ayaa ka taagan dhulka xaruntii ciidanka dabdamiska ee magaalada Muqdisho. Xaruntan muddo 30 sano ka badan waxaa deggan dad shacab ah.

 

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya bishii 25-tii bishii 11aad ee 2023 ayaa lagu sheegay in dadka deggan dhulka ciidanka dab-damiska ee magaalada Muqdisho ay isaga guuraan.

 

Ogeysiiska kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay xilligaas in baahi weyn loo qabo xarunta dab-damiska, Booliska qataraha dababka soo noqnoqday ee magaalada Muqdisho mararka kala duwan ka dhacay kuwaas oo galaaftay dad iyo duunyaba.

 

Dadka deggan goobta dab-damiska ayaa loo qabtay muddo 2 bilood ah xilligaas oo ku ekayd sida warbxinta ku xusnayd 25-tii bishii Janaayo ee sanadkaan. Waxaa sidoo kale ogeysiiskaas la raaciyay digniin ah in cidii amarkaas u hoggaansami wayda talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

 

Dhulkan ayaa dadka deggan ay sameeyeen bannaanbax ay kaga soo horjeedaan, shaqaaqo ayaana ka dhacday sababtay dhimasho iyo dhaawac, amarkaas ka soo baxay booliiska Soomaaliyana ayaana noqonin mid hirgala.

 

Madaxweynahii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)
Mar labaad 1-dii bisha Febraayo sanadkaan Booliiska Soomaaliya ayuu boolisku ku celiyay in dhulkaas laga guuro go’aankan ayanase noqonin mid isna midho dhala.

Waxaase ka dhashay falcelin xoogan oo ku aadan arrintaan iyadoo dadyowga deggan halkaasna qaar kamida ay dowladda ka codsadeen in haddii dhulka ayka rarayso ay meel kale dejiso.

Dadka sida adag ugasoo horjeedsaday in dadka laga raro xerada dab-damiska Ciidanka Booliiska waxaa kamidda ah madaxweynahii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), waxuuna sheegay in ayna xaq ahayn in qof mudo badan meel uu deganaa ayna ahayn in inta cagaf la geliyo laga kiciyo.

 

“Ugu yaraan sodon sanno ayay meesha degganayaan [dadkani] xaqna ma’aha caqlina ma’aha adduunkana meel ay ka dhacdo ma jirto qof meel uu degganaa 10, 20, 30 sanno inta cagaf la geliyo laga kiciyo.” Ayuu yidhi Madaxweyne hore Axmed Ducaale Xaaf oo war saxaafadeed qabtay bilowga bishii Febraayo.

 

Mar saddexaad ayuu Booliiska Soomaaliya war saxaafadeed ka soo saaray arrintaan iyada oo dadka lagu amraayo in ay isaga guuraan Xaruntii hore ee dab-damiska ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Labadii jeer ee hore ayaan baaqii kasoo baxay booliiska cidi dhagna jalaq u siin, waxayna dadku ku adkaysteen in ay kusii negaadaan dhulkii ay sannado badan ku noolaayeen.

 

Arrintaan ayaa hadal hayn kale oo ballaadhan dhalisay haddana dadka deggan halkaas ayaa saxaafadda la hadlay iyaga oo sheegay in ayna ka guureyn halkaas, dadka ka hadlay markaan waxaa kamida Generaal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde).

 

Waxuu sheegay indhacadde in ay tahay in madaxdu ixtiraamto dadka shacabka ah ay u adeegto waxaa kale oo uu sheegay in dhulkii dowladda oo dhami maqanyahay waxuuna sheegay in dhulkii dowladdu haddeer keliya noqday isuguna soo ururay xamar oo kali ah.

“In inta deggan gobolka Benaadir, keligood la beegsado oo dowladnimada iyaga lagu fuliyo cadaalad ma’aha”

Waxuu kale oo sheegay indhacadde in haddii ay tahay in meesha dowladdu ay ka maarmi wayday in dadka meel kale la dejiyo, dadka meesha deggana ayna ahayn qashin la daadinaayo ee ay yahiin muwaadiniin xuquuq leh.

 

Duqii hore ee magaalada Muqdisho Taabit Cabdi ayaa qoraal kooban oo uu barta Facebook ku dabaacay ku sheegay in dowladdu dadka shacabka ah ee meesha haddeer deggan kusii deegaamayso haddii ayna taas samayn Karin oo ay ka raraysana ay siiso dadka magdhow si’ayna magaaladoodii ayna la barakiciyeyaal ugu dhex noqonin.

 

Xildhibaannada beesha ay ka dhasheen dadka halkaa ku nool ayaa iyaguna gaashaanka u daruuray amarka booliska.

 

Seddex arrimood middood ayaa la filin karaa onay arrintan kh dhamaato, in xilliga loo dheereeyo dadkaas si ay u guuraan, in boolisku talaabo qaado, ama in boolisku u tanaasulo. Seddexdaas midka ay noqonaysana waxaa la kala ogaan doonaa marka ay dhamaato muddada loo qabtay in looga guuro oo ku aaddan 20 Abriil.

{DAAWO MUUQAALKA} Shirka Nabadeeynta Gobolka Mudug oo lasoo gabagabeeyey.

0

Jimco 19 April ,2024 {HMC} Shirka Nabadeeynta Gobolka Mudug oo lasoo gabagabeeyey.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.