Home Blog Page 2578

Booliska Itoobiya Iyo Xubno Ka Tirsan Jabhadda Fano Oo Ku Dagaalamaya Adis Ababa

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Booliiska magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay kadib markii ay israsaaseyn dhexmartay xubno ka tirsan kooxda Fano ee hubaysan.

Mid ka mid ah dadka la dilay ayaa ahaa qof rayid ah, halka labada kalena ay ka tirsanaayeen kooxdaasi, sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliska.

Laba askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay. Dhacdadan ayaa subaxnimadii Jimcaha ka dhacday xaafad ay dagaan qoysaska ladan oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada.

Kooxda Fano ayaa inta badan ka hawlgasha gobolka Axmaarada oo dagaal kula jira ciidamada tan iyo bishii August ee sanadkii hore.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee rabshado laga soo sheego Addis Ababa oo la xiriirta jabhada Fano.

Iran oo la wareegtay markab xamuul ah oo marayay marin biyoodka Hormuz

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Ciidamada ilaalada kacaanka ee Iiraan ayaa gacanta ku dhigay markab xamuul ah oo xiriir la leh Israa’iil kaasi oo Sabtida maanta ah marayey marin biyoodka Hormuz, sida ay warisay wakaaladda wararka ee Iiraan, waxayna tani imanaysaa maalmo kadib markii Tehraan ay ka digtay in ay aaggaas ka xireyso safarrada maraakiibta.

Wakaaladda IRNA ayaa ku warrantay in diyaarad helikobtor ah oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada kacaanka ay markabka MSC Aries oo watta calanka Burtaqiiska u kaxaysay dhinaca biyaha Iiraan.

Hay’adaha la socda ammaanka maraakiibta ayaa goor hore sheegay in markab laga kaxaysteen marinka Hormuz ee u dhaxeeya Imaaraatka Carabta iyo Iran.

Markabka Aries ayaa khadka maraakiibta caalamiga ah ee MSC uu ka kireysatay shirkadda Gortal Shipping, oo xiriir la leh Zodiac Maritime, sida ay Zodiac ku sheegtay bayaan ay soo saartay, waxayna intaa ku dartay in MSC ay mas’uul ka tahay dhammaan howlaha markabka.

Zodiac ayaa waxaa qayb ahaan iska leh ganacsade Israa’iili ah oo lagu magacaabo Eyal Ofer.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso xiisadda gobolka tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil ee Gaza bishii Oktoobar, iyadoo Israa’iil iyo xulafadeeda Mareykanka ay marar badan isku dhaceen kooxaha taabacsan Iran ee ku sugan Lubnaan, Suuriya, Ciraaq iyo Yemen.

Iiraan ayaa ku hanjabtay in ay ka aargudan doonto duqaymo looga shakisan yahay in ay Israa’iil ku qaadday qunsuliyadda Iiraan ay ku leedahay caasimadda Suuriya ee Dimishiq 1-dii April, weerarkaasi oo ay ku dhinteen toddoba sarkaal oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka oo ay ku jireen laba taliyeye oo sar-sare.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Jimcihii sheegay in uu filayo in Iiraan ay waqti dhow weerareyso Israa’iil, isagoo uga digay Tehraan in ay weerarkaasi fuliso.

Afhayeenka milatariga Israa’iil, Rear Admiral Daniel Hagari, ayaa yiri “Iiraan waxa ay qaadi doontaa cawaaqibka ka dhasha doorashadeeda in ay sii kordhiso xaaladdan”, mar uu ka jawaabayay warbixinnada la xiriira qabashada MSC Aries.

Talaadadii ayaa madaxa ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka, Alireza Tangsiri, waxa uu sheegay in ay xiri karaan marin biyoodka Hormuz haddii loo arko lagama maarmaan.

Waxa uu sheegay in Iiraan ay khatar u aragtay joogitaanka Israa’iil ee Imaaraadka Carabta, oo Israa’iil xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysatay sannadkii 2020-kii, taasi oo qayb ka ahayd “Heshiiska Ibraahim” ee uu Maraykanku garwadeenka ka ahaa.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay Iiraan taageerto ayaa carqaladeeysay ganacsiga caalamiga ah iyadoo muddo bilo ah weeraro ku qaadaysay maraakiibta mara Badda Cas, waxayna sheegtay in ay beegsanayaan maraakiibta ku xiran Israa’iil si ay uga aargudato ololaha Israa’iil ee Gaza.

{DAAWO MUUQAALKA} Diyaarad Drone oo nooca wax basaasa ah oo lagu qabtay magaalada DHUUSAMAREEB

0

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Diyaarad Drone oo nooca wax basaasa ah oo lagu qabtay magaalada DHUUSAMAREEB

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Gaashaanle Aadan Jeelle Sida aad u neceb tihiin in waalidkiin la dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed

0

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Gaashaanle Aadan Jeelle Sida aad u neceb tihiin in waalidkiin la dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidanka ATMIS oo shir ka yeeshay la dagaalanka A,S

0

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Maamulka Koonfur Galbeed iyo Ciidanka ATMIS oo shir ka yeeshay la dagaalanka A,S

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xilka la wareegay

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xilka si rasmi ah ula wareegay, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Balcad ayaana maanta ku wareejiyay xilka wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Fiqi, waxa uuna halkaasi ka jeediyay kalmad uu wasiirka kusoo dhaweenayo.

Axmed Macalin Fiqi wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo munaasabada xil-wareejinta hadal ka jeediyay ayaa ugu horreyn u mahad-celiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha oo xilka cusub u igmaday.

Wasiirka ayaana sheegay in uu ku rejo weyn yahay in halkeeda kasii wado dedaaladii socday, uuna filayo in wax badan qaban doonaan isaga iyo howlwadeennada kale ee wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Ugu dambeyn wasiir Axmed Fiqi ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaanba in ay ku garabsiiyaan gudashada hawshaas qaran iyo difaaca danaha dalkeena iyo wadajirkiisa.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay Ciidanka Xooga dalka kusoo arkeen Masjid 15-sano ku jiray gacanta AS oo hadda xur ka ah.

0

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Maxay Ciidanka Xooga dalka kusoo arkeen Masjid 15-sano ku jiray gacanta AS oo hadda xur ka ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Amniga dalka Bilaha fooda nagu soo haya AS waa laga weyn doonaa Galmudug iyo Hirshabeelle

0

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Wasiirka Amniga dalka Bilaha fooda nagu soo haya AS waa laga weyn doonaa Galmudug iyo Hirshabeelle

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dad ku dhintay dagaal Addis Ababa ku dhex maray booliska iyo xubno ka tirsan jabhadda Fano

0

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Dad ku dhintay dagaal Addis Ababa ku dhex maray booliska iyo xubno ka tirsan jabhadda Fano

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA