Sabti 13 April , 2024 {HMC} Dad ku dhintay dagaal Addis Ababa ku dhex maray booliska iyo xubno ka tirsan jabhadda Fano
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Sabti 13 April , 2024 {HMC} Dad ku dhintay dagaal Addis Ababa ku dhex maray booliska iyo xubno ka tirsan jabhadda Fano
Sabti 13 April , 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo: Shugri barayare iyo mustaf ali adoow
farsamadii;C/Kaafi
Sabti 13 April , 2024 {HMC} Laga bilaabo bishan April 15-da ee sannadkan 2024-ka waxay dowladda Türkiye dhaqan-gelin doontaa sharci culus oo lagu soo rogay dhoofayaasha Transit ku sii ah garoonka diyaaradaha ee Istanbul Airport, kuwaasi oo ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.
Dowladda Türkiye ayaa qaadatay sharciga Cusub, si looga hortago muhaajiriinta aan caadiga ahayn ee ku sii qulqulayo dalalkaasi, si ay uga sii gudbaan xuduudaha dalka Maraykanka.
Shabakadda Wararka ee VisaGuide.World ayaa qortay inuu dalka Türkiye noqday ubucda waddan Transit ahaan looga sii gudbo dalalka kale ee caalamka, gaar ahaan muhaajiriinta Mareykanka kusii jeeda.
Sharcigan cusub waxa uu saamaynayaa dhoofayaasha Transit-ka ku sii mara garoonka diyaaradaha Istanbul Airport ee ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.
Muwaadiniinta dalalka Somalia, Yemen, Chad, Cameroon, Mauritania, Burkina Faso, Guinea, Afghanistan, India iyo Nepal ee Transit-ka ku sii marayo garoonka diyaaradaha Istanbul Airport ayaa waxaa waajib looga dhigay inay haystaan fiisaha Elektoroonikada ee Transit-ka Garoonka.
Ilo-wareedyo Diblomaasiyadeed (Diplomatic sources) ayaa waxay iyagana xaqiijiyeen inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Türkiye soo dhamaystirtay dhammaan diyaarinta lama huraanka u ah soo-saarista codsiga Elektoroonikada ee Fiisaha Transit-ka ee garoonka , si loogu dabaqo sharciga Fiisaha Transit-ka ee garoonka Diyaaradaha Istanbul Airport ka dhaqan geli doona bishan April 15-da.
Si kastaba, waxaa sii kordhayo tirada muhaajiriinta sharci-darrada ee ka kala socda dalal kala duwan oo ku yaalla Bariga Dhexe iyo Latin America ee u adeegsada Duullimaadyada (Via Türkiye) si ay u gaaraan Waqooyiga America.
Sabti 13 April , 2024 {HMC} Dhimasho iyo dhaawac badan oo laga soo warinayo Dagaalo ka dhacay gudaha Caasimadda Itoobiya
Sabti 13 April , 2024 {HMC} Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ” Waxaa farxad ah ii ah aan ciidanka Xoogga dalka u diro hambalyada
Sabti 13 April , 2024 {HMC} Muxuu yahay filimka lagu jilay Soomaaliya ee safka hore ka galay qiimayn la sameeyay.
Sabti 13 April , 2024 {HMC} DF oo shaacisay hal qodob oo Itoobiya ay ka aqbaleyso si uu usoo dhamaado khilaafka labada wadan.
Sabti 13 April , 2024 {HMC} Dhalinyaradda u dagaalama AS oo loo diray fariin ka socota Taliska Ciidanka xooga dalka.
Sabti 13 April , 2024 {HMC} Kulankii Kenya uga socday Madaxweyne xasan iyo Shariif Sh. Axmed oo lagu kala tagay””
Sabti 13 April , 2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe diyaarad nooca wax basaasa ah lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.
Diyaaraddan oo Drone ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka, xilli ay dul heehaabeysay hawada sare ee magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddan labadii habeen ee lasoo dhaafay lagu arkayay aagga Dhuusamareeb, balse ugu dambeyn xalay gacanta lagu dhigay.
Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay inay ku guuleysteen qabashada diyaaraddan oo loo maleynayo inay u basaaseysay kooxda AS oo weli dagaallo ka wadda halkaasi.
Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen in diyaaraddan laga shakiyay, kadibna ay u howlageen sidii loo qaban lahaa, xalayna gacanta lagu dhigay.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ammaanka inta ay wadeen howlgalka ay gacanta kusoo dhigeen nin ajnabi ah oo laga shakiyay, kaas oo lagu qabtay Dhuusamareeb.
Ciidamadu ma shaacin halka ay halka uu kasoo jeedo ninka la qabtay, balse waxaa ku socda baaritaano dheeraad ah oo ay ku lahaayn laamaha amniga ee Galmudug.
Howlgalkan guuleystay ee ka dhacay Galmudug ayaa kusoo aadayo, xilli haatan gobollada dhexe ay ka socdeen howlgallo dhul ballaaran looga xoreeyay kooxda AS.