Home Blog Page 2580

Dagaal udhaxeeya xubno katirsan jabhada hubeysan iyo ciidamada Itoobiya oo ka socdo magaalada Adis Ababa.

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Xaalada dalka Itoobiya ayaa u muuqda mid sii xumaanaya oo faraha kasii baxaya muddooyinkan u dambeeyay, waxaana falal amni darro iyo dagaalo sukeeye ka socdaan qaar kamid ah gobolada dalkaasi.

Dagaal dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay ka dhacay gudaha magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, dagaalka ayaana u dhaxeeyay xubno katirsan jabhada hubeysan ee Fano iyo ciidamada ammaanka Itoobiya.

Booliiska magaalada Adis Ababa ayaa war ay soo saareen ku shaaciyay in dagaalka dhacay ku dhinteen saddex qof, waxa ayna tilmaameen in dadka dhintay labo kamid ah katirsanaayeen jabhada Fano , halka qofka kalana uu ahaa shacab.

Dagaalka ayey sidoo kale booliiska magaalada Adis Ababa shaaciyeen in ay ku dhaawacmeen labo askari oo katirsanaa ciidamada ammaanka, waxa ayna xuseen in hadda socdaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Jabhada hubeysan ee Fano ayaa inta badan ka howlgasha gobolka Amxaarada Itoobiya, waxa ayna jabhadan dagaal xooggan la gashay ciidamada Federaalka, iyagoona ka saaray ciidamada deegaanno badan oo katirsan gobolkaasi.

Sheekada umulisadii haween iyo dhallaan badan badbaadisay balse iyadii umul-raacday

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Waxay ahayd dhakhtaradda kaliya ee qaabilsan qalliimada, badbaadinta hooyooyinka iyo dhallaanka ee ka howl gali jirtay isbitaalka guud ee degmada Baran ee gobolka Sanaag.

Allaha u raxmadee Dr Nadiiro Cabdillaahi Aadan, waxay Arbacadii ku umul raacday ilmaheedii ugu horeeyey cisbitaal ku yaala magaalada Boosaaso, sida uu sheegay seygeeda Axmed Maxamed Maxamuud.

“Waxay dhaaftay muddo maalmo ah xilligii ay dhali lahayd, waxaana loo diyaariyey inay qalliin gasho isbitaalka ay ku jirtay magaalada Bosaaaso, waxaa qabtay nabar, koomo ayey gashay, ka dibna waa geeriyootay, waxaa la isku dayey in ilmaha la badbaadiyo, laakiin iyaduna ma suura galin ee labaduba waa geeriyoodeen” ayuu yiri Axmed.

Geerida dhakhtaradda oo 34 jir ahayd, ayaa gilgilay magaalada iyo deegaannada ka tirsan degmada Baran, maaddaama ay ahayd dhaqtaradda haweenka ee ka howlgali jirtay isbitaalkaas.

Sababta Nadiira loogu qaaday isbitaal ku yaalla Boosaaso ayaa ahayd in iyada ay codsatay, sida uu seygeeda sheegay.

Maamulaha Isbitaalka Baran, Axmed Jabriil oo warbaahinta la hadlay ayaa isna sheegay in Nadiira ay ahayd dhaqtaradda keliya ee haweenka ee isbitaalka Baran, taasoo haween badan ay uga imaan jireen xitaa deegaannada fogfog ee miyiga ah.

“Halbowle ayey u ahayd waaxda hooyada iyo dhallaanka, danyarta iyo dadka la shaqeeyaba waxay u ahayd qof u naxariis badan” ayuu si dareen leh u yiri Axmed Jabriil.

Muddo dheer oo ay ka shaqaynaysay Isbitaalka, waxay si gaara xoogga u saartay in heerka umul raaca hooyada noqdo mid la yareeyo iyadoo si gaar ah u ahayd dhaqtarad fulisa qalliimada hooyooyinka aan sida caadiga u dhalin ee u baahda in lagu qalo ilmaha, sida ay sheegtay Dr. Faadumo Ibraahim Ismaaciil oo ah isu duwaha caafimaadka ee gobolka Sanaag.

Doorkeedii badbaadinta hooyada iyo dhallaanka

Dr. Nadiiro, waxay muddo bil ka hor fulisay qalliin lagu sameeyey hooyo danyar ah oo lagu qalay saddex ilmo oo mataano ah, kaas oo sida dhaqaatiirka isbitaalka ay sheegeen in ay si gaar ah u damaanad qaaday daryeelkeeda caafimaad.

“Waxay si gaara u caawin jirtay dadka aan awoodin inay iska bixiyaan kharashaadka qaliimada, waxay dadkaas ku oran jirtay dawada iska bixiya aniga gacantayda waa idin bilaash, mararna waxayba isku dayi jirtay inay bilaash ugu samayso adeegaas oo dhan kuwaan waxba awoodin” ayey tiri Dr Faadumo.

Axmed Nadiif, sayga Nadiiro ayaa sheegay in iyadoo ku jirta bilihii ugu dambeeyey ee xilligeedii dhalmada ay xitaa ku jirtay inay adeeg u fidiso bukaannada isbitaalka iyadoo xitaa cuslaatay.

“Xilliyada qaar saddexda dambe ee habeennimo ayaa guriga laga soo dooni jiray si hooyo foolanaysa ama qaliin u baahan in ilmaha la kala badbaadiyo ayey u bixi jirtay, waxay lahayd naxariis gooniya iyo danqasho, waxaan xasuustaa inay qoys danyara oo ay hooyada qaliin ku samaysay haddana inay xitaa cunnada ay iyadu guriga ugu karinaysay waxay ahayd qof cajiib ah” ayuu yiri Axmed.

Maamulaha Isbitaalka Baran Axmed Jibriil Cali, wuxuu Dr Nadiiro ku tilmaamay tiir adag oo ka baxay Isbitaalka Baran iyo bahda caafimaadka oo aysan garanayn siday u buuxinayaan kaalinta ay bannaysay.

Ismaaciil Cabdillaahi Aadan oo ay walaalo yihiin Dr Nadiiro ayaa isna sheegay inay ahayd qof qoyskooda iyo bulshada ugu jirtay kaalin weyn oo ay adag tahay in la buuxiyo.

Nolosheedii billowga ahayd

Dr. Nadiiro Cabdillaahi Aadan, ka sokow inay ahayd dhaqtarada kaliya ee qaybta haweenka ka shaqaynaysay Isbitaalka Baran, haddana waxay ahayd gabar noloshu bilow u tahay.

Waxay aroos galeen iyada iyo saygeeda dhammaadkii sanadkii 2022-kii, waxayna ku umul raacday ilmihii ugu horeeyey.

Axmed, wuxuu sheegay isagoo si dareen lah uga hadlay geerida xaaskiisa, “waxaan sugayey inaan qabto ilmahaygii curad ee iigu horreeyey, laakiin dhaqaatiirtii waxay iigu yeereen in ilmihi iyo hooyadiisba ay geeriyoodeen”

Wuxuu sheegay inuu wali la qiiroonayo in maalmo ka hor geerideeda ay u sheegtay xaaskiisa inuu u soo adeego ilmaha yar ee ay rajaynayeen inuu ku soo biiro qoyska, “dharkii waa soo gadnay laakiin qadarta Alle ayaa timi” ayuu yiri Axmed.

Waa tuma Dr Nadiira?

Dr. Nadiiro Cabdilaahi Aadan, oo da’da 30-meeyada ku jirtay, waxay ku dhalatay magaalada Buraan ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay aqoonta diiniga iyo tan maadiga ilaa dugsiga hoose dhexe kaga baxay

Waxbarashada dugisga sare ayey ku qaadatay magaalada Bosaaso, iyadoo heerka waxbarashda jaamacada koowaad ka gashay Jaamacadda Bariga Afrika ee Bosaaso oo ay ku qaadatay cilmiga caafimaad, shahaadada kowaad

Shahadada labaad ayey ku qaadatay caafimaadka haweenka ee jaamacada Camuud ee magaalada Boorame.

Sanadkii 2017-kii ayey ka shaqo bilowday Isbitaalka guud ee magaalada Baran oo muddadaas ay ka shaqaynaysa qaybta hooyada iyo dhallaanka.

Geerida Dr Nadiiro ayey si weyn uga hadleen bahda caafimaadka ee Puntland oo ku sifeeyey qof kaalin muhiim ah ugu jirtay bulshada.

{DAAWO MUUQAALKA} Haweeneey toogasho lagu xukumay Kadib Markii lagu eedeeyay musuq maasuq

0

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Haweeneey toogasho lagu xukumay Kadib Markii lagu eedeeyay musuq maasuq

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 13-04-2024

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo: Abdimajiid Abdirahmaan Aadan

farsamadii; Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Taliye Sulub oo Ciidanka Asluubta ku amaanay Hal Arin.

0

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Taliye Sulub oo Ciidanka Asluubta ku amaanay Hal Arin.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Danab oo Fariin Adag ka so diray Furunta Hore Ee Dagaalka

0

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Ciidamada Danab oo Fariin Adag ka so diray Furunta Hore Ee Dagaalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} “Malatari wax dumiyaan ahay looga baqo duurka”Gabay Abwaan Abdullaahi Sheeq Xalaf

0

Sabti 13 April , 2024 {HMC} “Malatari wax dumiyaan ahay looga baqo duurka”Gabay Abwaan Abdullaahi Sheeq Xalaf

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxey tahay Sababta Itoobiya ay ugu biireyso Beesha Bariga Afrika ?

0

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Maxey tahay Sababta Itoobiya ay ugu biireyso Beesha Bariga Afrika ?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Taagerayaal Dumar ah oo soo buuxdhaafiyay garoonka lagu soo gabagabeeyay Ramadaan cup Baladweyne.

0

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Taagerayaal Dumar ah oo soo buuxdhaafiyay garoonka lagu soo gabagabeeyay Ramadaan cup Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Muxuu yahay filimka lagu jilay Soomaaliya ee safka hore ka galay qiimayn lagu sameeyayn Faransiiska?

Sabti 13 April , 2024 {HMC} “Tuulo Janno” waa qisada iyo sumadda uu wato Filimkan lagu jilay Soomaaliya kaas oo soo jiitay culimada Aflaanta kala saarta ee Mahrajaanka CANNES ee dalka Faransiiska.

Filimkan ayaa lagu jilay magaalooyinka Eyl iyo Garoowe ee Puntland, laakiin wuxuu hadda safka hore ka galay ilaa dhowr iyo tobban filim oo loo xushay inay ugu wanaagsan yihiin kuwii la soo bandhigay sanadkan 2024-ka.

Nuux Muuse Berjeeb oo ka mid ah soo saarayasha Filimka am ‘Line Procuder’ ayaa BBCda u sheegay in samaynta iyo hindisaha Filimkuba qaatay muddo ka badan hal sano.

“Magaca aan dooranay iyo jilayaasha ayaa ahaa wax cajiib ah, dabcan sidoo kale deegaanka lagu jilay filimka waxay ahayd wax aan is oran karo waa soo jiitay Mahrajaanka Cannes” ayuu yuru Nuux.

Nuux, wuxuu sheegay in xulashada Filimka uu rumaysan yahay inay sababta ugu weyn tahay sida dunida looga xiisaynayo filimaanta lagu sameeyo Soomaaliya.

“Xilli waxaa jirtay aad adduunka looga jeclaa filimaanta lagu sameeyo bariga dhexe, laakiin hadda filimkan iyo kuwii hore aan samaynay waxay muujinayan xiisaha loo qabo filimaanta lagu sameeyo dhulka Soomaalida iyo qisooyinka ay xambaarsan yihiin” ayuu BBCda u sheegay Nuux Birjeeb.

Samaynta Filimka cusub ee ‘Tuulo Janno’ ayaa la bilaabay samayntiisa bishii June ee sanadkii 2023-kii iyadoo soo saarista filimku qaadatay muddo toddobo bilood ah.

Qisida filimka ayaa ka turjumayo ayaa ah qoys Soomaali ah oo halka ay ku nool yihiin ay dhinacyada ka yaalan dhammaan wixii aadane u baahnaa oo xagga nolosha ah balse iyagu saboolnimo kaga nool.

Sidoo kale Filimka waxaa soo saare ka ahaa Maxamed Harrawe oo ah Soomaali kaalin sare kaga jiray soo saarayasha filimada ee caalamka.

Jilayaasha Filimka

Filimka ‘Tuulo Janno’, Soo saarayaasha iyo jilayaashuba waa Soomaali sida BBCda u sheegay Nuux Muuse Birjeeb oo ka mida soo saaraasha Filimka, wuxuu xusay in tani ka marag furayso sida dad badan dhalinyaro oo hibo leh ay ku dhex habowsan yihiin bulshada.

Nuux, wuxuu sheegay in bandhigyada iyo mahrajaanadu duniddu ay la yaaban sida dhalinyaro yar yar oo ku nool dal soo kabanaya ay u leeyihiin awood jilitaan oo xoog leh iyo sida ay u dhigayaan qisooyinka ay ka turjumayaan ee filimka.

Axmed Faarax, oo ah soo saare Filimo lagu jilay Soomaaliya iyo Kenya ayna jilayaal ka ahaayeen Soomaali, kuwaas oo qabsaday masraxyada filimada ee dunida ayaa BBCda u sheegay in la joogo waqtigii laga faa’iidaysan lahaa soo bandhiga filimo ka turjumaya dhulka,dhaqanka iyo Soomaalida ee loo bandhigo caalamka.

Faarax, wuxuu la qabaa Nuux in laga faa’idaysto hibada ku jirta jilayaasha Soomaalida iyo soo sarayaasha kuwaas oo sida uu xusay cajiib la noqda dadyowga kale markay tagaan bandhigyada filimada caalamka.

Nuux, ayaa qaba in hadda wixii ka danbeeya ay dunida Filimadu arkeen in la heli karo dhalinyaro kaalin jilitaan ka ciyaari kara filimada ay soo saaraan dadka ajnabiga ee qayb ka mida quseeya Soomaalida basle horey ay u jili jireen ajaanib Af-soomaliga jajabinaya.

Cidda ka caawisa dhaqaalaha Filimka ku baxay

Sida uu sheegay Nuuh Muuse, caqabada ugu weyn ee ay la kulmaan dhalinyarada doonaya inay filimo soo saaraan ay tahay dhaqaale inay u helaan maadaama filimadu ku baxdo lacago malaayiin dollar ah.

Filimkan cusub ee ‘THE VILLAGE NEXT TO PARADISE’ ama Tuulo Janno’ ayeyey maalgalisay shirkada filimada ee FreibeuterFlim taas oo laga leeyahay dalka Austria.

“Shirkadaha Soomaali kuma baraarugsana in filimaantu yihiin wax la maalgashto oo ay dib ugu heli karaan lacago ka badan kuwii ay ku maalgaliyeen, sidoo kale dowladda Soomalaiya kuma baraarugsana in waxa ay sidan filimada lagu sameeyo Soomaaliya ay yihiin quruxda iyo dhaqanka Soomaalida kuwaas oo beddelaya kuwii hore looga sameyey Soomaalida oo sawir xun ka bixin jiray” ayuu BBCda u sheegay Nuux Muuse.

Filimkan cusub ayaa soconaya muddo hal saac iyo afartan daqiiqo ah waa kii ugu waqtiga dheeraa ee lagu sameeyo Soomaaliya kaas oo si calaami ah u soo jiitay caalamka.

Kooxdan ayaa hore u soo saaray filimo hore oo bilado ka helay bandhigyada iyo mahrajaanada caalamka.

Waxaa soo kordhaya soo saarayasha iyo jilayaasha Soomaalida ee soo saaraya filimada kuwaas oo taageero ka helay dunida.