Home Blog Page 2626

Maamulka Israel oo War ka soo saaray samafalayaashii ciidankeedu ku Dileen Gaza.

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Afhayeen u hadlay ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa Talaadadii sheegay in waddanku uu qaadayo mas’uuliyadda khaladaadkiisa, isaga oo tixraacaya dilka toddoba ka mid ah shaqaalaha gargaarka oo lagu dilay bartamaha Gaza.

Tal Heinrich ayaa xusay in Israa’iil ay wali sugayso natiijada baaritaanka dilka.

“Marka ay Israa’iil sameyso khaladaad, xitaa kuwa ugu murugada badan ee ay qirato, waxaan qaadnaa mas’uuliyadda,” ayuu u sheegay CNN-ka Erin Burnett.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Israel Lt. Gen. Herzi Halevi ayaa raali galin ka bixiyay duqeymaha cirka ee lagu dilay 7 ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Gaza, isagoo ku tilmaamay “khalad ka dhashay xog qaldan oo la siiyey ciidamada.” Waxa uu sheegay in la baarayo dhacdadii dhimashada lahayd.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu aad uga carooday dilka shaqaalaha gargaarka bini’aadantinimo, isaga oo intaa ku daray in Israa’iil aysan samayn wax ku filan oo ay ku difaacdo dadka rayidka ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 03-04-2024

Arbaco 3, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii :Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Booliska Degmada Cadaado oo Soo Bandhigay ku dhawaad 10 qof oo la sheegay inay masoomayaal yihiin

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Booliska Degmada Cadaado ayaa gacanta ku soo dhigay ku dhawaad 10 qof oo la sheegay inay masoomayaal yihiin.

Raggaan ayaa lagu soo qabtay howlgallo ay ciidamada booliska degmada Cadaado ka fuliyeen duleedka degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha saldhigga booliska Cadaado L/Xidigle Xuseen Axmed Xaashi ayaa sheegay in ragaan lasoo qabtay ay muddo kudaba jireen.

Taliyaha ayaa sheegay in maanta ay ku guuleysteen soo qabashada raggaan ku eedeysan inay masoomayaal yihiin.

Taliyaha oo faahfaahin ka bixiyey arrinta lagu soo qabtay ragaan 10-ka gaaraaya ayaa sheegay in waxyaabaha maanka-dooriya ay isticmaalayeen maalin cad, iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ragaan ayaa laga soo qabtay deegaanka Bali-higis oo hoos taga degmada Cadaado, halkaas oo waxyaabaha maanka-dooriya ay ku isticmaalayeen.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa digniin culus u diray dadka falalka noocaan ah ku guda jira, asagoo sheegay in cidii lagu qabto tilaabo adag ay ka qaadi doonaan.

Inta badan gobollada dalka iyo caasimadda Muqdisho inta lagu guda jiro bishaan barakeysan ee Ramadaan waxaa lagala dagaalamaa dadka masoomayaasha ah, maadaama dadka Soomaaliyeed ay dhamaantood muslimiin yihiin.

Xubnaha qoyska la haystayaasha ee lagu haysto Gaza oo xoog ku galay baarlamaanka Israel.

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Fiidiyow ayaa muujinaya xubnaha qoysaska oo kor u qaadaya kuraasta oo rinji jaalaha ah saaraya sawir-gacmeedyo muraayadda sare ee baarlamaanka.

Mudaaharaadayaal kale ayaa istaagay iyaga oo gacmaha ku wata rinji huruud ah oo gacmaha kor u taagay.

Xubnaha mucaaradka ah ee Knesset ayaa iyaga ku biiray, iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ka dhan ah RW Israel.

Dibad-baxayaasha ayaa isaga baxay wax yar ka dib markii ay galeen goobtaas, markii hal nin ay si xoog ah uga saareen ciidamada ammaanka.

Wasiirka xukuumadda ee dagaalka Benny Gantz ayaa ku booriyay xasillooni ka dib mudaaharaadyo “rabshado wata” oo looga soo horjeedo xukuumadda ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

Habeenimadii Talaadada, qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha dawladda ka soo horjeeda ayaa jebiyey baraha amniga ee u dhow hoyga Netanyahu ee Jerusalem sida laga soo xigtay muuqaalada warbaahinta bulshada. Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in la xiray dhowr qof.

“Waa mamnuuc in aan aqbalno rabshadaha qayb kasta, waa mamnuuc in la iska indhatiro tilmaamaha bilayska iyo jabinta xayndaabyada” ayuu yiri Gantz”

Booliiska ayaa sheegay in inta badan dibad baxayaasha ay u dhaqmeen si sharciga waafaqsan, qaar ayaa isku dayay inay gaaraan hoyga Ra’iisul Wasaaraha oo la xiray.

Iyadoo todobaad walba ay magaalada Tel Aviv ka socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, ayaa haddana dibadbaxayaashu waxay toddobaadkan u guureen magaalada Quddus si ay uga mudaaharaadaan fasaxa baarlamaanka ee Knesset, iyagoo ku baaqaya in doorasho cusub la qabto, dowladduna ay wax badan ka qabato sidii loo sii deyn lahaa la haystayaasha harsan.

{DAAWO MUQAALKA} Gudiga tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadaan oo ku dhawaaqay natiijadda kulankii maanta dhacay.

0

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Gudiga tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadaan oo ku dhawaaqay natiijadda kulankii maanta dhacay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Puntland oo heshiis aan horay loo shaacin La gashay Itoobiya

0

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Puntland oo heshiis aan horay loo shaacin La gashay Itoobiya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dhalinyaradda Baladweyne oo ka cabanaya Dhaca Mooto bajaajka oo si weyn uga taagan Magaaladda

0

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Dhalinyaradda Baladweyne oo ka cabanaya Dhaca Mooto bajaajka oo si weyn uga taagan Magaaladda

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Culimadda Soomaaliyeed oo war kasoo saaray afartii Cutub ee dhawaan ay ansixiyeen Baarlamaanka

0

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Culimadda Soomaaliyeed oo war kasoo saaray afartii Cutub ee dhawaan ay ansixiyeen Baarlamaanka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO SAWIRADA} Itoobiya oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer wasiir ah oo ka socday Puntland

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mesganu Arga, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer wasiir ah oo ka socday dowlad goboleedka Puntland , wafdigaa uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Mohammed Farah Mohammed.

Wadahadal ay yeesheen wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo wasiiradda ka socday Puntland ayey uga wada hadleen fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Puntland ayaa ku nuux-nuux saday xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, iyagoo qiray taageerada iyo iskaashiga ay Itoobiya la garab taagan tahay, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waxbarashada.

Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda cusub ee Puntland ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka kala dhaxeeya Itoobiya, iyagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xiriirka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Safarkan wasiiradda Puntland ku tageen dalka Itoobiya ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Puntland dhawaan shaaciyeen in ay xiriirka u jareen dowladda Federaalka, waxa ayna tallaabadan Puntland qaaday u muuqataa mid wiiqeysa qarannimada Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaana shirkan ay la yeelatay wasiiradda ka socda maamulka Puntland u muuqda mid ay ku xumeeneyso dowladda Federaalka oo xiriir xun kala dhaxeeyo, sidoo kale soo dhaweesaneyso maamulka Puntland oo khilaaf kala dhaxeeyo ee DFS.

{DAAWO MUUQAALKA} Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal Cabdifatax Cismaan aya Manta Booqday Xabsiga wayn ee Gobalka Nugaal

0

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal Cabdifatax Cismaan aya Manta Booqday Xabsiga wayn ee Gobalka Nugaal

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA