Arbaco-3- April 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 03-4-2024
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco-3- April 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 03-4-2024
Arbaco-3- April 2024 {HMC} Suldaan Diiriye Cali Abtidoon oo ka mida waxgaradka Galmudug ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyey safarki
Arbaco-3- April 2024 {HMC} Madaxweyne Deni oo ku wajahan Imaaraadka Carabta iyo Ujeedka Safar kiisa.
Arbaco-3- April 2024 {HMC} Dhul-gariirkii ugu weynaa muddo dheer ka dib oo ka dhacay Taiwan iyo Khasaaraha.
Arbaco-3- April 2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha Build Up Jerry McCann, iyo Madaxa Siyaasadda loo dhanyahay Meghan Brown.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa si looga wada hadlo iskaashiga labada dhinac iyo sida Build Up ay u taageeri karto ujeedooyinka iyo howlaha Wasaaradda oo ay ka mid tahay aasaasidda Xarun Wadahadalka Qaran. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda.
Sidoo kale kulanka Wasiirka iyo Mas’uuliyiintaan ayaa waxa ay uga wada hadleen; Qodobbada Wadahadalka Qaran ee mudnaanta leh iyo suurtagalnimada ku dhafidda fanka iyo hal-abuurada dhijitaalka ah, dimuqraadiyaynta Soomaaliya ee Guulaha iyo tallaabooyinka xiga ee mudnaanta leh iyo Qaababka kale ee iskaashiga labada dhinac.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Axmed Macallin Fiqi ayaa dhanka kale ugu mahadceliyey madaxdaan, isaga oo xusay in uu xafiiskiis uu xoojin doodan wada shaqeynta madaxdaan.

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay in ka badan 800 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay Taiwan, kaasi oo burburiyey tobaneeyo dhisme, islamarkaana horseeday in lasoo saaro diginin tsunami oo la gaarsiiyey Japan iyo Philippines kahor inta aan la qaadin.
Saraakiisha ayaa sheegay in dhulgariirka uu ahaa kii ugu xoogganaa ee gilgila jasiiradan muddo tobanaan sano ah, waxayna ka digeen dhul gariiro kale oo dhici kara maalmaha soo socda.
“Dhulgariirku wuxuu ku dhowaa dhulka, wuuna qoto dheeraa, waxaa laga dareemay Taiwan oo dhan iyo jasiiradaha badda,” ayuu yiri Wu Chien-fu, oo ah maamulaha Xarunta Dhexe ee Dhulgariirada iyo Maamulka Cimilada ee Taipei.
Wu waxa uu sheegay in dhulgariirku uu ahaa kii ugu xooganaa tan iyo markii uu dhacay dhulgariir cabirkiisu ahaa 7.6 bishii September 1999, kaas oo dilay ku dhawaad 2,400 oo qof, taasi oo aheyd masiibadii dabiiciga ahayd ee ugu dhimashada badnayd taariikhda jasiiradda.
Dhulgariirkii Arbacada oo cabirkiisu ahaa 7.4 ayaa dhacay wax yar ka hor 8:00 subaxnimo ee wakhtiga maxaliga ah, iyada oo Hay’adda Sahanka Dhulka ee Maraykanka (USGS) ay sheegtay in xuduntiisa 18 kiiloomitir oo ah koonfurta magaalada Hualien ee koonfurta Taiwan.
Saddex qof oo ka mid ah koox toddoba ah oo subaxnimadii hore ku marayey buuraha ku hareeraysan magaalada ayaa ku dhintay dhagaxyo ka dhashay dhul-gariirka, sida ay saraakiishu sheegeen. Lixda qof ee kale ayaa badankood ahaa darawalo baabuurta caadiga ah iyo kuwa xamuulka.
Baraha bulshada ayaa waxaa aad loo soo dhigayey muuqaallo iyo sawirro ka yimid Taiwan oo dhan oo muujinaya dhismayaal liicaya xilliga dhul-gariirku uu ku dhuftay.
Duqa magaalada Hualien ayaa sheegay in 50 qof oo badbaaday lagu guuleystay in laga soo saaro burburka dhismayaasha.
Madaxweyne Tsai Ing-wen ayaa ugu baaqday hay’adaha dowladda hoose iyo kuwa dhexe in ay isku xirnaadaan, waxa ayna sheegtay in militariga ay sidoo kale bixin doonaan taageero.
Mas’uuliyiinta Taiwan, Japan iyo Filibiin, ayaa markii hore soo saaray digniino tsunami ah laakiin abaare 10-kii subaxnimo, Xarunta Digniinta tsunami ee Pacific-ga ayaa sheegtay in khatarta “ay inteeda badan gudubtay.
Arbaco-3- April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo: Shukir Baryare & Yasiin Ali
farsamadii; C/Kaafi
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
Arbaco-3- April 2024 {HMC} Nabadoon Saameyn weyn ku lahaa Sh.dhaxe oo si naxdin leh loogu dilay Jowhar.
Arbaco-3- April 2024 {HMC} Xildhibaan Ilhaan Cumar oo Afur u samaysay muslimiinta ku nool magaalada Minneapolis
Arbaco-3- April 2024 {HMC} Dowladda Itoobiya oo tababar usoo xirtay cutubyo katirsan ciidamadeeda badda