Home Blog Page 2628

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil oo ku hanjabay in uu xiri doono mid kamid ah Telefishinaada ugu caansan

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa cadaadis xooggan kala kulmaya waddamada caalamka iyo hay’adaha xaquuqda aadanaha u dooda, kaddib markii uu kordhiyay xasuuqa sacabka Falastiin iyo sidoo kale dilka dadka gar gaarka ka shaqeeya.

Dhibaatada Israa’iil ka geesatay dhulka Falastiin gaar ahaan magaalada Gaza ayaa noqotay mid aan qarsooneyn, waxaana daqiiqad iyo saacad kasta tacadiya Israa’iil ka geesaneyso dhulka Falastiin si toos ah u baahiya Telefishinka Al Jazeera ee laga leeyahay Qatar.

Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu albaabada isugu dhufan doono xafiiska uu telefishanka Aljazeera ee laga leeyahay dalka Qatar, waxa uuba uga gon leeyahay in Tv-gaasi awood u yeelan waayo baahinta wararka Falastiin.

Netanyahu ayaa sheegay in raacayo sharci cusub oo ay soo saartay Israa’iil, kaas oo xukuumadda awood u siinaya inay tallaabo ka qaaddo hay’adaha warbaahineed ee ajnebiga ah ee halista ku noqda amniga qaranka ee dalkaas.

Israa’iil ayaa marar badan ku fashilantay in ay xirto telefishinka Al Jazeera xaruntiisa Israa’iil, waxa ayna ciidamada Israa’iil marar badan gudaha Falastiin ku dileen wariyaal, muuqaal duubayaal iyo shaqaale kale oo katirsan telefishinka caalamiga ah ee Al Jazeera.

Madaxweynaha cusub ee dalka Senegal oo si cajiib ahabaal-mariyay Saaxiibkiisa siyaasadda

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Madaxweynaha cusub ee dalka Senegal Bassirou Diomaye Faye ayaa tallaabadiisii ugu horreysay markii uu kursiga madaxtinnimo fariistay xil ugu magacaabay saaxiibkiisii siyaasadda Ousmane Sonko inuu noqdo ra’iisul wasaaraha dalkaasi.

Sonko, oo mucaarad mutuxan ku ahaa madaxweynihii hore ee Macky Sall, ayaa caan ku ah dhiiri galinta dhalinyarada ku nool dalkan ku yaal Galbeedka Afrika, laakiin waxaa laga mamnuucay doorashadii madaxtinnimo ee 24-kii March sababo la xiriira sumcad dil. Wuxu diiday inuu wax khalad ah sameeyay.

Wuxuu si wey ugu ololeeyey saaxiibkiisa muddadii ololaha isaga oo hal ku dhig ka dhigay “Diomaye waa Sonko,” Sonko wuxuu ku boorriyay taageerayaashiisa inay u codeeyaan ku-xigeenkiisa, Faye, kaasoo ugu dambeyn ku guuleystay in ka badan 54% codadka wareegii koowaad ee doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Faye, ayaa xilka madaxtinimada Senegal loo caleemasaaray Talaadadii shalay.

Isagoo hadlay magacaabistiisa kadib, Sonko ayaa sheegay inuu Madaxweyne Faye horgeyn doono liis dhammeystiran oo la xiriira magacaabista wasiirrada si loo ansixiyo.

“Ma jiri doonto su’aal ah in isaga (Faye) loo daayo kaligiis si uu u qabto mas’uuliyaddan culus,” ayuu yiri Sonko.

Xiriirka labadan nin ayaa xoogaystay xilligii doorashada lagu jiray ka dib markii labadaba xabsiga laga sii daayey laba toddobaad ka hor doorashada.

Sonko, oo hadda ah 79 sano jir ayaa sida shumaca ugu dhex ifay siyaasada dalkiisa isagoo taageero ka helay dhalinyarada Senegal oo ka niyad jabsan shaqo la’aanta baahsan iyo musuqmaasuqa ka dhex jira madaxda talada dalka haysay.

Dadka reer Senegal ayaa wajahaya heerar shaqo la’aan oo aad u sarreeya iyo sicirka cunnada kuwaas oo ka dhashay dagaalka Ukraine.

Faye iyo Sonko ayaa u ololeeyay ballan qaadyo ah in ay cirribtirayaan musuqmaasuqa.

Doorashada ka hor, madaxweynaha cusub ee Senegal ayaa soo saaray bayaan ku saabsan hantidiisa wuxuuna ugu baaqay musharaxiinta kale inay sidaas oo kale sameeyaan. Waxay ku taxay guri ku yaal Dakar iyo dhul ka baxsan caasimadda iyo magaaladiisa yar.

Xisaabaadka bangiga Faye ayaa wadar ahaan dhan $6,600. Qofka Muslimka ah ee ku dhaqma, waxa uu qabaa laba xaas oo labaduba goob joog ka ahaayeen caleemo saarkiisa.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Dawlada oo Hawlgallo ka wada xadka laba gobal oo xiligaan ah furimo Dagaal.

0

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Ciidamada Dawlada oo Hawlgallo ka wada xadka laba gobal oo xiligaan ah furimo Dagaal.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Malaayiin doollar oo Soomaaliya looga u uruurinayo Falastiiniyiinta Qasa,

0

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Malaayiin doollar oo Soomaaliya looga u uruurinayo Falastiiniyiinta Qasa,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Warar kala duwan oo kasoo baxaya Nabadoon caan ahaa oo xalay dil loogu gaystay magaalada Jowhar.

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil arxan darro ah oo Nabadoon caan ahaa xalay loogu gaystay magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle.

Maruumka oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Xasan Cali Muude ayaa waxaa dabley hubeysan ay u dileen tuulada Casir Maal oo hoostegtaga magaaladaasi.

Xilliga la dilayay Nadoonka ayaa la socday gaari ay kala dageen ragga hubeysan oo kadib xabad ku furay, illaa ay nafta kaga baxdo goobta.

Nabadoon Maxamed Xasan oo kamid ah waxgaradka deegaanka ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in si gaar ah loo beegsaday Marxuumka.

“Dabley hubeysan ayaa dhexda u gashay waa la istaajiyay oo la aqoonsaday soo dag ayaa ka dhahay, kadibna kaligiis ayay wateen, wayna dileen” ayuu yiri Nadoon Maxamed Xasan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mid kamid ah dableyda ka dambeysay dilka Nabadoonka gacanta lagu soo dhigay, kuwa kalena lagu raad joogo.

Waxaa kale oo uu intaasi k daray in dilkaasi aanay ka dambeyn kooxda AS, balse ay gaysteen koox uu ku sheegay ma naxayaal isa soo abaabushay.

“Nimanka dilay cid kale ma’aha Shabaabna ma aha ee waa niman ay isku hayb yihiin, haddana mid kamid ah waa la haayaa isaga iyo qorigiisa” ayuu sii raaciyay.

Laamaha ammaanka ee HirShabelle ayaa weli baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, gaar ahaan dilka loo gaystay Nabadoon Xasan Cali Muude.

Dilka ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhaca Shabeelaha Dhexe oo ay sidoo kale ku badan yihiin dagaal beeleedyo gaystay khasaarooyin kala duwan.

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madaale “waaa in deymo gaar ah loo yeesho waxyabaha ka soo dagaya Dakedda Muqdisho.”

0

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Gudoomiye Madaale “waaa in deymo gaar ah loo yeesho waxyabaha ka soo dagaya Dakedda Muqdisho.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Khamrigii ugu badnaa oo lagu gubay Magaaladdaan iyo shacabka oo hal arin oo muhiim ah isku raacay.

0

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Khamrigii ugu badnaa oo lagu gubay Magaaladdaan iyo shacabka oo hal arin oo muhiim ah isku raacay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 03-04-2024

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed

farsamadii;Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Mid kamid Xaafadihii ugu Amniga Xumaa ee Muqdisho oo hada Isbadal weyn uu ku yimid

0

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Mid kamid Xaafadihii ugu Amniga Xumaa ee Muqdisho oo hada Isbadal weyn uu ku yimid

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxee yihiin Labada Arin ee RW Xamse ku amaanay Dagmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ?

0

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Maxee yihiin Labada Arin ee RW Xamse ku amaanay Dagmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA