Home Blog Page 2629

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Fiqi “Dad badan oo nala joogo ayaa ka so Horjeedo in laga Adkaado AS”

0

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Wasiir Fiqi “Dad badan oo nala joogo ayaa ka so Horjeedo in laga Adkaado AS”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha Booliska Soomaaliya “ waxaa inala gudboon in aan xoojino la dagaalanka Maandooriyaha”

0

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Taliyaha Booliska Soomaaliya “ waxaa inala gudboon in aan xoojino la dagaalanka Maandooriyaha”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Joe Biden oo sheegay in uu aad uga xunyahay duqeymaha Israa’iil ay ka gaysatay Gaza.

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu aad uga carooday oo uu qalbi jabay ka dib markii Israa’iil ay duqeyn ku dishay 7 ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Gaza Isniintii. kuwaasoo intooda badan ka soo jeeday dalalka reer galbeedka Waxa uu qirtay in duqeyntu masuuliyad daro ah iyo in Israa’iil “aysan samayn wax ku filan oo ay ku difaacdo dadka rayidka ah.”

“Waxay cunto siinayeen dad rayid ah oo gaajaysan intii uu dagaalku socday,” ayuu Biden ku qoray bayaan Talaadadii. “Waxay ahaayeen geesiyaal is-xilqaamay. Geeridoodu waa masiibo.” ayuu intaas ku daray

Waxa uu sheegay in Israa’iil “ay ballan-qaadday inay baaritaan dhab ah ku sameyn doonto” dhacdada, laakiin “baaritaanku waa inuu noqdaa mid degdeg ah, waa inuu keenaa isla xisaabtan, natiijada ka soo baxdana waa in si guud loo shaaciyaa” ayuu yiri Biden

“Falkani wuxuu ahaa midkii ugu xumaa ee in dhawaala soo mara Gaza marka la eego tirada shaqaalaha gargaarka ee lagu dilay. Tani waa sababta ugu weyn ee qaybinta gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza ay u ahayd mid aad u adag – sababtoo ah Israa’iil ma aysan samayn wax ku filan si ay u ilaaliso shaqaalaha gargaarka ee isku dayaya inay gaarsiiyaan gargaarka aadka loogu baahan yahay rayidka.” ayuu yiri Madaxweynaha

Waxa uu sheegay in dhacdooyinka sidan oo kale ah “si fudud aysan u dhicin,” iyo in “Israa’iil sidoo kale aysan samayn wax ku filan si ay u ilaaliso rayidka.”

Weerar ay Israa’iil ka geysatay Qaza oo ay ku dishay 7 ka mid ah shaqaalaha hay’adaha gargaarka ee heyadda WCK, ayaa waxay ka dhashay caro iyo camnbaareyn caalami, taasoo keentay in Madaxweyne Joe Biden Talaadadii uu soo saaro bayaan

Madaxweynuhu wuxuu muujiyay in tani ay tahay xaalad aad u adag, uuna jeclaan lahaa in la soo afjaro dagaalka isagoo ku eedeeyay Israa’iil inay ku guuldareysatay inay ilaaliso rayidka iyo shaqaalaha gargaarka.

Xasan Shekeh oo mar kale ku laabanya furimaha dagaalka iyo qorshaha cusub ee dagaalka

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale qorsheynaya inuu ka guuro Muqdisho, isagoo degaya caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Sida la qorsheeyey hadii aysan wax iska bedelin, madaxweynuhu wuxuu Dhuusamareeb u guurayaa 10-ka bishaan Abriil, waxaana toos u bilaabanaya howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda AS.

Xubnaha dhanka amniga kala taliya madaxweynaha ayaa soo jeediyey inay muhiim tahay in dhulka Galmudug deg deg looga abaabulo dagaal ka dhan AS.

Villa Somalia ayaa mar kale qorsheysay in Xasan Sheekh uu ka guuro Muqdisho oo la dejiyo Dhuusamareeb, si geed fadhi aan howlo kale ku mashquulin uu ugu noqdo dagaalka AS.

Inta ka dhiman bishaan Ramadaan ayuu Xasan Sheekh sii joogayaa Muqdisho, waxaana hadda socda abaabul xoog leh, si howlgalka loo bilaabo ‘bacdul Ramadaan.’

Ciidamada dowladda ayaa ku jabay dagaaladii Caad iyo Cowsweyne, waxaana aad u yar tirada ciidamada abaabulan xiligaan, balse waxaa jirta xog sheegeysa in qorshaha howlgalka dhanka duqeynta loo weeciyey.

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka balan-qaaday in Shabaab-ka jooga Galmudug ay duqeyn ku leyneyso, rajada la qabo hada ayaa ku soo aruurtay duqeyntaan, doorka ciidamada ayaa hadda kadib noqon doona nadiifin, kadib markii la duqeeyo deegaanada ay kooxdu joogto.

Ciidamada ugu muhiimsan ee dowladdu ku tashato waxay ahaayeen Gorgor oo labo guuto ka kooban, labo urur oo Gorgor ah oo aad u abaabulan ayaa joogta Xarardheere, balse ururradii kale ee Gorgor waxay ku jabeen dagaalladii Caad iyo Cawsweyne, waxayna u qeybsameen qaar dhintay, qaar baxsaday, qaar loo heysto gaadiidkii la furtay iyo hubkoodii oo maxkamad sugayaal ah iyo qaar iyagoo niyad jabay ku sugan degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Ciidamadii Guutada Abuu-dujaana oo ka baxday Camaara iyo Bacaadweyne ayaa ku sugan magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo weli aan la kulmi wax dagaal ah, balse tiranaya tabashooyin aan badneyn oo dhanka mushaarka ah.

Sidoo kale qabaa’il kasta ayaa heysta ciidamo badan oo abaabulan una diyaarsan inay wajahaan AS, ciidan aan guuto ka yareyn oo u diiwaan gashan daraawiishta Galmudug ayaa iyaguna jooga aagga Wisil.

Xasan Sheekh ayaa hadda go’aansaday inuu dib u abaabulo ciidamadaas oo la galo dagaalka, AS-na laga soo dhameeyo gobollada dhexe, wuxuuna howlgalkaas ka hoggaami doonaa madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb oo la qorsheeyey inuu dego wixii ka dambeeya 10-ka bishaan Abriil.

Dhul gariir xoogan ayaa ku dhuftay Taipei ee Caasimada Taiwan

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Dhul gariir xoogan ayaa ku dhuftay Taipei Caasimada Taiwan dhul gariirkan Ayaa dumisayay guryo Badan khasaar kale gaystay..

Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Taiwan , taasoo keentay in Japan Oo u dhow ay soo saarto digniin tsunami ah.

Dhulgariirka ayaa xuddun u ahaa xeebta Hualien, oo ku taal xeebta bari ee Taiwan, sida ay sheegtay hay’adda sahanka dhulka ee Maraykanka. Maamulka Cimilada Dhexe ee Taiwan ayaa sidoo kale diiwaangeliyay gariir ka dib cabirka 6.5.

Xuddunta dhulgariirka ayaa qiyaastii 10 mayl ka hoos jirtay oogada dhulka, sida ay sheegtay Taiwan. Gariir ayaa laga dareemayay in ka badan hal daqiiqo magaalada caasimadda ah ee Taipei, halkaas oo wararka laga baahiyay ay muujinayeen muuqaalo dhismayaal gariiraya.

Dalka Japan, sida laga soo xigtay baahinta NHK, mowjadaha tsunami oo gaaraya 30 sentimitir ayaa durba bilaabay inay ku dhuftaan xeebta Jaziiradda Yonaguni sacadu markay ahayd 9:14 subaxnimo wakhtiga maxaliga ah.

Dadka deggan jasiiradaha Okinawa, Miyako iyo Yaeyama ee koonfurta Japan ayaa loo sheegay inay ka fogaadaan meelaha xeebaha ah intii suurtagal ah. Sida laga soo xigtay NHK, tsunami ayaa la filayay in ay ku dhufato jasiiradaha wax yar ka dib 10 subaxnimo, oo leh mowjado gaaraya 3 mitir, ama 10 cagood, Miyako iyo Yaeyama.

Iran oo ugu digtay Israel inay ka aargudan doonto weerar duqeyn kadib markii…..

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Iran ayaa Talaadadii ugu digtay Israel inay ka aargudan doonto weerar duqeyn ah oo lagu dilay toddoba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraallo, kaasi oo ka dhacay dhisme ku dheggan safaaradda ay ku leedahay Dimishiq.

Afar qof oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weerarka Isniintii, kaas oo dhulka la simay dhisme shan dabaq ah oo ku dheggan safaaradda Iran, waxaana uu sii kiciyay xiisadda oo markii horeba cirka ku jirtay iyadoo dagaalka Gaza uu ku dhow yahay dhammaadka bishii lixaad.

Israel ayaa diiday inay ka hadasho weerarka, oo gaas kusii shubay xiisadda Bariga Dhexe ee ka dhalatay dagaalka Gaza ee Israel iyo kooxda Xamas ee xulufada la ah Iran.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku martay in Israel la ciqaabi doono.

“Maamulka sharta ah ee Sahyuuniyadda waxaa lagu ciqaabi doonaa gacmaha raggeena geesiyaasha ah. Waxaan ka dhigi doonnaa inay ka shallaayaan dambigaas iyo kuwo kale,” ayuu Khamenei ku yiri farriin uu ku daabacay website-kiisa rasmiga ah.

Madaxweyne Ebrahim Raisi ayaa dhaleeceeyay weerarka isagoo ku tilmaamay “xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah” kaasi oo “aan noqon doonin mid aan laga jawaabin”.

“Kadib guuldarrooyin isdaba joog ah oo ay kala kulmeen caqiidada iyo rabitaanka dagaalyahannada Jabhadda wax-iska-caabbinta, taliska Sahyuuniyadda wuxuu ajandihiisa ka dhigay dilal qorsheysan oo indho la’aan ah, halganka uu ku doonayo inuu naftiisa ku badbaadiyo,” Raisi ayaa sidaas ku yiri qoraal.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu ka doodo duqaynta gelinka dambe ee Talaadada maanta ah oo uu yeelanayo kulan ay codsatay dowladda Ruushka oo xulufo la ah Syria.

Weerarkan ayaa lagu dilay toddoba ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo ay ku jiraan labo taliye oo ka tirsan qeybta howlgalada shisheeye ee Quds, kuwaas oo kala ah Sareeye Guuto Mohammad Reza Zahedi iyo Sareeye Guuto Mohammad Hadi Haji Rahimi, sida ay sheegeen saraakiisha Iran.

Safiirka Iran ee Suuriya, Hossein Akbari ayaa u sheegay TV-ga qaranka Iran in weerarka “ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee F-35” oo lix gantaal ku dhuftay dhismaha.

Japan, Taiwan, Philippines issue tsunami alerts after major earthquake

Tuesday 3, April 2024 {HMC}  Japan, Taiwan and the Philippines have issued tsunami warnings after a major earthquake.

The Japan Meteorological Agency (JMA) said the 7.5-magnitude earthquake struck near Taiwan shortly before 9:00am Japanese local time (00:00 GMT).

The JMA said residents in areas around Okinawa Island, Miyakojima Island and Yaeyama Island should immediately evacuate, warning of waves of up to 3 metres (9.8 ft) high.

“Tsunami waves are approaching the coasts. Evacuate as quickly as possible. Waves can hit repeatedly. Continue to evacuate until all warnings are lifted,” the meteorological agency said.

In Taiwan, the quake was felt across the island, with video shared on social media showing some buildings shaken off their foundations and a landslide in the eastern part of the island.

In Taipei, vehicles pulled over on the side of the road, while bookshelves and furniture were knocked over with the force of the quake.

A series of aftershocks were felt in the capital around 15 minutes later and continued over the next hour.

Taiwanese authorities issued a tsunami alert for coastal areas, calling on residents to be “vigilant.”

 

The Philippines’ seismology agency said coastal areas were expected to experience “high tsunami waves”.

SOURCE: AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES

Itoobiya oo tababar usoo xirtay cutubyo katirsan ciidamadeeda badda

Talaado  3, April 2024 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa tababar usoo xirtay cutubyo ka tirsan ciidamadeeda badda Itoobiya oo la baray xirfado la xiriira dab-damiska maraakiibta.

Wakiilka Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda Itoobiya, Rear Admiral Naasir Abadga, ayaa u sheegay askarta tababarka loo soo xidhay inay waajib ku tahay ka hortagga wax kasta oo lid ku ah ammaanka badda.

In kasta oo Itoobiya ay weli tahay dal aan bad lahayn, haddana waxa ay qabanqaabinaysay ciidammadeeda badda shantii sano ee la soo dhaafay.

Bishii Juun ee sannadkii hore, Itoobiya waxaa ka qalin-jabiyay dhowr xubnood oo ka tirsan ciidamada badda oo lagu tababaray xirfado kala duwan.

Itoobiya ayaa bishii January ee sanadkan heshiis dhinaca badda ah la gashay Somaliland, heshiiskaas ayaa u oggolaanaya Ethiopia inay isticmaasho 20km oo katirsan biyaha Somaliland, halka Itoobiya ay sheegtay inay Somaliland siinayso aqoonsi caalami ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskaan, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah madax banaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya. Waxayna mrkaas ka dib dowladdu hoos u dhigtay xiriirka diplumaasiyasadeed ee kala dhaxeeyay Itoobiya.

10 Killed After Multiple Car Crash On Nairobi-Mombasa Highway

Tuesday  2, April 2024 {HMC} Ten people, among them a 2-year-old child have died after a road crash involving five motor vehicles.

The accident occurred on Monday, 8.30 pm in Salama area, on the Nairobi-Mombasa highway.

 

According to Dr Jane Mwende, the Medical Superintendent at Sultan Amud sub-county hospital, police took nine bodies to the facility on Monday night. The child, who was in critical condition succumbed to injuries.

 

Mwende also confirmed that 12 people were taken to the facility with injuries with some referred to Makindu Hospital.

 

A police report from Salama Police Station states that four bodies were retrieved immediately while 5 others were discovered trapped in the wreckage. Police say that heavy rains in the area hampered efforts to detach the wreckages.

 

The multiple crash occurred as after the driver of a lorry, which was heading to Mombasa direction failed to keep to its proper traffic lane and turned right abruptly. As a result, it collided with a matatu, which was thrown to another vehicle leading to a crash of five vehicles.

SOURCE 

Citizen Digital

We must eradicate drug abuse, illicit alcohol and shisha – Duale


Tuesday April 2, 2024
By Brian Oruta

“This issue of ending drug abuse is not a joke, it is government policy.”

Defence CS Aden Duale has insisted that drug abuse, consumption of illicit alcohol and shisha smoking must all be eradicated.

Speaking in Kwale on Saturday, the CS said that the fight against drug abuse is not a joke.

He noted that it is now part of government policy and local leaders should work with the National Administration officials and the police to see that it is stopped.

The Defence CS added that the move is aimed at saving the future generation of this country.

“We have a President and a Deputy President who say that we must fight the drug menace, illicit alcohol and shisha. They are not Muslims, they are Christians but what they say is what our religion says,” Duale said.

“I want Kwale leaders to work with government officers, the police, county commissioner and deputy county commissioners. This issue of ending drug abuse is not a joke, it is now government policy because these our children are the leaders of the future.”

Duale on Saturday attended the Grand International Quran Recitation competition at Serani Grounds, Mombasa.

The competition had representatives from Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, and Somalia.

The CS has been very vocal over the ban of Shisha in the country.

A few weeks ago, the CS said that the National Authority for the Campaign against Alcohol and Drug Abuse should continue with the raid, noting that shisha is illegal.

“Shisha addicts must face the law, as it has been illegal in Kenya since 2017,” Duale said on his X social media platform.

The Defence CS  highlighted that the law enforcement agents must continue to raid shisha dens.