Home Blog Page 2631

Ciidamada Xoogga dalka oo fashiliyay weeraro qaraxyo ah ay Abaabulayen kooxda AS

Talaado 2, April 2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ay maanta si wadajir ah u qaadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday AS.

Howlgalladan ayaa waxaa si gaar ah isaga kaashaday Guutada 19-aad ee Gumac iyo ciidanka Macawiisleyda oo isku fidiyay aagga deegaanka Daaru-Nimca ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay fashiliyeen weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen dagaalyahanada kooxda AS oo iyana ku sugan halkaasi.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay soo saareen miinooyin ay kooxda ku aastay deegaanada Daaru nimca iyo Burka Fiiqey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in ujeedka u ahaa in qaraxyadaas lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada ay ka socdaan howlgallada.

“Ciidanka ayaa dhulka howdka ah ka saaray miinooyin ay khawaariijtu damacsanaayeen in ay ku dhakraan Shacabka ku dhaqan deegaanada ay ciidanku howlgalka ka sameeyeen” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay boggaga warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weli goobaha howlgallada laga fuliyay ku sugan ciidamada huwanta oo sii baacsanaya kooxda AS.

Dhowaan ayay ahayd markii ay kooxdu weerar toos ah ku qaaday Daaru-Nimca, kaas oo ay muddo kooban kula wareegtay deegaanka, kadibna dib looga saaray.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay dagaalyahanada AS, maadaama wajigii koobaan deegaano dhaca gobolkaasi looga xoreeyay.

Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Sucuudiga

Talaado 2, April 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jiddah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood ee Soomalaiya iyo Sacuudiga.

Arrimaha ajendaha ku jira ee wadahadalka madaxweynaha iyo boqorka diiradda lagu saari doono waxaa ka mid ah amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee labada dal ay wadaagaan.

Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotadheer, waxaana hadda socda qorshe lagu sii xoojinayo xiriirkaas muhiimka ah ee labada dal.

Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa xasuusan garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa ee Soomaalidu ay soo martay.

Shirarka madaxda Sasuudiga uu la yeela doono kadib, Xasan Sheekh ayaa u gudbi doona cumrada, maadaama lagu jiro maalmihii ugu dambeeyey bishaan barakeysan ee Ramadaan.

Sacuudiga ayaa inta badan madaxda dalalka saboolka ah casuumaad u dira, si ay uga faa’iideystaan cumrada iyo xajka, maadaama dalkiisa ay ku yaallaan goobaha barakeysan ee loo dawaaf tago.

Dowladda Soomaaliya ayaa Sacuudiga u heysa abaal xoog leh, maadaama ay soo garab istaageen xilli adag, ilaa hadana uu Sacuudigu garab taagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Maxay Turkey uga dhigan tahay natiijada doorashadii looga adkaaday AKP?

Talaado 2, April 2024 {HMC} Doorashadii dowladaha hoose ee Turkiga ka dhacay Axaddii ayaa xisbiga ugu weyn mucaaradku ay soo hooyeen guulihii ugu weynaa, iyagoo dib ugu guuleystay magaalooyinka waaweyn ee sida adag loogu tartamay, gobollo cusubna kala wareegay xisbiga talada haya ee AKP.

Doorashada ayaa noqotay dharbaaxadii ugu darneyd ee siyaasadeed ee muddo 20 sano ka badan uu la kulmo xisbiga Madaxweyne Erdogan ee AKP oo dalkaasi siyaasaddiisa horboodayay ilaa 2002-dii.

Haddaba, natiijadaasi maxay kaga dhigan tahay Turkiga?

{DAAWO MUUQAALKA} Caruurta Agoonta ah oo ay ka Geeriyoodeen wariyaashii Muqdisho lagu Dilay oo lacago la siiyey.

0

Talaado 2, April 2024 {HMC} Caruurta Agoonta ah oo ay ka Geeriyoodeen wariyaashii Muqdisho lagu Dilay oo lacago la siiyey.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 02/04/2024

0

Talaado 2, April 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}Shaqsi Soomaali ah oo loo magacaabay Raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya

0

Talaado 2, April 2024 {HMC} Shaqsi Soomaali ah oo loo magacaabay Raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Iran oo wacad ku martay inay ka aargudan doonto Israel kadib dilka 7 sarkaal

Talaado 2, April 2024 {HMC} DIMISHIQ — Iran ayaa maanta ugu digtay Israel inay ka aargudan doonto weerar duqeyn ah oo lagu dilay toddoba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraallo, kaasi oo ka dhacay dhisme ku dheggan safaaradda ay ku leedahay Dimishiq.

Afar qof oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weerarka Isniintii, kaas oo dhulka la simay dhisme shan dabaq ah oo ku dheggan safaaradda Iran, waxaana uu sii kiciyay xiisadda oo markii horeba cirka ku jirtay iyadoo dagaalka Gaza uu ku dhow yahay dhammaadka bishii lixaad.

Israel ayaa diiday inay ka hadasho weerarka, oo gaas kusii shubay xiisadda Bariga Dhexe ee ka dhalatay dagaalka Gaza ee Israel iyo kooxda Xamas ee xulufada la ah Iran.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku martay in Israel la ciqaabi doono.

“Maamulka sharta ah ee Sahyuuniyadda waxaa lagu ciqaabi doonaa gacmaha raggeena geesiyaasha ah. Waxaan ka dhigi doonnaa inay ka shallaayaan dambigaas iyo kuwo kale,” ayuu Khamenei ku yiri farriin uu ku daabacay website-kiisa rasmiga ah.

Madaxweyne Ebrahim Raisi ayaa dhaleeceeyay weerarka isagoo ku tilmaamay “xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah” kaasi oo “aan noqon doonin mid aan laga jawaabin”.

“Kadib guuldarrooyin isdaba joog ah oo ay kala kulmeen caqiidada iyo rabitaanka dagaalyahannada Jabhadda wax-iska-caabbinta, taliska Sahyuuniyadda wuxuu ajandihiisa ka dhigay dilal qorsheysan oo indho la’aan ah, halganka uu ku doonayo inuu naftiisa ku badbaadiyo,” Raisi ayaa sidaas ku yiri qoraal.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu ka doodo duqaynta gelinka dambe ee Talaadada maanta ah oo uu yeelanayo kulan ay codsatay dowladda Ruushka oo xulufo la ah Syria.

Weerarkan ayaa lagu dilay toddoba ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo ay ku jiraan labo taliye oo ka tirsan qeybta howlgalada shisheeye ee Quds, kuwaas oo kala ah Sareeye Guuto Mohammad Reza Zahedi iyo Sareeye Guuto Mohammad Hadi Haji Rahimi, sida ay sheegeen saraakiisha Iran.

Safiirka Iran ee Suuriya, Hossein Akbari ayaa u sheegay TV-ga qaranka Iran in weerarka “ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee F-35” oo lix gantaal ku dhuftay dhismaha.

Iran oo Aad Uga Carootay dilka 7 sarkaal Oo Duqeen Looga Dilay

Talaado 2, April 2024 {HMC} Iran ayaa maanta ugu digtay Israel inay ka aargudan doonto weerar duqeyn ah oo lagu dilay toddoba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraallo, kaasi oo ka dhacay dhisme ku dheggan safaaradda ay ku leedahay Dimishiq.

Afar qof oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weerarka Isniintii, kaas oo dhulka la simay dhisme shan dabaq ah oo ku dheggan safaaradda Iran, waxaana uu sii kiciyay xiisadda oo markii horeba cirka ku jirtay iyadoo dagaalka Gaza uu ku dhow yahay dhammaadka bishii lixaad.

Israel ayaa diiday inay ka hadasho weerarka, oo gaas kusii shubay xiisadda Bariga Dhexe ee ka dhalatay dagaalka Gaza ee Israel iyo kooxda Xamas ee xulufada la ah Iran.

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku martay in Israel la ciqaabi doono.

“Maamulka sharta ah ee Sahyuuniyadda waxaa lagu ciqaabi doonaa gacmaha raggeena geesiyaasha ah. Waxaan ka dhigi doonnaa inay ka shallaayaan dambigaas iyo kuwo kale,” ayuu Khamenei ku yiri farriin uu ku daabacay website-kiisa rasmiga ah.

Madaxweyne Ebrahim Raisi ayaa dhaleeceeyay weerarka isagoo ku tilmaamay “xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah” kaasi oo “aan noqon doonin mid aan laga jawaabin”.

“Kadib guuldarrooyin isdaba joog ah oo ay kala kulmeen caqiidada iyo rabitaanka dagaalyahannada Jabhadda wax-iska-caabbinta, taliska Sahyuuniyadda wuxuu ajandihiisa ka dhigay dilal qorsheysan oo indho la’aan ah, halganka uu ku doonayo inuu naftiisa ku badbaadiyo,” Raisi ayaa sidaas ku yiri qoraal.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu ka doodo duqaynta gelinka dambe ee Talaadada maanta ah oo uu yeelanayo kulan ay codsatay dowladda Ruushka oo xulufo la ah Syria.

Weerarkan ayaa lagu dilay toddoba ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo ay ku jiraan labo taliye oo ka tirsan qeybta howlgalada shisheeye ee Quds, kuwaas oo kala ah Sareeye Guuto Mohammad Reza Zahedi iyo Sareeye Guuto Mohammad Hadi Haji Rahimi, sida ay sheegeen saraakiisha Iran.

Safiirka Iran ee Suuriya, Hossein Akbari ayaa u sheegay TV-ga qaranka Iran in weerarka “ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee F-35” oo lix gantaal ku dhuftay dhismaha.

Nin Horay u gubay kitaabka Qur’aanka oo maydkiisa laga helay Guri uu Deganaa

Talaado 2, April 2024 {HMC} Salwan Momika oo ah nin kasoo jeeda asal ahaan dalka Ciraaq ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla dalka Norway.

Ninkan ayaa markii uu dhawaan isaga tagay dalkii uu dhalashada ka waayay ee Sweden ee uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ayaa u guuray Norway.

Sheekadaan oo ahayd mar qarsoonayd waxaa bannaanka soo dhigay qaar kamid ah warbaahinta iyo suxufiyiin si wayn looga yaqaan dalalka Carabta, iyaga oo sheegay in ay xogtaan kasoo xigtay saraakiil katirsan ciidamada booliska Norway.

Fal-celin badan ayaa ka dhalatay maadaama Salwan uu horay u sheegay inuu dareemay cabsi xad-dhaaf ah kadib markii uu ku dhaqaaqay tallaabadii uu ku gubay Kitaabka Qur’aanka, “taasi oo ku noqotay musiibo wayn oo usoo hoyatay.”

Salwan ayaa dhawaan si qarsoodi ah isaga tagay Sweden maadaama uu cadaadis xooggan uu ka dareemay dalkaasi, isaggoo ka go’ayna madalaha bulshada sabab la xiriirta in uu aad uga cabsi qabay in la dilo ama dhibaato kale loo gaysto.

Ma jiro illaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dowladaha Norway iyo Sweden oo ay uga hadlayaan arrinkaan. Ciraaq ayaa horay u dalbatay in loo soo gacan-geliyo ninkaan ku xad-gudbay Kalaamka Alle kaddib kolkii uu gubay.

RW Soomaaliya oo Luqad Adag Kula Hadlay Siyaasinta Ka Hor Yimid Wax Ka Badalka Dastuurka.

Talaado 2, April 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay si adag ula hadlay siyaasiyiinta kasoo horjeeda ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo Sabtidii meel-mar noqday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aan la aqbali karin in la is-hortaago go’aamada ay gaarayaan hey’adaha dastuuriga ah, isaggoo ku af-gobaadsaday inay xukuumadda ka go’an tahay dhageysiga ciddii tabasho qabta.

‘Xukuumadda waxaa ka go’an in ay dhageysato ciddii tabasho qabta, balse lama aqbali karo in la is-hortaago go’aamada ay gaaraan hey’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu tallaabaddii Sabtidii ku macneeyay mid bilow ah oo guul u ah dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay qodobada la meel-mariyey, wuxuuna ugu baaqay xildhibaannada in ay dhammeystiraan kuwa haray, si dalku u yeesho dastuur buuxa.

Mudane Xamza ayaa intaas ku daray in la joogo xiligii ay dadka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen horumarka dalkooda, isla markaana aan aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo bandhigay sida ay ugu faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed qabyo-tirka dastuurka, waxa uuna sheegay in baarlamaanka 11-aad uu ku guuleystay tallaabooyin wax ku ool ah, taasoo mudan ammaan iyo boggaadin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad afur ah oo loogu mahad-celinayey guddoonka, xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo labada guddi ee dastuurka, oo ayagu ku guuleystay ansixinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka.