Talaado 2, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Mustaf Ali Addow
farsamadii;Mohamed Baryare Haamud

Talaado 2, April 2024 {HMC} Dhaq dhaqaaq ciidan oo ka Bilaawday Baladweyne iyo Ciimado Aad u Farabadan oo u jaheysatay Furunta.
Talaado 2, April 2024 {HMC} Duqa Muqdisho “mar kasta wuxuu taageersan yahay dhameystirka dastuurka dalka.”
Talaado 2, April 2024 {HMC} Xildhibaan Sacdiyo “Shacabka Soomaaliyeed waxaa matala BFS waxayna qabsadeen shaqadii laga rabay”
Talaado 2, April 2024 {HMC} Xubno ka tirsanaa AS oo Howlgal Lagu so qabtay.
Talaado 2, April 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu ka shaqeeyo ilaalinta iyo u qareemidda caafimaadka Muwaadiniinta.
Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha Caafimaadka iyo Nafqada.
Dr. Cabdirashiid wuxuu leeyahay qibrad u sahli karta in uu xaqiijiyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta caafimaadka dalka.
Dr. Cabdirashiid Jiley waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, waana saaxiibka dhow ee Axmed Madoobe iyo Xamza Barre, waxaana laga soo doortay Jubbaland.
Ninkaan ayaa ah siyaasi degan, aqoonyahan ah, kana mid ah siyaasiyiinta dejisay qorshaha uu xukunka isaga joogo Axmed Madoobe in ka badan 10 sano.
Magacaabidda Xildhibaan Cabdirashiid ayaa ku soo aadeysa xilli dhawaan Xasan Sheekh uu ku guuleystay in baarlamaanka uu marsiiyo 4-ta cutub ee ugu horeysa dastuurka, sidoo kale Xasan ayaa la sheegay in xildhibaanada qaar uu balan qaadyo u sameeyey.
Xasan Sheekh ayaa horay u magacaabay dhowr ergay, waxaana lagu tilmaamaa madaxweynaha ugu ergada badan oo daadejiyey awoodiisa, si loo fududeeyo adeegyada dowladda.
Wuxuu horay u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland, ergayga nabadeynta, ergayga abaaraha, ergayga xasaradaha iyo arrimaha qaxootiga, hada oo ergayga caafimaadka uu magacaabay iyo xubno kale oo ergo uga ah howlo badan oo kala duwan.
Talaado 2, April 2024 {HMC} Itoobiya ayaa sahaminaysa suurtagalnimada in dekedda Lamu ee dalka Kenya ay kala soo degto bacrimiska dalagga, taas oo qayb ka ah dadaalka ay ku doonayso in ay ku ballaadhiso dekedaha ay wax kala soo degayso ee ka baxsan Jabuuti, oo inta badan ay Itoobiya kalsoo degto shixnadaheeda.
Inkastoo fikradda istcimaalka Itoobiya ee dekadda Lamu ay tahay fikrad waa hore ah haddana illaa hadda la ma hirgelin.
Wafdi ka socda Itoobiya ayaa kormeer shaqo ku tagay dekadaha Lamu iyo Mombasa, waxaana ay rejo ka qabaan in ay heshiis la galaan dawladda Kenya.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya Denge Boru ayaa yiri: “Weftigu waxay soo booqdeen xaaladda dekedda iyo waddooyinka ilaa Mooyaale, si ay u eegeeen in ay ku habboon tahay hawlgalka iyo in kale.”
Si loo xaqiijiyo hawlgal aan kala go ‘lahayn, waraaqo iyo heshiisyo kala duwan oo u dhexeeya labada waddan ayaa loo baahan doonaa in la dhammaystiro ka hor inta aan adeegga laga bilaabin Lamu.
Sababo la xiriira dhinaca ammaanka badda cas awgood, shixnadaha Itoobiya waxaa hadda lagasoo dajiyaa dekadda Mombasa iyadoo ay jiraan caqabado ka duwaya Jabuuti.
Sababta isbeddelkan keentay ayaa ka dhalatay dib u dhac ku yimid shixnadaha ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya dekedaha Djibouti, taas oo loo aanaynayo hawl-wadeennada maraakiibta oo hoos u dhigaya hawlahooda shaqo ee marinka badda cas.
Maraakiibta isaga kala goosha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa wajahaya khataro dhanka ammaanka ah oo ay ku jiraan weerarada Xuutiyiinta Yemen, shirkadaha maraakiibta ayaa lagu qasbay in ay raadiyaan wadooyin kale si loo hubiyo in badeecadaha la keeno waqti ku haboon si ammaan ah.
Sida ku cad soo jeedinta, xukuumaddu waxa ay ku talo jirtaa in ay isticmaasho Dekedda Berbera ee Somaliland si ay ugu bedesho shixnado la soo dejiyo, tani waxay ka dambeysay kadib heshiis muran dhaliyey oo Itoobiya ay la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanideeda ee Somaliland.
Ilaa hadda, Itoobiya meesha ugu dhow uguna dhisan dekedda ee sidoo kale ku xiran tareen koronto ah waa Jabuuti.
In kasta oo ay ka badan tahay kharashyada hawlgelinta marka la barbardhigo Djibouti, Mombasa waxay u soo baxday in ay tahay dookh loo door biday xamuulka Itoobiya sababtoo ah xasilloonideeda iyo ku filnaanshaha baahida Addisa ababa.
Waddada Mombasa ayaa si gaar ah ugu faa’iideysay xarumaha warshadaha ee dalka Itoobiya sida Hawassa, Bole Lemi, Debre Berhan, iyo Adama, halkaas oo warshaduhu ay aad ugu tiirsan yihiin soo dejinta alaabta ceyriinka ah iyo dhoofinta alaabta warshadaysan.
Si kastaba ha ahaatee Itoobiya ayaa rajaynaysay in ay baahiyaheeda u isticmaasho dekad ku taal Somaliland si ay u daboosho baahida ka dhalatay bad la’aanta ee haysata dalkan lagu tilmaamo midka ugu dadka badan caalamka ee aan bad lahayn.
Hase yeeshe dawladda Fedearaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka biya diidday doonitaanka Addis ababa iyadoo uu heerkii ugu xumaa gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya muddo dhowr iyo toban sano ah.
Sida ay qortay warbaahinta qaar, dowladda Itoobiya ayaa laga yaabaa in ay ka fikireyso ka laabashada heshiiskii is fagarad ee ay ku kireysan leheed dhul badeed 20 km taas oo badalkeed ku aqoonsan leheed Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.
Heshiiskaas oo ay ka carootay Soomaaliya ayaa waxaa cambaareeyay wadamada gobolka qaarkood, waxaana ay Soomaaliya sheegtay in dagaal diblumaasiyadeed oo ay la gashay Itoobiya uu cadaadis saaray
Balse Itoobiya iyo Somaliland oo heshiiskaan galay, labaduba midna kama aysan hadlin ka laabashada heshiiska.
Si kastaba ha ahaatee falanqeeyaasha ayaa sheegaya in ay Itoobiya ka laaban karto haddii ay xamili kari waydo culayska diblomaasiyadeed ee uga imanaya dalalka uu ka mid yahay Maraykanka oo isagu sheegay in uu xushmaynayo wadajirka iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Talaado 2, April 2024 {HMC} Itoobiya ayaa tobannaan kun oo muwaadiniinteeda daruufeysan ah ka soo celineysa dalka boortooyada Sacuudi careebiya.
Go’aankan oo Addis Ababa looga dhawaaqay todobaadkii hore ayaa la qorsheeyey in uu billowdo horraanta Bishan April, waxaana lagu wadaa mahaajiriin gaaraya 70,000 reer Itoobiyaha dalkooda lagu guryoceliyo.
Wasiiro Dowlaha Arrimaha Dibedda itoobiya, Birtukan Ayano ayaa sheegtay in hawlgalkan laguu soo daadgureynayo muwaadiniinta go’doonsan uu yahay kii 3-aad ee la fuliyo tan iyo 2018, iyadoo intaas ku dartay in mudnaanta la siinayo dadka tabaaleysan ee u baahan gurmad degdeg ah.
Inkasta oo dowladda Itoobiya aysan weli shaacin kharashka dhabta ah ee barnaamijkan ku kacayo, haddana Wasiir Birtukan waxay sheegtay in dadkaas loo diyaarinsayo wixii tas-hiilaad ah ee ay u baahan yhiin, sida saad, hooy iyo IWM.
Talaado 2, April 2024 {HMC} Xaafadda islii ee Magaalada Nairobi waxaa lagu toogtay nin Soomaali ganacsade ah oo lacag laga dhacayey.
Weerarka ayaa dhacay subaxnimadii Sabtida kaas oo lagu beegsaday nin 26 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Aadan Cali Maxamed kaas oo la toogtay lagana dhacay lacag ku dhow qiyaastii $31,000 oo doolar Xilli uu saarnaa mooto laba lugaaleey ah.
Waxa uu marayay waddo la yirahdo Martina oo ku taalla Xaafadda Islii. Ninka la sheegay in uu dhaca iyo toogashada fuliyay ayaa la sheegay inuu isagana saarnaa mooto kaas oo la sheegay in uu baxsaday dhacadada ka dib.
Aadan waxa uu damacsanaa in uu lacagta ku shubo mid ka mid ah bangiyada ku yaalla xarunta laga dukaameysto ee BBS Mall oo ku yaal xaafadda Islii ee ay Soomaalidu degto, sida uu BBC da u sheegay Cumar Xuseen oo ah xoghaya guud ee gudiga ganacsatada Islii oo BBC da la hadlay.
Hase yeeshee, markii uu yimid, wuxuu ogaaday in bangigu xiran yahay. Sidaa darteed, waxaa la sheegay inuu go’aansaday inuu ku laabto guriga waxa uuna raacay mooto.
Laakiin nasiib darro markii uu soo gaaray waddada Muratina ayaa waxaa dhanka sare ka toogtay ninka saarnaa mootada.
“Markii uu soo laabtay oo uu marayo saldhigga booliska ee Islii agtiisa, ayaa … mooto kale jidka lagu hor gooyay, lacagta keen ayaa la yiri, isagana gacanta kale ayuu u wareejiyey, kadibna rasaas aya lagu dhuftay lacagtiina waa laga qaatay.” Sidaas waxaa BBC u sheegay Cumar Xuseen, Xoghayaha Guud ee Golaha Iskashatada Ganacsatada Islii.

Muuqaal ay duubtay kaamarada CCTV ayaa muujinaya laba nin oo saaran mooto.
Waxaa laga shakisan yahay in ay tuugo ahaayeen ayna daba socdeen muddo, dhaqdhaqaaqiisana ka warhayeen.
Dhacdadan naxdinta leh ayaa sii kordhinaysa walaaca isa soo taraya ee laga qabo amni darrada Islii, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dambiyada la xiriira mootooyinka.
Dhacdooyinka dhaca iyo rabshadaha ay ku lug leeyihiin wadayaasha mootooyinka ayaa ahaa mid ay mudaba ka cabanayeen dadka ku nool xaafadda.
Iyadoo weli ay socdaan baaritaano ku aadan falka toogashada ah ayaa dadka deegaanka loogu baaqay in ay feejignaan muujiyaan, islamarkaana ay kusoo wargeliyaan maamulka wixii ay ka shakiyaan.
Booliska ayaa sheegay in ay bilaabeen baadi goobka tuhmanaha isla markaanay ay caddaaladda hor keeni doonaan kuwa dhibaateeyay Aadan.
Aadan oo ay rasaastu uga dhacday meel lagu qiyaasay kalxanta ayaa isla markiiba isbitaalka la dhigay waxaana sida uu maanta noo sheegay Cumar lagu wadaa in qalliin lagu sameeyo maadaama laga shakisan yahay in ay jajabeen qaar ka mid ah lafaha garabka iyo kalxanta.
Xaladdiisu waa ay wanaagsan tahay oo waa uu miyir qabaa hadda.
Xaafadda islii oo ay usoo dukaameysi tagaan kumanaan dad ah ayaa hadda isu diyaarinaysa in ay marti geliso dadka usoo adeeg doonanaya munaasabadda ciidda.
Taas awgeed guddiga ganacsatada ayaa sheegay in ay laamaha amaanka ka codsadeen in xaafadda la keeno ciidammo dheeraad ah oo amniga suga inta lagu guda jiro maalmaha u dambeeya ee Ramadaanka isla markaana ciidda loo adeeganayo illaa maalinta ciidda.
Dhawaan ayaa xaafadda laga furay suuq dukaameed weyn, kaas oo ah midka uu kasoo baxay Aadan ka hor inta aan lacagta laga dhicin isna xabbadda lagu dhufan.
Waxaa xusid mudan in goobta lagu toogtay Aadan ay qiyaastii laba boqol oo mitir oo kaliya u jirto saldhigga booliska ee xaafadda oo saaran suuqa dukaameysiga BBS Mall, sida uu BBC da u sheegay Cumar.
Si kastaba ha ahaatee xaafadda Islii ayaa amnigeeda aad loo sugaa xilliyada munaasabadaha gaarka ah iyo xilliyada dibadbaxyada maadaama ay taal hanti badan oo laga cabsi qabo in la dhaco ama la boobo.
Xigasho BBC
Talaado 2, April 2024 {HMC} Itoobiya ayaa sahaminaysa suurtagalnimada in dekedda Lamu ee dalka Kenya ay kala soo degto bacrimiska dalagga, taas oo qayb ka ah dadaalka ay ku doonayso in ay ku ballaadhiso dekedaha ay wax kala soo degayso ee ka baxsan Jabuuti, oo inta badan ay Itoobiya kalsoo degto shixnadaheeda.
Inkastoo fikradda istcimaalka Itoobiya ee dekadda Lamu ay tahay fikrad waa hore ah haddana illaa hadda la ma hirgelin.
Wafdi ka socda Itoobiya ayaa kormeer shaqo ku tagay dekadaha Lamu iyo Mombasa, waxaana ay rejo ka qabaan in ay heshiis la galaan dawladda Kenya.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya Denge Boru ayaa yiri: “Weftigu waxay soo booqdeen xaaladda dekedda iyo waddooyinka ilaa Mooyaale, si ay u eegeeen in ay ku habboon tahay hawlgalka iyo in kale”.

XIGASHO BBC