Isniin 1, April 2024 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 1-04-2024
{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh”Ceeldheer xaalada ay ku jirto waxbaan ka badaleynaa, Dagaalka AS waa billow
Isniin 1, April 2024 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh”Ceeldheer xaalada ay ku jirto waxbaan ka badaleynaa, Dagaalka AS waa billow
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO SAWIRADA} Xasan Sheekh oo Dalacsiiyay saraakiisha iyo ciidanka ku sugan Magalada Xarardheere
Isniin 1, April 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa gaaray Degmooyinka Xaradheere iyo Ceeldheer ee Galmudug, si uu u dardar-galiyo Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada difaaca shacabka ee Khawaarijta kula dagaallamaya deegaanno hoos yimaada degmooyinkaas.
Madaxweynaha oo ku bogaadiyey geesiyaasha dib u xoreynta dalka nafhurimada ay kaga difaacayaan dadkooda iyo dhulkooda sharwadeyaasha caadeystay daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta hantida ummaadda Soomaaliyeed ayaa hal darajo dallacsiiyay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada Qaranka ee ku faro adeygay gacan ku haynta degmada Xarardheereoo, isaga oo xusay in halganka dalka looga xoreynayno khawaarijta uu heer gabogabo ah marayo, taariikhduna ay xusi doonta halyeeyada ku shahiiday dagaalka iyo kuwa u taagan dabargoynta argagixisada.
“Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabbaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyaasha difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida waxaad muujiseen nafhurnimo waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka degmada Ceeldheer, Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada difaaca shacabka ayaa ku adkeeyey in ay labo laabaan dadaaalkooda si uu u guuleysto halganka ay ku jiraan guud ahaan umada Soomaliyeed ee dalka looga sofeynayo argagixisada.

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsan A S.
Isniin 1, April 2024 {HMC} Ciidanka hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab.
Hay’adda NISA ayaana soo bandhigtay 10-xubnood oo katirsanaa dagaalyahannada Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca jabhada iyo xisbada, waxa ayna raggan siyaabo kala duwan isugu soo dhiibeen ciidanka NISA.
Qaar kamid ah dhallinyarada Al Shabaab kasoo goosatay ayaa sheegay in ay u adkeesan waayeen dhibaatooyin ay sheegeen in kooxda ka dhax jirto, waxa ayna ugu baaqeen dhallinyarada kale ee Al Shabaab kamid ah in ay kasoo tagaan kooxdaasi.
Dowladda ayaa marar badan soo bandhigtay xubno la sheegay in ay kasoo goosteen kooxda Al Shabaab , kuwaa oo la geeyay goobo dhaqan-celin ah oo lagu xareeyo dagaallamayaasha kasoo goosta Al Shabaab.
{DAAWO MUUQAALKA} Hay’adda SODMA oo digniina ku aadan roobabka Gu’ga u dirtay dadka degan hareeraha Wabiyada
Isniin 1, April 2024 {HMC} Hay’adda SODMA oo digniina ku aadan roobabka Gu’ga u dirtay dadka degan hareeraha Wabiyada
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Booliska Gaalkacyo qeybta Galmudug oo Puntland ku wareejiyey nin dil loo heysto
Isniin 1, April 2024 {HMC} Booliska Gaalkacyo qeybta Galmudug oo Puntland ku wareejiyey nin dil loo heysto
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalo uu ku wajahan yahay Madaxweyne Xasan sheekh.
Isniin 1, April 2024 {HMC} Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalo uu ku wajahan yahay Madaxweyne Xasan sheekh.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan”Xarardheere waa goobta Halganka, As ma idiinku daawan doono waan iska saareynaa”
Isniin 1, April 2024 {HMC} Madaxweyne Xasan”Xarardheere waa goobta Halganka, As ma idiinku daawan doono waan iska saareynaa”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 01/04/2024
Isniin 1, April 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 01/04/2024
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Culus Oo Ka Dhacay Muqdisho.
Isniin 1, April 2024 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo goordhow ka dhacay degmada Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa Miino wadada dhoneceeda la dhigay ayaa qabsatau gaari ay wateen saraakiil ka tirsan ciidanka Boolis Milatari, iyadoo jugta qaraxa si weyn looga maqlay degmooyin ka tirsan caasimadda.
Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaamaya in qaraxa uu ku gweriyoodag hal askari, halka abaanduule iyo taliye horin ay dhaawcayo kasoo gaareen, kuwaasoo loola cararay xarumaha caafimaadka.
Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ah laamiga dheer ee kala qeybiya degmooyinka Dharkiinleey iyo Kaxda ee dhalinta sawirrada iyo muuqaalada isaga duubto, balse barta Miinada la dhigay waxey xigtaa degmada Dharkiinkeey.
Abaanduule iyo taliye horin



