Home Blog Page 2636

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray degmada Xarardheere

Isniin 1, April 2024 {HMC} Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaluya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda oo isugu jira labada gole iyo saraakiil ciidan ayaa goordhaw gaaray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la socday waxaa degmada Xarardheere kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka iyo sidoo kale qeybaha kala duwan bulshada degan Xarardheere.

Waxaa sidoo kale degmada Xarardheere gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxa ayna labada Madaxweyne barxad kutaalla degmadaasi kula hadleen dadka deegaanka iyo saraakiisha ciidanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaana kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidanka ee jooga degmada Xarardheere iyo odayaasha degmadaasi, kuwaa uu kala hadli doono xaaladda degmada iyo sidii la isaga difaaci lahaa Al Shabaab.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la socda ayaa sidoo kale la filayaa in ay gaaraan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ka socoto qaban qaabada soo dhaweynata madaxweynaha Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagay maanta mid kamid ah furumaha dagaalka ayaa imaanaya xilli uu joogsaday howlgalladii ka dhanka ahaa Al Shabaab ayna ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ka baxeen deegaanno dhowr ah ay horey ula wareegeen.

SoDMA Oo Soo Saartay Digniino La Xiriira Roobabka Gu’ga

Isniin 1, April 2024 {HMC} Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta soo saartay digniino la xariira robka guga kaas oo la filayo maalmaha soo socda in dalka ka curto.

Hay’adda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool goboladii dhawaan fatahaadaha ay ka dhufteen, iyo goobaha biya mareenada ah.

Roobabka xilligan Gu’ga ee sanadkaan 2024 {sida la isku raacay} waxay dalka intiisa badan ka curanayaan inta u dhaxaysa asbuuca koowaad ee bisha April, wuxuuna xoogiisu billaabanayaa asbuuca sadexaad illaa kan afaraad ee isla bisha April.

Roobabkaas waxay sidoo kale sii socondoonaan inta lugu guda jiro bisha May ee sanadkan, waxay roobabkaasi intooda badan ay ka di’i doonaan qeybo badan oo dalka gaar ahaan gobolladiisa koonfureed iyo kuwa woqooyi.

Duqa Muqdisho oo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiirka cusub ee Turkiga

Isniin 1, April 2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş.

Duqa Muqdisho ayaa ugu horeyn Danjiraha cusub ee Turkiga Amb. Alper Aktaş ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna sheegay in Turkiga uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya oo xilliyo adag soo garab taagnaa.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo, sii wadista mashaariicda horumarineed oo ay Dowladda Turkiga iyo Hey’addaheeda kala gedisan ka fuliyaan Muqdisho iyo sidii loogu wada-shaqeyn lahaa Mashaariicyo cusub oo lagu horumarinaayo Gobolka Banaadir.

Danjire Alper Aktaş ayaa ugu mahadceliyay Duqa Muqdisho soo dhaweynta Walaaltinimo ee loo sameeyay, asigoona tilmaamay in uu sii xoojin doonno wada-shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta mashaariicda lagu hormarinaayo Caasimadda Muqdisho.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 01- 4 -2024

Isniin 1, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo: Shukir Baryare & Yasiin Ali

farsamadii; C/Kaafi

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

{DAAWO SAWIRADA} Wiil 15-sanno jir Muslim ah oo indha caalamka oo soo jiitey

Isniin 1, April 2024 {HMC} Indhaha bulshada caalamka kunool , gaar ahaan kuwa Ruushka waxaa si weyn usoo jiitay wiil 15 sano jir muslim ah oo u dhashay dalka Krgystan ee ku yaal bartamaha Asia, kuna nool magaalada Moskow ee caasimadda dalka Ruushka.

Wiilkan oo magacaabo Islam Khalilov ayaa loo aqoonsaday halyey weyn , waxa uuna soo jiitay wiilkan warbaahinta iyo indhaha dad badan, kaddib markii uu badbaadiyay nolosha dad ka badan 100 qof oo ku sugnaa tiyaatarkii weerarka ka dhacay ee Ruushka.

Halyeygan muslimka ah ayaa la sheegay in uu bad baadiyay nolosha dad badan oo halis ugu jiray , waxa uuna albaab dambe oo uu u furay kuna ilaaliyay dad argagaxsanaa oo ku sugnaa tiyaatarkii ay xoogga kusoo galeen koox hubeysan oo Daacish katirsaneyd.

Wiilkan Muslimka ah tallaabada uu qaaday ayaana si weyn usoo jiidatay dadweynaha Ruushka iyo warbaahinta ugu afka dheer dalkaasi, waxaana durba wiilkaasi loo aqoonsaday halyey qaran oo sabab in noqday in ay badbaadaan dad badan oo halis ku jiray.

Islam Khalilov ayaa mar la weydiiyey sababta uu ugu dhiirradey in uu dadweynaha samatabixciyo halkii uu ka carari lahaa, ayuu sheegay in diintiisu fareyso in uu dadka dhiban u asxaan falo, taas oo wax weyn ka bedeshey aragtidii laga haystey Muslimiinta oo laga aaminsanaa argagixisonimo.

Geesigan Muslimka ah ayaa ficilkii uu sameeyay ee dadka badan soo jiitay ku helay billado qaali ah iyo lacago badan oo abaalmarino ah ay siiyeen dad kala duwan, dowladda iyo hay’ado , waxa uuna wiilkan sidoo kale helay casuumado iyo soo dhaweyno badan .

Kooxda heerka koobaad ee SCK Moscow ee uu taageero Islam ayaa ku casuuntay garoonkeeda wiilkan, waxa uuna la kulmay ciyaartoyda kooxda, waxa ayna kooxda siisay tikit uu sannadkan dhan ku daawan karo ciyaaraha kooxda garoonkeeda ku ciyaareyso.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka Amaanka oo Muqdisho ku qabtay rag waday Qaraxyo.

0

Isniin 1, April 2024 {HMC} Ciidanka Amaanka oo Muqdisho ku qabtay rag waday Qaraxyo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa xigi doona Ansixinta Dastuurka ka dib dorashada 2026”Xog hayaha guud ee gudiga doorashooyinka

0

Isniin 1, April 2024 {HMC} Maxaa xigi doona Ansixinta Dastuurka ka dib dorashada 2026”Xog hayaha guud ee gudiga doorashooyinka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Puntland oo mamnuuceey in masaajidda laga akhriyo qur’aanka xilliyada taajudka!

0

Isniin 1, April 2024 {HMC} Puntland oo mamnuuceey in masaajidda laga akhriyo qur’aanka xilliyada taajudka!

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan oo goordhow tagaya laba ka mid ah Magaalooyinka furimaha Dagaalka ee laga saaray AS

0

Isniin 1, April 2024 {HMC} Madaxweyne Xasan oo goordhow tagaya laba ka mid ah Magaalooyinka furimaha Dagaalka ee laga saaray AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dalxiiseyaal wax ku cunay goob fagaare ah oo la xeray! Maxay tahay sababta?

0

Isniin 1, April 2024 {HMC} Dalxiiseyaal wax ku cunay goob fagaare ah oo la xeray! Maxay tahay sababta?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA