Home Blog Page 2642

Puntland oo xiriirka ujartay dowlada federaalka Soomaaliya

Axad 31-March-2024 {HMC} Shir deg deg ah oo xalay ay yeesheen Golaha Wasiirrada Puntland ayaa soo idlaaday goordhoweyd, kaasi oo looga arrinsanayay tallaabadii uu maanta qaaday baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkan deg deg ah oo uu guddoominayay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa tashi dheer kadib lagu gaaray mowqifka maamulka ee ku aadan meel-marinta wax ka beddelka dastuurka ee ay gadaal ka riixaysay Villa Somalia.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa aqoonsiga kala laabtay dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan xogaha kasoo baxaya shirka deg-dega ee usoo idlaaday golaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu maamulka ku eedeeyay inuu jebiyey dastuurkii lagu doortey. Sidoo kale golaha ayaa gaaray go’aan kale oo loo cuskadey qodobka 4-aad ee dastuurka dowladda Puntland.

Puntland ayaa horey u diidaneyd sida ay Villa Somalia u wado wax ka beddelka dastuurka, ayada oo ka digtay wixii saaka ka dhacay xarunta baarlamaanka, xilli hoggaankeeda uu khilaaf siyaasadeed xooggan kala dhaxeeyo madaxda sare ee dowladda federaalka.

Hoos ka aqriso bayaanka kasoo baxay Puntland

400 oo Ton oo gargaar ah oo ku wajahan Qaza, Hay’adaha samafalka oo codsanaya gargaar intaas ka badan

Axad 31-March-2024 {HMC} Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay, tobanaan kalena waa ku dhaawacmeen ka dib markii ay buuq iyo fawdo hadheeyeen, gargaar bini’aadanimo oo la geeyey marinka Qaza.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP, illaa 15 gaadiid ah oo siday gargaar bini’aadanimo ayaa soo gaadhay gudaha marinka Qaza. Waxaana goobta cuntada lagu qaybinayey ku soo qamaamay kumanaan qof oo doonayey inay helaan wax ay quutaan. Goobtan waxaa hadheeyey buuq iyo sawaxan, hase ahaatee waxaa arrinta uga sii daray, ka dib markii ay ciidamada Israa’iil ee goobta ku sugnaa ay rasaas fureen.

Sida ay sheegtay bisha cas ee Falastiin, qaar ka mida gaadiidka waaweyn ayaa jiidhay qaar ka mida dadweynihii goobta ku sugnaa, waxaana toogasho lagu dilay saddex qof oo kale.

Tirada dhimashada ayaa isku noqonaysa illaa 5 qof inta ay xaqiijiyeen ururka bisha casi.

Muuqaalo kala duwan oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya, buuqa iyo mushkiladda goobtaas ka taagan, waana markii labaad ee muddo ka yar 10 maalmood ay dad sidan u badani ku dhintaan goob cuntada lagu qaybiyo.

Bishan March 23-keedii ayay ahayd markii ay ciidamada Israa’iil dileen illaa 21 qof oo ka mid ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa goob cuntada lagu qaybiyo, sida ay sheegtay xukuumadda Xamaas ee ka Talisa marinka Qaza, hase ahaatee Israa’iil ayaa iyadu iska fogaysay eeddaas.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay Bishan March 19-keedii ayaa ka digtay, in kala badh shacabka Falastiin ay la nool yihiin gaajo, waxaana warbixintu intaas ku dartay in laga cabsi qabo inay dhinaca woqooyi ee Qaza inay ka dillaacdo macaluul baahsani, haddii aan farogelin degdeg ah lagu samaynin xaaladda Qaza.

Warbixintan ayaa sheegtay in 1.1 million oo qof oo u dhiganta, kala badh dadka ku nool Qaza, inay ku nool yihiin xaalado nololeed oo aad u adag.

Woqooyiga Qaza oo hoy u ah illaa 300,000 oo qof ayaa laga cabsi qabaa inay macaluul u dhintaan, inta u dhexeysa badhtamaha March illaa May, haddii aan wax laga qabanin xaaladdooda nololeed.

Weli waxaa socda dadaalo kala duwan oo ay wadaan dalalka caalamku kuwaas oo la tacaalaya, inay wax ka qabtaan xaaladda cunto yaraaneed ee ka jirta Qaza, illaa saddex Markab oo sida cunto gaadhaysa illaa 400 oo ton ayaa ka baxay jaziirada Qubrus.

Hay’adda samafalka ee World Central Kitchen ayaa sheegtay in maraakiibtani ay sidaan cunto diyaara oo ka badan illaa 1 million oo dalab.

Hay’adda samafalka ee World Central Kitchen oo ay taageerto hay’adda samafalka ee ka dhisan dalka Spain ee Open Arms isla markaana dhaqaalaha ugu badan ka hesha dalka Imaaraadka Carabta ayaa muddo bilo ah ka hawlgalaysay marinka Qaza.

Masuuliyiinta Qubrus ayaa iskaashi kala sameeyey Israa’iil, sidii loo yagleeli lahaa, marin badeed ammaan ah oo la soo mariyo cuntooyin iyo agab kale oo la sii hubiyey ka hor inta aan loo dirin Qaza.

Maraykanka ayaa dhinaciisa ka fekeraya inay hirgeliyaan, deked sabbaysa oo ku meel gaadh ah oo loogu talo galay in laga dejin karo gargaarka loo wado qaza. Dekeddan ayaa la filayaa inay dhamaato ka hor bilawga bisha May ee soo socota.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan in gargaar bini’aadanimo laga geeyo dhinaca badda, hase ahaatee waxay ku boorriyeen Israa’iil inay fududayso in gargaar dheeri ah laga geliyo dhinaca dhulka.

Wasiirka arrimaha debedda ee Urdun Ayman Safadi ayaa sheegay in macaluusha laga cabsi qabo inay ka dillaacdo Qaza in si degdeg ah wax looga qaban karo haddii Israa’iil ay furto xuduudaha. Wasiirka ayaa arrintan ka dhawaajiyey, xilli uu shir jaraa’id la qabanayey wasiirada arrimaha debedda ee Masar iyo Faransiiska.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey Israa’iil inay xannibayso gargaarka bini’aadnaimo ee la geynayo marinka Qaza. Inkasta oo ay Israa’iil eedahaas beenisay.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo inay maanta dib uga bilawdaan magaalada Qaahira, wadahadaladii u dhexeeyey Israa’iil iyo Xamaas ee ku aaddanaa sidii heshiis xabbad-joojin ah looga gaadhi lahaa dagaalka Qaza.

Netanyahu ayaa la kulmaya culays xooggan oo uga imanaya qoysaska la haystayaasha, kuwaas oo ku cadaadinaya in uu ogolaansho ballaadhan siiyo, xubnaha wadahadalada ku metelaya, si loosii daayo eheladooda lagu haysto Qaza.

Maraykanka: 42,000 oo buundo oo ay dulmaraan 167 milyan oo gaari oo xaaladooda laga dayriyey

Axad 31-March-2024 {HMC} Tan iyo wixii ka dambeeyey, markii uu Markab jiidhay, buundada isku xidha Washington DC iyo Baltimore, waxaa soo badanaya walaaca laga muujinayo, heerka bedqabka buundooyinka Maraykanka.

Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee AP, ayaa lagu falanqeeyey in ka badan 621,000 oo buundo oo Maraykanku leeyahay, kuwaas oo dhererkoodu ka badan yahay illaa 20 feet.

Buundooyinkaas ayaa 42,400 oo ka mida la sheegay in xaaladdoodu aanay wanaagsanayn, waxaana maalin walba isticmaala illaa 167 million oo gaadhi, sida ay sheegtay dawladda Maraykanku.

Inta badan buundooyinkan, ayaa da’doodu ay gaadhaysaa illaa 70 sannadood.

15,800 oo ka mida buundooyinkaas ayaa toban sano ka hor, la diiwaangeliyey inaanay xaaladoodu wanaagsanayn, sida ay ogaatay wakaaladda wararka ee AP.

Gobolka Iowa ayay ku yaallaan buundooyinka ugu badan ee xaaladooda laga dayriyey, halka gobollada ku soo xigaa ay yihiin Pennsylvania, Illinios iyo Missouri.

Intii u dhexeysay sannadihii 1960-kii illaa 2015, waxaa dumay illaa 35 buundo caalamka oo dhan, waxaana ku dhintay illaa 342 qof sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka caalamiga ah ee World Association for Waterborne Transport Infrastructure. 18 ka mida buundooyinka dumay ayaa ku yaallay Maraykanka.

Madaxweynaha Dalka Turkiga oo booqanaya Aqalka Cad ee Mareykanka

0

Axad 31-March-2024 {HMC} Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa booqan doona Mareykanka 9-ka May, waxaa sidaas maanta sheegay sarkaal Turkish ah, taasi oo dhabbaha u xaareysa kulankii ugu horreeyey ee uu ku yeesho Aqalka Cad ee xilliga maamulka Biden.

Booqashada Washington ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee Erdogan tan iyo sannadkii 2019-kii markaasi oo uu la kulmay madaxweynihii xilligaas ee Donald Trump, oo ay lahaayeen xiriir wanaagsan.

Tan iyo doorashadii madaxweyne Joe Biden ee 2020, Ankara waxay raadineysay kulan kale oo fool ka fool ah.

Xiriirka labadan dal ee ka wada tirsan xulafada NATO, oo in muddo ah isku khilaafsanaa arrimo kala duwan, ayaa soo hagaagayey tan iyo markii Ankara ay bishii Janaayo ogolaatay xubinnimada Sweden ee NATO, kadib 20 bil oo dib u dhac ah oo niyad jab ku keenay Washington.

Si kastaba, xiisadda ayaa weli sii jirta, oo ay qeyb ka tahay waqooyiga Suuriya, halkaas oo ciidammada Maraykanku ay xulafo la yihiin dagaalyahannada Kurdiyiinta ee Ankara ay u aragto argagixiso.

Washington ayaa sidoo kale ku cadaadisay Ankara inay wax badan ka qabato sidii loo joojin lahaa badeecooyinka u socda Ruushka ee ay sheegtay in loo isticmaalo dagaalka Moscow ee Ukraine.

Sarkaalkan ayaan wax faah-faahin oo dheeri ah ka bixin socdaalka, balse waxa uu sheegay in madaxa ugu sarreeya sirdoonka Turkiga Ibraahim Kalin uu la kulmi doono xubno ka tirsan aqalka Congress-ka Maraykanka oo uu kala hadli doono socdaalka la qorsheeyay iyo arrimo kale oo xiriirka labada dhinac ah.

Khamiistii iyo Jimcihii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan iyo Wasiirka Difaaca Yasar Guler ayaa sidoo kale la kulmay wafdi Mareykan ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Washington ama safaaradda Mareykanka ee Ankara oo ku saabsan booqashada Erdogan.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Biden iyo Erdogan ay sidoo kale u badan tahay inay ka wadahadli doonaan dagaalka Israel iyo Xamaas – iyadoo ay jiraan hadallo kulul oo Erdogan uu ku dhaleeceeyey ficillada Israel.

Biden iyo Erdogan ayaa sidoo kale ka wada-hadli doona iskaashiga difaaca labada dal oo ay ku jirto ansixinta dhowaan Turkiga loogu ogolaaday iibsashada diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee F-16.

{DAAWO SAWIRADA} Muxuu yahay garoonka kulmiyay geerida iyo kubadda cagta ee Muqdisho ku yaal?

Axad 31-March-2024 {HMC} Meel ku taalla dhanka xeebta ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa laga taagay lix tiir oo alwaaxa oo shub ku mudan kuwaas oo laga dhex taagay ciid cad oo saafi ah, mowjadaha buluuga ee ka soo jabaya badweynta Hindiya ayaa si tartiib ugu soo jaba bar dhammaad u dhow, laakiin waxay inta badan marag ka yihiin dhacdooyin xun xun.

Digniin: Maqaalkani waxaa ku jira sharraxaad laga yaabo in dadka qaarkiis ay ka xumaadaan ama dhibsadaan.

Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa halkan markasta keena rag la tooganayo, kuwaas oo gacmaha looga xiray xargaha caagagga ah, madaxana loo galiyey wax madow dabadeedna waxaa lagu fuliyaa toogasho.

Kooxda fulinaysa toogashada oo ah kuwo si gaara u tababaran ayaa inta badan la qariyaa wajiyadooda

Marka dadka ay toogtaan, kuwa la toogtay waxaa soo lulma madaxyadooda, laakiin inta kale ee jirkooda ayaa toosan maaddaama lagu xirxiray tiirarka.

Inta badan dadka halkan lagu toogto waxaa xukuntay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ragga la toogtana waxay u badan yihiin kuwo ka tirsan kooxda al-Shabaab oo muddo ku dhow labaatan sano dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya, isla markaana ka taliya qaar ka mida gobollada Soomaaliya.

Kuwo kale waa askar lagu helay dambi ah inay dileen dad rayid ah ama saaxiibbo kala tirsanaa ciidamada. Mararka qaarkood maxkamaddu waxay la tacaamushaa dembiilayaasha caadiga ah ee lagu xukumo dil sababtoo ah dembiyadoodda oo aad u culus.

Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu toogtay halkan xeebta u dhow sannadkii hore.

Qofkii ugu dambeeyay ee xukun dil ah wajahaya waa Sayid Cali Macallin Daa’uud oo 6-dii Bishan lagu xukumay dil toogasho ah kadib markii lagu helay in xaaskiisa Luul Cabdicasiis uu gubay ka dib markii sida uu sheegay ay ka dalbatay inuu furo.

Goobtan wax lagu toogto, waxaa ka dambaysa xaafad yar oo ay daggan yihiin ilaa kun qoys oo ku nool guryo burbursan iyo kuwo cooshado ka samaysan, waxayna halkan ka tirsan tahay dugsigii hore ee tababarka booliska ee degmada Xamar Jajab.

“Isla markii shantayda wiil ee yaryari ay dugsiga ka yimaaddaan, waxay u yaacaan xeebta si ay u ordaan ama kubbadda ugu ciyaaraan,” ayay tiri Fartuun Maxamed Ismaaciil, oo ka mid ah dadka deggan xeebta deegaanka xaruntii hore ee tababarka booliiska.

“Waxaan ka walwalsanahay caafimaadka carruurtayda sababtoo ah waxay ku ciyaaraan dhiigga daadanaya ee dadka lagu toogtay, meesha lama nadiifin markii dil lagu fuliyo.” ayey intaas raacisay.

Hadda iyada iyo waaliddiinta kale waxay dareemayaan in ku ciyaarista dhiigga dembiilayaasha la xukumay ay aad u badan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, way adag tahay in laga joojiyo carruurta inay ku biiraan asxaabtooda xeebta maaddaama inta badan waaliddiintu ay isku dayayaan inay si wadajir ah ugu raadiyaan nolol-maalmeedkooda.

Inta badan dilku waxa uu dhacaa aroortii hore, inta u dhaxaysa lixda ilaa toddobada subaxnimo xilliga magaalada Muqdish.

Keliya saxafiyiinta ayaa lagu martiqaadaa inay goob joog ka noqdaan dilka, laakiin cidina kama diidayso dadka deegaanka, oo ay ku jiraan caruur, inay isku soo baxaan oo ay daawadaan.

Deegaankan waxaa in wax lagu toogto ay soo bilaabaty sanadkii 1975-kii markii dalka ay ka talinaysay dowladdi kacaanka ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Dawladdiisii milatariga ahayd waxay tiirar ka taagnaa halkan ay ku toogatay culimadii ka dib markii ay ka hor yimadeen xeerkii qoyska ee dowladdii militarigu xilligaas ku dhawaqday. Laakiin maanta boos ama sees yar ayaa sii haray.

Si kastaba ha ahaatee waaliddiinta ayaa ka walwalsan in carruurta ku ciyaara goobta xukunka ay halis ugu jiraan in waxyeelo soo gaadho marka la fulinayo toogashooyinka.

Waxay sheegeen in carruurtooda ay aad uga argagaxaan booliiska iyo askarta, sababtoo ah waxay kaliya arkaan iyagoo dad ku tooganaya goobtan.

“Waxaan ku dhibtoodaa inaan seexdo habeenkii, waxaana dareemaa walwal xooggan mar walba,” ayay tiri Faadumo Cabdillaahi Qaasim, oo daggan meel wax yar u jirta goobta dilku ka dhaco.

“Mararka qaar waxaan maqlaa rasaas subaxii oo aan ogahay in qof la dilay,” ayay tiri.

“Waxaan isku dayaa inaan carruurteyda ku sii hayo guriga mar walba, waan murugeysanahay, waan necbahay inaan dibadda u baxo oo aan arko dhiig ku qulqulaya ciidda agteyda ah,” ayey intaas ku dartay Faadumo.

 

Dadka ku nool agagaarka xaafadaha u dhow goobta dilka lagu fuliyo ayey suuragal tahay inay dhibaato ka soo gaarto, balse waxaa laga yaabaa in Soomaali badan ay soo dhaweeyaan xukunnada dilka ee lagu fuliyo xubno ka tirsan al-Shabaab.

Faadumo Qaasim, waa wax aan caadi ahayn inay ka soo horjeesato arrintaas, maaddaama wiilkeedii oo 17 sano jir ahaa, oo nadiifiye ka ahaa baar cuntada fudud lagu iibiyo uu ku dhintay qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho bishii October sanadkii 2022-kii, in ka badan 120 qof oo kalane ay ku dhaawacmeen kaas oo lagu eedeeyey al-Shabaab.

“Ma garanayo shakhsi ahaan dadka la dilayo, laakiin waxaan aaminsanahay in dhaqanku yahay mid bini’aadantinimada ka baxsan,” ayay tiri.

Ma aha oo kaliya carruurta ka soo jeeda xaafadda xeebta inay ku ciyaaraan ciidda u dhow xarumaha xukunka laakiin sidoo kale dhalinyaro ka kala timid xaafadaha kale ee magaalada ayaa isugu yimaada halkaasi, gaar ahaan maalmaha Jimcaha, oo ah maalin fasax ah.

Dadka halkan yimaada waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Aadam oo 16 jir ah, wuxuu sheegay in isaga iyo walaalkiisa ay halkan yimaadan Jimce kasta si ay ugu dabaashaan ama ku bad ugu ciyaaraaan xeebta.

Wuxuu intaas ku daray in sidoo kale walaashii ay halkan timaado iyadoo si quruxsan ugu labisan dhar ay soo xulatay si sawiro uga qaadan goobtan.

Isaga iyo dadka kale ee yimaada xeebtan waxay ogyihiin in halkan tahay goob dadka lagu toogto iyo qabuuro lagu aaso basle quruxda xeebta ayaa iyaga uga muhiimsan.

“Ardayda aanu isku fasalka nahay way ka masayraan markay arkaan sawirrada, ma garanayaan inaan ku wada galnay goob dil.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan.

XIGASHO BBC

Mareykanka oo hub dheeri ah siinaayo Israa’iil iyo Netanyahu oo Ongolaaday.

0

Axad 31-March-2024 {HMC} Maamulka Mareykanka ayaa ogolaaday inuu u diro Israa’iil shixnado hub ah oo ku kacaya 2.5 bilyan oo dollar, inkastoo Washington ay shaacisay cabsida ay ka qabto weerar la filayo inay Israa’iil ku qaado Rafah.

 

Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya laba ilood oo rasmi ah oo ka tirsan Wasaaradaha Difaaca iyo Dawladda ayaa sheegay in maamulka Madaxweyne Joe Biden uu oggolaaday in Israa’iil laga iibiyo 25 diyaaradood oo F-35 ah iyo kumannaan bambaanooyin aan tooska ahayn.

 

Wararku waxa ay sheegayaanin ilaahaasi ay soo xigatay Washington Post ay xaqiijinayaan in xirmooyinka cusub ee hubka ay kamid yihiin in ka badan 1,800 MK84 bambooyin ah oo midkiiba culeyskiisu yahay 2,000 rodol iyo 500 MK82 oo midkiiba uu yahay 500 rodol.

{DAAWO MUQAALKA} Nin Bam Gacmeed ku tuuray Masaajid oo la qabtay

Axad 31, March 2024 {HMC}  Nin Bam Gacmeed ku tuuray Masaajid oo la qabtay iyo Laamaha Amaanka oo Howlgal Ka Sameeyay Qar Kamid ah Xaafadaha Magaalada Baydhabo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Puntland oo Sheegay In ay Aqoonsiga Kala laabteen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

0

Isniin 31, March 2024 {HMC} Golaha Wasiirada Puntland oo haatan uu usoo dhamaadey shirkooda degdeg ahaa ayaa waxay aqoonsiga kala laabteen dowladda federaalka Soomaaliya iyaga oo sheegay in madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu jebiyey dastuurkii lagu doortey.

HOOS KA AQRISO WARSAXAAFADEEDKA AY SO SAARTAY PUNTLAND.

 

Former South Africa Leader Zuma Barred From Running in Elections

0

Monday 31, March 2024 {HMC} Former South African President Jacob Zuma is not eligible to run in upcoming elections, the Independent Electoral Commission has ruled.

The commission said at a media briefing on Thursday that it had upheld an objection against Zuma’s candidacy in the May 29 elections.

In July 2021, Zuma was sentenced to 15 months in prison for defying a court order to appear before a judicial commission that was investigating corruption allegations during his 2009-18 presidency. He was granted medical parole after two months and allowed to serve the rest of the sentence under house arrest.

South Africa’s Constitution bars people convicted and sentenced to more than 12 months’ imprisonment, without an option of a fine, from holding public office.

Zuma and his legal team stormed out of the judicial proceedings when he was asked about wide-ranging allegations of corruption during his rule, including the role of an Indian family, the Guptas, who allegedly had influence over his Cabinet appointments.

Zuma, 81, has until April 2 to appeal the commission’s ruling.

He is the now face of a new political party, uMkhonto weSizwe Party, abbreviated as MK, that has emerged as a potentially significant player in South Africa’s upcoming elections after he denounced the governing African National Congress, which he had previously led.

The new party is named after the former military wing of the ANC, which was disbanded at the end of white minority rule and racial segregation policies under the former apartheid regime.

Zuma’s announcement that he is leaving the ANC has been one of the notable developments ahead of the elections.

His face is on the MK Party’s election posters, and he is the party’s most prominent figure and the main speaker at its election rallies.

His battle against the ANC has landed in some of the country’s highest courts, with the MK Party scoring a victory this week when a court ruled against the ANC’s application to deregister the MK Party and ban it from participating in the elections.

In a separate case, the ANC is contesting the MK Party’s use of its name and logo, which closely resembles that of the ANC’s former military wing.

Local news outlet News24 reported that Zuma was involved in a car accident on Thursday but was unharmed.

SOURCE VOA

IMF Confirms Increasing Egypt’s Bailout Loan To $8 Billion

0

Saturday 30, March 2024 {HMC} — The executive board of the International Monetary Fund confirmed a deal with Egypt to increase its bailout loan from $3 billion to $8 billion, in a move that is meant to shore up the Arab country’s economy, which is hit by a staggering shortage of foreign currency and soaring inflation.

In a statement late Friday, the board said its decision would enable Egypt to immediately receive about $820 million as part of the deal, which was announced earlier this month.

The deal was achieved after Egypt agreed with the IMF on a reform plan that is centered on floating the local currency, reducing public investment and allowing the private sector to become the engine of growth, the statement said.

Egypt has already floated the pound and sharply increased the main interest rate.

Commercial banks are now trading the U.S. currency at more than 47 pounds, up from about 31 pounds. The measures are meant to combat ballooning inflation and attract foreign investment.

The Egyptian economy has been hit hard by years of government austerity, the coronavirus pandemic, the fallout from Russia’s full-scale invasion of Ukraine and, most recently, the Israel-Hamas war in Gaza. The Houthi attacks on shipping routes in the Red Sea have slashed Suez Canal revenues, which is a major source of foreign currency. The attacks forced traffic away from the canal and around the tip of Africa.

“Egypt is facing significant macroeconomic challenges that have become more complex to manage given the spillovers from the recent conflict in Gaza and Israel. The disruptions in the Red Sea are also reducing Suez Canal receipts, which are an important source of foreign exchange inflows and fiscal revenue,” said IMF Managing Director Kristalina Georgieva.

The IMF said such external shocks, combined with delayed reforms, have hurt economic activity. Growth slowed to 3.8% in the fiscal year 2022-23 due to weak confidence and foreign currency shortages and is projected to slow further, to 3%, in the fiscal year 2023-24 before recovering to about 4.5% in 2024-25, the IMF statement said.

The annual inflation rate was 36% in February, but is expected to ease over the medium term, the IMF said.

The currency devaluation and interest rate increase have inflicted further pain on Egyptians already struggling with skyrocketing prices over the past years. Nearly 30% of Egyptians live in poverty, according to official figures.

Finance Minister Mohamed Maait said the confirmation by the IMF executive board “reflects the importance of the correcting measures” taken by the government.

Egypt also this month signed a deal with the European Union that includes a 7.4 billion-euro ($8 billion) aid package for the most populous Arab country over three years.

To quickly inject much-needed funds into Egypt’s staggering economy, the EU intends to fast-track 1 billion euros ($1.1 billion) of the package, using an urgent funding procedure that bypasses parliamentary oversight and other safeguards, according to European Commission President Ursula von der Leyen.

SOURCE VOA