Home Blog Page 2641

{DAAWO MUQAALKA} Habdhowraha Golaha Shacabka Xil. Maxamed Cabdullaahi ayaa sharaxay Heerka uu soo maray Cutubyada DKM

0

Axad 31, March 2024 {HMC} Habdhowraha Golaha Shacabka Xil. Maxamed Cabdullaahi ayaa sharaxay Heerka uu soo maray Cutubyada DKM

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka Booliska Oo Gacanta Kusoo Dhigay Eedaysane Gaari Marsiiyay ilma yar oo Sagaal jir ah.

0

Axad 31, March 2024 {HMC} Ciidanka Booliska Oo Gacanta Kusoo Dhigay Eedaysane Gaari Marsiiyay ilma yar oo Sagaal jir ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Bankiga Itoobiya oo si khaladan looga la baxay Malaayiinta doollar.

0

Axad 31, March 2024 {HMC} Bankiga Itoobiya oo si khaladan looga la baxay Malaayiinta doollar.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Hay’adda Istaatistikada Qaranka ayaa Muqdisho ku soo Bandhigtay Barnaamijka Wada-hadal Qaran.

0

Axad 31, March 2024 {HMC} Hay’adda Istaatistikada Qaranka ayaa Muqdisho ku soo Bandhigtay Barnaamijka Wada-hadal Qaran.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliland oo war ka soo saartay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

0

Axad 31, March 2024 {HMC} Soomaaliland oo war ka soo saartay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Baaq nabadeed oo laga soo saaray Dagaalka ka soconaya Magaaada Diinsoor.

0

Axad 31, March 2024 {HMC} Baaq nabadeed oo laga soo saaray Dagaalka ka soconaya Magaaada Diinsoor.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo hakad gelisay wadshaqeyntii kala dhaxeysay Dowladda dhaxe.

0

Axad 31, March 2024 {HMC} Puntland oo hakad gelisay wadshaqeyntii kala dhaxeysay Dowladda dhaxe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Waa Kuwee Qodobada Ugu Muhiimsan ee Wax Laga Badalay Dastuurka?

Axad 31, March 2024 {HMC} Baarlamaanka Soomaaliya ee ka kooban labada aqal ayaa shalay cod aqlabiyad leh ku ansixiyey dib u eegidda dasturuka KMG iyo wax ka beddelka qaar ka mid ah afar cutub oo dastuurka ku jira.

Qaar ka mid ah waxyaabaha la beddelay waxaa ka mid ah muddada xil haynta madaxweynaha oo laga dhigay 5 sano, halkii ay markii hore afar sano ahayd, ayadoo madaxweynahana uu ku imaanayo doorasho ay shacabku soo dooranayaan.

Waxaa kaloo wax laga beddelay arrinta ku saabsan guddiga doorashooyinka oo markii hore ahaa mid madax banaan, laakinse wax ka beddelkan uu ka dhigayo mid uu madaxweynuhu magacyada xubnaha qoraal ku soo saaro marka ay soo jeedin uga timaado golaha wasiirrada.

Qodobada kale ee wax laga bedelay waxaa kamid ah arrimaha ay siyaasiyiinta aadka uga qayliyeen ee u badan awoodaha madaxweynaha sida magacaabidda ra’iisul wasaaraha iyo doorashooyinka dalka oo guddiga uu madaxweynaha soo magacaabayo ay qabanayaan.

Waxaa sidoo kale la bedelay magacii horey loogu yeeri jiray madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira ee ahaa Madaxweyne, waxaana hadad kadib loogu yeeri doonaa madaxdaasi magaca hoggaamiye.

Arrimaha aan wax laga beddelin ee dib loo dhigay waxaa ka mid ah qodob hadal hayn badan dhaliyey oo ah da’da qaangaarnimada, da’da qaangaarnimada ayaa laga dhigay 15 sanno halkii ay markii hore ka ahayd 18 sano.

Waxaa kaloo dib loo dhigay oo ku jiray nuqulkii loo qaybiyey xildhibaannada Khamiistii “xaqa nolosha” iyo “xorriyadda diinta”.

Sababta dib loogu dhigay ayaa lagu sheegay in la tashiyo iyo cilmi baaris dheeraad ah lala yeelanayo hadba cidda aan looga maarmin, sida lagu xusay qoraal uu guddoonka baarlamaanka u gudbiyey guddoomiyaha guddiga dib u eegidda iyo la socodka hirgelinta dastuurka Xuseen Qaasim Yuusuf (Xuseen Iidoow).

Sida uu dhigayo qodobka 5aad ee habraaca wax ka beddelka dastuurka ee hore uu baarlamaanku u ansixiyey, waxaa qodobbada dastuurka loo soo gudbin doonaa cutub-cutub. Maanta waa afar cutub waxa la ansixiyey, cutubyada kalena way ku xigi doonaan ilaa cutubyada dastuurka oo dhan la wada ansixiyo, ka dibna inta la isku keeno ayaa dastuurka oo buuxa laga tala galin doonaa maamul goboleedyada, ayadoo markaasna 3 meelood oo 2 loo baahanaan doono xildhibaannada inay ansixiyaan, taasna way ka duwan tahay sidii maanta loo ansixiyey oo ahayd aqlabiyad hal dheeri ah” ayuu yiri Dr Sakariye Yuusuf oo ah sharci yaqaan daraasad ku sameeyey dastuurka.

Waxaa hore uga biyo diiday siyaasiyiin ay ka mid yihiin madaxweyneyaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale.

Laakinse madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo aad u doonayey in la qabyo tiro dastuurka muddada uu xilka hayo ayaa hore u sheegay in ay sidaas u samaynayaan labo ujeedo; waa midda koowaade in dadka laga ilaaliyo wax kasta oo ay ku kala qaybsami karaan iyo in lagu dhiirado wax kasta oo horey uga dhaqaajin kara wadanka halka uu maanta taagan yahay.

Bishii August ee sanadkii hore xildhibaannada labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa dood aan loo kala kicin labo maalmood oo xiriir ah ka yeeshay habraaca loo marayo wax ka badalka qodobada qaar ee ku jira Dastuurka kumeel-gaarka ah, waxaana argatidooda dhiibtay xildhibaano kor u dhaafay 50, waxayna muujiyeen aragtiyo iska soo horjeeda oo qaar baa doonayay in sidooda lagu qaato qodobada wax ka badalka dastuurka ee ka yimid Golaha Wadatashiga Qaranka, halka kuwa kale ay gabi ahaanba diideen in qodobadaas hadda la taabto, inkastoo aakhiritaankii maanta si aqlabiyad leh loo ansixiyey.

{DAAWO SAWIRADA} Gudi Booqday Deegaanka Eji ee G.Hiiraan Oo Baaq Deg deg ah Kasoo Saaray Guryahii la Gubay.

0
Axad 31-March-2024 {HMC} Gudi ka kooban Culuma-udiin iyo Odoyaal dhaqameed ayaa Booqday Deegaanka Eji oo hoostagta Degmada Jalalaqsi halkaasi oo dhawaan uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeyo Labo Maleeshiyo Beelled oo sababay in la gubo guryahii ku yaallay deegaankan.
Ku dhawaad Kun Guri ayey Maleeshiyo Hubeeysan ay dab qabad-siiyeen todobaadkii hore, waxaana halkaasi iskaga barakacay Dadkii daganaa deegaankan oo u badnaa dad Beeraleey ah,
Culuma-udiinka Deegaanka Booqday ayaa wacyigalin usameeyay Labada Beellod ee dagaalka u dhaxeeyay, waxaana ugu baaqeyn in dagaalka lagu Joojiyo Si Sharuud la’aan ah.
Odoyaasha iyo Culuma-udiinka ayaa Cambaareeyay Falkii lagu gubay guryaha dadka shacabka ah dagaanaayeen iyo dadkii wax ku noqday.
Sidoo kale Odoyaasha iyo Culuma-udiinka ayaa ku dhawaaqay Xabad Joojin deg deg ah oo ku aadan Labada Beelood ee dagaalka u dhaxeeyay. Taasi oo soconeeyso Mudo sadax Maalin ah kadibna leeysku keenayo dadkii dhibaatada dhax martay.
Sidoo kale Waxaa ay soo saareeyn Baaq wadajir ah oo ku aadan in Dowlada Soomaaliya, Maamulka Hirshabeelle iyo Hay’adaha Samafalka in laga qeeyb qaato Sidii dadka danyar ee guryaha laga gubay loogu dhise lahaa guryahooda.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 31-03-2024

Axad 31-March-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Cali Axmed

farsamadii;Maxamed barayare xaamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIM