Home Blog Page 2647

{DAAWO MUUQAALKA} Sheikh Mohamud Sheikh Abdulbaari oo Baaq Nabadeed udiray Beelaha ku dagaalamaya Dagmada Diinsoor

0

Sabti 30-March-2024 {HMC} Sheikh Mohamud Sheikh Abdulbaari oo Baaq Nabadeed udiray Beelaha ku dagaalamaya Dagmada Diinsoor

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Xil. Nuradin Dastuurka waannu u codaynaynnaa Saaka, cidda diidan waxay diidantahay Sooomaaliya

0

Sabti 30-March-2024 {HMC} Xil. Nuradin Dastuurka waannu u codaynaynnaa Saaka, cidda diidan waxay diidantahay Sooomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo afur wadareed u sameysay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya

0

Sabti 30-March-2024 {HMC} Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo afur wadareed u sameysay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALAKA} Bankiga Itoobiya oo si khaladan looga la baxay Malaayiinta doollar.

0

Sabti 30-March-2024 {HMC} Bankiga Itoobiya oo si khaladan looga la baxay Malaayiinta doollar.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Xildhibaano aad ugu dhawaa Farmaajo oo u weecday Xasan Sheekh taageerana u muujiyay…

Sabti 30-March-2024 {HMC} Waxaa saakay oo Sabti ah lagu wadaa in xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay meel mariyaan wax ka bedelka qodobo kamid ah dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumadiisa ayaana dedaal badan ku bixinaya sidii xildhibaanada labada Aqal u meel marin lahaayeen wax ka bedelka qodobo kamid ah dastuurka, halka ay arrintan si weyn uga soo horjeedaa siyaasiyiinta mucaaradka.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda wax ka bedelka dastuurka, waxa uuna uga digay xildhibaanada in ay qaataan go’aan dalka halis gelin kara.

Xildhibaano badan oo horey u taageersanaa Farmaajo kana mid ahaa kooxdiisa ayaa hadda u muuqda in Villa Soomaaliya kala fur furtay, kuwaa oo hadda si cad ugu ololeenaya wax ka bedelka dastuurka KMG uu diidan yahay hoggaamiyihii soo saaray.

Taliyihii KMG ee ahaa ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey oo kamid ahaa xildhibaanadii daacada u ahaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa hadda u muuqda mid ka furtay oo tolnimo qaaday, waxa uuna taageeray wax ka bedelka dasturrka waliba uu u ololeenayo.

”Beri (Maanta) waa maalin weyn waxaan dhammaan shaki nooga jirin in dastuurka oo la qabyo tiro lana dhameystiro ay kamid tahay shaqada shacabka aan wakiilka ka nahay naga sugayaan, Shaqooyinka na horyaala kuma xirna Jeceyl ama Naceyb, Eed iyo amaan, Waxaa wax looga bedelay hordhaca Wax ka bedelka Dastuurka afarta Cutub Doodaha Iyo Aragtiyada xubnaha baarlamaanka kaliya. Kuma jiri karto nin jecleysi, koox jecleysi iyo xaalad abuur, xafiiltan siyaaseed ma geli karto, ayuu yiri Yaasiin Farey .

Xildhibaan Dayah Cumar oo sidoo kale kamid ahaa dhallinyaradii Fahad iyo Farmaajo xildhibaanada ka dhigeen ayaa isna si weyn u taageeray ololaha Villa Soomaaliya ee wax looga bedelayo wax ka bedelka dastuurka .

Madaxweynaha Soomaaliya oo siyaabo kala duwan ula kulmay xildhibaanadii taageersanaa siyaasiyiinta mucaaradka ayaa kala fur furay, waxa uuna madaxweynaha xildhibaanada u sameeyay ballan-qaadyo kala duwan ay ku jiraan xilal iyo lacag.

Maxaa ka cusub kulanka maanta baarlamaanka ee go’aan ka gaarista dastuurka

Sabti 30-March-2024 {HMC} Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay yeeshaan kulan xasaasi ah oo wadajir ah, kaas oo ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Qaban qaabadii ugu dambeysay kulankan oo lagu meel marin doono wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka ayaa haatan socota, waxaana xildhibaanadu ay sii galayaan hoolka baarlamaanka oo lagu ballamay in xilli hore lasoo galo si loo gudaha galo dastuurka.

Xildhibaanada ayaa ku kala qaybsan arrintan, inkastoo Villa Soomaaliya oo garab ka heleysa guddoonka sare ay wado qorshihii ugu dambeeyay ee ansixinta afarta cusub ee ugu horreyso dastuurka dalka

Waxyaabaha ku qoran cutubka afaraad waxaa kamid ah inuu dalka yeesho ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu eryi karo markii uu doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay cadaadis ku saabsan sameynta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ayaa hadda u guuray ra’iisul wasaare uu isagu xilka ka qaadi karo.

Villa Somalia ayaa xilligaan dadaal xooggan ugu jirta sidii uu meel-mar u noqon lahaa wax ka beddelka dastuurka ee ay rabto, waxayna dooneysa in cod gacan taag ah ay mudaneyaasha labada aqal ku meel-mariyaan dastuurka.

Markii ugu horaysay taariikhda siyaasada Soomaaliya ayaa waxaa dhici karta in xildhibaan uu Sabtiga u codeeyo baarlamaan aan madaxweyne dooranaynin, ra’iisul wasaarana xil ka qaadi karin, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasiyiinta mucaaradka qaar ayaa qaba in waxaas oo idil ay ku soo dhammaanayaan “xilka waan haynayaa ilaa doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah dalka ka dhacdo,” si lamid ah sancadii madaxweynihii xilka uga horreeyey oo la soo hormariyey.

Puntland ayaa dhankeeda horay cadeysay in aanay qeyb ka noqon doonin qorshaha dastuur ee madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ku tilmaameen mid xambaarsan “talo maroorsi”, ayada oo shaki gelisay sharciyad ahaantiisa haddii la meel-mariyo

{DAAWO MUUQALKA} Kulanka Barlamaanka Manta iyo Diidmada Madaxda Macuuradka oo xoogan.

0

Sabti 30-March-2024 {HMC} Kulanka Barlamaanka Manta iyo Diidmada Madaxda Macuuradka oo xoogan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Xil Islow Ducaale oo baaq u diray xildhibaanada iyo kooxaha diidan dhameystirka dastuurka .

Sabti 30-March-2024 {HMC} Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka hadlay wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka Soomaaliya oo la filayo in baarlamanka uu maanta meel-mariyo, isaga oo baaq u diray xildhibaanada iyo kooxaha diidan.

“Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya waxay haddii ALLE idmo gudan doonaan waajibaadkii ugu muhiimsanaa ee baarlamaan Soomaaliyeed taariikhda ku galo, iyagoo u codeyn doona 4 cutub oo ka mida dastuurka dalka,” ayuu yiri Ducaale,

“Xildhibaannada waxay metelaan shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan kula talinayaa inay xaqooda dastuuriga ah si mas’uuliyad ku jirto u gutaan.”

Wasiirkii hore ee amniga ee xukuumaddii Xasan Cali Kheyre, Ducaale ayaa ugu baaqay mucaaradka iyo madaxdii hore ee dalka inay ku kalsoonaadaan xildhibaannada baarlamaanka ku metela, kuwaas oo go’aanka dastuurka gaari doono.

Ducaale ayaa sheegay inuusan aqoon sida loo qancin karo saddex koox.

“Anigu xildhibaan ahaan ma aqaan si loo qancin karo saddexdan kooxood: 1- Maamul ama koox aan aqoonsaneyn baarlamanka Federaalka, 2- Siyaasiyiinta qaarkood oo Mas’uulka markaas xilka haya dartiis u diidan dhammeystirka dastuurka KMG. 3- Iyo ciddii doonaysa inay dalka dib ugu celiso xilligii hoggaamiye kooxeedyada, kuna baaqaysa ‘SHIR DIB U HESHIISIIN’,” ayuu yiri Ducaale.

Ducaale ayaa ka mid ahaa wasiiradii ugu waqtiga dheeraa xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ee madaxweyne Farmaajo, isaga oo xilkaas hayey muddo ka badan saddex sano.

Waxay aad isugu dhowaayeen Kheyre, oo uu ka mid ah wasiiro yar oo la saftay markii ay is-qabteen Farmaajo, taasi oo ugu dambeyn uu xilkiisa ku waayey markii la magacaabay Rooble. Kheyre ayaa hadda ka mid ah madaxdii hore ee diidan dhameystirka iyo wax ka beddelka dastuurka.

{DAAWO MUUQAALKA} Fahad Yasin: “Ansixinta Wax ka bedelka dastuurka waa shirqoolkii ugu halista badnaa

0

Sabti 30-March-2024 {HMC} Fahad Yasin: “Ansixinta Wax ka bedelka dastuurka waa shirqoolkii ugu halista badnaa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Mahad-Waasugi .”4 Cutub Hadii la Ansaxiyo Manta, Shacabka ayaa Madaxweynaha Soo dooran .”

0

Sabti 30-March-2024 {HMC} Mahad-Waasugi .”4 Cutub Hadii la Ansaxiyo Manta, Shacabka ayaa Madaxweynaha Soo dooran .”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA