Sabti 30-March-2024 {HMC} Faah faah laga helayo Dad Kenyaan ah oo lagu laayey gudaha Soomaaliya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Sabti 30-March-2024 {HMC} Faah faah laga helayo Dad Kenyaan ah oo lagu laayey gudaha Soomaaliya
Sabti 30-March-2024 {HMC} Gurmad Lagu Caawinayo Dadkii Deegaanka Iji Ka Barakacay oo Jowhar ka Biloowday
Sabti 30-March-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Abdi maajid abdirxman aadan
farsamadii;Maxamed barayare xaamud
Sabti 30-March-2024 {HMC} Taliyihii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo dhigay bartaTwitter ku shaaciyey shirqool uu sheegay inuu yahay kii ugu halista badnaa ee loo dhigo Soomaaliya.
Fahad ayaa sheegay in shirqoolkan ay ka dambeyso Dowladda Imaaraadka Carabta, uuna ka kooban yahay saddex weji, oo laba ka mid ah ay hadda socdaan, midna uu ku xigo, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka aqriso qoraalka Fahad.
𝐐𝐀𝐘𝐋𝐎–𝐃𝐇𝐀𝐀𝐍 𝐐𝐀𝐑𝐀𝐍
Waxaan la wadaagayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed hadal taariikhi ah oo xiriir la leh mustaqbalka dalka, waana shirqoolkii ugu halista badnaa oo la fulinayo iyadoo la adeegsanayo maskaxda iyo gacmaha masuuliyiin haya xilal qaran. Dowladda Imaaraadka Carabta oo dhawr jeer isku dayday qorshahan ayaa heshay fursad dahabi ah, waana in dalka Soomaaliya la galiyo qalalaase iyo burbur uusan ka soo kaban karin muddo dheer.
Qorshaha koowaad waa in ciidanka qaranka la wiiqo ilaa uu ka gaaro heer uu burburo, gobol walbana loo dhiso ciidamo u gooni ah. Shirqoolkan sanad iyo barkii u danbeeyey ayaa la waday. Xaaladda uu Ciidanka Qaranku ku suganyahay maantay qofkii xog ogaal ahi kama qarsoona.
Wajiga labaad ee qorshaha Imaaraatka waa in la burburiyo xariga isku haya siyaasadda dalka, waana dastuurka kumeel gaarka ah. Haddii dastuurkaas meesha ka baxo waa buundo loogu sii gudbayo wajiga saddexaad oo ah in maamullada dalka qaarkood ku dhawaaqaan iney goosteen oo ay ku daydaan Somaliland, waxaana diyaarsan laba kamid ah maamul goboleedyada dalka.
Cid walba oo laxaw uu ka hayo midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed, waxaa maanta saaran waajib wadani ah, oo ah sidii dalka looga badbaadin lahaa shirqoolkaas halista ku ah jiritaanka iyo wadajirka dalka.
Sabti 30-March-2024 {HMC} Haddii habka qarda-jeexa ah lagu hirgeliyo nidaam madaxtooyo waxaa ka dhalan kara afar arrimood.
1.burburka dalka waxaa xuddun u ah xukun lagu diriray. Askartii qabsatay dalka 1969 kii waa ay diiday inay xukunka shacabka ku celiso. Dadkii xukunka danaynayey waxay la galeen nidaamkii militariga dagaal hubeysan. Waana lagu burburay.
Iyadoo taas la xusuusan yahay ayaa dowlad-dhiska Soomaalida waxaa lagu saleeyey aragti dib-u-heshiineed iyo isku-jiid-jiid kooxaha isku haya xukunka dalka. Nidaamka madaxtooyada iyo habka loo marayo dastuur-sameyntuba waxay ku dhisan yihiin habka is-maquuninta iyo isku-itaal-sheegashada.
2.maaddaama uu dalku weli nugul yahay, waxaa ka dhalan kara in siyaasiyiinta iyo beeluhuba ku kala qeybsamaan. Taasi waxay sii fogeyneysaa rajada laga qabo in dowladnimadu hana-qaado. Waana muuqataa oo siyaasiyiin dan ka leh xukunka ayaa si weyn uga horyimid nidaamka.
Madaxweyneyaal hore, Shariif Sheekh Ahmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan habka ay dowladdu wax u waddo. Ra’iisul-Wasaare hore Xassan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo siyaasiyiin kale oo farabadan ayaa iyaguna ka hor yimid.
Saciid Cabdullaahi Deni oo ah madaxweynaha Puntland ayaa warqad diginin ah soo saaray. Waxaana dhici karta inay gobollada qaar ama beelaha qaar ay qabaan tabashooyin u gooni ah. Marka lagu daro Madaxweyne Xassan Sheekh waa intii 2022 ku tartantay xukunka.
3.waayadan dambe, Soomaalida ayaa doodi jiray oo dabadeedna xal jacbur gaari jiray. Haddii ay madaxda dowladdu xakamayn waayaan khilaafka, waxaa dhici karta in faragelin ka timaad beesha lixaad ay timaado. Waana tan uu Madaxweyne Farmaajo ka digayey. Tusaale dhowna waxaaba u ah doorkii ay beesha caalamku ka qaadatay khilaafkii siyaasadeed ee dhacay xilligii Madaxweyne Farmaajo.
Ugu dambeyn, waxaa ka imaan kara in waqti badan oo loo baahna uu ku lumo oo ay dowladdu ka mashquusho hawlaha kale ee waaweyn ee ay masuulka ka tahay. Runtiina, waaba ay dhacday. Dhanka kale, waxaa iyaduna iman karta in nidaam kasta oo yimaad uu isku dayo inuu sameysto xeerar uu xukunka ku sii baahsan karo.
Jawaabtu waa laba heer. Tan hore, waa yaa ka heshiinaya, sideese looga heshiinayaa habka loogu tartamayo siyaasadda iyo nidaamka dalka lagu maamulayo? Madaxda dowladdu waxay rabaan inay iyagu kaligood dejiyaan xeerarka hagaya tartanka, ayna ciyaaraan iyagoo koox ah, dabadeedna ay garsooraan iyagoo adeegsanaya guddiyada maamulayo tartanka. Taas sax ma aha.
Sideedaba siyaasadi waxay ka dhexeysaa qolada markaas xukunka joogta oo rabta inay sii joogaan iyo mucaarad doonaya inay ka qaataan. Sanadkii 2022, waxaa doorashadii Soomaalidu dhextiil lixdii kooxood ee ay hoggaaminayeen lixdii musharrax ee helay codadkii ugu badnaa. Siyaasadda maanta joogtana waxaa muuqda inay weli is-hortaagan yihiin lixdii kooxood iyo lixdii siyaasi ee hoggaaminaysay.
Dabcan, waxaa jiri kara kuwa kale oo danaynaya inay soo baxaan. Haddase waxaa u cod-dheer lixdaas kooxood. Tan kale, waxaa door leh madaxda maamul-goboleedyada iyo xildhibaannada labada gole.
Madaxweyne Xassan Sheekh waa inuu kooxaha ay siyaasadda isku hayaan uu kala heshiiyo xeerar taran oo loo siman yahay. “Waa siyaasiyiin shaqa la’aan ah” ma soconeyso, doorkii horena Madaxweyne Farmaajo uma shaqeyn.
Dhanka nidaamka ku habboon Soomaaliya xilligan la joogo waxaan u arkaa inuu yahay nidaamka baarlamaaniga ah ee leh muuqaalka madaxtooyada. Waxaa isticmaala nidaamkan dalka Koonfur Afrika. Waxaa tartamaya xisbiyo abaabulan oo leh anshaxa xisbiyada.
Hoggaamiyaha xisbiga ku guuleysta doorashada ayaa noqonaya madaxweyne, waxaana codka kama-dambeysta siinaya baarlamaanka. Dabcan, xubnaha xisbigu ma ka leexan karaan rabitaanka xisbiga oo kuraasta xisbiga ayaa iska leh ee xildhibaanku ma laha. Weliba waa lagu salayn karaa dhaqan-siyaasadeedka Soomaalida. Waase in la iska warsado.
Haddii ay madaxweyne Xassan Sheekh iyo madaxda mucaaradku xaldoon yihiin waa ay sahlan tahay in xal la helo.
W/Q: Afyare Cabdi Cilmi oo ah macallin cilmi-baare ah oo ka tirsan Jaamacadda City ee Muqdisho. Sidoo kalena ku taqasusay cilmiga siyaasadda, kana qaatay PhD Jaamacadda Alberta, Canada.
Sabti 30-March-2024 {HMC} Madaxweynihii hore ee dalkan Maraykanka Donald Trump ayaa weydiistay maxkamadda racfaanka ee Georgia, inay baabi’iso galdacwadeedka xeer ilaaliyaha degmada Fulton County, kaas oo ku saabsan, eedo la xidhiidha, isku daygii uu Trump doonayey inuu ku hor istaago natiijada doorashada ee gobolka Georgia, sannadkii 2020, xilligaas oo doorashada looga adkaaday.
Qoraalkan oo ay gudbiyeen musharaxa madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga Donald Trump iyo sideed eedaysane oo kale oo iyana dacwado ku socdaan, ayaa weydiistay maxkamadda racfaanku, inay meesha ka saarto xukunkii la soo saaray bishan, kaas oo u ogolaanayey xeer ilaaliye Fani Willis inay sii wadato dacwadaha ay ku soo oogayso Trump iyo eedaysanayaasha kale.
Maxkamadda racfaanku waxay haysataa muddo 45 maalmood ah, si ay go’aan uga gaadho, inay kiiskan hore ugu socoto iyo inkale.
Sabti 30-March-2024 {HMC} Dalka Itoobiya waxaa ka socda dadaal uu dib ugu soo ceshanayo bankiga ugu weyn dalkaas lacag si khaldan ay dad ugala baxeen xisaabaadkooda, ka dib markii nidaamka bankiga ee farsamo ahaan kaligiis is maamula uu khalkhal ku yimid, waxayana taasi keentay in la xisaabin waayo caddadka lacagaha lagala baxay akoonnada oo ay dadku la baxeen lacago ka badan intii akoonnada ugu jirtay.
Sida ay qortay wakaaladda wararka AP, bankiga ganacsiga ee Itoobiya wuxuu iminka dib u soo ceshtay in ka badan 80% lacagtii sida khaladka ah kaga luntay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay, taasoo ay keentay cillad farsamo.
Abe Sano oo ah guddoomiyaha bankiga ayaa u sheegay warfidiyeenka in ilaa 14 malyan oo Doollar lagala baxay bankiga ama loo wareejiyey baanan kale muddadii ay cilladaas farsamo jirtay, waxayna taas meesha ka saaraysaa wararka sheegaya in bankiga ay ka luntay 40 Malyan oo doollar.
Wuxuu sheegay in lacagaha sida tooska ah loola baxay ay u dhaxeeyaan 9 senti ilaa iyo 5,350 doollar, kuwaasoo ay la baxeen dad tiradooda lagu qiyaasay 15,000 oo qof oo ka faa’iidaysanaya cilladda farsamo ee nidaamka bankiga muddadii ay socotay shaqada caadiga ah ee mar kasta laga qabto hanaanka bankiga uu ku shaqeeyo.

Ilaa 15,000 oo qof ayaa la sheegay in ay hadda soo celiyeen lacagaha dheeraadka ah ee ay la baxeen, waxaase la sheegayaa inay jiraan 567 qof oo weli aan wax lacag ah soo celin, ayadoo ay dawladdu sheegtay in dhowr iyo labaatan qof loo xiray lacagahaas sida khaldan loola baxay.
Bankiga ayaa shaaciyey magacyada iyo akoonnada dadkaas 567-ka ah, si loo dareensiiyo inay ceeb tahay oo ay lacagta u soo celiyaan.
Guddoomiyaha bankiga wuxuu intaa ku daray in 20%-ka dhiman aysan hadda culays weyn ku hayn.
Dadka ugu badan ee lacagaha la baxay muddadii cilladda ay taagnayn, gaar ahaan 16 Maarso, ayaa u badnaa ardayda jaamacadaha oo kambasyo kala duwan kala baxay.
Maamullada jaamacadaha ayaa ardaydaas weydiistay inay dib u celiyaan lacagtaas aysan lahayn ee ay la baxeen muddadii ay cilladdu jirtay.
Bankiga wuxuu sheegay inuusan wax dambi ah u raacayn dadka dib u soo celiya lacagaha sida khaladka u raacay, deegaanka Soomaalida oo BBC ay la xiriirtayna lagama soo sheegin dad lacagaha noocaas ah la baxay.
Bankiga ganacsiga ee Itoobiya waxaa la aasaasay 82 sano ka hor, waxaana akoonno ku leh 38 malyan oo qof.
Sida laga soo xigtay barta Statista, bankiga ganacsiga ee Itoobiya ayaa ah kan ugu weyn Afrikada bari marka laga hadlayo hantida uu bankigaas leeyahay ilaa 2022. Hantidiisa ayaa lagu qiyaasay ilaa 23 Bilyan oo Doollar.

Maxay yihiin casharrada ay bankiyada Soomaalida ka baran karaan si khaladkaas oo kale looga hortago
Dr Shaafici Shariif Maxamed waa dhaqaaleyahan deggan Muqdisho. Wuxuu ku talinayaa dhowr qodob oo uu u arko inay muhiim u yihiin Bankiyada Soomaalida inay ka bartaan khaladkaas ka dhacay bankiga ganacsiga ee Itoobiya.
”Qodobka ugu muhiimsan waa in aan tiknoloojiyada aan la isku hallayn karin oo daqiiqad kasta uu khalad dhici karo, waana in si joogto ah dib u eegis loogu sameeyaa oo bankiyada ay soo iibsadaan barnaamijyada iyo tiknoloojiyada ugu dambeeysa ee kombiyuutarrada oo aysan dhowr sano hal barnaamij oo laga guuray iska isticmaalin” ayuu yiri, wuxuuna kula taliyey in aysan dib u dhigan oo aysan lacagta ku baxaysa tiknoloojiyadaas dhabiilin.
Wuxuu kaloo ku taliyey in mishiinnada iyo tiknoloojiyada loo baahan yahay inuu jiro qof isha ku haya oo la socda dhaqdhaqaaqyada aan caadiga ahayn haddii uu khalad dhaco, oo aan la fududaysan.
Wuxuu kaloo Dr Shaafici soo qaaday arrin la xiriirta sumcadda bankiga ”Bankiga Itoobiya dadku way ku khasban yihiin, laakin Soomaaliya marka aan ka hadlayno, haddii bankiga ay lacag ku lunto waxaa meesha ka baxaysa sumcaddii loo hayey, dadka ay lacagta u taallana way ka qaadanayanaan, kuwo cusub in ay soo dhigtaanna way ku adkaan doontaa, sideedana banki jiritaankiisa wuxuu ku xiran yahay in lacag la dhigto, lacagna laga qaato”.
Sidoo kale wuxuu bidhaamiyey raadraaca, haddiiba ay dhacdo in lacag si khaldan loola baxo ”Dadku ma wada laha dukumenti sax ah, ama adareesyo si toos ah loogala xiriiro. ”Sidoo kale telefoonnada moobillada ee Soomaaliya waxay u furan yihiin xawaaladaha, waxaana dhici karta in daqiiqado gudahood ay lacagtaas dalka uga baxdo, ayna adkaato sidii loo soo celin lahaa” ayuu yiri Shaafici.
In lala socdo arrimaha aan caadiga ahayn ayuu ku taliyey Dr Shaafici sida safafka dhaadheer ee loo galo mishiinnada lacagaha baxo (ATM).
Sabti 30-March-2024 {HMC} Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in la xaddiday in wax ka badan hal mar la guto Cumrada sannadkiiba.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada looga hortagayo ciriiriga inta lagu jiro bishan barakeysan.
Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa intaa ku dartay in shaqsiyaadka hadda loo ogolaan doono oo kaliya in ay hal mar gutaan cumrada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan si ay gacan uga geystaan maareynta dadka isugu soo baxay Masjidka Xaramka ee Maka.
Hindisaha Wasaaraddu waxa uu higsanayaa in la yareeyo saxmadda, in la hubiyo in dadka oo dhan ay si siman u gutaan Cumrada, iyo in si hufan loo maareeyo xilliyada ay dadaka ugu badan isusoo baxaan.
Si loo dhaqan geliyo siyaasaddan, mareegta Nusuk, oo ah barta elegtarooniga ah ee dawladda Sucuudiga ee nidaamka Cumrada, ayaa usoo bandhigi doonta farriin diidmo ah isticmaalayaasha isku dayaya in ay codsadaan oggolaanshaha cumrada labaad.
Farriinta ayaa caddaynaysa in gudashada cumarada oo sidoo kale loo yaqaan xajka yar aan la oggolayn wax ka badan halmar inta lagu jiro Ramadaanka si ay dadka kale ugu suurta gasho in ay ka qayb qaataan oo ay iyaguna gutaan acmaashan barakaysan.
Mudooyinkii u dambeeyay dalka Sucuudiga ayaa soo bandhigay agabyo kala duwan oo loogu talagalay dadka Muslimiinta ah ee Ajaanibka ah ee doonaya in ay Cumrada ku soo gutaan dalkaasi.
Shakhsiyaadka sita noocyada kala duwan ee fiisaha gelitaanka, oo ay ku jiraan socdaallada shakhsi ahaan, booqasho, iyo fiisaha dalxiiska, waxaa loo oggol yahay in ay soo gutaan Cumrada oo ay booqdaan Al Rawda Al Sharifa, oo ah meesha uu ku yaal qabriga Nebi Muxamed ee Masjidka Nabiga ee Madiina, ka dib marka ay qabsadaan ballan elektaroonik ah.
Intaa waxaa dheer, muddada fiisaha Cumrada ayaa laga dhigay 30 maalmood ilaa 90 maalmood si xujeydu muddo dheer ugusii signaan karaan dalka.
Siddeed milyan oo qof oo cumro doon ah ayaa ilaa hadda ka qayb qaatay cibaadada barakaysan ee Ramadaan, sida lagu sheegay tiro koobkii ugu dambeeyay ee wasaaradda Xajka iyo Cumrada.
Iyadoo bisha barakeysan ee Ramadaan ay gashay nuskii labaad, Madiina waxa ay si qasad ah usoo booqdaan dadka cumarada ama xajka u imanaya magaalada barakaysan Makka.
Warbixin lagu daabacay mareegta SaudiMagazine oo soo xiganaysa dawladda Sucuudiga ayaa leh: “Maamulka Sucuudigu waxa ay u heellan yihiin bixinta adeegyo dhammaystiran si loo xaqiijiyo in xujaydo acmaashooda u gutaan si dhamaystiran.
Safarka xujay badan ayaa ka bilowda Madiinah Masjidka Miiqaat Dul-Xulayfah, halkaas oo ay ku soo tukadaan labo rakcadood ka hor inta aysan u ambabixin Makkah.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in 8,235,680 oo cumraystayaal ah ay soo galeen dalka tan iyo bilowgii jiilaalkan.
7,259,504 ka mid ah ayaa dhammaystay cumradoodii, waxaana hadda dalka ku sugan ku dhawaad 976,176 qof oo soo booqday ama cumro u yimid.
Warbixinta Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa iftiimisay qaabka ay xujeydu ugu safri karaan.
Socdaalka dhulka ayaa noqday kii ugu badnaa, waxaana ku yimid 980,556, waxaa ku xiga cirka 700,983, iyo badda oo 54,141 Cumra doon ah oo doortay waddadan.
Waxaa xusid mudan in garoonka caalamiga ah ee Amiir Moxammed Bin Cabdulcaziz laga diiwaan galiyey 1,919,971 oo soo dagay iyo 1,437,849 oo ka dhoofay, taas oo ka dhigan celcelis ahaan dhaq-dhaqaaq maalinle ah oo gaaraya 6,579 soo degey iyo 5,613 oo ka dhoofay oo cumreysteyaal ah.
Sabti 30-March-2024 {HMC} Guddoomiye Madaale: “Waxaan isla qaadanay in fursad la siiyo baabuurta Xamuulka ah oo aan la celinin inta Ciida ka dhiman”.
Sabti 30-March-2024 {HMC} Dhalinyarada Beesha Garxajis ee Soomaaliland ayaa Eedeyay waaweyn u jeediyay Gudoomiyayaasha Xisbiyada iyo u Cid Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Ciro iyo Eng Feysal Cali waraabe, waxaana ay sigaar ah Fariina u diray Madaxweyne Muuse Biixi