Home Blog Page 2649

{DAAWO SAWIRADA} Maxeey Tahay Sababata Maraakiibta dagaal ee Ruushka u tageen Xeebaha Dalka Eritrea.

Sabti 30-March-2024 {HMC} Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa maanta soo gaaray dekadda Massawac ee dalka Eritrea sida uu Sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea Yemane Gebremeskel.

Markabkan ka tirsan raxanta maraakiibta Baasifigga oo la yiraahdo Marshal Shaposhnikov wuxuu u yimid Battah oo Mussawac ka tirsan sidii loo xusi lahaa sannad guurada 30aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Ruushka iyo Eritrea, waxayna warbixintu sheegtay inuu shan maalmood halkaa joogi doono.

Maraakiibtaas waxaa la socda markabka dheereeya ee Yaryag ee Ruushku leeyahay.

Dhowr markab oo kuwa dagaalka ah oo Ruushku leeyahay ayaa ka gudbay marinka Baabul Mandab ayagoo ku sugan badda cas, sida lagu sheegay hadal qoraal ah oo ay soo saareen raxanta maraakiibta Ruushka ee Baasifigga.

Qaar ka mid ah madaxda ciidamada Eritrea iyo safiirka Ruushka u fadhiya dalkaas ayaa ka hortegey.

Xilliga ay maraakiibta Ruushka soo galeen marinka Baabul Mandab ayaa ah xilli ay Xuutiyiinta Yemen wadaan weerarro ay ku qaadayaan maraakiibta ganacsiga.

Bishii November ayaa Xuutiyiintu waxay bilaabeen weerarradaas ay ku qaadayaan maraakiibta ganacsiga, ayagoo sheegay inay jawaab u tahay hawlgalka milateri ee Israa’iil ay ka waddo Qasa.

Tan iyo wakhtigaas kooxdu waxay qaadday tobanaan weerar oo ay ku qaadeen maraakiib ganacsi oo marayey badda cas, halkaasoo ah marin aad u mashquul badan oo ay maraakiibtu maraan.

Bishii Janaayo ayaa maraakiibta dagaalka iyo dayaaradaha Maraykanka iyo Britain waxay iyaguna bilaabeen in ay garaacaan bartilmaameedyada Xuutiyiinta, ka dib markii Xuutiyiintu ay bilaabeen inay soo qaadaan weerarro ay u adeegsanayaan dayaaradaha bilaa duuliyaha ah iyo gantaallo.

Labada madaxweyne ee Eritrea iyo Ruushka, Isaias Afewerki iyo Vladimir Putin waxay kulankoodii ugu horreeyey yeesheen bishii May, tan iyo markii ay dib u soo ceshteen xiriirka diblomaasiyadda 30 sano ka hor.

Eritrea oo go’doomin iyo cadaadis kala kulmaysay reer galbeedka ayaa aad u adkaynaysay xiriirka ay Ruushka la leedahay.

Waxay ka mid tahay seddexda dal ee kaliya eeka soo horjeestay qaraarrada Qaramada midoobay ee lagu cambaareynayo ruushka weerarka uu ku qaaday Yukrayn, waaxana dalka kaliya ee Afrikaanka ah ee diiday.

Ruushka dhankiisa ayaa ah dal aad uga soo horjeeda xayiraadaha iyo warbixinnada xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah Eritrea marka la joogo fagaarayaasha caalamka.

Eritrea mar kasta waxay u arkaysay joogitaanka milateriga reer galbeedka ee gobolka mid shaki leh. Waxayna iminka sii xoojisay xiriirka aadka u dhow ee ay la leedahay Ruushka.

Warbaahinta Bloomberg ayaa todobaadkii hore laga soo xigtay in Ruushka iyo Shiinaha ay heshiis la galeen falaagada Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto in aysan soo weerarin maraakiibtooda gobolkaas ku sugan, laakinse waxaan caddayn hawlgalka ay maraakiibta Ruushku u yimaadeen badda cas iyo waajibaadka la siiyey waxa ay yihiin.

 

{DAAWO MUQAALKA} C/raxmaan Faroole oo si faah faahsan uga Hadlay sababata ay Puntland ku diiday Waxkabadalka Dastuurka.

Sabti 30-March-2024 {HMC} Senator Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh inuu beddelay dastuurkii Soomaalidu heshiiska ku ahayd.

Senator Faroole oo wareysi siinayay BBC Soomaali, ayaa uga digay madaxweyne Xasan Sheikh inuu kusii socdo wuxuu ugu yeeray tallaabooyinka uu majaraha ugu siibayo qaab dhismeedka dowladnimada Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wareysi Xildhibaan Shariif Cabdalla iyo arimaha dhameestirka Dastuurka Soomaaliya

0

Jimco-29-March-2024 {HMC} Wareysi Xildhibaan Shariif Cabdalla iyo arimaha dhameestirka Dastuurka Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 29-03-2024

0

Jimco-29-March-2024 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 29-03-2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 29-03-2024

Jimco-29-March-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo :Cabdiraxmaan Macalin Muuse

Farsamadii : Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

6 qof oo Kenya ka soo jeeda ayaa lagu dilay Soomaaliya

0

Jimco-29-March-2024 {HMC}  Lix qof oo Kenya u dhashay ayaa lagu dilay Dhoobley waxaana loo maleynayaa in ay Alshabaab dileen sidaasina waxaa sheegay guddoomiye ku xigeenka Libooye Cali Manduku.

Manduku wuxuu sheegay in lixda qof ee la dilay ay ka soo jeedaan gobolka Meru ee Kenya, waxayna maacuun ku iibinayeen magaalada Dhoobley.

“Meydkooda ayaa la keenayaa Libooye si loo aqoonsado. Muddo ayey ku ganacsanayeen Libooye” ayuu yiri Cali Manduku.

Lama oga sababta loo diay sida uu sheegay Manduku oo aan sharixi karin sida lixda qof ay ku tageen Dhoobley iyadoo xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu xiran yahay.

Kenya ayaa ku dhawaaqday in xadka xiran yahay sanadkii 2011-kii balse dadka degan labada dhinanc ee xadka way isu tallaabaan waxaana ka dhexeeya heshiisyo ganacsi.

Yaa guuleysan doona City iyo Arsenal kulanka Axadda ?

Jimco-29-March-2024 {HMC}  Kulanka Axadda ee horyaalka Ingiriiska ee toddobaadkan ayaa ah kan kala go’aamin doona cidda koobka qaadeysa sanadkan.

Dhowr ciyaarood ayaa haray xili ciyaareedkan. Faraqa u dhexeeya naadiga ugu sareeya iyo kan ugu hoseeya horyaalka waa hal dhibic.

Naadiga horyaalka ugu sareeya ee Arsenal iyo Manchester City ayaa is arkaya.

Chris Sutton oo ka oo BBC uga faalooda ciyaaraha ayaa sheegay in kulanka uu astaan u yahay halka koobka uu aadi doono.

“Hadda kulan kasta muhiim ayuu inoo yahay hadii aan ka adkaano Arsenal, kulanka ka sii dambeeya xitaa muhiim ayuu inoo yahay” ayuu yiri maamulaha Manchester City Pep Guardiola

Dhinaca kale maamulaha Arsenal Arteta waxa uu isagana diiradda saari doonaa ciyaarta Axadda taas oo si gaar ah isaga muhuum ugu ah.

“Si buuxda ayaan u aaminsanahay ciyaartoydeyda, garoonka ayey ciyaarta taal balse bannaanka waa hadal un” ayuu yiri Mikel Arteta.

Labada naadi guusha ciyaartan waxay ugu fadhidaa qiimo weyn.

Farmaajo iyo Shariif oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Seikh inuu dhegaha ka furaystay baaqyadoodii

0

Jimco-29-March-2024 {HMC}  Madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud inuu dhegaha ka furaystay baaqyadii ay u jeediyeen ee ku aaddanaa hannaanka loo marayo dib u eegista dastuurka dalka.

Labada madaxweyne ee hore ayaa sheegay haddii baarlamaanku uu meel mariyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, in ay ka dhigan tahay, in ay qaadeen jid halis ku ah sharciyadda iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay inay ka fiirsadaan.

Farmaajo iyo Shariif waxay sheegeen tallaabooyinka uu qaadayo madaxweynuhu in ay si cad u muujinayaan inuu doonayo inuu la wareego awoodaha labada aqal ee baarlamaanka, si aan loola xisaabtamin xukuumadda.

Six Kenyans killed in Somalia in suspected Al Shabaab attack

0


Friday March 29, 2024

Six Kenyans have been killed in Dhobley, Somalia by suspected Al Shabaab militants, Liboi Deputy County Commissioner Ali Manduku has confirmed.

Mr Manduku said the six are from the Meru region in Kenya and have been hawking plastic utensils in Dhobley Town.

“The bodies will be brought to Liboi this evening for identification. They have been doing business in Dhobley for a long time.

“We are yet to know why they were killed,” Mr Manduku said by phone.

Mr Manduku could not explain how the six found their way into Dhobley despite a closed border between Kenya and Somalia.

Kenya announced the closure of her border with Somalia in 2011.

Despite the closure, residents of both countries have continued to interact and crisscross the border engaging in business deals.

Somalia hosts over 38,600 refugees, asylum-seekers: UNHCR

0


Friday March 29, 2024

MOGADISHU (Xinhua) — The United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) said on Thursday that Somalia is hosting 38,642 registered refugees and asylum-seekers as of February.

About 67 percent of them are women and children, 30 percent are school-age children (6-17 years), and 26 percent are women and girls of reproductive age (13-49 years), the UNHCR said in its latest update released in Mogadishu, the capital of Somalia.

“The majority of refugees and asylum-seekers, or 66 percent, are from Ethiopia, followed by Yemen (29 percent), Syria (4 percent), and other countries (1 percent),” it said.

According to the UNHCR, most of the refugees and asylum-seekers reside in urban or peri-urban settings across the Woqooyi Galbeed and Bari regions in northern Somalia.

It said 9,046 former refugees have returned to Somalia from their countries of asylum, mostly from Yemen, followed by Kenya, since January 2020.

“From the total number of refugee returnees, 3,652 individuals have been directly assisted by UNHCR, mainly through the voluntary repatriation program from Kenya and the assisted spontaneous returns program from Yemen,” the UNHCR said.

The UN agency said 68 Somali refugees have returned to Somalia in 2024.

It added that more than 800,000 Somali refugees and asylum-seekers are also hosted in neighboring countries and a further 3.9 million persons are internally displaced inside Somalia due to conflict and natural disasters.