Home Blog Page 2869

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 06-02-2024

Talaado-06-Feb- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Shugri baryare iyo Abdi yare

Farsamadii : abdi najiib isxaq osmaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

Hoobiyaal lagu garaacay Suuqa Bakaaraha iyo Khasaaro ka dhashay.

0

Talaado, 6-2- 2024 (HMC) – Tiro madaafiic ah ayaa goordhaw lagu garaacay qeybo kamid ah suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho , waxaana jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay madaafiicda.

Sida aan wararka ku helnay madaafiicda ayaa ku dhacay agagaarka Masjidka Abuu Hureysa iyo bangiga Salaam , aaga ay madaafiicda ku dhaceen ayaana ah goob aad u mashquul badan oo dadku ku badan yihiin.

Dad badan oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray madaafiicda ku dhacday suuqa Bakaaraha ayaa isbitaal loola cararay, waxaana aaga madaafiicda ku dhaceen ka dhacay kala carra iyo argagax badan.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Guddoomiye Xirsi oo ka hadlay warar sheegayay in lagu xidhay dalka Ingiriiska.

0

Talaado, 6-2- 2024 (HMC) – Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa beeniyay warar sheegayay in dowlada Ingiriisku ay wax ka waydiisay baasboorkiisa, isla markaana lagu xidhay London.
Bilihii u danbeeyay oo uu Xirsi ku maqnaa magaalada London, ayaa waxa baraha bulshada lagu baahiyay in guddoomiyaha ay dowlada Ingiriisku xidhay, kadib markii uu baasboorka dalkaas si sharci daro ah ku qaatay, Xirsi ayaa dhankiisa wax lala yaabo ku tilmaamay wararkaa.

“Xukuumada cadaawadeeda runtii waan la yaabay, waxan ahay guddoomiyaha xisbiga ugu balaadhan dalka, safar ayaan u baxayo waydinkii wixii ka baxayay arkayay, garanmaayo baasboorkayga la is waydiinayo, oo aniga ayaa leh” ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi waxa uu sheegay in intii uu ku maqnaa cariga Ingiriiska aan maalin dhuqa dowlada Ingiriisku waxba ka waydiin baasboorkiisa, isla markaana wararkii la faafinayay ee ahaa in baasboorka lagu haystaa ay been ahaayeen.

“Waxay lahaayeen Xirsi waa la xidhay, layma xidhin maalin qof wax i waydiiyayna walahi ma arag, lakiinse waxa la yaableh, hadaan ahay guddoomiyihii xisbigaas oo la i xidho, ma waxay jeclaayeen in la i xidho” ayuu yidhi Xirsi.

Kooxo baraha bulshada ka taageera xukuumada Madaxweyne Biixi ayaa baahiyay in Xirsi lagu xidhay London, kadib markii uu si sharci daro ah ku qaatay baasboorka Ingiriiska sida ay sheegeen.

 

Maxkamada Degmada Hargaysa oo saaka xukun deg deg ah ku riday Abwaan Cabdiraxmaan Abees.

0

Talaado, 6-2- 2024 (Hmc) – Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa saaka sannad iyo lix bilood oo xadhig ah ku xukuntay abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin (Abees), oo shalay Hargeysa lagu xidhay sida uu walaalkii u xaqiijiyay Galaydh Media.
Abwaanka ayaa shalay xabsiga loo taxaabay kadib markii uu aabihi ku eedeeyay in uu ku noqday waalid caaq, isaga oo sheegay in xukuumadu anay xadhigiisa shaqo ku lahayn lakiin uu isagu dalbaday in wiilkiisa la xidho si loo dhaqan celiyo.

Abwaanka hooyadii oo iyaduna MMTV la hadashay ayaa beenisay eedaha uu aabihii abwaanka u jeediyay, iyada oo sheegtay in xukuumadu ay ka danbayso xadhiga wiilkeeda, lakiin aabihii ay usoo dhexmartay oo la rabo in la bahdilo wiilkeeda, oo mucaarad ku ah xukunka Biixi.

Abwaanka ayaa muddo dheer mucaarad ku ahaa xukuumada Madaxweyne Biixi, waxa uuna 2 dii bishan soo bandhigay buug la magacbaxay “Mayal” oo uu ku dhaliilayo xukuumada iyo madaxweynaha

Buuggan oo soo baxay sannado kahor ayay xukuumadu xayirtay soo bandhigistiisa, iyada oo dhawaan dib loo fasaxay, isla markaana madaxda xukuumada ayaan gabi ahaanba kasoo qaybgalin bandhiga buugga, oo ay joogeen mucaaradka oo kali ah.

Hadaba, xukunkan ayaa ah mid deg deg ah, oo aan la filayn xiligan, madaama oo inta badan eedaysanayaasha ay dacwadoodu qaadato todobaado ama bilo, isla markaana baadhistu ay dheeraato.

 

Wiil oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

0

Talaado -06-Feb- 2024-{HMC} Waxaa xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaqshiid lagu dilay nin dhallinyaro ah oo la dhashay taliyihii hore ee hay’adda Nabad sugida Soomaaliya haddana ah xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Sida aan wararka ku helnay koox katirsan hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen dilka Cabdi Cabdullaahi Maxamuud oo isna katirsanaa ciidanka NISA, dilkan ayaana dhacay xalay saqdii dhaxe xilli dadka badi hurdayeen.

Ciidanka nabad sugida Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen baaritaanno ku aadan dilkan, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in la xiray askar katirsan nabad sugida oo lagu tuhmayo in dilkan ka dambeeyeen.

Qoyska wiilka la dilay ayaana ka codsaday taliska NISA in la cadeeyo cidda ka dambeysaydilka wiilkooda kahor inta aan la duugin, waxa ayna dalbadeen in caddaalada la horkeeno dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka howlaga ciidamo badan oo dhar-cad ah kana tirsan hay’adda NISA, ciidankan ayaana inta badan wax ka bedelay ammaanka magaalada Muqdisho, i oo mararkii hore dilalka ku badnaayeen.

Abiy Axmed oo wax laga weydiinayo arrimo ku aaddan Damaca uu ku doonayo Badda Somalia

0

Talaado -06-Feb- 2024-{HMC} Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa saaka hortagay Baarlamanka dalkiisa, Xili dalkaasi ay ka taagan yihiin Xaalado kacsanaan ah kadib markii jabhado hubaysan ay ku kaceen nidaamka Abiy.

Abiy Ahmed ayaa la weydiin soonaa su’aalo kala duwan oo dhamaantood ku aaaddan dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalkaasi uu wajahayo, waxaana wax laga weydiin doonaa arrimaha siyaasadda iyo colaadaha ka taagan gudaha dalka Itoobiya.

Sidoo kale heshiiska Badda Somalila ee uu la galay Madaxweynaha Mamaulka Somaliland ayaa wax laga weydiin doonaa iyo khilaafka Soomaaliya iyo xaaladaha kala duwan ee khuseeya Gobolka Geeska Afrika.

Dalka Itoobiya ayaa haatan dhex-da kaga jira Xaalado fowdo ah, iyadoo Jabhada Oramad aiyo Amxaarda ay weeraro Culus gaysteen, waxaana istagay isku socodka qaybo ka mid ah Koofurta Galbeedka dalkaasi.

{DAAWO MUUQAALKA} Maamo Jawaahir “Gacan ku dhiiglaha isaga xitaa waxa u wanaagsan in uu dunida dhaafo”

Talaado-06-Feb- 2024-{HMC} Maamo Jawaahir “Gacan ku dhiiglaha isaga xitaa waxa u wanaagsan in uu dunida dhaafo”

    HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Suuqa Bakaaraha oo maalintii labaad xiran iyo banaanbaxyo ka dhacay

Talaado-06-Feb- 2024-{HMC} Suuqa Bakaaraha oo maalintii labaad xiran iyo banaanbaxyo ka dhacay

   HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAAALKA} Ganacsigii Suuqa ugu weyn soomaaliya ee Bakaaraha oo maanta xiran iyo Ganacsaada cabasho ah

Talaado-06-Feb- 2024-{HMC} Ganacsigii Suuqa ugu weyn soomaaliya ee Bakaaraha oo maanta xiran iyo Ganacsaada cabasho ah

   HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQALKA} maxey ka Wada hadleen Taliyayaasha Militariga Soomaaliya & Uganda?

Talaado-06-Feb- 2024-{HMC} maxey ka Wada hadleen Taliyayaasha Militariga Soomaaliya & Uganda?

   HOOS KA DAAWO WARBIXINTA