Talaado-06-Feb- 2024-{HMC} Howlgalo la sameeyay oo lagu soo qabtay wax yaabo ka qeyb qaadanaya dhaqan doorka Bulshadda
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Talaado-06-Feb- 2024-{HMC} Howlgalo la sameeyay oo lagu soo qabtay wax yaabo ka qeyb qaadanaya dhaqan doorka Bulshadda
Talaado-06-Feb- 2024-{HMC} Iyada oo nabad qabta ayay jiifatay Amiiro balse xabad madaxeeda ku jirta ayay ku waabariisatay.
Talaado-06-Feb- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :Yaasiiin Ali Ahmed
Farsamadii : Abdi maajid abdirxman aadan
Talaado-06-Feb- 2024-{HMC} Maxaa loo hakiyay xuska sanad guuradda Ciidanka milateriga Soomaaliland sanadkaan?
Talaado -06-Feb- 2024-{HMC} Qasriga looga arrimiyo Boqortooyada Ingiriiska ee Buckingham Palace ayaa Isniinti shalay aheyd ku dhawaaqay, in Boqorka Boqrtooyada Midowday ee Ingriiska ee Boqor Charles laga helay nuuc ka mid ah cudurka Kansarka.
War kasoo baxay Qasriga Boqortooyada ayaa lagu sheegay, in Boqor Charles uu hakin doono howlihi uu u hahay shacabka si loo daweeyo, balse ay niyaddiisu wanaagsan tahay.
Charles, oo 75 jir ah ayaa loo boqray boqortooyada bishii September ee sannadki 2022-ki, kaddib geeridi hooyadiis Queen Elizabeth. Warka kasoo baxay boqortooyada Ingiriiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Charles uu billaabay in uu qaato dawooyin dhowr ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo kansarka laga helay, isla markaana uu rajeynayo inuu dib ugu soo laabto shaqadi uu u hahay dadweynaha sida ugu dhaqsaha badan.
Soo ifbixidda kansarka ee Boqor Charles ayaa timidm kaddib saddex habeen oo uu bishi hore ku jiray isbitaal, halkaas oo uu ku maray qalliin looga daweeynayay qanjirka burustaatada.
Hogaamiyaasha Australia iyo Canada, oo ka mid ah dalalka hoos yimaada taliska Boqor Charles ayaa u rajeeyay caafimaad, halka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay inuu ka walwalsan yahay warka kasoo yeeray boqorka, isla markaana uu qorsheynayo inuu telefoonka kula hadlo.
Talaado -06-Feb- 2024-{HMC} Qasriga looga arrimiyo Boqortooyada Ingiriiska ee Buckingham Palace ayaa Isniinti shalay aheyd ku dhawaaqay, in Boqorka Boqrtooyada Midowday ee Ingriiska ee Boqor Charles laga helay nuuc ka mid ah cudurka Kansarka.
War kasoo baxay Qasriga Boqortooyada ayaa lagu sheegay, in Boqor Charles uu hakin doono howlihi uu u hahay shacabka si loo daweeyo, balse ay niyaddiisu wanaagsan tahay.
Charles, oo 75 jir ah ayaa loo boqray boqortooyada bishii September ee sannadki 2022-ki, kaddib geeridi hooyadiis Queen Elizabeth. Warka kasoo baxay boqortooyada Ingiriiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in Charles uu billaabay in uu qaato dawooyin dhowr ah oo loogu tala galay in lagula tacaalo kansarka laga helay, isla markaana uu rajeynayo inuu dib ugu soo laabto shaqadi uu u hahay dadweynaha sida ugu dhaqsaha badan.
Soo ifbixidda kansarka ee Boqor Charles ayaa timidm kaddib saddex habeen oo uu bishi hore ku jiray isbitaal, halkaas oo uu ku maray qalliin looga daweeynayay qanjirka burustaatada.
Hogaamiyaasha Australia iyo Canada, oo ka mid ah dalalka hoos yimaada taliska Boqor Charles ayaa u rajeeyay caafimaad, halka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay inuu ka walwalsan yahay warka kasoo yeeray boqorka, isla markaana uu qorsheynayo inuu telefoonka kula hadlo.
Talaado -06-Feb- 2024-{HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal ibraahim Sheikh Muxudiin caddow oo ku sugan wadanka Uganda ayaa la kulmay Ciidamada Milateriga Uganda Gen, Wilson Mbadi.
Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wadashaqeynta labada dal, iyadoo Dowladda uganda ay balanqaaday in Soomaaliya ay garab milateri ka sii doonto la dagaalanka Alshabaab .
Taliye ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliyaha ciidamada Milateriga Uganda Jeneraal ,Wilson Mbadi ayaa si wadajir ah u dul istaagay in la kordhiyo howlgallada wadajirka ah ee lagula dagaalamayo Alshabaab iyadoo Dowladda Uganda ay diyaar u tahay garab istaaga iyo Taageerada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa booqday Kuliyadda Difaaca Qaranka Uganda, si weyn loogu soo dhaweeyay waxuuna kula kulmay saraakiil Kala duwan oo ka tirsan Milateriga dalka Uganda.
Dawlada Uganda ayaa dalkeena Soomaaliya waxaa ka jooga Ciidamo kuwaas oo qayb ka ah Hawlgalka ATMIS oo Dawlada ka taageeraya Suhida Amniga .
Talaado -06-Feb- 2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dowladda Itoobiya u diray fariin ku aaddan in ay meel iska dhigto damaca gurracan ee ay ku doonayso in ay ku qaadato qayb kamid ah Biyaha & Dhulka Soomaaliya.
Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wax weliba laga wadi hadli karo balse marnaba anaay gorgortan laga geli Karin Dhulka, Badda & Hawada oo ah hanti guud ahaan leedahay Soomaalida isla markaana aanay jirin cid si gaar ah u bixin karta.
Madaxweyne Xasan Waxa uu madaxda Talada Itoobiya haysa ugu baaqay in ay kusoo noqdaan dhaqanka Suuban ee Adduunka ku dhaqmo & Dowlad-Wanaagga oo ku xusan xeerarka lagu dhisay ururrada kala duwan ee caalamiga ah.
“Itoobiya waxa aan leenahay damaca dhulka ayaan qaar goosanayaa ka imaaw, maalinta aad ka timaado waxa kasoo haray oo dhan waan kawada hadlaynaa oo waxa aan hubaa in aan ka heshiin karno balse faraqa ayaan kaa haystaa & ii daay meeshaas heshiis kama dhasho” Ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Shacabka reer Itoobiya ayuu sheegay in aanay xasadnimo u qabin Soomaaliya balse Dowladdooda ay ku dhaqaaqday go’aan aan wanaagsaneen oo marnaba lagu juujuubi Karin (lagu qasbi Karin) Soomaalida si ay ugu sabarto Dhul, Dad & Bad isla socda.
“Dadka reer Itoobiya, Shacabka & Qowmiyadaha kala duwan wax xumaan ama xasadnimo ah haba yaraatee ma jirto, Dowladdooda ayaa tacaddi ku jirta oo ka baxday dhaqanka Dowladnimo & derisnimo, waxa aan leenahay dhaqanka Suuban kusoo noqo, Dhul, Bad & Dad isla socda in nalaga qaado nalaguma-qancin karo” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhiidhisay heshiis beenaadkii Itoobiya ay shaacisay 1dii Janaayo 2024 ee ay ku sheegtay in ay la gashay Maamulka Somaliland kaas oo ka hor imaanaya madaxbannaanida & Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.
isniin-05-Feb- 2024-{HMC} At least six Ethiopians were killed on Monday morning in southern Somalia, multiple sources have confirmed, which could trigger another round of tensions in the Horn of Africa, a region that has been battling with instability for decades.
The six Ethiopians and a local were killed in an overnight attack in the southern Somalia town of Beled Hawo, local officials said. The town borders Kenya and is not far from Ethiopia but it is located within the troublesome Gedo region in Jubbaland.
Abdirashid Abdi, Arog, the mayor of the town, told VOA Somali that five women and two men were killed after gunmen attacked a compound around 3:24 am local time. This is the first serious attack within the vicinity, which claimed lives in as many months.
The Ethiopians are said to be of ethnic Oromo while the seventh victim is a Somali woman. Six other Ethiopians were injured in the attack, Arog said. Authorities pointed the finger at al-Shabaab militants, who have been wrestling to take over the fragile UN-backed federal government of Somalia.
Ethiopia is one of the major security stakeholders in Somalia, having dispatched over 4,000 soldiers for the peacekeeping mission under the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), which has been instrumental in the stabilization of the country.
For a long time, Al-Shabaab militants have been trying to invade Ethiopia but have often met resistance due to well-coordinated surveillance by Ethiopian authorities. The Ethiopian forces have managed to liberate several strategic towns in the country.
While the motive of the attack remains unclear, Al-Shabaab did issue a stern warning to Ethiopia over the recent MoU that was signed between Addis Ababa and authorities in Somaliland, a breakaway region of Somalia.
The al-Shabaab demanded that Ethiopia rescind the MoU. Once implemented, the MoU will see Ethiopia getting 20 kilometers of the Red Sea, which it will use for a military base and port. In return, Ethiopia has pledged to recognize Somaliland as a sovereign state.
Also, the MoU has been criticized by several international partners, who accuse Ethiopians of ‘blatant disregard of international law ‘. Addis Ababa has vowed to implement the agreement, arguing that it does not affect relationships with any country.
Source Garowe Online
isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo ahaa xildhibaankii shaqada geeyey oo damaanadiisa uu magaalada Muqdisho ku joogay ninkii xaaskiisa gubay ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlaayo soo qabashada ninkaas.
Xildhibaanka ayaa ugu horeyn muujiyey inuu aad u rabay in lasoo qabto eedeysanaha, si cadaaladda loo hor-geeyo, wuxuuna u mahadceliyey ciidamada ammaanka.
Si gaar ah ciidamada hey’adda NISA ayuu sheegay xildhibaanku inuu kalsooni badan ku qabay inay ninkaas soo qaba doonaan, iyagoo kaashanaya dadka deegaanka oo taageersanaa in la qabto gacan ku dhiiglahaan loo heysto dilkii xaaskiisa.
“Waxaan bogaadinayaa Hay’addaha Amniga oo ugu horeyso Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo gacanta ku soo dhigay eedeysane Sayid-Cali Macallin Daa’uud iyo bulshada deegaanka oo ku kaalmeeyay Hay’adaha Amniga soo qabashadia eedeysanahaas,” ayuu yiri Xildhibaan Saabir.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in kalsooni badan uu ku qabay in beeshiisa aysan qarsa doonin ninkaan baxsadka ah, isagoo sheegay in marxuum Luul ay cadaalad heli doonto.
“Waxaan mar waliba kalsooni buuxda ku qabay waxgaradka beesha reer Xaaji Saleebaan ineysan eedeysanaha ka dhashay aysan gadaal marsan doonin waana uga mahadcelinayaa, sidoo kale Hay’adaha Amniga oo har iyo habeenba ku hawlanaa inay cadaalad hesho walaashey Luul Cabdicasiis, Rabbi ha u naxariistee,” ayuu yiri Saabir Shuuriye.
Sidoo kale xildhibaan Saabir ayaa qoraalkiisa ku sheegay in soo qabashada ninkaan ay xigi doonto, baaris ay ku sameynayaan hey’adaha amniga, iyadoo kadibna loo gudbi doono hey’adaha garsoorka, si cadaaladda loo marsiiyo.
“Waxaan kaloo ku kalsoonahay in Hay’adaha Amnigu fulinayaan tallaabooyinka xiga khuseeya baarista fal-dambiyeedka uu eedeysanuhu ku eedeysan yahay lana horgeyn doono Hay’addaha Garsoorka si loo marsiiyo cadaaladda loogana xaqsooro arxanlaawenimadii uu nolosha Luul uu u geystay,” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ninka xaaskiisa gubay ku metelay baarlamaanka.
Galabta ayaa ninkaas lagu qabtay koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Goryaale oo dowladdu aysan maamulin, AS aysan joogin, hadafkiisuna wuxuu ahaa inuu cadaaladda ka baxsado, raggii soo qabtay ayaa warbaahinta xaqiijiyey inuu gacmaha ka gubtay oo dhaawac daran uu qabo.