Home Blog Page 2875

Israel oo Sharuud Looga Dhigay in ay sii deyso hogaamiye ay Reer Falastiin u yaqaanaan Nelsan Mandela.

0

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Waxa ay Falastiiniyiinta qaarkood u arkaan Nelson Mandela-hooda, waana musharraxa ugu cadcad ee mustaqbalka noqon doona madaxweynahooda. Waa maxbuuska ugu magaca weyn eek u jira xabsiyada Israa’iil.

Hadda ayaa xorriyadda Marwan Barghouti waxa ay ka mid tahay qodobada wadaxaajoodka xabbad joojin dhexmarta Xamaas iyo Israa’iil. Hogaamiyayaasha Xamaas ayaa Jimcihii dalbaday in Israa’iil ay sii deyso Barghouti, oo ah hogaamiye ka tirsan kooxda Fatax ee ay Xamaas siyaasadda ku loollamaan, waxayna sheegeen in sii deyntiisu ay qeyb ka tahay heshiis kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Dalabkan ayaa indhaha mar kale ku soo jeedinaya Barghouti, oo dowr muhiim ah ku leh siyaasada Falastiiniyiinta xitaa isaga oo muddo ka badan labaatan sano xabsiga ku jira. Siideyntiisa ayaa aasaas u noqon karta in ugu danbeyn loo doorto xafiiska qaran.

Xamaas ayaa sii deyntiisa dooneysa in ay dadweynaha taageero kaga kasbato, iyadoo sidoo kale u aragta Marwan in uu yahay shaqsi mideyn kara Falastiiniyiinta.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Osama Hamdan ayaa dalbaday in la sii daayo Barghouti iyadoo dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ay isku dayayaan in ay heshiis dhex dhigaan Israa’iil iyo Xamaas ka dib ku dhawaad afar bilood oo dagaal ah.

Israa’iil ayaa dooneysa in la sii daayo in ka badan 100 qof oo la haystayaal ah oo wali ku jira gacanta Xamaas. Xamaas ayaa dalbanaysa in la soo afjaro weerarada militeri ee Israel ee khasaaraha badan dhaliyay, lana sii daayo kumanaan maxaabiis Falastiiniyiin ah.

In ka badan 100 la hayste oo Israa’iiliyiin ah ayaa la sii daayay ka dib xabbad joojin asbuuc socotay bishii Novembner. Israa’iil ayaa qiyaasaysa in 136 qof ay wali ku jiraan gacanta Xamaas in kastoo 20 ka mid ah lagu dhawaaqay in ay dhinteen. Iyadoo ay Israa’iil ka socdaan bannaanbaxyo lagu dalbanayo in la haystayaashaasi sida ugu dhaqsaha badan lagu sii daayo ayaa cadaadisku uu ku sii kordhayaa Ra’iisulwasaare Minister Benjamin Netanyahu oo laga dalbanayo in uu heshiis galo.

Falastiiniyiinta ayaa dhibaatada ehelladooda xiran ay u tahay mid xanuun leh. Halka Israa’iil ay “maxaabiista ammaanka” u aragto in ay yihiin argagixiso, Falastiiniyiintu waxa ay u arkaan geesiyaal la dagaallamayay gumaysiga Israa’iil. Dhab ahaantii qof kasta oo Falastiini ah waxaa jira saaxiib, qaraabo ama qof uu yaqaan oo la xiray.

Hay’adda xuquuqda aadanaha Israa’il ee HaMoked ayaa sheegtay in Israa’iil ay hadda u xiran yihiin ilaa 9,oo (sagaal kun oo qof). Xamaas ayaa dooneysa in dhammaantood la sii daayo. Laakin Xamdaan ayaa hadalkiisii Jimcaha xusay oo kale magacyada Barghouti iyo Axmad Saadat.

Saadat ayaa hogaaminayay koox yar oo 2001-dii dishay wasiir Israa’iili ah, waxaana loogu xukumay 30 sano oo xabsi ah dowrkii uu ku lahaa ka qeybgalka weerarkaasi.

Falastiiniyiinta ayaa u arka Barghouti oo 64 jir ah, kana tirsan xisbiga Fatax ee Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, in uu yahay kii beddeli lahaa Cabbaas oo 88 jir ah, madaxna u ah maamulka Falastiiniyiinta ee caalamku aqqoonsan yahay, ahna dowladda iskeed isku xukunta oo maamusha qaybo ka mid ah dhulka ay Israa’iil haysato ee Daanta Galbeed.

Qadoura Fares, oo madax ka ah Wasaaradda Arrimaha Maxaabiista ee Falastiin, taageerana Barghouti ayaa sheegay in haddii la sii daayo uu noqon karo musharrax la isku raacsan yahay kaasi oo mideyn kara Xamaas, Fatax iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta. Ra’yi aruurin la sameeyey bishii December ayaa sheegeysa in Barghouti uu yahay siyaasiga ugu saameynta badan Falastiiniyiinta isaga oo ka horreeya Cabbaas iyo Hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyeh.

Israa’iiliyiinta ayaa Barghouti u arka nin argagixiso ah, iyadoo in lagu qanciyo in ay sii daayaan ay tahay mid adag.

Barghouti, ayaa ahaa hogaamiyihii Daanta Galbeed intii uu socday Kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta horraantii 2000, waxaana shan mar lagu riday xukun xabsi daa’in ah dowrkii uu ku lahaa dhowr weerar oo ay dad ku dhinteen. Intii uu socday kacdoonkaasi ayay dabley Falastiiniyiin ah fuliyeen weeraro ismiidaamin ah oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo lala beegsaday basaska, maqaayadaha, hoteellada iyo dad Israa’iiliyiin ah oo ku sugnaa gudaha Daanta Galbeed, taasi oo keentay aargoosi ba’an oo ay sameeyeen militariga Israa’iil.

Sannadkii 2002-dii, Barghouti ayaa loo xiray eedo dhowr ah oo la xiriira dil. Ma uusan iska difaacin isagoo diiday in uu aqqoonsado sharciyadda maxkamadda.

Barghouti ayaa ku dhashay tuulada Kobar ee Daanta Galbeed sannadkii 1962-kii. Isaga oo taariikhda iyo siyaasadda ka baranaya jaamacadda Bir Zeit, ayuu gacan ka geystay mudaaharaadyadii ardayda ee lagaga soo horjeeday gumaysiga Israa’iil.

Israa’iil ayaa horey u diiday baaqyo ah in ay sii deyso. Waxa ay diiday 2011-kii in ay ku darto ilaa kun qof oo lagu bedeshay askari Israa’iili ah oo lagu hayay Gaza, sida uu Fares sheegay. Yehya Sinwar, oo ah hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza ahna ninkii ka danbeeyey abaabulka weerarkii Aktoobar ayaa lagu sii daayay heshiiskaasi maxaabiista la isku dhaafsaday.

Wada xaajoodkii 2011-kii ayaa ku saabsanaa oo qura sii deynta hal la hayste. Iyadoo nolosha in ka badan 100 qof oo la haystayaal ah ay hadda miiska saaran tahay ayaa waxaa jira cadaadis ka badan kii hore oo saaran Israa’iil sidii ay ku sii deyn lahayd maxaabiista Falastiiniyiinta ah. Taasi waxa ay ka dhigi kartaa mid u jilicsan in ay gasho heshiis keeni kara in Barghouti la sii daayo ayna Xamaas xoojiso sumcaddeeda Falastiiniyiinta.

Xigasho VOA

{DAAWO SAWIRADA} Xuutiyiinta oo Bilaabay Abaabul ka dhan ah Mareykanka

0

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Kooxaha fallaagada Xuutiyiinta ayaa isu uruursanayay iyagoo muujinaya diidmo ka dib duqeymihii ugu dambeeyay ee Mareykanka iyo UK.

Duqeymahan, ayaa lagu beegsaday 36 bartilmaameed oo Xuuthiyiinta leeyihiin oo ku yaala 13 goobood oo Yemen ku yaalla, waxaana la fuliyay ka dib markii ay soo noqnoqdeen weeraro lagu qaaday maraakiibta caalamiga ah ee marayey Badda Cas.

Xuutiyiinta, oo ah jabhad ay taageerto oo ay maalgeliso Iran, ayaa wacad ku maray inay jawaab ka bixin doonaan duqaymahaasi.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn { 04/ 02/2024}

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo : Abdimajiid Abdirahmaan Aadan

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

AUC Director for Conflict Management concludes working visit to Somalia, discusses security transition and post-ATMIS Security Arrangements

0

Sunday – 4 Feb 2024 {HMC} The African Union Commission’s (AUC) Director for Conflict Management, Dr. Alhadji Sarjoh Bah, has wrapped up a five-day working visit to Somalia. He led a high-level delegation from the Political Affairs, Peace, and Security Department which included the newly appointed Head of the Peace Support Operations Division (PSOD), General Cheick Dembele.

The focus of the engagements was to outline the modalities for a seamless transition of security responsibilities from ATMIS to Somali Security Forces and post-ATMIS security arrangements.

On arrival in Mogadishu on Saturday, the delegation was welcomed by the African Union Special Representative for Somalia and Head of ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef; the Acting Minister for Foreign Affairs, Ali Omar Balad; the Minister of Information, Culture, and Tourism, Daud Aweis; and the leadership team of ATMIS.

They held key discussions with officials from the Federal Government of Somalia (FGS). They met with the State Minister in the Office of the Prime Minister, Hirsi Gaani, and the National Security Advisor, Hussein Sheikh Ali. They also engaged with UN officials, international partners, Ambassadors from ATMIS Troop Contributing Countries, and representatives from Civil Society.

They reflected on the lessons learned from both Phase One and Two drawdowns, the forthcoming Phase Three in June 2024, which requires a further drawdown of 4,000 troops, and the subsequent phase after ATMIS ends on 31 December 2024.

For a seamless transition and to ensure there are no security gaps, Dr. Alhadji Sarjoh Bah stated that the African Union will be flexible and consider any challenges that may arise.

“We absolutely remain committed to ensuring that, number one, we stick to the timelines of the drawdown. Of course, we’ve had two extensions in the last two drawdowns. And so, except in situations of force majeure, we remain determined and resolute in ensuring that by 31st December 2024, we will have completed the drawdown,” he said.

“We want to ensure that the configuration, whatever it looks like, whatever its posture, whatever its mandate, is informed by a very comprehensive security assessment that focuses on the threats and other variables. This will allow us to then determine the strength, the mandate, the posture, the composition, and the overall architecture that will replace ATMIS”, Dr. Bah noted.

ATMIS completes phase Two drawdown – Seven Military Bases transferred to the Government of Somalia; two others closed

0

Sunday – 4 Feb 2024 {HMC} The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), with logistical support from the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS), has completed Phase Two drawdown, which involved reducing the troop count by 3000 soldiers. ATMIS transferred seven Forward Operating Bases (FOBs) to the Federal Government of Somalia (FGS) and closed two others.

The FOBs transferred include State House and Parliament from ATMIS Uganda People’s Defence Forces in Sector One; Bio Cadale, Raga Ceel, and Qorillow from ATMIS Burundi National Defence Forces in Sector Five; Burahache from ATMIS Kenya Defence Forces in Sector Two; and Old Airport from ATMIS Ethiopia National Defence Forces in Sector Six. The FOBs in Sarille and Old Kismayo Airport, were closed – both were from ATMIS Kenya Defence Forces in Sector Six and Two respectively.

At an official ceremony in Mogadishu, the African Union Special Representative for Somalia and Head of ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef, and Somalia’s National Security Advisor, Hussein Sheikh Ali, signed the Land Release Title Agreement. This agreement marks the official transfer of control from ATMIS to the Federal Government of Somalia.

The OIC Head of UNSOS, Qurat-ul-Ain Sadozai, signed the Gifting Certificate for UN- owned equipment within the FOBs to the FGS. UNSOS is gifting Generators, Solar panels, and Water treatment plants and handing over the FOBs in working condition. In addition, UNSOS has also committed to providing technical training for Somalia Security Forces designated by the government, to ensure the sustainable operation and maintenance of the equipment.

The African Union Commission Director for Conflict Management in the Political Affairs, Peace, and Security Department, Dr. Alhadji Sarjoh Bah, acknowledged the considerable strides made by Somalia in bolstering its security. He commended Somali security forces for their bravery and dedication to combating Al-Shabaab, while also recognizing their primary responsibilities in the country’s progress.

He reaffirmed the African Union’s unwavering commitment to Somalia’s Transition process, emphasizing that the African Union stands ready to support ongoing efforts towards achieving lasting peace, security, and stability.

Somalia’s National Security Advisor, Hussein Sheikh-Ali, thanked the African Union, United Nations and international partners for their sacrifice and dedication in pursuit of peace and security in Somalia.

“We thank the African union for your sacrifices to Somalia. To the international community and partners, we thank you for standing with us in the fight to keep our country safe and secure. I want to assure the public that this drawdown is real, and it is happening. ATMIS is ending and we are progressing towards a future where Somalia’s safety and security will be self-sustained, without ATMIS,” said the National Security Advisor.

The OIC Head of UNSOS, Qurat-Ul-Ain Sadozai, reaffirmed UNSOS commitment to supporting ATMIS and the FGS throughout the transition process. She highlighted the successful handover of the FOBs and commended the partnership between ATMIS, FGS and UNSOS while pledging continued support and collaboration.

“As UNSOS, our commitment to supporting both ATMIS and the FGS remains steadfast. We stand ready to support Phase Three of the drawdown and provide the needed logistical support,” said the OIC Head of UNSOS.

The Force Commander for ATMIS, Lt. Gen. Sam Okiding, lauded the exceptional teamwork by the Drawdown Tripartite Committee – ATMIS, FGS and UNSOS for successfully completing both Phase One and Two.

“Our collective efforts have been significant to drawing down a total of 5000 troops in both Phase One and Two. We will soon start preparations for the next phase, Phase Three, to reduce our numbers by 4000 troops in June. I am confident in our continued success based on our united and cohesive approach. For us, failure is not an option,” Lt. Gen. Okiding emphasized.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka gaabsaday khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

0

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u soo jeediyay Itoobiya iyo Soomaaliya inay khilaafkooda xal ka gaaraan IGAD iyo AU, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Amb. Meles Alem Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

 

Amb. Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay IGAD in ay ku baaqdo shir madaxeed kale oo looga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay ka carooday Muqdisho.

 

IGAD weli jawaab rasmi ah kama soo saarin codsiga Itoobiya.

 

Golaha Ammaanka waxay 29-kii bishii January qabteen shir ciwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Amniga Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay shirkaas. Si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faah faahin ah kama uusan bixin shirkaas.

 

Soomaaliya, oo cuskatay qodobka 35-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka inay faragelinta Itoobiya wax ka qabtaan iyadoo sheegtay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu ku xad-gudbaynayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

 

Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles, wuxuu si cad u sheegay mowqifka Itoobiya intii lagu jiray shirkii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 

“Mawqifka Itoobiya waa in dadaalkeeda ku aaddan gelitaanka badda ay horseed u yihiin arrimo dhaqaale.

 

Waxay kaloo ku saabsan tahay is-dhexgalka gobolka iyo sidoo kale arrin nabadeed iyo amni. Tani waa ajandaha cad ee ay Itoobiya ku celisay shirkii Golaha Ammaanka,” ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles.

{DAAWO SAWIRADA} Dad ka badan 50 ruux oo ku naf waayey dab ka kacay dhul keymo ah.

0

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Dab ka kacay kaymo ku yaala bartamaha dalka ku yaala Laatin Ameerika ee Chile ayaa waxa ku dhintay 51 qof, iyadoo ay kordhi karto tirada dhishamada sida laga soo xigtay masuuliyiinta wadankaasi Sabtidii.

Dabka ayaa laga baqayaa in uu ku fido magaalooyin ku dhawdhaw dhulka kaymaha ah ee gubanaya, waxayna kooxaha dambka damiya ku dadaalayaan in la xakameeyo si looga baaqsado in uu gaaro magaalooyinka.

Qiiq madow ayaa hawada isku shareerray qaybo badan oo kamid ah gobolka Falbaraasiyo oo ay ku nool yihiin ku dhawaad hal milyan oo qof kaas oo ku yaala bartamaha Jili.

Goobbaha ku xeeran magaalo xeebeedka loo tamashlaha tago ee Fina Del Mar ayaa kamid ah meelaha sida ba’an u saameeyay dabku, waxana dadka wax samatabixiya ku adag in ay gaaraan goobbaha ugu daran, sida ay sheegayaan masuuliyiinta Jili.

Tirada dhimasha ayaa kor u kacday kaddib markii 5 mayd laga helay wadada, waxayna warbixinadu muujinayaan “Waxaan gaari doonaa tiro intaas ka badan” saacadaha soo socda, sidaas waxa yiri Wasiirka Arimaha Gudaha ee Jili Karolina Taha.

“Xaaladda gobolka Falbaraasiyo waa tan ugu nugul,” ayuu yiri Taha, wuxuna intaa ku daray in wadanku wajahayo musiibadii ugu xumeyd tan iyo 2010-kii markaas oo dhulgariir ku dhuftay Jili ay ku dhinteen 500 oo qof.

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Axmed Baar

0

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Axmed Baar

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Fiqi Maqaamka Caasimadda waxa uu u xayiran yahay dhameystirka Dastuurka ee Baarlamaanku ha

0

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Wasiir Fiqi Maqaamka Caasimadda waxa uu u xayiran yahay dhameystirka Dastuurka ee Baarlamaanku ha 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiye Madaale Baarlamaanka waxaa sugaya Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay Dastuurka dhameys

0

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Guddoomiye Madaale Baarlamaanka waxaa sugaya Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay Dastuurka dhameys

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA