Home Blog Page 2874

Ilhaan Cumar oo wajaheysa cadaadiskii ugu weynaa iyo qorshe lagu doonayo in lagu eryo oo socda

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Ilhaan Cumar ayaa ka wajaheysa cadaadiskii ugu weynaa tan iyo intii loo doortay xubinnimada aqalka baarlamaanka Mareykanka ee Congress, ee ay ku metesho gobolka ay Soomaalidu degto ee Minnesota.

Gabadha xagjirka ah ee kula jirta Congress ee Marjorie Taylor ayaa aqalka baarlamaanka u gudbisay qaraar ku eedeynaya Ilhaan qiyaano qaran, iyo inay wakiil u tahay dowlad shisheeye.

Guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis waxa uu isagu ku baaqay in Ilhaan laga la noqdo dhalashada iyo baasaboorka Mareykanka islamarkaas na la masaafuriyo.

Qaraarka loo gudbiyay Congress iyo baaqa tarxiilka Ilhaan ayaa dabo-socday hadal ay ku durtay isfagaradka badda ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo ay ka jeedisay xaflad loo dhigay dib-u-doorashada madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni

Waxa lagu maagay Ilhaan xilli ay isu-diyaarineyso doorasho

Ilhaan Cumar oo ay kusoo wajahan tahay doorasho hor leh oo bishan ba olelaheedu bilaabanayo ayaa laga raacay khudbad ay Af Soomaaliga uga jeedisay xaflad Minnesota loogu dhigay dib-u-doorashada madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni, oo noqday kii ugu horreeyay ee xilka madaxweynenimada oo uu ku fadhiyo dib loogu doorto.

Ilhaan ayaa xafladaas ka dhaleeceysay heshiiska Addis Ababa iyo Hargeysa ee badda iyo saldhig Ciidan, kaas oo madaxweyne Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida uu ku sheegay inay ku bedelanayaan aqoonsi rasmi ah oo ay ka helaan taas – riyo iyo yididiillo ay soddon iyo dhowr sano naaweleysay Hargeysa.

Heshiiskaas oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ku tilmaamay ‘weerar qaawan oo lagu soo qaaday qaranimadeeda iyo dhulkeeda’ waxaa sidoo kale ka horyimid dalal uu Mareykanku ku jiro iyo urur caalami ah oo ka digay halis amni oo heshiiskaas u horseedi karo gobolka colaada u nugul ee geeska Afrika.

Ilhaan, oo dureysa is-afgaradka ayaa tiri: “Inta aan xubin ka ahay Congress, qofna ma qaadan doono badda qaranka Soomaaliya, Mareykankuna ma taageerayo kuwa kale ee doonaya inay naga xadaan.” Waxay intaas raacisay: “Dowladda Maraykanku waxay samayn doontaa waxa aanu u sheegno.Taasi waa kalsoonida aan u baahanahay inaan helno Soomaali ahaan. Waxaan ku nool nahay dalkan. Waxaynu bixinaa canshuur.”

Hadalkaas oo u eg in si khaldan loo turjumay ama qeyb ahaan laga tagay ayaa ku faafay internetka kadibna waxaa sii qaatay oo sii faafiyay warbaahinta garabka midig ee lagu xanto islaam iyo ajnebi naceybka.

Eedeymaha qiyaamo qaran, iyo baaqyada ah in laga eryo aqalka baarlamaanka, iyo xitaa in la tarxiilo oo laga la noqdo dhalashada iyo baasaboorka Mareykanka waxay ka dhaceen hadalkaas, qeyb ahaan aan la wada turjumin.

Laakiin waa hadal waxba uga duwaneyn halka Mareykanku ka istaagay heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland, iyo xitaa khudbadaha ay jeediyaan xildhibaanada kasoo jeeda dadka soogalootiga ah ee Mareykanka.

Sida ay Ilhaan iyo xubnaha la midka ah looga eryi karo baarlamaanka Mareykanka

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay xubnaha xisbiga Republican ay ku baaqaan in Ilhaan Cumar, oo ah gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah loo doorto baarlamaanka Mareykanka, laga eryo Congresska.

Horeyna, xubnaha Xisbiga Republican ee gobolka Alabama ayaa baaq kan la mid ah gudbiyay sanadkii 2019kii, markaas oo Ilhaan lagu eedeeyay yahuud naceyb.

Horraantii sanadkii hore, xubnaha Republican ee Congress ayaa ku guuleystay inay Ilhaan ka eryaan guddiga awoodda badan ee arrimaha dibeda.

Haddaba, weydiintu waxaa maxay qaadanaysaa in Ilhaan iyo xubnaha kale ee baarlamaanka Mareykanka laga ergo Congresska?

“Ma ahan wax fudud in xildhibaan la soo doortay laga eryo baarlamaanka. Way ka adag tahay doorashada,” ayuu yiri qareen Amiin Haruun oo ka howlgala Minnesota. “Waxay ka mid tahay arrimaha dhif iyo naadirka ah ee horey u dhacay.”

Saddex mudane oo lasoo doortay oo keliya ayaa laga eryay baarlamaanka Mareykanka boqol iyo lixdankii sano ee ugu dambeeyay. Xildhibaan George Santos – Jamhuurigii laga soo doortay New York oo looga maaro waayay beenlownimada islamarkaas ay ku socoto dacwada dowladda dhexe ee la xiriirta musuqmaasuqa, lacagta la dhaqay, xatooyada iyo xatooyadda aqoonsiga deeq-bixiyayaasha – ayaa noqday xildhibaankii ugu dambeeyay ee laga eryo golaha Congresska.

Labadii ka horreysay oo ka wada tirsanaa xisbiga Dimoqraadiga, James Traficant iyo Michael Myers, oo lagu helay dembiyo dhowr ah oo ay ku jiraan laaluush-qaadasho, islamarkaas na diiday inay iscasilaan ayaa laga eryay baarlamaanka Mareykanka sanadkii 2002 iyo 1980kii.

Waxay dhacdaa xaaladdo dhif iyo naadir ah. Waxay u baahan tahay isbiirsiga dhaqan xumo iyo u-adkeysi weysiga ficilada xishood la’aanta ah.

Sidaas oo ay tahay, Dastuurka Mareykanka ayaa siinaya aqalka Congress awood weyn oo ay shaqada uga eryaan saraakiisha dowladda dhexe oo ay ku jiraan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, laakiin ma leh awood taas u dhiganta oo ay xilka uga eryi karaan, si fudud xubnaha la mid ah ee loo soo doorto sharcidejinta.

Sababtu ma ahan wax kale, waa waa nidaamka sharciga dalkaas ayaa waxaa loo dhisay in lagu ixtiraamo rabitaanka cod-bixiyayaasha iyo xubnaha ay u doortaan baarlamaanka.

Xubno iskood waa isu casili karaan, laakiin in la eryo waxay u baahan tahay inay u codeeyaan aqlabiyadda aqalka Congress, tiro u dhiganta labo meel saddex meelood xubnaha Congress. Ma shaqo aan si fudud lagu gaari karin.

Sidaas oo ay tahay, xubinta laga eryayo Congress uma baahna inay gasho dembi, ama ay jabisho sharciga. Laakiin waa in la helaa saddex meelood, labo meel cododka aqalka si loo eryo.

idkaas oo la maro ayaa Ilhaan Cumar looga eryi karaa aqalka Congress, waase howl u eg in aysan marna dhici doonin sababtoo ah xubnaha xisbiga Republican ma heli karaan cod ku filan oo ay Ilhaan uga eryaan Congress, si la mid ah siddii ay uga eryeen guddiga awwoodda badan ee arrimaha dibeda.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Culumada Soomaaliyed ay tiir adag u yihiin bulshada iyo faafinta Diinta.

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Culumada Soomaaliyed ay tiir adag u yihiin bulshada iyo faafinta Diinta.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Culumada Soomaaliyeed ay door weyn ku lee yihiin dhismaha bulshada.

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Culumada Soomaaliyeed ay door weyn ku lee yihiin dhismaha bulshada.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Ethiopia oo ku howlan soo celinta dhibcihii uga lumay heshiiskii Somaliland

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Ethiopia oo ku howlan soo celinta dhibcihii uga lumay heshiiskii Somaliland

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Itoobiya oo shaacisay in lasoo wareejiyey kulankii QM ee xiisadda badda Soomaaliya

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo jeediyay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay khilaafkooda xal ka gaaraan IGAD iyo Midowga Afrika.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Amb. Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay IGAD in ay ku baaqdo shir madaxeed kale oo looga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay ka carooday Muqdisho. IGAD weli jawaab rasmi ah kama soo saarin codsiga Itoobiya.

Golaha Ammaanka, waxay 29-kii bishii January qabteen shir ciwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Amniga Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay shirkaas. Si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faah faahin ah kama uusan bixin shirkaas.

Soomaaliya, oo cuskatay qodobka 35-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka inay faragelinta Itoobiya wax ka qabtaan iyadoo sheegtay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu ku xad-gudbaynayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles, wuxuu si cad u sheegay mowqifka Itoobiya intii lagu jiray shirkii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Mawqifka Itoobiya waa in dadaalkeeda ku aaddan gelitaanka badda ay horseed u yihiin arrimo dhaqaale. Waxay kaloo ku saabsan tahay is-dhexgalka gobolka iyo sidoo kale arrin nabadeed iyo amni. Tani waa ajandaha cad ee ay Itoobiya ku celisay shirkii Golaha Ammaanka,” ayuu yiri Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inaysan wada-hadal la geli doonin Itoobiya illaa ay ka laabato heshiiska ay la gashay Somaliland.

IGAD ayaa ah madal ay maamusho Itoobiya oo wixii ay doonto ay ka sameysan karto, mana muuqato in Soomaaliya ay aqbali doonto kulan kale oo arrintan uu ururka ka yeesho.

Waxa ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ay diidan tahay ayaa ah; in arrintan loo rogo khilaaf ka dhaxeeya labada dhinac oo u baahan in wada-hadal laga galo, halka xaqiiqda ay tahay in Itoobiya ay xadgudub ku sameysay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn { 05/ 02 / 2024}

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Yaasiiin Ali Ahmed

Farsamadii : Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Ethiopia oo ku howlan soo celinta dhibcihii uga lumay heshiiskii Somaliland

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Ethiopia oo ku howlan soo celinta dhibcihii uga lumay heshiiskii Somaliland

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiye Cali Shiine “Kubadda cagta waxaa ay leedahay xamaasad gaar ah raali ayaana ka nahay”

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Guddoomiye Cali Shiine “Kubadda cagta waxaa ay leedahay xamaasad gaar ah raali ayaana ka nahay”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiye Deeyow “tartanka waxaa xamaasad u yeelay Qabiilka”.

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Guddoomiye Deeyow “tartanka waxaa xamaasad u yeelay Qabiilka”.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

DF oo maqaamka caasimadda ku xirtay dhameestirka Dastuurka KMG AH

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in maqaanka magaalada Muqdisho uu u xiyiran yahay dhameystirka dastuurka dalka, isagoo sheegay in wax tallaabo ah aan la qaadi karin ilaa inta laga dhameystirayo dastuurka.

Wasiir Fiqi ayaa maanta warbaahinta kula hadlay banaanka hore ee xarunta golaha shacabka, kadib markii looga yeeray kulankii maanta ee xildhibaanada golaha shacabka, isaga iyo duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Wasiirka ayaa sheegay in maqaamka Muqdisho uu qeexayo qodobka 9-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka, balse hadda dastuurkiiba uu qabyo yahay, wuxuu intaas ku sii daray in dhowr iyo toban sano uu maqaamkii caasimada Muqdisho u xayiran yahay dastuurka qabyada ah.

“Maqaamka gobolka Banaadir markii maanta laga dooday waxaa soo baxday arrin dastuuri ah oo weyn, maqaamkii caasimada wuxuu u xayiran yahay qodobka 9-aad ee dastuurka, 11-sano ayey Muqdisho u xayiran tahay dib u eegista dastuurka,” ayuu yiri Fiqi.

Waaiirka ayaa sii hadlayey ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ay maanta ugu dhowdahay inay helaan xuquuqdooda, “Guddiga arrimaha gudaha ee BFS waxaan ku bogaadinayaa inay ka shaqeeyaan arrinta maqaamka Muqdisho, si loo helo shuruuc maqaamkeeda u ogolaaneysa caasimadda Muqdisho,” ayuu yiri.

Sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ah ayuu Fiqi ku dhaliilay inay diidan yihiin in laga shaqeeyo dastuurka, si looga gudbo caqabadaha dhanka sharciga ka heysta dowladnimada Soomaaliya.

“Siyaasiyiinta waaweyn ee Muqdisho ka soo jeeda waxay mar walba sheegaan inay u doodayaan xuquuqda dadkaan, hadana markii la dhaho arrintii waa laga shaqeynaa oo dastuurkii waa la dhameystirayaa waxay soo saarayaa warar carqaladeyn u eg, raggaas waxaan leeyahay is ceshada inta shacabka Muqdisho aysan idinku soo bixin oo aysan idin dhihin naga wareega,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Fiqi.

Wuxuu sheegay in dastuurkaan uu xaq-siinayo qoys iyo qabiil kasta, “waxaan rajeynayaa in shaqada ka socota dastuurka deg deg loo soo gabagabeeyo, waxayna shaqadaasi ku xawilan tahay oo dhameystirkeeda aan ka sugeynaa baarlamaanka,” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.