Home Blog Page 2873

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Dhabancad “Wax aan meesha ku qorneyn yaa laga doodin

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Xildhibaan Dhabancad “Wax aan meesha ku qorneyn yaa laga doodin

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA}Maxaa kasoo kordhay Dadkii Oramadda ahaa ee saakay lagu dilay Magaalada Baladxaawo ee Gobalka Gedo.

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Maxaa kasoo kordhay Dadkii Oramadda ahaa ee saakay lagu dilay Magaalada Baladxaawo ee Gobalka Gedo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH-FAAHIN: Maxaabiis ka baxsaday sadhiga booliska Baladweyne.

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} FAAH-FAAHIN: Maxaabiis ka baxsaday sadhiga booliska Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim “Beelaha Hawiye iyo Daarood ayaa isku dhiib dhiiba xilka madaxweynaha”

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC}Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim “Beelaha Hawiye iyo Daarood ayaa isku dhiib dhiiba xilka madaxweynaha

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO SAWIRADA} Laftagareen oo Baydhabo kusoo dhaweeyay Wakiilka Cusub ee UNSOM

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo ku qaabilay Wakiilka Cusub ee UNSOM deeganada Koonfur Galbeed Dr Mangnus Bjarnason iyo Wafdi uu Hogaaminayo

Madaxweyne Laftagareen iyo Wakiilka Cusub ayaa ka wada hadlay Xoojinta Wadashaqaynta UNSOM iyo Dmaamulka Koonfur Galbeed, taageerida mashaariicda hormarineed, amniga, siyaasada iyo arimaha bini’adannimada.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay ku-Simaha gudoomiyaha Baarlamaanka ahna

gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlaamnka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin iyo La Taliye Sare Cabduqaadir Yaanyuurow.

Wakiilka Cusub ee UNSOM deeganada Koonfur Galbeed Dr Mangnus Bjarnason ayaa lagu wadaa in si rasmi ah uga howl bilaabo magaalada Baydhabo, waxa uuna xoojin doonaa xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulka Laftagareen iyo UNSOM.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 5/ 02/ 2024}

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Shugri baryare iyo Maxamed Ibraahin

Farsamadii : Abdulaahi Makaraan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

Afgooye waxa lagu qabtay Nin rabay in uu gubo xaaskiisa.

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Ciidamada ammaanka ee degmada Afgooye ayaa lagu soo warramayaa inay saaka gacanta ku dhigeen nin doonayay inuu gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Maxamed Ibraahim Barre oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ninkaasi laga qabtay isaga oo wata dab iyo basiin, isla markaana hortaagan gurigiisa.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in soo qabashadiisa iyo ka hortaga falkaasi ay ka shaqeeyeen dadka deegaanka oo soo wargeliyay ciidanka ammaanka ee degmada.

“Saaka dhacdo kale ayaa jirto nin ayaa degmada Afgooye wuxuu isku dayay inuu gubo xaaskiisa iyo carruurtiisa, gurigoodii isaga oo hortaagan oo dhibaatadaas inuu gaysta rabana ayaa hay’adihii amniga lala soo wadaagay, kadibna la qabtay” ayuu yiri Barre.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Wuxuu watay marka la qabanaya Taraqii iyo Shidaalkii uu ku gubi lahaa gurigiisa”.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo wacyigelin, maadaama ay dhacdooyinka kusii badanayaan guud ahaan Soomaaliya.

“Dhacdooyinka way soo bateen marka Ummadda wacyigelin aad iyo aad u wayn ayay u baahan tahay, culimada inay u istaagaan arrintaasna wax laga qabto” ayuu kusii daray.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay in baaris madax bannaan lagu sameeyo falalkan iyo cidda ka dambeysa, si looga ogaado waxa isku soo beegay dhacdooyinkan.

“Waxaan ku talinayaa in baaritaan lagu sameeyo falalkan iyo cidda ka dambeysa, annaga haddii aan nahay maamulka Shabeelaha Hoose arrintaas waan bilaabeynaa, baaritaankeedana waa socdaa” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha Shabeelaha Hoose.

Dhowaan ayay ahayd markii degmada Qoryooley uu nin watay mindi ku gowracay xaaskiisa, kaas oo gacanta lagu soo dhigay, waxaa sidoo kale ka horreysay dhacdo kale oo ka dhacday Muqdisho, kadib markii nin la sheegay inuu maseeray uu xaaskiisa ku gubay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo ay baadi goobayaan laamaha amniga.

Xamaas oo diiday Heshiis Xabbad-joojin iyo Maxaabiis is dhaafsi ah

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Waxaa socda dedaalo mar kale lagu doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lakala dhax dhigo kooxda Xamaas iyo ciidamada Israa’iil, sidoo kale mar kale labada dhinac is dhaafsadaan maxaabiista ay kala heestaan qaarkood.

Hoggaanka sare ee kooxda Xamaas ayaa warar soo baxaya sheegayaan in ay diideen qorshaha xabbad-joojinta KMG iyo maxaabiis is dhaafsiga, waxa ayna xubnahan sheegeen in ay sii wadi doonaan iska caabinta ciidamada Israa’iil.

Xamaas ayaa si cad u sheegay in aysan jiri doonin wax heshiis ah oo ku saabsan maxaabiista ku xiran magaalada Qasa, haddii aan la helin dammaanad adag oo lagu soo afjarayo duulaanka Israel.

Dagaallo culus iyo duqeymo ayaa wali ka socda magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana dagaalka socda khasaaro xooggan kusoo gaaray ciidamada Israa’iil, iyadoona shalay dagaal dhacay askar looga dilay kuwa kalana looga dhaawacay.

Dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil ayaa socda muddo shan bil ah, waxaana dagaalkan lagu dilay in ka badan 24-kun qof oo shacab Falastiiniyiin ah iyo in ka badan 1300-qof oo Israa’iiliyiin ah.

Guddoomiye Madaale oo Culumaa’udiin Dibadda ka yimid kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay Muqdisho

0

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kulan soo dhaweyn ah u sameeyay culuma’udiin Soomaaliyeed ee isaga kala yimid wadamada Bariga Afrika, kuwaas oo u taagan faafinta diinta Islaamka.

Culumadan tabliiqa ah oo Muqdisho u yimid in ay bulshada ugu nasteexeeyaan Diinta Islaamka ayaa waxaa hogaaminaayay Sheekh Xuseen Cali Sugaal (Sheekh Xuseen Jabuutaawi) iyo Sheekh Cabdiraxmaan Macalin Jigjiga.

Munaasabada soo dhaweynta ah ee loo sameeyay culumaa’udiinkan Soomaaliyeed ayaa laga jeediyay khudbado u badnaa soo dhaweyn iyo u mahad-celin culumada Soomaaliyeed ee u taagan fidinta iyo faafinta diinta Islaamka.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka , taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, guddoomiye Ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.