Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Isaga oo Kubad-Ciyaaraya uu wadnaha istaagay xalay wuuna geeriyoday
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Isaga oo Kubad-Ciyaaraya uu wadnaha istaagay xalay wuuna geeriyoday
Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Qareenka eedeysane Cabdullaahi Cosoble ayaa ka hadlay difaaca eedaha loo soo jeediyay.
Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Wajiga labaad ee qorshaha dhimista ciidanka ATMIS oo la soo gebagebeeyey
Axad-04-Feb- 2024-{HMC} soomaalilandXukumada Soomaaliland” Gudoomiye Ciro iyo Xasan Shiikh waa isku Aragti.”
Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Eedeysane xaalada caafimaad lasoo diristay iyo qaabkii aay u maareysay Maxkamada.
Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Soomaaliya ma waxaa ku jira kayd shidaal oo ka badan kan Imaaraatka Carabta?
Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo loo kala dab-qaadayo kahor shirka Garowe.
Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Waaxda socdaalka iyo dhaqan galinta Canshuuraha ee dalka Maraykanka ayaa sii daysey natiijada warbixinta howlgalo qaatay labo todobaad oo ay kula dagaalamayeen dambiyada ka dhana caruurta iyo kuwa khatarta ku ah nabad galyada Maraykanka.
Howlgalada oo ka dhacay labaatan iyo shan magaalo iyo dhulka miyiga ah guud ahaan Maraykanka, ayaa lagu bartilmaameedsaday shaqsiyaad danbiyo galay oo si xor ah u watay dhadhqaaqooda. Basle markii danbe lagu helay dambiyo lidi ku ah amaanka Maraykanka.
In ka badan 171 qof ayaa lagu qabtay howlgalka, boqol iyo saddex ka mida ayaa lagu helay danbiyo dilal ah iyo kufsi caruur, dadka la qabtay waxaa ka mid ah qof Soomaali ah oo ay waaxdu Socdaalka Maraykanku ku sheegtay inuu ka tirsan yahay Ururka AS
Ku simaha agaasimaha ahna ku xigeenka Haya’dda Socdaalka iyo Dhaqangalinta Canshuuraha Maraykanka ee ‘ICE’, Patrick J. Lechleitner, ayaa xaqiijiyey warar ay daabaceen warbaahinta Maraykanka qaarkood oo shaaca ka qaaday in argagaxiso ay ka soo talaabeen xadka Maraykanka bishii maarso ee sanadkii 2023-dii.
Bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan, afhayeenka Haya’adda Socdaalka iyo dhagangalinta Canshuraha ee Maraykanka ‘ICE’, Erin Bultje ayaa u sheegay warbahinta in qof Soomaali ah oo da’diiisu tahay 27 sano jir uu Maraykanka ka soo galay meel u dhow San Ysidro ee gobolka California laakin xiligaas wax baarid ah lama marin bartamihii Maarso.
“Waxaan rabaa inaan amaano shaqaalaheena sababtoo ah isla markii aan ogaanay taas – 48 saacadood gudahood – waa la qabtay, wuxuuna hadda ku jiraa xabsiga ICE, Waxaan u maleynayaa inay taasi tahay natiijo cajiib ah – marag u ah sida xirfada leh ,daacadda ah, iyo kartida shaqaalaheena.” Ayuu yiri Patrick
Patrick waxaa weheliyey agaasimaha fulinta ee ICE, Daniel A. Bible markii uu saxaafada kula hadlayey xarunta Haya’dda ee ‘ICE’
Maraykanka ayaa la kulmay mowjado dadka magangalyo doon ah, kuwaas oo tiro badan oo ka mid ah ay ka galeen soohdimaha dhanka dhulka ee ay la wadaagto dalka Mexico.
Walaaca argagaxisada ee ka gudba xaduudaha waa mid ay muujiyeen haya’dda Socdaalka ee Maykanku, balse waxay sheegeen inay si taxadar leh ugu feejigan yihiin khatar walba oo lida ku ah ammaanka iyo badqabka dadka Maraykanka.
Dhanka kale, warbaahinta dalka Cost Rica ayaa sheegay inay hay’adaha ammaanka dalkaasi ay gacanta ku dhigeen nin Soomali ah oo lala xiriirnayo uu ka tirsan yahay ururka AS ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.
Wasaaradda Amniga Gudaha dalkaas aya sheegtay in la xiray ninkaas 30-kii bishii November ee sanadkii 2023-kii
Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta, ninkaas ayaa ku sugnaa aagga laga galo Xarunta Daryeelka Ku-meel-gaarka ah ee Dadka Muhaajiriinta ah (CATEM) ee koonfurta ee Costa Rica, oo qiyaastii 10 km u jirta xudduudda Panama.
Sidaas oo kale Cost Rica ayaa sheegtay in bishii April 2023-kii ay qabtay wiil uu dhalay sarkaal sare oo ka tirsan Ururka AS
Sanadkii 2017-kii, Haya’adaha ammaanka ee dalka Costa Rica ayaa xiray muwaadin Soomaaliyeed oo looga shakisan yahay “argagixiso caalami ah” kadib markii uu ka soo galay dalka Bartamaha Ameerika ee Panama, sida ay sheegtay wasaaradda amniga Costa Rica.
Mas’uuliyiinta Mareykanka “waxay xaqiijiyeen in qofka lagu eedeynayo inuu xiriir la leeyahay ururada argagixisada caalamiga ah, waxayna dalbadeen in si deg deg ah loo sii hayo si uu u bilaabo baaritaanka kiiska,” ayay wasaaraddu ku tiri hadal ay soo saartay.
Mas’uuliyiinta Costa Rica ayaa tuhmanaha ku sheegay 25-jir kasoo galay dalka magaalada xuduudda ku taalla ee Paso Canoas, oo 358 kiiloomitir (222 mayl) koonfur ka xigta caasimadda.
Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Mareykanka & Ingiriiska ayaa duqaymo ka fuliyay saaka waaberigii bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yemen, iyago sheegay iney beegsadeen in ka badan 30 bartilmaameed oo ku yaal 13 goobood, sida ay saraakiishu sheegeen.
Mareykanka iyo UK ayaa duqeyntan fuliyay iyagoo taageero ka helaya dalal kale oo dhowr ah, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah.
“Weerarka maanta waxa uu si gaar ah u bartilmaameedsaday goobo xiriir la leh Xuutiyiinta sida xarumaha lagu kaydiyo hubka, nidaamyada gantaalada iyo nidaamka difaaca hawada, iyo raadaarka,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen Mareykanka, UK, Australia, Bahrain, Canada, Denmark, Netherlands iyo New Zealand.
Xuutiyiinta ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo UK ay duqeeyeen gobollo badan oo ka tirsan Yemen oo ay ku jirto caasimadda Sanca.
Labo ka mid ah maraakiibta wax burburisa ee Mareykanka ayaa riday gantaalada Tomahawk oo qeyb ka ah duqeymaha, sida uu sarkaal Mareykan ah u sheegay CNN. Diyaaradaha dagaalka ee USS Gravely iyo USS Carney ayaa riday gantaalada nooca Cruise missiles.
Mareykanka oo raadinaya inuu ka fogaado dagaal goboleed lala galo Tehran, si toos ah uma bartilmaameedsan Iran, taas beddelkeeda wuxuu beegsaday qaar ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan ee gobolka. Waa hab aan toos ahayn oo la isku dayayo in fariin loogu diro hoggaanka Iran, taasoo sii kordhineysa welwelka ku aaddan ficillada qaar ka mid ah ururada xagjirka ah ee ay taageerto.
Axad-04-Feb- 2024-{HMC} ATMIS ayaa sheegtay iney si guul ah ku soo gebagebeysay Wajigii Labaad ee qorshaha dhimista ciidamada Midowga Afrika ee jooga Somalia
ATMIS ayaa xustay in todoba Saldhig oo ay ka baxeen ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in wejiga labaad ee qorshaha dhimista ciidamada dalka looga saaray illaa 3000 kun oo Askari kuwaasoo ka baxay xarumo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.
Dhinaca kale, Madaxa Guddiga Midowga Afrika (AUC) ee maaraynta khilaafaadka, Dr. Alhadji Sarjoh Bah, ayaa soo gabagabeeyay booqasho shaqo oo shan maalmood qaadatay oo uu ku joogay Soomaaliya. Wuxuu hogaaminayay wafdi heer sare ah oo ka socday Waaxda Siyaasadda, Nabadda, iyo Amniga oo uu ka mid ahaa madaxa cusub ee loo magacaabay Qeybta Howlgallada Taageerada Nabadda (PSOD), General Cheick Dembele.
Waxyaabaha diiradda lagu saarayey booqshada ayaa waxaa ka mid ahaa in la qeexo qaababka loogu wareejinayo mas’uuliyadda amniga ee ATMIS oo si aan kala go ‘lahayn loogu wareejinayo ciidamada amniga Soomaaliya.
Wafdigan ayaa markii ay Sabtidii soo gaareen Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Maxamed El-Amine Souef; Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cali Cumar Balcad; Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daud Aweis; iyo kooxda hogaanka ATMIS.
Waxaana ay kulamo muhiim ah la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan DFS. Waxay la kulmeen Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Gaani iyo La Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali. Waxa kale oo ay la kulmeen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, saaxiibo caalami ah, Safiiro ka socday dalalka ATMIS ee ciidamada ku deeqay, iyo wakiilo ka socday bulshada rayidka ah.
Waxay dib u milicsadeen casharadii laga bartay labada weji ee koowaad iyo labaad, wejiga saddexaad ee soo socda ee Juun 2024, kaas oo u baahan in la dhimo 4,000 oo askari, iyo wejiga xiga ka dib ATMIS wuxuu dhammaanayaa 31ka Diseembar 2024.