Home Blog Page 2878

Booliska oo soo badbaadiyay Cunug yar sabab yaab leh loogu xiray guri ku yaalla degmada Xamarjajab

0

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo bad-baadiyay ilmo yar oo saddex sano jir ah, kaas oo sabab yaab leh loogu xiray guri ku yaalla degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ay sidoo kale ka qayb-qaateen ciidamada Dharcadda ee NISA ayaa waxaa lagu soo bad-baadiyay Yuusuf Kulmiye Xasan oo saddex sano jir ah, kaas oo ay hay’adaha amnigu sheegeen in muddo lix saacadood ah lugu xiray guriga ay kasoo dhex saareen.

Sababta halkaasi loogu xiray ayaa waxaaa lagu sheegay dhaqan celin, taas oo noqotay arrin aad loola yaabay.

“Ciidamada Boliiska Saldhiga Degmada Xamar Jajab oo kaashanaya Ciidanka Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka ee NISA, qaybteeda Dharcadka ee Degmadaas ka hawl-gasha ayaa soo bad-baadiyay cunug yar oo 3 sano jir ah oo lagu xiray guri ku yaala Degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Cunuga yar oo lagu magacaabo Yuusuf Kulmiye Xasan ayaa ku xidhnaa mudo 6 saac ah guri lagu sheegay dhaqan Celin”.

Dhinaca kale falcelin xoogan ayaa ka dhalatay falka lagula kacay wiilkan yar, waxaana qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ay soo jeediyeen in lasoo xiro dadka gaystay falkaasi.

RUUSHKA oo dalbaday shir deg deg ah Kadib tallaabadii Mareykanka uu qaaday,

0

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Dowladda Ruushka ayaa ku baaqay kulan deg deg ah uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesho duqeymaha Mareykanka uu ku hayo kooxaha maleeshiyadka ah ee dowladda Iiraan ay taageerto.

Kooxaha uu Mareykanku beegsanayo ayuu fadhigoodu yahay dalalka Ciraaq iyo Suuriya, kuwaas oo lala xiriirinayo in toddobaadkii hore ay askar Mareykan ah ku laayeen dalka Urdun.

“Waxaan kaliya dalbanay fadhi deg deg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesho khatarta nabadda iyo badbaadada ee ay abuureen weerarrada Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq,” ayuu yiri Diblomaasiga Moscow ee Qaramada Midoobay, Dmitry Polyansky.

Ruushka oo xubin ka ah golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobey ayaa saaxiib dhow la ah dowladda Iiraan oo Mareykanka ay ishayaan.

Dowladda Ukraine iyo hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ayaa sheegay in Ruushku uu isticmaalayey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan laga leeyahay tan iyo bishii February ee sannadkii 2022-kii, xiligaas oo Ruushku uu soo bilaabay duulaanka uu ku hayo dalka Ukraine.

Mareykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeeyay 85 bartilmaameed, isagoo ka jawaabaya weerarkii askarta looga laayey Axadii hore, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo weerarkaas kadib soo hanjabay ayaa yiri “Haddii aad dhaawacdo qof Mareykan ah, waan ka jawaabi doonaa.”

Tiro dad ah ayaa ku dhintay duqeyn culus oo magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya, halka dowladda Ciraaq ay sheegtay in ugu yaraan 16 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymo uu Mareykanku ka geystay dalkaas, iyadoo ay ku dhaawacmeen 25 qof oo kale.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Iiraan ayaa sheegay si adag u cambaareeyay duqeymaha Mareykanka oo uu ku tilmaamay xadgudubyo ka dhan ah “madax bannaanida iyo xornimadi dhuleed” ee dalalka uu Mareykanku beegsaday.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn { 04/ 02 / 2024}

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Yaasiiin Ali Ahmed

Farsamadii : Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Gudoomiye Madaale oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Madaxda degmooyinka Muqdisho

0

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Waxaa looga hadlay shirka xoojinta Amniga Caasimadda, Bilicda & Nadaafadda iyo sare u qaadida Dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee bulshada dhexdeeda ka soo cusboonaaaday, iyadoo maamulada degmooyinka ka warbixiyeen kiisas dil ah oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kula dar-daarmay Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir in la dar-dargeliyo Adeegyada loo haayo Bulshada caasimadda.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee maamulka gobolka.

{DAAWO MUUQAALKA} halka uu joogo ninka baxsadka ah ee xaaskiisa gubay oo la odaaday

0

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} halka uu joogo ninka baxsadka ah ee xaaskiisa gubay oo la odaaday

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madaale oo kulan deg deg ah la qaatay Madaxda degmooyinka Muqdisho

0

Axad-04-Feb- 2024-{HMC} Gudoomiye Madaale oo kulan deg deg ah la qaatay Madaxda degmooyinka Muqdisho

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

UN estimates 17,000 Gaza children left unaccompanied amid Israel’s war

0

Saturday February 3, 2024 At least 17,000 children in the Gaza Strip have been left unaccompanied or separated from their families nearly four months into Israel’s assault on the enclave, the United Nations children’s agency estimates.

Nearly all children in the strip also require mental health support, UNICEF said on Friday.

“Each [child] has a heartbreaking story of loss and grief,” said Jonathan Crickx, UNICEF’s chief of communication for the occupied Palestinian territories.

“This [17,000] figure corresponds to 1 percent of the overall displaced population – 1.7 million people,” he told a media briefing via video-link from Jerusalem, saying the number was an estimation as it is near impossible to verify information under current conditions.

Each one “is a child who is coming to terms with a horrible new reality”, he added.

Crickx said that tracing who the unaccompanied children were was proving “extremely difficult”, as they were sometimes brought to a hospital wounded or in shock, and “they simply can’t even say their names”.

He said that during conflicts, it was common for extended families to take care of children who lost their parents.

However, in Gaza, “due to the sheer lack of food, water or shelter, extended families are themselves distressed and face challenges to immediately take care of another child as they themselves are struggling to cater for their own children and family”, said Crickx.

Broadly, UNICEF terms separated children as those who are without their parents, while unaccompanied children are those who are separated and also without other relatives.

‘Almost all children’ need mental health support
Crickx also said the mental health of children in Gaza was being severely affected by the offensive, and that a million children in the Gaza Strip require mental health support.

Children in Gaza “present symptoms like extremely high levels of persistent anxiety, loss of appetite, they can’t sleep, they have emotional outbursts or panic every time they hear the bombings,” he explained.

Before the assault erupted, UNICEF estimated that more than 500,000 children in Gaza needed mental health and psycho-social support.

Now, it believes that “almost all children are in need” of such help. “That’s more than one million children,” Crickx said.

According to the Palestinian health ministry, Israeli attacks have killed more than 27,100 people in Gaza since the war began on October 7, around 11,500 of them children.

More than 66,200 others have been wounded amid a severe lack of medical supplies and functioning healthcare facilities. Thousands more are missing and are under the rubble.

With Israeli ground troops encircling most of northern, central, and eastern Gaza, families have been forced to flee their homes several times since the war began. Many are now crammed in the southern Rafah governorate, which Israel has said is its next target of attack.

Many who fled their homes have been shot at and arrested. Those who make it to the south often have no contact with their relatives or caregivers in other parts of the enclave, especially during times of communication blackouts.

“Children don’t have anything to do with this conflict. Yet they are suffering like no child should ever suffer,” said Crickx.

“No child should ever be exposed to the level of violence seen on October 7 – or to the level of violence that we have witnessed since then.”

He called for a ceasefire so that UNICEF could conduct a proper count of children who are unaccompanied or separated, trace relatives, and deliver mental health support.

SOURCE: AL JAZEERA

Saraakiil iyo askar loo maxkamadeynayo hub iyo gaadiid ay Shabaab furteen

0

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa maanta xabsi u dirtay in ka badan 30 saraakiil iyo askar ah oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ragga maanta xabsiga loo taxaabay waxaa loo haystaa gadiid iyo hub ay Shabaab qaateen qaarna gubeen, maalinkii uu dhacay weerarkii magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Masuuliyiinta maxkamadda ayaa gal-dacwadeedkaan xasaasiga ah ka furay mahaalada Wisil ee gobolka Mudug oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada ku jira howlgalka argagixisada looga xoreynayo koonfurta gobolka Mudug.

Sida ay sheegeen saraakiisha maxkamadda waxaa maalmaha soo socda la qaadi doonaa dacwadda askarta iyo saraakiisha xabsiga loo taxaabay maanta.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bilowgii bishaan weerar culus ku qaaday magaalada Caad ee gobolka Mudug, waxayna furatay gaadiid badan, inkastoo markii dambe la sheegay in aysan kaxeysan oo la duqeeyey.

Askarta iyo saraakiisha loo heysto gaadiidka oo u badan guutada 18-aad ee Gorgor, waa ciidankii uu ka geeriyooday Taliye Suulnuug, waxaana furimaha dagaalka looga yaqiinay guutada ugu adag ciidanka xoogga dalka.

Ururka 10-aad ee guutadaas ayaa loo heystaa gaadiidka ugu badan ee dagaalkaas lagu gubay, waxaana ururkaas ka maqan 9 gaari, ragga lasoo xiray waa askartii iyo saraakiishii dowladda ugu qoraa gacan ku heynta gaadiidkaas.

Masuuliyiinta Maxkamadda ayaa maanta su’aalo weydiisay askarta iyo saraakiisha la xiray, waxaana laga wareystay sababta keentay dayacaadda gaadiidka, su’aalo weydiin kadib waxaa loo diray xabsi, waxaana dhawaan ku bilaabaneysa maxkamadeyn toos ah.

Dhawaan isla maxkamadaan waxaa la soo taagay 27 askari oo ka tirsanaa ciidanka Gorgor, kuwaas oo ka baxsaday furimaha dagaalka, isla markaana lagu qabtay Dhuusamareeb, waxaana lagu xukumay min 5 sano oo xabsi ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn { 03/ 02/2024}

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Mohamed ibraahin Ahmed

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Reysul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo xilalka ukala wareejiyay wasiiro

0

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Reysul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo xilalka ukala wareejiyay wasiiro

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA