Home Blog Page 2880

NISA oo sheegtay inay qabatay Sarkaal ka tirsan AS.

0

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa magalaada Muqdisho ku qabtay sarkaal lagu magacaabo Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud {Muxiyadiin Daqare} oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Qoraal ay NISA soo saartay ayaa lagu sheegay in Muxiyadiin Cabdisalaan oo si wayn loogu raadjoogay lagu qabtay Muqdisho, xili la tilmaamay inuu si qarsoodi ah ku joogay caasimadda, iyada oo markii dambe ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Nabad Sugidda.

Muxudiin Daqare ayaa ka soo howlgalay qaar ka mid ah gobollada dalka, waxaana uu ka soo shaqeeyey gobollada kala ah; Bay, Galgaduud Mudug iyo Shabeelaha Hoose.

Laamaha ammaanka oo gacanta ku soo dhigay ayaa sheegay in ay dhawaan soo saari doonaan xog ku saabsan sarjaal Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud {Muxiyadiin Daqare} oo ka tirsanaa Shabaab, lana sheegay inuu haatan kamid ahaa Gacanyarayaasha Axmed Diiriye.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku aadan Warka ay soo saartay hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

19-shaqaale ah oo la socday markab ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah oo La so Badbaadiyay.

0

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 19-shaqaale ah oo la socday markab kalluumeysi oo laga afduubtay xeebaha Soomaaliya.

Waa howl-galkii saddexaad ee toddobaadkii hore gudihiisa lagu qabto , kaddib iyadoo ay soo badanayaan weerarrada lagu beegsanayo maraakiibta.

11-qof oo Iranian ah iyo 8-shaqaale Pakistani ah ayaa la socday markabka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay ciidamada badda Hindia.

Sawirro ay baahiyeen ciidamada badda ayaa muujinayay ciidamada kumaandooska Hindiya oo kor u fuulay markabka, taasoo uu ku xardhan yahay calanka dalka Iran.

Hal sawir ayaa u muuqday mid muujinaya mid ka mid ah afduubayaasha oo gacmaha kor u taagaya oo isa soo dhiibaya.

7-burcadbadeed ah ayaa markii hore la wareegay gacan ku heynta markabka, sida lagu yiri warka kasoo baxay ciidamada badda, kaasoo aan faahfaahin ka bixin in afduubayaasha la hayo iyo in kale.

Waxay ahayd markii saddexaad ee todobaadkii la soo dhaafay ay ciidamada Hindiya qabtaan maraakiib kaluumaysi oo ka babanaya calanka Iran oo aaggaasi ku sugnaa si ay shaqaalahooda uga soo badbaadiyaan afduubayaal Soomaali ah.

Xubin ka tirsan AS oo ku dhawaad hal sano ku noolaa Gudaha Dalka Mareykanka oo hada la ogaaday

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC}  Patrick Lechleitner, ku simaha agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Dhaqangelinta Canshuuraha ee Mareykanka (ICE),  ayaa shaaca ka qaaday in xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee dagaalanta Soomaaliya loo oggolaaday in uu si xor ah u dhex noolaado gudaha Mareykanka ku dhawaad sanad kaddib markii laga soo qabtay xuduudka koonfureed ee dalkaas.

Ninkaan oo la sheegay inuu ahaa 27 jir Soomaali ah oo aan la magacaabin, ayaa markii hore lagu xiray meel u dhow San Ysidro 2023, kaddib markii uu si sharci darro ah ugasoo gudbay xaduudka.

In kasta oo ay isla markiiba xabsiga u taxaabeen Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka, ayaa horseeday in markii dambe lagu sii daayo gudaha Maraykanka.

Warbaahinta Maraykanka ayaa qoraysa in ninkan uu ku lug lahaa isticmaalka, samaynta, iyo rarista walxaha qarxa iyo hubka.

Hay’adda socdaalka iyo canshuuraha Maraykanka ayaa markii dambe qaadday tillaabo lagu soo xidhay ninkan 48 saacadood gudahooda ka dib markii warkan uu soo baxay.

Dhacdadani waxa ay dhaleecayn xooggan kala kulantay dadka siyaasadda u dhuun daloola.

“Waa wax aan la aqbali karin in Waaxda Amniga Gudaha ay si qalad ah ugu ogolaatay argagixsadan in uu dalkeenna soo galo isaga oo sii mara xudduudda koonfureed ka dib markii la ogaaday in uu ku jiro liiska argagixisada,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday Aqalka Aqlabiyadda iyo jamhuuriga.

Dowladda Mareykanka ayaa la kulmay kororka shaqsiyaadka ku jira liiska argagixisada ee isku dayaya inay ka gudbaan xuduudihiisa, iyadoo mas’uuliyiintu ay qabteen 172 tuhmane tan iyo sanadkii 2023.

Xaaladdan ayaa hoosta ka xariiqaysa caqabadaha hortaagan ammaanka xuduudaha Maraykanka iyo fulinta socdaalka, gaar ahaan xaaladda argagixisada caalamiga ah.

Bishii Disembar 2023, saraakiisha dalka Costa Rica ayaa waxay xireen Cali Cabdinuur Axmed, oo ahaa Soomaali xiriir la leh Al-Shabaab, waxaana lagu xiray meel u dhow xudduudda dalka Panama.

Sanadkii  la so dhaafay ee 2023, Costa Rica ayaa xirtay oo masaafurisay Luthman Warsame Faarax, oo ahaa wiilka ugu weyn hogaamiyaha sare ee al-Shabaab, kaas oo dalkaas ku joogay aqoonsi been abuur ah.

AU vows to complete troop drawdown from Somalia in 2024

0


Saturday February 3, 2024

The African Union (AU) delegation on Friday wrapped up a five-day working visit to Somalia, reaffirming the AU’s commitment to completing the security transition in the country by the end of 2024.

The delegation led by Alhaji Sarjoh Bah, director of conflict management within the Political Affairs, Peace and Security Department of the AU Commission, said the AU will ensure there is no security vacuum in Somalia as preparations begin for Phase Three drawdown of a further 4,000 troops by June.

“We remain committed to ensuring that, number one, we stick to the timelines of the drawdown. Of course, we have had two extensions in the last two drawdowns,” Bah said in a statement issued in Mogadishu, the capital of Somalia.

“And so, except in situations of force majeure, we remain determined and resolute in ensuring that by December 31, 2024, we will have completed the drawdown.”

The focus of the AU team’s engagements was to outline the modalities for a seamless transition of security responsibilities from the AU Mission in Somalia (Atmis) to Somali security forces and post-Atmis security arrangements.

During the meetings, the delegation reflected on the lessons learned from both Phase One and Two drawdowns, the forthcoming Phase Three in June, which requires a further drawdown of 4,000 troops, and the subsequent phase after Atmis ends on December 31.

Bah stated that the AU will be flexible and consider any challenges that may arise for a seamless transition and to ensure there are no security gaps. “We want to ensure that the configuration, whatever it looks like, whatever its posture, whatever its mandate, is informed by a very comprehensive security assessment that focuses on the threats and other variables,” Bah said.

The AU delegation also engaged with UN officials, international partners, ambassadors from Atmis Troop Contributing Countries, and representatives from civil society.

The delegation will submit a report to the African Union Peace and Security Council and the UN Security Council. The document will outline the parameters for a post-Atmis security configuration in January 2025.

ICE admits oversight allowed Al-Shabaab member to live in US for nearly a year

0

In a startling admission, the acting director of U.S. Immigration and Customs Enforcement (ICE), Patrick Lechleitner, revealed that a member of the al-Shabaab terrorist group was allowed to freely roam the United States for almost a year after being apprehended at the southern border. The unnamed 27-year-old Somali native was initially detained near San Ysidro, California, on March 13, 2023, following an illegal crossing.

Despite the immediate detention by U.S. Border Patrol, a procedural oversight due to a “mismatch” in the Terrorist Screening Center’s evaluation process led to the individual’s release into the U.S. It wasn’t until a reassessment on January 18, 2024, identified the man as a confirmed al-Shabaab member, involved in the use, manufacture, or transport of explosives or firearms, that ICE took decisive action to arrest him in Minneapolis, Minnesota, within 48 hours of this redetermination.

advertisements
This incident has drawn sharp criticism from political figures, most notably House Majority Whip Tom Emmer, who, alongside Minnesota Republicans Brad Finstad, Michelle Fischbach, and Pete Stauber, has voiced strong opposition to the circumstances that allowed this oversight. In a letter to Homeland Security Secretary Alejandro Mayorkas, Emmer highlighted the frustration and concern of his constituents.

“It is unacceptable that the Department of Homeland Security wrongly allowed this terrorist into our country through the southern border after identification concluded he was on the terrorist watch list,” the letter reads in part.

Throughout the fiscal year 2023, the U.S. has experienced a marked increase in individuals on the terror watchlist attempting to cross its borders, with authorities apprehending 172 suspects. This situation underscores the challenges facing U.S. border security and immigration enforcement, particularly in the context of global terrorism.

Recent developments have shown a focus on al-Shabaab members trying to navigate international borders, with Costa Rica becoming a critical point for detaining individuals linked to terrorism. In December 2023, Costa Rican officials arrested Ali Abdinuur Ahmed, a Somali associated with al-Shabaab, near the Panama border. Earlier in 2023, Costa Rica arrested and deported Luthman Warsame Farah, a senior al-Shabaab leader’s eldest son, who was in the country under false identities.

The oversight incident is set against a backdrop of intensified migration and security concerns. The May 2023 expiration of Title 42, a public health order that restricted asylum claims at the border to prevent the spread of COVID-19, has led to a projected surge in migrants, many originating from Somalia.

 

Source Hiiraan Online

{DAAWO MUUQAALKA} Waddankaan Cadaalad kama jirto, Muqdisho waxaa ka jira walaac weyn “ Xildhibaan Sadiq

0

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Waddankaan Cadaalad kama jirto, Muqdisho waxaa ka jira walaac weyn “ Xildhibaan Sadiq

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Booliiska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray laba nin oo ku eedeysan dilka xaasaskii

0

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Booliiska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray laba nin oo ku eedeysan dilka xaasaskii

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 03 02 2024

0

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

Xamaas oo dalbatay in Israel ay sii deyso hogaamiye ay Falastiiniyiintu u yaqaanaan Nelsan Mandela-hooda

0

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Waxa ay Falastiiniyiinta qaarkood u arkaan Nelson Mandela-hooda, waana musharraxa ugu cadcad ee mustaqbalka noqon doona madaxweynahooda. Waa maxbuuska ugu magaca weyn eek u jira xabsiyada Israa’iil.

Hadda ayaa xorriyadda Marwan Barghouti waxa ay ka mid tahay qodobada wadaxaajoodka xabbad joojin dhexmarta Xamaas iyo Israa’iil. Hogaamiyayaasha Xamaas ayaa Jimcihii dalbaday in Israa’iil ay sii deyso Barghouti, oo ah hogaamiye ka tirsan kooxda Fatax ee ay Xamaas siyaasadda ku loollamaan, waxayna sheegeen in sii deyntiisu ay qeyb ka tahay heshiis kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Dalabkan ayaa indhaha mar kale ku soo jeedinaya Barghouti, oo dowr muhiim ah ku leh siyaasada Falastiiniyiinta xitaa isaga oo muddo ka badan labaatan sano xabsiga ku jira. Siideyntiisa ayaa aasaas u noqon karta in ugu danbeyn loo doorto xafiiska qaran.

Xamaas ayaa sii deyntiisa dooneysa in ay dadweynaha taageero kaga kasbato, iyadoo sidoo kale u aragta Marwan in uu yahay shaqsi mideyn kara Falastiiniyiinta.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Osama Hamdan ayaa dalbaday in la sii daayo Barghouti iyadoo dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ay isku dayayaan in ay heshiis dhex dhigaan Israa’iil iyo Xamaas ka dib ku dhawaad afar bilood oo dagaal ah.

Israa’iil ayaa dooneysa in la sii daayo in ka badan 100 qof oo la haystayaal ah oo wali ku jira gacanta Xamaas. Xamaas ayaa dalbanaysa in la soo afjaro weerarada militeri ee Israel ee khasaaraha badan dhaliyay, lana sii daayo kumanaan maxaabiis Falastiiniyiin ah.

In ka badan 100 la hayste oo Israa’iiliyiin ah ayaa la sii daayay ka dib xabbad joojin asbuuc socotay bishii Novembner. Israa’iil ayaa qiyaasaysa in 136 qof ay wali ku jiraan gacanta Xamaas in kastoo 20 ka mid ah lagu dhawaaqay in ay dhinteen. Iyadoo ay Israa’iil ka socdaan bannaanbaxyo lagu dalbanayo in la haystayaashaasi sida ugu dhaqsaha badan lagu sii daayo ayaa cadaadisku uu ku sii kordhayaa Ra’iisulwasaare Minister Benjamin Netanyahu oo laga dalbanayo in uu heshiis galo.

Falastiiniyiinta ayaa dhibaatada ehelladooda xiran ay u tahay mid xanuun leh. Halka Israa’iil ay “maxaabiista ammaanka” u aragto in ay yihiin argagixiso, Falastiiniyiintu waxa ay u arkaan geesiyaal la dagaallamayay gumaysiga Israa’iil. Dhab ahaantii qof kasta oo Falastiini ah waxaa jira saaxiib, qaraabo ama qof uu yaqaan oo la xiray.

Hay’adda xuquuqda aadanaha Israa’il ee HaMoked ayaa sheegtay in Israa’iil ay hadda u xiran yihiin ilaa 9,oo (sagaal kun oo qof). Xamaas ayaa dooneysa in dhammaantood la sii daayo. Laakin Xamdaan ayaa hadalkiisii Jimcaha xusay oo kale magacyada Barghouti iyo Axmad Saadat.

Saadat ayaa hogaaminayay koox yar oo 2001-dii dishay wasiir Israa’iili ah, waxaana loogu xukumay 30 sano oo xabsi ah dowrkii uu ku lahaa ka qeybgalka weerarkaasi.

Falastiiniyiinta ayaa u arka Barghouti oo 64 jir ah, kana tirsan xisbiga Fatax ee Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, in uu yahay kii beddeli lahaa Cabbaas oo 88 jir ah, madaxna u ah maamulka Falastiiniyiinta ee caalamku aqqoonsan yahay, ahna dowladda iskeed isku xukunta oo maamusha qaybo ka mid ah dhulka ay Israa’iil haysato ee Daanta Galbeed.

Qadoura Fares, oo madax ka ah Wasaaradda Arrimaha Maxaabiista ee Falastiin, taageerana Barghouti ayaa sheegay in haddii la sii daayo uu noqon karo musharrax la isku raacsan yahay kaasi oo mideyn kara Xamaas, Fatax iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta. Ra’yi aruurin la sameeyey bishii December ayaa sheegeysa in Barghouti uu yahay siyaasiga ugu saameynta badan Falastiiniyiinta isaga oo ka horreeya Cabbaas iyo Hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyeh.

Israa’iiliyiinta ayaa Barghouti u arka nin argagixiso ah, iyadoo in lagu qanciyo in ay sii daayaan ay tahay mid adag.

Barghouti, ayaa ahaa hogaamiyihii Daanta Galbeed intii uu socday Kacdoonkii labaad ee Falastiiniyiinta horraantii 2000, waxaana shan mar lagu riday xukun xabsi daa’in ah dowrkii uu ku lahaa dhowr weerar oo ay dad ku dhinteen. Intii uu socday kacdoonkaasi ayay dabley Falastiiniyiin ah fuliyeen weeraro ismiidaamin ah oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo lala beegsaday basaska, maqaayadaha, hoteellada iyo dad Israa’iiliyiin ah oo ku sugnaa gudaha Daanta Galbeed, taasi oo keentay aargoosi ba’an oo ay sameeyeen militariga Israa’iil.

Sannadkii 2002-dii, Barghouti ayaa loo xiray eedo dhowr ah oo la xiriira dil. Ma uusan iska difaacin isagoo diiday in uu aqqoonsado sharciyadda maxkamadda.

Barghouti ayaa ku dhashay tuulada Kobar ee Daanta Galbeed sannadkii 1962-kii. Isaga oo taariikhda iyo siyaasadda ka baranaya jaamacadda Bir Zeit, ayuu gacan ka geystay mudaaharaadyadii ardayda ee lagaga soo horjeeday gumaysiga Israa’iil.

Israa’iil ayaa horey u diiday baaqyo ah in ay sii deyso. Waxa ay diiday 2011-kii in ay ku darto ilaa kun qof oo lagu bedeshay askari Israa’iili ah oo lagu hayay Gaza, sida uu Fares sheegay. Yehya Sinwar, oo ah hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza ahna ninkii ka danbeeyey abaabulka weerarkii Aktoobar ayaa lagu sii daayay heshiiskaasi maxaabiista la isku dhaafsaday.

Wada xaajoodkii 2011-kii ayaa ku saabsanaa oo qura sii deynta hal la hayste. Iyadoo nolosha in ka badan 100 qof oo la haystayaal ah ay hadda miiska saaran tahay ayaa waxaa jira cadaadis ka badan kii hore oo saaran Israa’iil sidii ay ku sii deyn lahayd maxaabiista Falastiiniyiinta ah. Taasi waxa ay ka dhigi kartaa mid u jilicsan in ay gasho heshiis keeni kara in Barghouti la sii daayo ayna Xamaas xoojiso sumcaddeeda Falastiiniyiinta.

Booliska oo shaaciyay inuu Muqdisho ka baxsaday Ninkii gubay Xaaskiisa.

0

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoo saaray kiiska gabadhii geeriyootay ee dhawaan Ninkii qabay uu ku gubay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Dabakayo madow ee degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.

Qoraal uu soo saaray Taliska Booliska dowladda ayaa waxaa lagu sheegay inuu baxsaday eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo 26 Jan 2024 gubay xaaskii uu qabay ee Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, taasi oo shalay ku dhimatay Muqdisho.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday inay eedeysanaha ka baadi goobayaan Caasimada iyo Gobolada dalka, halkaasi oo Booliska tilmaamay inuu u baxsaday Sayid-cali Macalin oo si arxan darro ah u dilay, una gubay Marxuumad Luul Shiikh oo Uur laheyd.

“Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu 26 Jan 2024 gubay xaaskiisii Marxuumad Luul Shiikh Cabdi Jaziira, isla markaana baxsaday. Baadi goobka eedeysanaha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inuu u baxsaday” ayaa lagu yiri Warka uu soo saaray Taliska.

Sidoo kale hay’addaha amniga dowladda Federaalka ayaa shacabka kunool caasimadda Muqdisho iyo dowlad Goboleedyada ka dalbaday inay xogta eedeysanaha lasoo wadaan barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow, si gacanta lagu soo dhigo, una maro cadaalada.