Home Blog Page 2883

{DAAWO MUUQAALKA} Xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka UK oo aqoonsi u Raadinaya Maamulka Soomaliland

0

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka UK oo aqoonsi u Raadinaya Maamulka Soomaliland

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wafdi heer Federaal ah, oo uu hoggaaminayay Rw ku xigeenkii hore DFS oo Gaaray Laasacaanood

0

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Wafdi heer Federaal ah, oo uu hoggaaminayay Rw ku xigeenkii hore DFS oo Gaaray Laasacaanood

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Dhacdo kale oo argagax leh; Nin xaaskiisa ku gowracay degmada Qoryooley, kadibna jarjaray

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dhacdo xanuun badan, isla markaana argagax leh ay ka dhacday degmada Qoryooley ee gobolkaasi, kadib markii nin watay mindi uu gowracay xaaskiisa.

Falkan ayaa si gaar ah xalay maqribkii uga dhacay xaafadda Wadajir ee degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Ninka ayaa la sheegay inuu si arxan darro ah u dilay xaaskiisa, isaga oo gowracay kadibna jarjaray, sida ay muujiyaan sawirro laga soo qaaday marxuumadda oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Sidoo kale waxaa dhacdadan ka warbixiyay saraakiisha ammaanka ee degmada, kuwaas oo sheegay in gacanta lagu soo dhigay eedeysanaha oo isku dayay inuu goobta ka baxsado.

“Mindi ayuu ku dhuftay saddex meelood camal way dhimatay gabadha isbitaal ayaa loola cararay, balse dhex ayay ku geeriyootay” ayuu yiri taliye ku xigeenka Qoryooley.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan ay wadaan baaris dheeri ah oo ku aadan sida ay wax u dhaceen, maadaama lasoo xiray eedeysanaha.

“Eedeysanaha waa haynaa waxaan wadnaa baaritaanka, marka berri ayaan jawaabta rasmiga ah ka bixin doonaa dhacdada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waa dhacdadii labaad oo ku aadan arrimo qoys, ayada oo shalay Muqdisho ay ku geeriyootay Luul Cabdicasiis oo uu todobaadkii hore dab qabad-siiyay seygeeda oo la sheegay inuu maseeray, waxayna dhacdadaas ka dhacday degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, taas oo illaa hadda taagan, maadaama la raadinayo eedeysanaha oo baxsad ah.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn { 03/ 02 / 2024}

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdimajiid Abdirahmaan Aadan

Farsamadii : Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Abiy Ahmed oo uyeeray baarlamanka Itoobiya kadib heshiiska badda Somalia

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu todobaadka soo socda hor imaan doono baarlamaanka dalkaas, isla markaana uu jawaabo iyo sharaxaad ka bixin doono su’aalaha ay waydiiyaan xubnaha baarlamaanku.

Waxay sheegeen in sida uu qabo hab-raaca golaha shacabku, dadweynaha laga codsaday in ay su’aallohooda u gudbiyaan Ra’iisul Wasaaraha sabtidii todobaadkii hore.

Ilo xog ogaal ah oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa intaasi ku daray in galinkii dambe ee isniinta ay ku ekeyd in su’aalaha la soo gudbiyo.

Xubin ka tirsan golaha ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha looga digay “in aysan meelna tagin, sababtoo ah waxaa jira shirar isdaba joog ah”.

Sida uu qabo xeer-hoosaadka iyo hab-dhaqanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sanadkii 3 jeer hor yimaada Golaha, wuxuuna jawaabo iyo sharraxaad ka bixiyaa su’aalaha la xiriira arrimaha guud.

Sidoo kale, waxa uu xeerku dhigayaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu Golaha u soo gudbiyo warbixin la xiriirta howlaha guud ee shaqo ee dowladda sanadkiiba labo jeer sida ku cad barnaamijka uu u qoondeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa noqon doona kii ugu horeeyay ee horyimaada inta lagu guda jiro khudbad sanadeedka furitaanka Goleyaasha wakiilada iyo Federaalka.

Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ka soo muuqday Baarlamaanka si uu u muujiyo mowqifka dowladda, iyadoo laga doodayay khudbaddii Madaxweyne Sahlework Zewde ee caleema saarka billowgii bishii November ee la soo dhaafay.

lo xog-ogaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in marka ra’iisul wasaaruhu uu ka soo muuqdo golaha baarlamaanka toddobaadka soo socda, laga yaabo in su’aalo laga weydiiyo arrimo siyaasadeed iyo dhaqaale oo waaweyn oo soo kordhay tan iyo markii uu sharraxaad ka bixiyay bishii November.

Waxa ka mid ah waxyaabaha la waydiin doono heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay dawladda Itoobiya la saxeexatay jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland bil ka hor.

Heshiiskan is-af-garadka ah ee muranka ka dhaliyay gobolka, ayaa u ogolaanaya Itoobiya in ay ka kirayso dhul xeebeed 20 KM ah oo ay ka dhisanayso Saldhig Milatari iyo Deked, waxaana xilligaas la sheegay in ay Somaliland aqoonsi ka heli doonto Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay si cad ugu dhawaaqay arrinta ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee ku aaddan marinka badda ee bilo ka hor, hadal uu jeediyay xubno ka tirsan aqalka sare. Waxaa la xusuustaa in khudbadii uu cinwaan uga dhigay “Dadka Biyaha ilaa Biyaha Badda”, wuxuu ku sheegay in Irid badeed oo Itoobiya loo helo ay tahay “arrin badbaado leh”.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu yiri “Ma jirto wax damac ah oo aan cidna ku duuleyno”, ka dibna wuxuu yiri, “Laakin waxaan rabnaa waddo aan leexleexad lahayn oo dhanka sharciga ganacsiga ah”.

Arinta kale ee la filayo in loo bandhigo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah xaalada amni ee gobolada Axmaarada iyo Oromada. Sidoo kale, waxaa la filayaa in wada-hadalladii fashilmay ee u dhexeeyay dawladda iyo kooxda hubaysan ee OLA oo ku magac dheer ‘Shene’ ay dib uga bilaabmi doonaan golaha.

Dalku in uu dayn qaato waa mid ka mid ah arrimaha dhaqaalaha ee golaha wakiiladu soo bandhigaan. Sidoo kale, waxaa la filayaa in qiimaha maciishada ay mudanayaasha baarlamaanka ka keenaan qaab su’aal ah.

AS oo dil iyo afduub ka geystay inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar jid-gal oo kooxda Al-Shabaab ay maanta ka geysatay inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabellada Dhexe.

Dagaalamayaal ka tirsan kooxda ayaa jidka u galay gaari Qaad sidat oo ka soo baxay Jowhar una socday Balcad, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare culus oo fan iyo maalba leh.

Ugu yaraan toddoba qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkaas dad kale oo tiradooda rasmiga ah aan weli la xaqiijina nolosha ayey ku wadatay kooxda Al-Shabaab.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaariga jirka loo galay oo noociisu uu ahaa Caasi ama Home ay AS ku gubeen wadada dhexdeeda, iyagoo dadkii saaraa ka dhigay mid dhintay, mid dhaawac ah iyo kuwo ay nolosha ku wateen.

Kooxda ayaa dadkii ay afduubatay la aaday dhulka howdka ah, wuxuuna weerarkaasi ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Qalimow iyo Ceelka-geelow.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in gaariga oo xawaare sare ku socda ay kooxda AS oo jidka ku jirtay ay ku fureen rasaas sababtay in gaariga uu iskiis u istaago, kadib markii darawalkii gaariga uu ka mid noqday dadka ku geeriyooday rasaasta.

Ilaa hadda ma jirto cid shaacisay khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka dhashay, tirada dadka la beegsaday inta dhimatay iyo inta nolosha lagu watay toona.

Sidoo kale masuuliyiinta maamulka HirShabeelle weli kama aysan hadlin weerarkii ay maanta AS ka geysteen, inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Tan iyo markii ay sanad ka hor dowladda Soomaaliya dagaal culus ku qaaday kooxda Al-Shabaab, waxaa hagaagsanaa amniga wadada muhiimka ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar, waxaana aad u yaraaday cabsidii dadka iyo weeraradii dadka badan lagu leyn jiray ee kooxdu ka geysa jirtay wadadaas.

Hadda waxaa dib u soo laabtay beegsigii kooxda AS ay ka geysan jirtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar, cabsi badan ayaana soo wajahday shacabka adeegsada wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Qooley mudo dheer u Xirneed Shaki ah in ay Tahay Basaasad oo La siidaayay.

0

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Waddamada caalamka qaarkood ayaa sirdoon ahaan u adeegsada xayawaano nuucyo kala duwan si ay xoggo u helaan, waxaana xayawannadaasi qaarkood soo helaan xoggo sirdoon oo looga diro dalal ama meelo kale oo la qorsheeyay.

Dowladad Hindiya ayaa muddo ku dhaw sannad waxa ay meel gaar ah ku xabistay Qooley nooca loo yaqaanno Xamaam , waxa ayna Qoyleydaan Hindiya uga shakisay in ay sirdoon u tahay dalka ay dariska yihiin ee Shiinaha.

Baaritaano dheer kaddib ayaa dowladda Hindiya oo shimbirtan ku heysay isbitaalka xayawaanada ee dalkaas u oggolaatay in ay duusho, waxaana la waayay tuhunkii horey looga qabay shimbirta.

Qooleydan laga shakiyay ee xuriyadeeda dib loogu celiyay ayaa waxaa lugaha ugu qornaa qoraallo u muuqday in lagu qoray luuqadda dalka Shiinaha, taas oo dhalisay cabsi ah inay tahay basaas shiinees ah.

{DAAWO SAWIRADA} Lamaane aroos ahaa oo dil toogasho ah Lagu fuliyay.

Sabti-03-Feb- 2024-{HMC} Waxaa dil toogasho ah lagu fuliyay lamaane aroos ahaa oo lagu eedeeyey iney si xun u dileen labo caruur ah iyagoo ka tuuray daaqadda guri dabaq ah.

Zhang Bo aabaha dhalay laba carruurta ah iyo Ye Chengchen ayaa horay loogu helay dambiga ah inay dileen gabar laba jir ah iyo wiil hal sano jir ah sanadkii 2020-kii.

Ninkan ayaa xiriir jecel la bilaabay Ye, ka dibna waxa uu furay xaaskiisii hore, isagoo dilay labada caruur ah oo ay dhashay xaaska uu ay soo kala tageen

Maxkamadda Sare ee Shiinaha oo xukunka dilka ah fulisay ayaa ku tilmaantay lammaanaha kuwa naxariis daran.

Lamaanahan ayaa Arbacadii lagu toogtay magaalada Chongqing ee koonfurta-galbeed ee dalkaasi.

FAAH FAAHIN Nin Xaaskiisa si arxan darro ah ugu dilay Dagmada Qoryooley.

Jimco-03-Feb- 2024-{HMC} Wararka naga so gaaraayo degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi galabta nin uu si arxan-darro ah ugu dilay xaaskiisa, kaddib khilaaf qoys oo lamaahan soo kala dhax galay.

Sida aan wararka ku helnay ninka gacankudhiiglaha ayaa xaaskiisa dilkeeda u adeegsaday toorey af badan, waxaana la sheegay in dhowr meel oo halis ah uu ninkaasi gabadha tooreyda ugu dhuftay sidaasna ugu geeriyootay.

Ciidamada ammaanka ee ku sugan degmada Qoryooley ayaa si deg deg ah gacanta ugu dhigay ninka dilka geestay, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in la baarayo sababta keentay in ninkaan xaaskiisa gowraco.

Dilkan laga argagaxy ayaa imaanaya xilli maanta la hadal hayay geerida hooyo korsaneysay lix carruur oo agoon ah , hooyadaas ayaana u geeriyootay dab uu qabadsiiyay ninkii iyada qabay una laheyd uur lix bilood ah.

Shidaalka ku jira Soomaaliya Intee ayuu la egyahay?

Jimco-02-Feb- 2024-{HMC} Waxaa baraha bulshada ee Soomaalida ku baahay muuqaal la isku barbar dhigayo keydadka Shidaalka ee dalalka Caalamka, kaas oo Soomaaliya ka dhigaya lambarka lixaad ee dalalka ugu keydka shidaal badan caalamka.

Muuqaalka waxaa soo bandhigay kanaalka YouTube ee Gravity, kaas oo adeegsada xogaha guud ee caalamka kadibna muuqaallo ka sameeya si ay isbarbar dhig ugu sameeyaan. Tusaale muuqaalkan waxay isku barbar dhigayaan dalalka uu dhulkooda iyo baddooda ku jiro keyd shidaal taas oo Soomaaliya kaga sara mariyeen dalka saliidda qaniga ku ah ee Isutagga Imaaraatka carabta.

Wuxuu sheegayaa muuqaalku in Soomaaliya ay ku jirto boqol iyo kow iyo toban bilyan oo fuusto oo saliidda cadhiin ah. Lacag ahaan haddii lagu dhufto qiimaha fuustada saliidda cadhiin ah ee maanta; waxay noqonaysaa in ka badan siddeed Triliyan oo dólar, taas oo haddii ay run tahay Soomaaliya ka dhigaysa mid ka mid ah dalalka ugu qanisan caalamka.

Maxaa ka jira in shidaal intaas la eg ku jiro Soomaaliya?

Runnimada xogta ku xusan muuqaalka ayaan wax ka waydiinay wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Agaasimaha wasaaradda, Maxamed Xaashi Carabeey ayaa BBC da u sheegay in aysan beenin karin isla markaanay aysan rumayn karin xogta, maadaama aysan Soomaaliya ogayn qiyaasta dhabta ah ee shidaalka ku jira Soomaaliya. Wuxuu sheegay in qiyaasta lagu xusay muuqaalkaas mid ka badan ay ku jiri karto gudaha Soomaaliya.

“Ma xaqiijin karno mana garanayno halka ay xogtan ka keeneen, laakiin aad iyo aad ayuu suurta gal u yahay in intaas iyo ka badanba ay ku jirto Soomaaliya,” ayuu BBC da u sheegay agaasime Maxamed.

Wuxuu ku sababeeyay hadalkiisaan in Soomaaliya aysan wali ogaan cadadka shidaalka ku jira dhulka iyo badda Soomaaliya isla markaana xogta rasmiga ah ee hadda la hayo ay ku kooban tahay oo kaliya waxa laga helay xirmooyin ka mid ah kuwa badda.

Sannadkii 2020 kii, shirkadda sahaminta ee Norway, TGS, ayaa ku qiyaastay in qayb kamid ah badda Soomaaliyta uu ku jiro kayd saliid oo ku dhow 30 bilyan oo barmiil, oo leh kayd dheeraad ah oo badda ah, in kasta oo qiyaasaha dhulku ay aad u yar yihiin.

Si kastaba ha ahaatee su’aal kama taagno in Soomaaliya ay ku fadhido kayd shidaal oo weyn, bad iyo berriba, balse weli lama hayo qiyaas rasmi ah oo lagu tiirsanaan karo taas oo sida muuqaalka oo kale sheegi karta tiro fuustooyin ah oo guud ahaan ku jirta dhulka iyo badda Soomaaliya.

Sahminta shidaal ee Soomaaliya
Soomaaliya waxaa lagu sameeyay baaritaanno shidaal oo badan kuwaas oo sida uu noosheegay Agaasimaha Guud ee wasaaradda bartroolka iyo macdanta ee Soomaaliya, Agaasime Maxamed xaashi, soo bilowday sannadkii 1957 – saddex sano ka hor xornimadii Soomaaliya.

Ceelkii ugu horeeyay ayaa xilligaas “laga qoday woqooyiga Soomaaliya” tan iyo markaas waxaa la baaray 68 ceel, “afar iyo labaatan ka mid ah waxay tusaysay in uu shidaal ku jiro” ayuu yiri Agaasime Maxamed.

Qaar ka mid ah ceelashii lagu bilaabay qoditaanka, ayuu dagaalkii sokeeye iyo dhicitaankii dawladdi dhexe ku yimaadeen sidaasna ay hakad ku galeen, sida uu BBC da u sheegay agaasimuhu.

Markii ay Soomaaliya ka baxday dawlad ku meel gaar ah sannadkii 2013, wasaaradda batroolka ee Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad la yiraahdo Som Oil and Gas. Shirkaddan waxay sahamin ku samaynaysay laga bilaabo Kismaayo illaa Hobyo oo dhanka badda ah sida uu noo sheegay Agaasimaha wasaaradda.

Shirkaddaasi waxay sahamisay saddex aag oo kala duwan, “Waxayna sameeyeen baaritaan illaa 20 kun oo kilo mitir ah. Sanadihii 2015-2016 waxaa baaritaan kale sameeyay shirkad kale oo Spectrum la yiraahdo taas oo sida uu agaasimuhu sheegay iyaduna baartay 21 kun oo kilo mitir.

Haddaba labadaas baaritaan markii la sameeyay “waxaa la ogaaday keydka saliidda ee Soomaaliya ku jira ee badda inta laga baaray ah in uu yahay mid aad u badan oo fursad badan ay jirto, maalinkiina lagasoo saari karo in ka badan hal milyan oo fuusto” ayuu yiri Agaasime Maxamed Xaashi Carrabey.

Shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka oo ay ka mid yihiin Chevron, Eni, ExxonMobil iyo Shell ayaa sahamin ka bilaabay Soomaaliya 1950-meeyadii, balse waxaa la hakiyay markii uu dalka ka qarxay dagaal sokeeye 1991-kii.

Xigasho BBC