Jimco jan-19 2024-{HMC} Kumuu ahaa Maxamed Taahir oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Xamarweyne laguna aasay Baraawe?
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Jimco jan-19 2024-{HMC} Kumuu ahaa Maxamed Taahir oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Xamarweyne laguna aasay Baraawe?
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

BY TOM ODULA
Friday January 19, 2024
The African Union, European Union, and United States called Thursday for an immediate cease-fire and constructive dialogue between warring factions in Sudan.
The groups also called for an end to tension between Somalia and Ethiopia over an agreement signed between Ethiopia and Somalia’s breakaway region Somaliland.
Representatives of the groups, who spoke in Kampala, Uganda, after the meeting of an East African regional bloc, said that the two crises are threatening regional stability in the Horn of Africa.
Sudan’s armed forces and the rival Rapid Support Forces have been fighting for control of Sudan since April. Long-standing tensions erupted into street battles in the capital and other areas including the western Darfur region.
The AU, EU and U.S. and U.N noted that the fighting has displaced 7 million people and kept 19 million children out of school.
Michael Hammer, U.S. special envoy for the Horn of Africa, called on Sudan’s factions to adhere to their obligations under international humanitarian law and to fulfill recent commitments to stop fighting.
“It’s time for them to take action consistent with their stated claims that they want to stop the fighting and meet the needs of the people,” Hammer said.
He spoke after the regional bloc Intergovernmental Authority on Development, or IGAD, held an emergency meeting of heads of states in Kampala to discuss the Sudan war and rising tension between Somalia and Ethiopia.
Hammer said the leader of Sudan’s army, Gen. Abdel-Fattah Burhan, and the commander of the paramilitary Rapid Support Forces, Gen. Mohammed Hamdan Dagalo, who is known as Hemedti, must follow through on their promise at a Dec. 9 IGAD summit to reach an unconditional cease-fire.
“They will be responsible for the break up of Sudan if this conflict continues,” Hammer said.
The first step is an enforceable cease-fire that can be closely monitored, said Ramtane Lamamra, the U.N. envoy for Sudan.
“Guns must be silenced,” he said, adding that the war endangers “stability of the entire region and beyond.”
On Tuesday, the Sudanese government suspended ties with the east African regional bloc, accusing it of violating Sudan’s sovereignty by inviting the paramilitary leader to a summit. Hemedti attended Thursday’s summit in Kampala but did not speak.
Regarding Somalia, the AU, EU and U.S. said they recognize the country’s sovereignty, unity and territorial integrity, including the breakaway region of Somaliland.
Tension has been rising after land-locked Ethiopia signed an agreement on Jan. 1 with Somaliland to give it access to the sea. Somaliland in return expects Ethiopia soon to recognize the region as an independent state, which angers Somalia.
Hammer said the U.S. is particularly concerned that the tensions could undermine international-backed efforts to combat al-Qaida-linked militants in Somalia.
Annette Weber, the EU special envoy for the Horn of Africa, said the two crises have a common link with Red Sea, which she called a critical waterway carrying 10 percent of global cargo.
Weber also said there needs to be a collective response among Horn of Africa countries against attacks on ships by Yemen-based Houthi rebels.
Jimco jan-19 2024-{HMC} – WAR DEG-DEG AH: Gobalka Owdal oo lagu dhawaaqay in uu hoostagayo Dowladda soomaaliya”
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Jimco jan-19 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirhman Muse
Farsamadii : Abdi maajid abdirxman aadan
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Jimco jan-19 2024-{HMC} – Culuma-udiinka Gobolka Hiiraan oo ka qeeyb gashay Xaflad lagu dhiiragaliyay Arday Baratay Shareecada
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Jimco jan-19 2024-{HMC} – Shirkaas oo uu ka soo baxay war-murtiyeed ayaa wadamada ku bahoobay Ururka waxay isla garteen, 1.in la xoojiyo taageerada amni, xassiloonida, midnimada, madax-banaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya isla markaana Soomaaliya ay xaq u leedahay inay si sharci ah ku difaacdo dhulkeeda.
2.In ururku si buuxda u taageerayo mowqifka dawladda Soomaaliya ee ku aadanheshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland.
3, In ay ku taageerayaan Soomaaliya inay arrintan u gudbiso Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka.

Balse war-murtiyeedkaas kadib ayaa waxaa hadal soo saaray wasaaradda arimaha dibadda Masar, kaas oo kiciyay falcelin ka timid dhinacyada oo dhan.
Maxay tiri Masar?

Wasiirka arimaha dibadda ee Masar, Sameh Hassan Shoukry ayaa shirkii Ururka jaamacadda carabta kadib sheegay in dawladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay dawladda Soomaaliya, balse wuxuu dhanka kale diginin u jeediyay dawladda Itoobiya, isaga oo sheegay in “In ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto xadgudubka ay ku sameyneyso shuruucda caalimga ah”.
Balse intaas oo kaliya hadalka kuma ekeen. Waxaa kale oo uu raaciyay “In Itoobiya ay noqotay ila ay ka soo bulaasho xasilooni darrada ka jirta gobolka geeska Afrika”.
Wuxuu mar kale ku celiyay taageerido buuxda ee masar ay la garab tagaan xornimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.
Kadib hadalkaan ka soo baxay Masar, Itoobiya waxa ay jawaab ka bixisay qodobada laga soo saaray shirkii ay yeesheen wadamada ku bahoobay jaamacadda Carabta iyo sidoo kale hadalkii ka soo yeeray wasiirka arimaha dibadda ee Masar. Iyaga oo si adag uga hadlay.
Maxay tiri Itoobiya?

Itoobiya waxay sheegtay in ay ‘diiday’ go’aankii ka soo baxay Ururka Jaamacadda carabta ee quseeyay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxaysa.
War ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya, ayaa si adag waxay u diideen dhamaan qodobadii ka soo baxay shirka oo ahaa mid aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen wasiirada arimaha dibadda ee dawladaha ururka.
Wasaaradda ayaa waxay ku tilmaamtay qodobada ka soo baxay shirka, “Isku day faraglineed oo la doonayay in la faragaliyo arimaha gudaha iyo madaxbanaanida dalka itoobiya.
Afahayeen wasaaradda Males Alem, ayaa sheegay in go’aanku yahay ‘mid aan la aqbali karin’, Itoobiyan ay iska diiday. Sidoo kale wuxuu dhaliil u jeediyay wasiirka arimaha dibadda ee Masar. Wuxuu ku dhaliilay hadalkii ka soo yeeray ee ahaa in itoobiya ay xasilooni darro abuureyso oo ay xaalka uga sii darayso.
Dhanka kale Somaliland ayaa iyana ka hadashay go’aanka ka soo baxay shirkaan.
Maxay tiri Somaliland?

Somaliland ayaa sheegtay in warkii ka soo baxay kulankii ururka jaamacadda Carabta uu yahay mid aan cadaalad ahayn, kana soo horjeeda xuquuqdeeda madaxbanaanida.
War ay soo saartay Somaliland ayaa ku sheegtay inay ka soo horjeedo qodobada ka soo baxay shirka.
Warkaan ayay Somaliland ku dooday in go’aanka madaxbanaanida Somalland uu yahay mid aan wadahadal laga galin Karin.
“Dadka reer Somaliland, waxay diyaar u yihiin in ay sii wadaan halgankooda si ay u gaaraan yoolkooda, iyada oo aan loo eegayn waxa ay ku kacayso iyo inta qaadan doonto intaba,” ayay Somaliland ku tiri warkaan ay soo saartay.
Soomaaliya iyo Booska ay haatan taagan tahay

Soomalaiya shalay waxay ka qayb gashay shirkaan, iyada oo sheegtay in xadgudub lagu hayo madaxbanaanideeda, kadib heshiiska muranka badan dhaliyay ee Itoobiya ay la gaashay Somaliland.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa yiri: “waxaana idiin xaqiijineynaa in itoobiya aysan naga hor istaagi karin hadafkeena ah ku soo dabaalka shacabka Soomaaliyeed in uu ku noolaado horumar iyo barwaaqo”.
Balse shir ka dhacay shalay magaalada Adis Ababa, kaas oo ay yeesheen Golaha Amaanka ee Midowga Yurub ayaa looga hadlay xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya.
Qodobada ka soo baxay ayaa waxaa kamid ahaa in dhexdhexaadiyo loo xilsaaro Olusegun Obasanjo – oo horay dhexdhaaxdiye uga noqday kiisas dhex maray wadamo badan oo Afrikaan ah, arrinta haatan ka dhex taagan labada waddan.
Shirkaas kadib ayaa Soomalaiya waxay soo saartay war ay ku leedahay sheegeyso in uusan jirin wax wadahadal ah ama dhexdhexaadin ah oo ay ka galayso MoU ga, ilaa ay Itoobiya ka noqoto go’aankii ay ku saxiixday heshiiska.
Waxaa magaalada Kampala ee dalka Uganda ka socday shirar looga arrinsanyo xiisadda itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo uu kamid yahay shirka madaxda wadamada IGAD oo manta ka furmay Uganda.
XIGASHO BBC.SOMALI
Jimco jan-19 2024-{HMC} – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirkii deg degga ahaa ee madaxda IGAD ay isugu yimaadeen, taas oo diiradda uu ku saaray xadgudubka Itoobiya ay ku heyso midnimada iyo madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Hoos ka akhriso Khudbadda Madaxweynaha oo dhameystiran:
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan maanta isugu nimid shir-madaxeedkan aan caadiga ahayn ee IGAD si aan uga hadalno arrin aan qusayn Soomaaliya oo keliya balse sidoo kale quseysa gobolkayaga – waa falkii foosha xumaa ee sharci-darrada ahaa ee ay Itoobiya dhawaan qaadday.
1-dii Janaayo, 2024, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya, Muuse Biixi ayaa galay heshiis is afgarad. Heshiis ku sheegaan waxaa uu u ogolaanaya Itoobiya in ay hesho 20 KM oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya iyo marinka dhulka ee soohdinta gacanka Cadmeed si ay ganacsi ahaan iyo ciidan ahaanba u isticmaasho muddo 50 sano ah.
Is-afgaradkan sharci-darrada ah waxaa la saxiixay iyadoo aan oggolaansho laga helin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ma ahan oo keliya ku xad-gudbida dastuurka dalkeenna ee wuxuu baalmarsan yahay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ee loo dejiyay. Haddaba, ficilka Itoobiya wuxuu si cad ugu xad-gudbay mabaadi’da madax-bannaanida, madaxbannaanida dhuleed, ixtiraamka xudduudaha iyo faragelinta la’aanta ee ku xusan qodobka 4-aad ee Xeerka Aasaaska Midowga Afrika, Qodobka 6 (A) ee Dukumentiga lagu aasaasay IGAD, Qodobka 2aad. ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo qodobo badan oo ku jira Axdiga Qaramada Midoobay ee Sharciyada Badaha.
Marka dib loo eego, tallaabadan aan horay loo arag ee Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa ah mid aan la yaab lahayn, marka loo eego hadalladii gardarada ahaa ee uu bilihii la soo dhaafay ku sheegay in la helo marin joogto ah oo dhanka badda ah, iyadoo loo marayo wado kasta oo lagu heli karo.
Tusaale ahaan, Noofambar 2023, PM Abiy waxa uu soo xigtay dagaal-oogihii Itoobiya ee qarnigii 19-aad Ras Caluula, isaga oo ku andacoonaya Badda Cas inay tahay xuduudda dabiiciga ah ee Itoobiya. Ujeedka Itoobiya ay ku doonayso in ay ku qabsato dhulka Soomaalida waxa si cad loogu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda 4-tii January 2024, kaas oo ku saabsanaa heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la galeen maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Muuse Biixi.
Mudanayaal,
Ra’iisul Wasaare Abiy waxaa uu ku doodayaa in Itoobiya oo aan bad lahayn ay dhibaato ay haysato dhibaato dhaqale dhaqaale maadaama aysan galangal toos ah u heli karin badda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in Itoobiya iyo dalalka kale ee Afrika ee aan badda lahayn sida Botswana, ay noqdeen qaar ka mid ah wadamada ugu heersareeya sarreeya ee dhaqaalahoodu uu kobcayay 15kii sano ee u dambeeyay.
Wadahadaladii ugu dambeeyay ee aan la yeeshay RW Abiy, waxaan xoogga saaray sida ay Soomaaliya diyaarka ugu tahay inay ka qayb-gasho wada-xaajoodyo ku aaddan heshiisyo ganacsi iyo kuwo ganacsi oo faa’iido leh waafaqsanna xeerarka caalamiga ah. Nidaamyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, sida Hindisaha Geeska Afrika iyo Istaraatiijiyadda Badda Cas ee IGAD, waxay bixinayaan fursado iskaashi dhab ah oo ilbaxnimo leh sida midka ka dhexeeya Uganda iyo Kenya oo aan bad lahayn. Si kastaba ha ahaatee, in dhul dal kale la qabsado, ama aniga oo ah Madaxweynaha Soomaaliya ama madaxda gobollada sida Muuse Biixi uu ogolaado in dhul Soomaaliyeed la bixiyo, waa sharci-darro, iyo mid aan dastuurka waafaqsaneyn, oo aan la aqbali karin.
Halkii ay Itoobiya dhaqaalaheeda ku xoojin lahayd xeerarka caalamiga ah iyo qawaaniinta caalamiga ah, waxay door biday inay wiiqdo madax-bannaanida deriskeeda. Laga soo bilaabo 1963dii, Axdiga Midowga Afrika wuxuu si aan leexleexad lahayn u ilaalinayay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada xubnaha ka ah. Haddaba, waa arrin aan habboonayn in dalka martigelinaya Midowga Afrika uu isku dayo in uu kala gooyo waddan kale oo xubnaha ka mid ah.
Cawaaqibka dhow iyo midka fog ee ka dhalanaya in si buuxda loo qaato Is-afgaradkaas waxay masiibo ku noqon doontaa Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Dhalashada Al Shabaab ee bishii December 2006 waxay si toos ah ugu xiran tahay duullaankii Itoobiya ee Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya. Waxayna Al Shabaab durba u adeegsatay waxa loogu yeero Is-afgaradka nidaam ay maleeshiyaad cusub ku qorato iyagoo wacad ku martay in ay la dagaalami doonan shisheeyaha soo duulay.
Mudanayaal,
Iyadoo maamulkaygu uu horumaro la taaban karo ka sameeyay dagaalka lagula jiro Al Shabaab, haddana tallaabada Itoobiya waxay siinaysaa kooxda argagixisada ah nolol cusub. Qaar badan oo ka mid ah dalalkiina ayaa la kulmay weeraro toos ah oo kaga imaanaya Al Shabaab tobankii sano ee la soo dhaafay, mana rabno in aan aragno amni darro soo cusboonaaday Soomaaliya iyo meelo ka baxsan oo ay sabab u tahay argagixisadu.
Soomaalida wadanka joogta iyo kuwa adduunka oo dhan ayaa diiday MOU-gan sharci darrada ah. Haddii ay Itoobiya ku sii socoto dhaqangelinteeda, waxaa jirta fursad weyn oo colaad gudaha ah ay uga qarxi karto gobolada Somaliland.
Qalalaasahan ayaa soo ifbaxaya xilli dalkaygu uu ku tallaabsanayo horumar la taaban karo, taasoo ka marag kacayso qaadista cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay, cafinta daymaha ee hoos yimaada HIPC, ku biirista bulshada Bariga Afrika, iyo bilawga geedi-socod dib-u-eegis dastuurka ee loo dhan yahay iyada oo loo marayo heshiisyo siyaasadeed oo heer qaran. Haddii ay Itoobiya ku sii adkaysato fulinta heshiiska sharci darada ah, waxay dib u dhac wayn ku noqon doontaa guulihii aynu ka gaarnay siyaasadda, dhaqaalha iyo amniga.
Mudanayaal,
Marka la eego arrimahaas, waxaa lama huraan ah in dalalka IGAD ay qaataan mowqif mabda’ ah oo lagu ilaalinayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waxaan ka fileynaa wadamada xubnaha ka ah inay soo saaraan bayaan adag oo adag oo ay ku cambaareynayaan xadgudubka cad ee Itoobiya ee Axdiga IGAD iyo shuruucda caalamiga ah. Cawaaqib xumada ka dhalan karta in xadgudubka noocaan ah loo ogolaado in uu sii socodo waa mid aad u baaxad weyn, oo aan khatar galinayn kaliya horumarka amniga iyo dhaqaalaha ee aynu gaadhnay, balse sidoo kale waxa ay khatar galinaysaa guulihii adkaa ee lagaga soo horjeeday argagixisada ee mandaqadayada.
Inta aan xal dublamaasiyadeed u raadinayno qalalaasahan, bal aan si cad u sheego—Soomaaliya, xaalad kasta, ma aqbali doonto in dib loo sawiro xuduudka iyo in dalkeenna la kala gooyo. Waxaan adeegsan doonnaa wax walba oo aan heli karno si aan u difaacno madax-bannaanida iyo wadajirka dhulkeenna.
Kambaalla, Jannaayo 18, 2024; Madaxda Urur-Goboleedka IGAD oo dhagaystay mowqifka adag ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyey mowqifkooda ku aaddan faro-gelinta Dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah Madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa bayaanka wadajirka ah ee Shir-madaxeedka IGAD oo lagu sheegay sida ay u ilaalinayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba, heshiis kastana ay aas-aas u tahay ogolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ku wehelinaya shirkan ayaa usoo bandhigay Hoggaamiyeyaasha IGAD iyo diblumaasiyiinta Gobolka xadugudbka Itoobiya ay ku sameysay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo dhibaatada ay ku yeelanayso xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.
Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xoojiyey qaraarkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku laaleen is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, kaas oo khilaafsan heshiisyada labada dal, mabaad’ida aas-aasiga ah ee Midowga Afrika, xeerarka heer IGAD iyo heer caalamba.

DHAMMAAD
Khamiis jan-18 2024-{HMC} Dowlada Itoobiya & Maamulka Somaliland ayaa ku gacan seyray bayaankii ka soo baxay Jaamacada Carabta ee lagu taageeray midnimada iyo madax banaanida Dhuleed ee Somalia ka dib heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.
Itoobiya waxay sheegtay in ay ‘diiday’ go’aankii ka soo baxay Ururka Jaamacadda carabta ee quseeyay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhaxaysa.
War ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya, ayaa si adag waxay u diideen dhamaan qodobadii ka soo baxay shirka oo ahaa mid aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen wasiirada arimaha dibadda ee dawladaha ururka.
Wasaaradda ayaa waxay ku tilmaamtay qodobada ka soo baxay shirka, “Isku day faraglineed oo la doonayay in la faragaliyo arimaha gudaha iyo madaxbanaanida dalka Itoobiya
Afhayeen Wasaaradda Males Alem, ayaa sheegay in go’aanku yahay ‘mid aan la aqbali karin’, Itoobiyana iska diiday. Sidoo kale wuxuu dhaliil u jeediyay wasiirka arimaha dibadda ee Masar. Wuxuu ku dhaliilay hadalkii ka soo yeeray ee ahaa in itoobiya ay xasilooni darro aan loo baahneyn ka abuureyso gobolka oo ay xaalka uga sii darayso.
Somaliland ayaa dhinaceeda sheegtay in warkii ka soo baxay kulankii ururka jaamacadda Carabta uu yahay mid aan cadaalad ahayn, kana soo horjeeda xuquuqdeeda madaxbanaanida.
War ay soo saartay Somaliland ayay ku sheegtay inay ka soo horjeedo qodobada ka soo baxay shirka.
Warkan ayay Somaliland ku dooday in go’aanka madaxbanaanida Somalland uu yahay mid aan wadahadal laga galin Karin.
“Dadka reer Somaliland, waxay diyaar u yihiin in ay sii wadaan halgankooda si ay u gaaraan yoolkooda, iyada oo aan loo eegayn waxa ay ku kacayso iyo inta qaadan doonto intaba,” ayay Somaliland ku tiri warkan ay soo saartay.
Shalay waxaa shir ay yeesheen Ururka Jaamacadda Carabta looga arrinsaday laba arrimood oo kala ah; xaalka Falastiin iyo xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ka dhex aloosan.
Shirkaas oo uu ka soo baxay war-murtiyeed ayaa wadamada ku bahoobay Ururka waxay isla garteen,
1.In la xoojiyo taageerada amni, xassiloonida, midnimada, madax-banaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya isla markaana Soomaaliya ay xaq u leedahay inay si sharci ah ku difaacdo dhulkeeda.
In ururku si buuxda u taageerayo mowqifka dawladda Soomaaliya ee ku aadan heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland.
3. Inay ku taageerayaan Soomaaliya inay arrintan u gudbiso Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka.
Khamiis jan-18 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ; Yasiin Ali Ahmed
Farsamadii :Abdirahman Macalin Muse
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIM