Arbaco jan-17 2024-{HMC} WAR DEG-DEG AH: Booliiska oo ka hadlaya dad loosoo qabtay shaqaaqadii Xulka Koonfur-galbeed.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} WAR DEG-DEG AH: Booliiska oo ka hadlaya dad loosoo qabtay shaqaaqadii Xulka Koonfur-galbeed.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Qaar kamida Xildhibaanada Labada Gole oo si kulul uga hadlay kal-fadhigii manta ay yeesheen.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Kulan looga hadlayay Amniga iyo wadashaqaynta oo ka furmay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Senator Farxaan “Dowladuhu xiriir waa yeeshaan, laakiin dhulkaaga aan baryeesho waa arrin qalad ah”.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Qeybaha dadka ee ugu nugul bulshadda oo la gudoon siiyay Deeq Gar-gaar ah.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Maamulaha shirkadda Ethiopian Airlines ayaa BBC-da u sheegay in mid ka mid ah diyaaraddooda oo u duushay Magaalada Hargeysa ee Caasimadamada Somaliland dib loo celiyay ka hor intii aanay ka bixin hawada Itoobiya.
Sida uu sheegay madaxa shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines Mesfin Tasew Bekele diyaarada oo ka duushay Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Hargeysa ayaa lagu qasbay inay dib ugu laabato Addis Ababa si ay u caga dhigato, maadaama aanay fasax ka heysan Soomaaliya.
Madaxa Ethiopian Airline Mesfin Tasew Bekele ayaa yirii:“Diyaaraddii Hargeysa u socotay way soo noqotay. Sababtoo ah markii ay duushay, waxay su’aali ka timi in aanay ogolaansho laga helin Soomaaliya” ayuu yiri.
Arbaco, January, 17, 2024 {HMC} Madaxa xafiiska Aljazeera ee Qaza, Wael al-Dahdouh, ayaa ka baxay dhulka Falastiin Talaadadii, sida uu u sheegay AFP, kadib markii ay duqaymo ay geysteen Israel ay ku dileen xaaskiisa, caruur badan iyo saaxiibkiis.
Muuqaallada Dahdouh oo u baroordiiqaya qoyskiisa oo lug uga soo cararaya magaalada Gaza ayaa si caalami ah loo sii daayay toddobaadyadii la soo dhaafay tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya maleeshiyada Xamaas iyo Israa’iil 7-dii Oktoobar.
Isagoo la hadlayay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP, ayaa 53-jirkan waxa uu sheegay in uu ka soo gudbay xadka Rafah uu la wadaago Masar.
Dahdouh waxa uu sheegay in uu u sii gudbi doono dalka Qatar halkaas oo uu ku mari doono qaliin lagaga sameeynayo dhaawac ka soo gaaray weerar ay Israa’iil fulisay bishii hore, kaas oo lagu dilay sawir qaade u shaqaynayay shabakadda ay xarunteedu tahay Qatar oo lagu magacaabi jiray Samer Abu Daqqa iyo dhawr qof oo kale.
Xaaskiisa, laba caruur ah oo ay dhaleen iyo wiil uu awoowe u ahaa ayaa lagu dilay duqeyn bishii October ka dhacday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha Gaza, halka wiilkiisa ugu weyn uu ku dhintay weerarro bishan lala beegsaday gaari marayay Rafah.
Dahdouh waxa uu galay Masar Talaadadii isagoo la socda nin ay qaraabo yihiin, ka dib markii afar carruur ah oo uu dhalay ay ka gudbeen xadkaasi todobaadkii hore, sdia uu u sheegay AFP.
Ugu yaraan 82 saxafi ayaa lagu dilay dagaalka Israil iyo Xamaas, 75 ka mid ah waxaa lagu dilay Gaza, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay guddiga difaaca suxufiyiinta.
Arbaco jan-17 2024-{HMC} WAR DEG DEG AH -Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka jeedinayay shirka Jaamacadda Carabta.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Waa inaan rag iyo dumar udiyaar garownaa dagaalka Ethiopia “Senator leylo Axmed
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA