Home Blog Page 2946

Maxaa lagu Xaliyay Xiisadii u dhaxeeysay Shirkada Hormuud Hay’addaha NISA?

0

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Masuuliyiin ka tirsan hay’addaha amniga dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta ka wada hadlay xal u helida caqabadaha u dhaxeeyay laamaha amniga iyo Hormuud.

 

Labada dhinac ayaa la sheegay iney ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa ka wada shaqaynta danta guud si waafaqsan shuruucda dalka.

 

“Dowladda Soomaaliya waxay u taagan tahay ilaalinta amniga iyo badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda iyada oo markasta dhawraysa sharciga” ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo lagu baahiyay Warbaahinta dowladda.

 

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in labada dhinac ay xal ka gaareen caqabadahii taagnaa ee dhexmaray hay’adaha amniga iyo shirkada Hormuud.

 

“Caqabadahii taagnaa waxaa loo xaliyay si ay ku jirto masxalada guud ee dalka, waxaana kulanku ku dhamaaday jawi wanaagsan” ayaa lagu yiri qoraalka.

 

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahii ugu dambeyaayay xiisad adag ay u dhaxeeyay NISA iyo Hormuud taas oo sababtay in la xiro qaar ka mid ah xarumaha shirkada iyo shaqaalaheeda Muqdisho, kadib markii NISA Hormuud ku eedaysay in shaqaalaheedu qaarkood la shaqeeyaan Al-shabaab ayna shirkadu diiday in la baaro.

 

Iiraan oo weerartay dal heysta hubka nukliyeerka

Arbaco jan-17 2024-{HMC} – Iiraan ayaa weerar gantaallo ah ku qaadday bartilmaameedyo ku yaalla galbeebka dalka Pakistan, halkaasi oo labo carruur ah ay ku dhinteen.

Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsaday kooxda mintidka ah ee Jaish al-Adli, oo wasiirka arrimaha dibadda ee Iran uu ku tilmaamay “koox Iran ah oo argagixiso ah “kuwaasi oo Pakistan ku sugan”.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Balochistan, waxaana uu imaanayaa ka dib markii Iran ay weerartay bartilmaameedyo ku yaal Ciraaq iyo Suuriya horaantii todobaadkan.

Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in laba carruur ah ay dhinteen, saddex kalena ay dhaawacmeen.

Xukuumadda Islamabad ayaa sheegtay in weerarkan uu ahaa mid “sharci daro ah” “waxayna ka digtay cawaaqib xumo ka dhalankarta”.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Hossein Amir-Abdollahian, oo ka hadlayay magaalada Davos, ayaa ku adkaystay in aanay jirin wax muwaadiniin Pakistani ah oo la bartilmaameedsaday, kaliya xubnaha Jaish al-Adl lala beegsaday.

“Waxaan kaliya ku beegsanay argagixisada Iran ee ku sugan ciidda Pakistan,” ayuu yiri Mr Amir-Abdollahian.

Waxa uu intaa ku daray in uu la hadlay dhiggiisa Pakistan oo uu “u xaqiijiyay in aanu ixtiraamno madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Pakistan iyo Ciraaq”.

In Iiraan ay weerar ku qaaday Pakistan oo ah dal haysta hubka Niyukleerka ayaa ah mid lala yaabay islamarkana xaaladda si murjinaysa .

Dowladda Pakistaan ayaa muujisay sida ay uga carootay weerarkan ugu dambeeyay.

Pakistan oo ka jawaabaysa weerarka ayaa dib ugu yeeratay safiirkii u fadhiyay Tehran islmarkna waxaa Pakistan laga saaray safiirkii Iiraan.

Duqeymahan u dambeeyay ee dhanka cirka ah ayaa kusoo aadaya xili ay sii kordheyso xiisada ka taagan bariga dhexe, waxaana magaalada Gaza ka socda dagaal u dhaxeeya Israel iyo kooxda Falastiin ee Xamaas.

Tehran waxa ay sheegtay in aanay doonayn in ay ku lug yeelato isku dhac ballaaran. Balse kooxaha waxa loogu yeero “Axis of Resistance” oo ay ku jiraan Xuutiyiinta Yemen, Xisbullah ee Lubnaan iyo kooxaha kala duwan ee Suuriya iyo Ciraaq ayaa weeraro ku qaadaya Israa’iil iyo xulafadeeda si ay u muujiyaan garab istaagga Falastiiniyiinta. Mareykanka iyo UK ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday Xuutiyiinta kadib markii ay weerareen maraakiib ganacsi.

Isniintii, Iiraan waxay gantaallo ku garaacday Suuriya, gaar ahaan waqooyiga goobaha ay maamulaan Kurdiyiinta.

Iran waxay sheegtay in ay bartilmaameedsanayeen kooxda IS iyo xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad oo ay labadaba ku eedeysay inay ak dambeeyeen weerarkii ka dhacay Kerman.

Shiinaha ayaa Arbacadii ku booriyay Pakistan iyo Iran inay muujiyaan “xakameyn” oo ay ka fogaadaan ficilada horseedi kara xiisadda. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mao Ning ayaa intaa ku daray in Beijing ay u aragtay dalalka “daris dhow”.

Maxay yihiin kooxda Jaish al-Adl?

Jaish al-Adl, ama “ciidamada cadaaadda “, waa kooxi sunni ah oo ak soo jeeda asal ahaan Baloch.

Kooxdan ayaa waxay weeraro ak fuliyeen gudaha Iran iyo Pakistan.

Bishii December ee tagtay Jaish al-Adl waxay weerar ku qaadeen saldig booliis oo ku yaalla Rask, oo ah magaalo ku taalla xudduudda Pakistan.

Labo toddobaad ka hor Iran waxaa soo maray weerarkii ugu dhimashada badnaa e gudaha dalkaas ka dhaca tan iyo intii uu dalkaasi ak curtay kacdoonka islaamiga ah .

Labo qarax oo bambaanooyiin loo adeegsaday ayaa waxaa ku dhintay 84 qof ka dib markii la bartilmaameedsaday xaflad loogu baroor diiqayay dilkii Qasem Soleimani oo Ciraaq lagu dilay sanado ka hor.

Xamaas oo diidday in Falastiin iyo Israa’iil ay noqdaan laba dal oo kala madaxbanaan.

Arbaco jan-17 2024-{HMC} – Madaxa Xamaas ee dibadda, Khaled Meshaal, ayaa ku nuuxnuuxsaday diidmada ururka iyo shacabka falastiin ee xalka labada dawladood ah oo ah in Israa’’iil iyo Falastiin ay yeeshaan laba dal oo kala madaxbanaan.


Mr Meshaal ayaa yiri: “Dadkeennu waxay dalbanayaan xornimo, ka takhalusida gumeysiga, madaxbannaanida, iyo aasaaska dawladda Falastiin”.

 

Meshaal ayaa yiri: “Maxay Falastiiniyiintu u tahay inay qaataan shan meelood meel dhulka Falastiin?” Wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in mawqifka shacabka Falastiin uu yahay in dawlad looga dhiso badda ilaa wabbiga oo qeyb ka ah dhulka ay Israa’iil haysato.

Golaha Amniga iyo Nabadgalyada Midowga Afrika oo ka so Horjeestay Heshiiskii Somaliland Itoobiya.

0

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Golaha Amniga iyo Nabadgalyada ee Midowga Afrika ayaa muujiyay sida ay lama taabtaan u tahay ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed iyo Bulsho ee Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya xilli ay Ethiopia wali isku dayayso damaceeda waalida ah ee ku xadgudubka Soomaaliya.

Gollaha ayaa hoosta ka xariiqay waajibnimada ilaalinta Xeerka Midowga Afrika oo meesha ka saaraya in aan lagu xadgudbikarin Madaxbanaanida iyo midnimada Dalalka.

Golaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Shirka Madaxda Igad kaas oo isla arinka xadubka Ethiopia looga hadlayo.

Waxaa sii kordheysa xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii ay Addis la gashay Somaliland heshiis ay ku heleyso dhul xeeb leh oo laga kireeyo halkaas oo laga dhisayo deked toos ugu xiriirsan Itoobiya iyo saldhiga ciidamada badda ee itoobiya ay yeeshaan.

Madaxda Somaliland waxay sheegeen in heshiiskaas ay ku bedelanayaan aqoonsi ay ka heleen Itoobiya oo ay balanqaadeen inay noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada dal madaxbanaan.

Dowlada federalka Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad gudubtay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya ka dib heshiiskaas is afgaradka ah.

Heshiiskaas oo ay Soomaaliya ku tilmaamtay in uu xad gudub ku yahay qaranimadeeda ayaa huriyey xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxaysa labada dal ee dariskaa ka dib markii Soomaaliya si adag ugu jawabtay ficilkaas oo ay fariimo u dirtay Midowga Afrika, iyo ururu goboleedka IGAD.

Dalalka Maraykanka, UK, Midowga Yurub ayaa sheegay inay taageersan yihiin midnimada iyo madaxbananida Qaranimada Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Mid kamid ah hogaamiyaasha ururada Somaliland ayaa Xildhibaanada maamulkaas ku tilmaamay ciyaal

0

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Mid kamid ah hogaamiyaasha ururada Somaliland ayaa Xildhibaanada maamulkaas ku tilmaamay ciyaal

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

0

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka Badda & Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo heegan buuxa la geliyey

0

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Ciidanka Badda & Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo heegan buuxa la geliyey

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO SAWIRADA} Baarlamanka Soomaaliya oo yeeshay kulan looga hadlay xaalada Dalka.

0

Arbaco, January, 17, 2024 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 8-aad Labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Fadhiga maanta ee Labada Gole waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay guddoomiye ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa uu ajandahu ahaa warbixinta akhrinta 2-aad ee xisaab xirka Miisaaniyad sanadeedka 2022-kii.

Xoghayaha Guddiga Maaliyadda iyo Odoroska Miisaaniyadda Labada Aqal ee BJFS ayaa Xildhibaannada labada gole warbixin guud ka siiyay halka ay mareeyso xisaab xirka miisaaniyad sanadeedka 2022-kii isagoona mid mid u dul istaagay qoondooyinki ku baxay wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka iyo Dawladaha Xubanaha ka ah.

Xildhibaannada ayaa su’aalo weeydiiyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xange, isagoona ka jawaabay su’aalihii la weeydiiyay, waxaa uuna mid mid ugu sharxay, qoondihii ku baxay Dowladda sanadii 2022-kii.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunaanadka kulanka soo xiray ayaa sheegay in wixii su’aalo ah ay qabaan lagu wareejiyo guddiga iyadoo qoraal ah si loogu soo daro akhrinta 3-aad, loogana soo shaqeeyo waxyaabaha ka harsan dooda Xildhibaannada.

{DAAWO MUUQAALKA} “Wafuudu maanta oo kaliya maaha, ee way iska soo daba Dhacayaan… ” Maamulka Somaliland.

0

Arbaco jan-17 2024-{HMC} “Wafuudu maanta oo kaliya maaha, ee way iska soo daba Dhacayaan… ” Maamulka Somaliland.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga oo sheegay in ay diyaar u yihiin duulaanka Itoobiya.

0

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga oo sheegay in ay diyaar u yihiin duulaanka Itoobiya.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA