Home Blog Page 2945

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka IGAD ee looga hadlayo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Khamiis jan-18 2024-{HMC}  KAMPALA —  Magaalada Kampala ee xarunta waddanka Uganda waxaa saaka oo Khamiis ah ka furmaya shir-madaxeedka 42-aad oo ah mid aan caadiga ahayn, kaas oo ay iskugu imaanayaan madaxda dalalka IGAD, waxaana shirkan looga wadahadalayaa colaadda Sudan iyo xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Jabuuti dhowaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Ra’isul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Saalax Jaamac ayaa shalay gaaray magaalada Kampala.

“Madaxda Urur-Goboleedka IGAD ayaa kaga arrinasanayaan faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayuu ku yiri agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdulqaadir Cali Dige bayaan kasoo baxay madaxtooyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay Somaliland. Is-afgaradka ayaa dhigayey in Somaliland ay dhul dhan 20km oo bad ah ka kirayso Itoobiya, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, sida ay sheegtay Somaliland, inkasta oo Itoobiya aysan weli xaqiijin arrinta aqoonsiga.

Itoobiya ayaa qoraal ay u dirtay IGAD 13-kii bishan ku xaqiijisay inaysan ka qeybgaleyn shirkan.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah guddoomiyaha xilligan ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in madaxda ururkaasi ay iskugu yimaadaan shirkan.

Muxuu Yahay heshiiska ay gaareen Xamaas iyo Israa’iil?

Khamiis jan-18 2024-{HMC}  Israa’iil iyo Xamaas ayaa gaaray heshiis lagu ogolaanayo in gargaar bini’aadanimo oo dheeraad ah la geeyo magaalada Qasa, sida ay sheegeen xubnaha Qadar ee garwadeenka ka ahaa heshiiska.

Waxay sheegeen in heshiiska oo ay garwadeen ka ahaayeen dowladaha Qadar iyo Fransiiska, uu sidoo kale qeyb ka yahay, in dawo la siin doono dadka reer Israa’iil ee ku jira gacanta ururka Xamaas.

Si lamid ah, Israa’iil waxay ogolaan doontaa in gargaar aasaasi ah la gaarsiiyo Qasa. Xaaladda magaaladaasi ayaa ah mid adag, iyadoo duqeymaha Israa’iil ay socdaan in ka badan muddo saddex bilood ah.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa sheegay inuu rajeynayo in wadahadallo dheeraad ah oo la yeesho ay horseedi karaan soo siideynta dad badan oo la qafaashay.

Wefdiga Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa waddanka Qadar si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada heshiis noocaas ah.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka cad ee Mareykanka, John Kirby, ayaa Talaadadii shalay sheegay in wadahadallada ay ahaayeen ‘kuwa dhab ah oo dedaal bandanna ku baxay’.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Qadar, Majed Al Ansari, ayaa hore u shaaciyay heshiiskan gargaarka.

Heshiiska ayaa dhigaya in gargaar bini’aadanimo uu ka bixi doonpo magaalada Doxa ee dalka Qadar oo Arbacada manta la geyn doono ilaa Masar, kadibna sidaas lagu sii geyn doono Qasa si loo gaarsiiyo dadka shacabka ah.

Nin Ajnabi ah oo gabadh ku jarjaray Kenya

Khamiis jan-18 2024-{HMC}  Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay nin ajnabi ah oo loo haysto dilka arday Kenyan ah oo 20 jir ah.

Waxaa la xiray Talaadadii xilli uu isku dayay in uu Kenya kaga baxo baasaboorka Mozambique, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Meydka Rita Waeni oo la jarjaray ayaa Axadii la soo dhaafay laga helay guri muddo gaaban kiro loogu jiray oo ku yaalla caasimadda Nairobi.

Qoyskeeda ayaa hadda sheegay in ay aaminsan yihiin, “waxaa dhakray gacan ku dhiigleheedii, kaas oo sidoo kale isku dayay in uu lacag baad ah ka qaato qoyskeeda, xitaa ka dib markii uu dilay”.

Gacan-ku-dhiiglaha ayaa subaxnimadii Axadda soo diray saddex farriin oo ka timid taleefoonka gabadha, isadoo ka dalbanaya qoyskeeda in ay ku bixiyaan lacag madax-furasho ah oo dhan 500,000 oo shilinka Kenya ah ($3,100); 24 saac gudahood si loo sii daayo, qoyskeeda ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday sidaas.

Benzema oo dacwad ka gudbiyay wasiir eedeyn culus u soo jeediyay markii uu taageeray shacabka Qasa.

Khamiis jan-18 2024-{HMC} Laacibka kubadda cagta ee ee waddanka Fransiiska, Karim Benzema, ayaa gudbiyay dacwad sumcad dil ah oo ka dhan ah wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi Fransiiska, kaas oo uu sheegay inuu ku eedeeyay inuu xirriir la leeyahay ururka Muslim Brotherhood, sida ay ku soo warramayaan warbaahinta gudaha dalkaasi.

Wasiirka, Gerald Darmanin, ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay sheegay in Mr Benzema “uu xirriir la leeyahay” kooxdaasi.

Hadalkaasi waxaa uu ‘wax u dhimayaa’ sumcadda ciyaaryahanka ayuu yiri qareenka Benzema.

Ururka Muslim Brotherhood ayaa ah urur laga mamnuucay dhowr dal oo ay kamid yihiin Masar, Ruushka, iyo Sacuudiga.

Hadalka wasiir Darmanin ee bishii Oktoobar ayaa yimid, kadib markii ciyaaryahankaasi uu bartiisa twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku taageerayo dadka reer Qasa oo uu sheegay in ay dhibanayaal yihiin oo ‘aan loo tureyn carruur iyo haweenba’.

Darmanin waxaa uu sheegay in weeraryahanka Fransiiska lagu ‘yaqaanno xirriirkiisa ururka Muslim Brotherhood’.

Karim Benzema, oo 36 sano jir ah, oo u dheela kooxda Al-Ittihad oo ka dhisan dalka Sacuudiga ayaa ah Muslim ayaa codsaay in si deg deg ah tallaabo sharci looga qaado wasiirka.

Agaasimaha Sirdoonka Mareykanka CIA-da oo Safar aan Lashaacin Ku Tegay Muqdisho

Khamiis jan-18 2024-{HMC} Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William Joseph Burns ayaa Shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho caasimada Somalia

William Joseph Burns ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh iyo Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Salad Maxamed

Kulanka oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay arrimaha iskaashiga Amniga labada dal iyo la dagaalanka Argagixisada.

Agaasimaha CIA ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay safaro ku marayay Gobolka Geeska Afrika, iyadoo maalin ka hor uu Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Agaasimihiisa Sirdoonka.

Mareykanka ayaa waxaa Somalia ka jooga boqolaal askari oo ciidanka xoogga dalka ka caawiya dhinacyada tababarada, qalabka, saadka iyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha Al shabaab iyo Daacish oo Mareykanku ku daray liiska argagaxisada caalamiga ah.

Guddoomiye xigeenka CAF oo Ka Hadlay koobka qaramada Afrika

Khamiis jan-18 2024-{HMC} Koobka Qaramada ee Qaaradda Afrika ayaa dalka Ivory Coast ka bilawday bishan January 13-keedii. Xulka koobka haysta ee Senegal ayaa gucle ugu jiro inuu sii xejisto oo uu qaado sannadkan, hase ahaatee shaqo badan ayaa sugaysa.

Senegal oo koobkan haysatey muddo laba sannadood ah, ayaa ka mid ah 15-ka dal oo koobkan hore ugu guulaystay, laga soo bilaabo sannadkii 1957.

Illaa 24 xul ayaa sannadkan iska xaadiriyey inay ka qaybgalaan koobka qaramada qaaradda Afrika, kuwaas oo loo qaybiyey illaa lix kooxood oo min afar dal ah, taas oo ay wareega xiga u gudbayaan labada dal ee ugu dhibcaha sarreeya koox kasta.

Shalay waxaa wada ciyaaray xulalka Marooko iyo Tanzania, halkaas oo xulka Marooko uu 3 goal iyo eber kaga badiyey xulka Tanzania, inkasta oo xulka Tanzania laga saaray mid ka mida ciyaartoydooda, ka dib markii la siiyey kaadhka cas. Sidoo kale xulalka Democratic Republic of Congo iyo Zambia ayaa ciyaartoodii ay ku dhamaatay barbar dhac ama hal iyo hal.

Maanta ayaa la filayaa inay wada ciyaaraan xulalka Equatorial Guinea iyo Guinea-Bissau iyo weliba xulalka Ivory Cost iyo Nigeria.

Muxuu Fahad Yaasiin Kayiri Xiisada Soomaaliya iyo Ethopia?

Khamiis jan-18 2024-{HMC}   Mudane Madaxweyne,
Aqoonta aan kuu leeyahay, waxaan si buuxda u oran karaa inuu dhab kaa yahay dareenkaada iyo khudbadaha kala duwan ee aad jeedisay. Waxaan hubaa, inay run kaa tahay caadifaadaas. Marqaati ayaan u ahay, muddo xilaadkaadii koowaad in damac kasta laguu sheegay si aad tanaasul uga sameeyso qodobo taabanayey dhulka iyo badda Soomaaliya, maantana kalsooni taas lamid ah baan ku qabaa inaadan saxiixeynin wax taabanaya gobonnimada qaranka.

Mudane Madaxweyne,
Aqoonta kale ee aan kuu leeyahay waxay tahay inaad si saaid ah gaabis u tahay, go’aannadaadu jilicsan yihiin, culayska khudbadahaaga iyo cagajiidka tallaabo qaadkagana isma lahan. Soomaalidu waxay ku maahmaadaa, dharbaaxo rag bey kugu dirtaa, ee kaama dhiciso.

Madaxweyne, hadallada aad ku khudbeysay, hadallo ka culus oo la oran lahaa majirto. Waxaad ku dhawaaqday kalmado dagaal oo duullaan hubaysan soo dadajin karay. Laakiin nasiib darro, diyaar garawgeedii kaama muuqdo.

Itoobiya waxaa u dhiman oo kaliya waa iney lugaha soo dhigto xeebaha Soomaaliya, oo ciidan iyo cudud keensato, intaan ogahayna gorshahaas waa u diyaarsanyahay, weyna ku dhaqaaqayaan, colkana ka hortag buu ku qurxanyahay.

Mudane Madadweyne,
Waxaan hawada kuu soo marinayaan tallaabooyinkan oo dhamaantood ka hortag ah.

1. Itoobiya si buuxda ugu jar xiriirka diblomaasi, sidaasna xiriirka ha u jarnado ilaa ay ka noqoneyso heshiiska aan dhaqangalka ahayn ee ay la gashay maamulka aan sharciga ahayn.

2. Ciidanka Itoobiya ee dalka jooga kuwooda ATMIS kamid ah iyo kuwooda aanan kamidka ahayn labaduba dalka ka saar, muddo ay dalka uga baxaanna u gabo. Haddii ay ka bixi waayaana, haloo aqoonsado, ciidamo gumaysi ku jooga dalka. Muddadaas loo qabtay iney dalka uga baxaan, waxaad raadsataa dalkii buuxin lahaa goobaha ay ka baxayaan, weyna jiraan wadamo diyaar u ah iney booskaas buuxiyaan.

3. Dowladda inay qaado olole diblomaasiyadeed oo dalalka Afrika kusoo wareega oo ka dhaadhicaya in Midowga Afrika xaruunteeda laga raro Addis Ababa, bacdamaa ay ku xadgudubtay xeerarakii u dagsanaa ururka.

4. In hawada Soomaaliya laga xidho duulimaadyada diyaaradaha laga leeyahay ama ka diiwaan gashan dalka Itoobiya.

5. Dalalka aan walaalaha nahay sida Turkiya, Ereteriya iyo Masar waxaad lasoo gashaa iskaashi difaac, waxaadna dalka ka sisaa saldhigyo milatari si ay qayb uga nogdaan amniga gobolka, amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Mudane Madaxweyne,
Waxaad isku hallaysaa rabigaa iyo umaddaada, waxaadna ogaataa awoodaha aad leedahay iney ku filanyihiin difaaca dalka. Si sahal ah, baad uga hortagi kartaa damaca gurracan ee Itoobiya, waase haddii aad isku tashato.

Marna ha moodin taagero iyo xoog dibadda kaaga imanaya inuu joojin karo damaca waalan ee Abiy Axmed. Dunidu, mar walba, waxay oran doontaa xaaladda hala dajiyo, xitaa marka ciidanka Itoobiya ay xeebaha Soomaaliya yimaadaan oo ay qabsadaan.

Mudane Madaxweyne,
Naxariista calamka ha sugin, hana ku tashan ee waxaad sacabadaada ka buuxsan kartid iyo kaararka culculus ee gacantaada ku jira isticmaal oo daafac iyo duulaan ka dhigo.

Mudane Madaxweyne,
Marka gobonnimada dalka lagu soo xad gudbo waxaa qarsoomaya muxaafid iyo mucaarad. Sidaas awgeed, waxaan diyaar u nahay inaan ku garab galno, cadawga dalkana aad tusto dadkaaga oo midaysan. Waxaase khasab ah in la arko hogaamintaada oo leh karti ay ku uruuriso awoodaha kala duwan ee ku dhex duugan dadka Soomaaliyeed.

Jaamacadda Carabta oo sheegay in ay ku taageereyso Dawladda Soomaaliya Difaaca Midnimada iyo Madaxbanaanideeda

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Jaamacadda carabta oo sheegay in ay ku taageereyso Dawladda Soomaaliya dariiqkasta oo ay ku difaacanayso midnimada iyo

Madaxbanaanideeda dhuleed iyaga oo muujiyay sida ay u diidanyihiin xadgudubka Ethiopia.

Shir deg deg oo ay isugu yimaadeen Wasiirada arrimaha dibadda dalalka jaamacadda carabta Shirkaas oo looga arinsanayay heshiiskii sharci darada ahaa ee Itoobiya lagashay maamulka gobolada waqooyi ee dalka waxaa ka soo baxay Qaraarka No. 8988 .

Kadib markii la dhageystay khudbadii Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee furitaanka kalfadhiga aan caadiga ahayn ee maanta la qabtay waxaa ka soo baxay go’aanadaan.

 

1. In la xoojiyo taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliya, sido kale la ilaaliyo madaxbannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirka, Soomaaliya xaqa ayay u leedahay inay si sharci ah udifaacdo dhulkeeda.

sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qarameedka Qaramada midoobay iyo kan Jaamacadda Carabta, iyadoo la raacayo sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo qodobbada Axdiga Qaramada Midoobay, Waddamada Carabta ee ay khusayso, waxay isku raaceen inay ka taageeraan Soomaaliya tallaabo kasta oo ay go’aansadaan inay qaadaan.

2. si isku duubni iyo taageero buuxda oo lala garab istaago mowqifka dawladda Soomaaliya ee u aadan “Heshiiskii Is-afgaradka” ee 1/1/2024 ay ku wada saxeexdeen Itoobiya iyo Deegaanka maamulka “Somaliland” u yahay waxba ka jirin oo aan la aqbali Karin, tasoo ka dhigan xad-gudub bareer ah oo loo geystay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

3. In laga horyimaada si cad ficil kas ku lid ah ku xad-gudub ku qarannimada Soomaaliya, ama isku dayga in laga faa’iidaysto Xaaladda gudaha taas khadar ku ah dadaalad wada xajooka u dhaxeey somaaliyada.

4. In somaliya latageero , Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gudbiso Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda, .

5. Inga qaato Diidmo buxday ka fa’idaysa Heshiiskii Is-afgaradka “ kaasoo Xukumada somaliya ku tilmaad waxba ma jiraan ,

6. Dib-u-xaqiijinta mawqifkii Carabta ee muddada dheer soo jiray ee ah in dhulka Soomaaliya ee gobolada Waqooyi uu yahay qayb muhiim ah oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tix-raac u tahay Axdiga Jaamacadda Carabta iyo Mabaadi’diisa, iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

7. Arrintan ayaa ah mid dhaawacaysa Aminga , Xasilooniya mandiqada.

8. In loo xilsaarray Goleyaasha Safiirada Carabta ee magaalooyin New York, Goya, Viana, Bruxem, Addis Ababa, Washington, iyo LodenParis, Beijing iyo Mexico, u gudbinta go’aankan ka soo baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda.

9. Xoghayaha Guud ee jamacada carabta ka codsanaya inloo xilsaaro koox-hawleed heer wasiir ah oo dabagal ku sameeya dhaqangelinta go’aan maanta soo baxay.

10. Xoghayaha Guud ee jamacada carabta ka Codsaday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Midowga Afrika sidi loo shaqayn lahaa meel marinta go’aan maanta soo baxay.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda

0

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Shiikh Mohamud ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda si uu uga qeyb galo shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan madaxda IGAD iyo dowladda si loo dardargeliyo dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida gobolka iyo ixtiraamka madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {17/ 01/ 2024}

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii : abdi maajid abdirxman aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO